Home Contact us Country Profile

Presidential Profiles

Sports Religious Pages Videos Audio

Kulankii GOS & Xidigaha Soomaaliya China

 

 

Posted on Qaranimo Online - August 30, 2008


Saturday, August 30, 2008 - Waxaan Peiking  China kula kulanay ciyaartooy iyo macalimiin  Soomaaliyeed, kuwaas oo matalayey wadamada kala duwan

Halyeey Cabdi Bile Cabdi ayaa macalin u ahaa ciyaartooyda oradada dalka Sacuudiga.

Jaamac Karaaciin oo macalin u ahaa  ciyaartooyda oradada dalka Sudan.

Maxamed Saleebaan oo u qaabilsan horumarinta ciyaaraha fudud dalka Qatar

Maxamed Faarax                                        5000M u ordayay dalka Britian.

Mustafe Maxamed                                      3000M    u ordayay dalka Sweden.

Cabdi Cabdiraxman                                    10.000M  u ordayay dalka USA.

Kulankaas oo dhaxmarey Gudiga Olampikada Soomaaliyeed  iyo Cabdi Bile, Jaamac  Karaciin, Mohamed Sulaymaan, Maxamed Faarax, Mustafe Maxamed & Cabdi Cabdiraxman ayaa looga hadlay sidii loo horumarin lahaa cayaaraha fudud Soomaaliya iyo sidii ay wax ugu qaban lahaayeen dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa la isku af gartey in 6 xero oo lagu tababarto ciyaaraha fudud laga furo Soomaaliya lix gobal oo ka mid ah sida Banaadir, SH.dhaxe, Hiiraan, Bay, Sool iyo Togdheer, ugu horeyntiina waxaa laga furey xeradii ugu horeysay magaalada Laascaanood, waxaana maalgalinaayo ciyaaryahankii orada  800 & 1500 M dalka Qatar u ordi jirey, haatana ah madaxa horumarinta cayaaraha fudud dalka Qatar Mudane Maxamed Saleebaan.

Waxaa xusid mudan in Macalin Jaamac Karaciin iyo Maxamed Saleebaan ay balan qaadeen inay ku tababaraan si lacag la’aan ah xeryaha ay ku tababaraan ciyaartooyda dalalka Qatar iyo Suudan kuwaaas oo xeryo tababar ku leh dalalka Kenya, Tansania, Yemen iyo Sudan

Mudane Duran Farah ayaa hadalkiisii ku soo gunaanuday inay u qiiroodeen dalka Soomaaliya intii ay joogeen China , waxana u yiri waxaa arkaysaa qiimaha ay leeyihiin dadka iyo dalalka kale marka ay joogaan Olampikada isla markaana wadan walbo ay ka socdaan boqolaal ka qayb galaysa ciyaaraha noocyadiisa kala duwan halka anagana 2  qof noolugu ogalaaday inaan ka qayb galno un sida sharciga dhigaayo balse hada kadib loo baahan yahay inaan si weyn uga qayb galno iskuna diyaarino  2012  hadii Eebe idmo,

Waxaana taas suurtagalinteeda looga fadhiyaa dhamaanteen, marka qofkii wax qaban karo ama ka qayb gali tartamada waxaan ugu baaqaynaa inaa u soo istago sidii dalka Soomaaliya sumcad darada ka haysata caalamka ugu badi lahayn xushmad iyo wanaag iyo in Soomaaliya aanu ku soo celino caalamka ayuu hadalkiisii ku soo gunaanaday Duran Faarax oo ka mid ahaa ergadii Soomaaliyeed ee ka qayb gashay ciyaaraha Olampikada aduunka ee dhawaan lagu soo gunaanaday dalka Shiinaha.

 

W/D: Yusuf Yusuf

Secretary General of SSPA & Sports Editor

mrsomalia@hotmail.com

London

 

 


Xafiiska Wararka ee Toronto, Canada

Qaranimo Online

info@Qaranimo.com


 

Custom Search

who's online