Sunday, August 03, 2008 -  Dhammaan Xubnaha Ururka Waddaniga Soomaaliyeed iyo taageerayaashiisa iyagoo ka xun kana tiiraanyeysan waxay halkaan cambeereyn uga soo jeedinayaan falalka Bani’aadinimada ka baxsan oo lagu bartilmaameedsanayo Haweenka, Ganacsatada iyo Dadka Waayeelka ah oo mar walba ka dhaca gudaha Soomaaliya.

Waxaa qarax lagula beegsaday Haween Soomaaliyeed magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, waxaa kaloo qarax ka dhacay Magaalada Beledweyn waxyeello loogu geystay ganacsato iyo dad rayid ah. 

Shareecada Islaamka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed midna kama mid ah in Haweenka la xasuuqo, oo dhibaato loo geysto iyadoo la fushanaayo dano siyaasadeed ama dano gaar ahaaneed.

Ururka Waddaniga Soomaaliyeed waa Urur ay ku midaysan waddaniyiin Soomaaliyeed oo ku kala nool Soomaaliya gudaheeda iyo adduunka Daafihiisa, Waddaniyiinta ururkan ku midoobay isuguma imaan qabiil iyo dano gaar ahaaneed. Waxay isugu yimaadeen Allah dartiis, Soomaalinimo iyo dhiig Waddaninimo. Waxaan ugu baaqaynaa kooxaha Siyaasadda Somalia isku hayo inay Muujiyaan Waddaninimo, Soomaalinimo iyo Allah ka Cabsi oo ay ka fogaadaan falalka waxashnimada ah oo lagu dhibaataynayo Haweenka, Ardayda, Waayeelka, Culimada, ganacsatada iyo Odayaasha Dhaqanka.

UWS waxay halkaan Tacsi uga dirayaan Dhammaan dadka rayid ah oo ay haweenka ugu horreeyaan ee sida xasuuqa iyo xaqdarrada loogu laynayo maalin walba gudaha Somalia. Waxayna ALLAH (SWT) ugu baryayaan intii dhimatay inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo. Ehelladoodana samir iyo Iimaan ka siiyo. “Aamiin”.

Waxaan Allah (SWT) ka beryeynaan inuu Ummadda Soomaaliyeed ka dul qaado dhibka ay maanta ku jiraan. “Aamiin”.

 

Abdullahi Jama Mohammed

Ururka Waddaniga Soomaaliyeed

Toronto, Canada.

 

soomaalibaanahay@hotmail.com