Dahabo Dowlo oo
Canbaareysay Xasuuqii Ciidamada Itoobiya ay ugu geysteen Shacabka
Soomaaliyeed deegaanka Carbiska oo ah mid ka baxsan Arrimaha Xuquuqda
Bini’ aadanimada.
|
Posted
on Qaranimo Online - August 22,
2008
|
|
Dahabo Isse (Dahabo Dowlo)
BSC, BA, and MA Diplomacy
dahaboisse@googlemail.com
|
KU:
Qaramada Midoobay
KU: Haya'aha Dowliga Caalamka
KU: Hayadaha xaquuqul Insaanka
KU: Waxgaradka iyo Aqoonyahanka
Soomaaliyeed
OG: Dowladda Soomaaliya
Maaliintii Jimcaha aheyd ee Bisha August
15, 2008, ayaa ah maaliin xasuus Murugo
leh Xanbaarsan oo Tiiraanyo aan go'in ku
ah Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay
joogaan, ka dib markii la xasuuqay dad
rayid ah oo Rakaab ahaa oo saaranaa
gadiidka dadweynaha oon waxba galabsan.
Dadkaasi la xasuuqay oo muwaadiniinta
Soomaaliyeed ahaa oo tiradooda lagu
qiyaasay iney gaareen 90 ruux ilaa 100 qof
ayaa sida la xaqiijiyey ka soo socday
magaalada Afgooye kuna soo jeeday
magaalada Caasimada Soomaaliyeed ee
Muqdishu, iyadoo dad badani ay hore uga
barakaceen deegaanka caasimada iyo
agagaarkeeda oo ay dhibaato ka soo
wajahday dagaalada ka jira awgeed.
Xasuuqaasi oo lagu eedeeyey Ciidamada
Itoobiya oo isla maalintaas qarax ay la
beegsadeen xoogaga ka soo horjeeda
joogitaankooda ayaa la soo xaqiijiyey iney
jawaabteeda Aarsiga loogu bedelay in la
xasuuqo dad Rayidka ah ee Biri- ma- gooyso
ah, oo aysan jirin cid ay denbi ka galeen,
balse ahaa dhibanayaal inta badan dhibka
uga imanayay dagaalada ka socda koofurta
Soomaaliya ay iyaga qasaare badan ka soo
gaaraan.
Ciidamda Itoobiya ayaa Soomaaliya ku jooga
ogolaanshaha dowladda Soomaaliyeed sida ay
sheegteen, iyagoo cudud u ah Dowladda
Fedealka ah, balse nasiib daro ay tahay in
xoogoodii ay isugu geeyeen sidii ay u
xasuuqii lahaayeen dadka Shacabka
Soomaaliyeed ah oo mudan in iyaga la
ilaaliyo.
Ciidamda Itoobaya ayaa sidoo kale lagu
eedeeya iney caado ka dhigteen in mar
kasta oo xoogaga ka soo horjeeda
joogitaankooda dalka Soomaaliya ay dagaal
la beegsadaanba, iney iyaguna ka
aargoostaan shacabka Soomaaliyeed oo ay
madaafiic iyo rasaas aan loo kala meel
deyin ay ku garaacaan xaafadaha Dadka
Rayidka ahi u badan yahay, taasoo
macnaheeda uu yahay in ujeedada
Itoobiyaanku ay tahay in asakerigii ka
dhinta loogu aarayo dadka Rayidka ah
iskaba daa iney iska celiyaan kuwa ka soo
horjeeda, taasoo loo fahni karo falalka
aargiisiga ciidamda Iyoobiyaanku uu yahay
maxaa iga galay kii dhinta Soomaalida ayuu
ka dhimanayaaye.
Ciidamda Itoobiya oo durbaba markii ay soo
galeen magaalada Muqdishu ay laba bilood
ka dib ku xasuuqeen dad gaaraya 1,384 ruux
mudo 4 maalmood gudaheed ah ee
dabayaaqadii bishii March iyo bilaawgii
April ee sanadkii hore 2007.
Haddana maa;intii Jimcaha ee 15 August
2008 ayey hadana hal maalin ku dileen 100
qof oo rayid ah oo sida la soo xaqiijiyey
qaar ka mid ah loo gowracay sida xoolaha,
taasoo ku tusineysa sida waxashnimada ah
oo ay u dhaqmayaan Ciidamda Itoobiya oo
goor kasta ku xad gudba xuquuqda Insaanka,
kuna kaca falal ka dhan ah
bini’aadnimada iyo xeerka u degsan
caalamka oo aan la ogoleyn in goobaha is
khilaafku ka jiro dhibaato loogu geysto
dadka rayidka ee aan waxba galabsan.
Dhacdaan u danbeysay ee ka dhacday
deegaanka carbiska ayaa loo arki karaa in
lagu xagal daacinayo dib u heshiisiinta
Beryahan danbe ka socda magaalada Jabuubti
ee Jamhuuriyadda Jabuuti, taasoo dad
Badani u dhega taagayaan waxa ka soo
baxaya, iyadoo la filayey iney yaraan
doonaan dilalka lagu hayo shacabka
Soomaaliyeed oo lagu eedeeyo Ciidamda
Itoobiya iyo Kuwa Dowladda, balse markasta
oo heshiiskaas la bilaabayo dhib loo
geystaa shacabka Soomaaliyeed oon waxba
galabsan. Maxay ku muteysteen dhibkaan?
Waxaa xasuus mudan in inta uusan bilaaban
shirkii dib u heshiisiinta dalka Jabuuti
ee bishii Juun, in masaajidka Al Hidaaya
lagu xasuuqay wadaado Tabliiq ah oon
dagaal ku jirin, iyadoo sidoo kale markii
heshiiskaasi ay kala saxiixteen kooxda
Isbaheysiga Soomaaliya iyo kooxdii Dowlada
mataleysay, maalmo ka dib dad shacab ah
lagu xasuuqay deeganada Guri Ceel,
Matabaan iyo Baladeweyne oo ka kala tirsan
Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan.
Waxaa xaqiiqa ah in maalin kasta oo
dhalata si bilaa macne ah loo laayo dad
rayid ah oo dhalinyaro u badan oo aan
waxba galabsan, iyadoo dhacdooyinka
dilalka shacabka Bilahaan danbe ay murugo
badneyd falka xasuuqa ahaa ee jimcihii la
soo dhaafay ka dhacay deegaanka Carbiska
ee duleedka magaalada Muqdishu, iyadoo
markaasi uu furmayay heshiiska Jabuuti oo
ay halkaasi joogaan kooxo kala Matalaya
mucaaradka iyo dowladda Soomaaliya, kaasoo
laga rajeynayey bilaawgiisii horeba lagu
diirsado oo uu shacabka dhibka ka duul
qaadi doono, balse uu sii kordho mar kasta
oo uu bilaabanayo.
Haddaba aniga oo ku hadlaya magaceyga iyo
magaca ummadda Soomaaliyeed ee igu fikirka
ah, aqoonyahanka Soomaaliyeed ee ka
danqanaya dilalka lagu hayo shacabka
muwaadiniinta Soomaalieed ee ka xun
xasuuqaasi loo geysatya dadka rayidka ee
gaaraya 100 ruux ee rakaabka ahaa
maalintii Jimcaha, ayaan waxaan u soo
jeedinayaa Dowladda Itoobiya iyo
Ciidamadeeda ka jooga Soomaalia canbaareyn
ka dhan ah falkaasi waxashnimada ah ee ka
dhanka ah arrimaha bini’aadnanimada.
Waxaan ka codsanaya Caalamka iyo Qaramada
Midoobay iney sidoo kale canbaareeyaan
soona farageliyaan falkaasi waxashnimada
ah oo la ilaaliyo xaquuqda maatida
Soomaaliyeed, maadaama aysan ka hadlin
dowladda Soomaaliya ee caalamku taageersan
yahay oo u eg kuwa aan Shacabkooda
Soomaaliyeed ka naxeynin ama aan kala
jecleyn dhibaatada joogtada ah ee loo
geysanyo.
Sidoo kale waxaan ka codsanaya Hayadaha u
dooda Xuquuqda Aadanaha iney dhaleeceeyeen
fakaas xasuuqa ah ee lagula kacay dadka
Rayidka ah oo masaakiinta ah oo hore u
ahaa dhibanayaal uu saameeyey dagaalka
joogtada ah ee ka jira magaalada Muqdishu
iyo koofurtaba Soomaaliya, lana soo taago
maxkamad kuwii ka danbeeyey falalka ka
baxsan Bini’adnimada.
Waa Murugo u soo hoyatay ummadda
Soomaaliyeed mar haddii waxgaradkooda,
aqoonyahankooda iyo dowladoodu aysan waxba
ka qaban Karin dhibaatada joogtada ah ee
lagu hayo dadka masaakiinta ay ah ee Biri
ma goosada ah ee ah muwaaniinta
Soomaaliyeed, oo xaqii ay ku lahaayeen
wadankooda loogu bedelay dil joogta ah.
Ugu danbeyntii waxaan tacsi teeraanyo
huwan u dirayaa ehaladii iyo qoysaskii
dadkooda la xasuuqay iyo dhamaan shacabka
Soomaaliyeed ee ka xun dhibkaas iyo midka
joogtada ee lagu hayo shacabka
Soomaaliyeed.
Ilaahay intii dhimatayna ha naxariisto,
Soomaalida noolna dhexdeeda nabad ha ka
dhex dhaliyo (AMIIIIIIIIIIIIN)
Dahabo Isse (Dahabo Dowlo)
BSC, BA, and MA Diplomacy
dahaboisse@googlemail.com
(17
Aug 2008) (reads: 303)
Xafiiska Wararka ee Toronto, Canada
Qaranimo Online
info@Qaranimo.com
|
|
|
|