Home Contact us Country Profile

Presidential Profiles

Sports Religious Pages Videos Audio

Hooyooy Ma La Iska Kacsanayey Mise Waa La Iska Kicinayey?!

 

Posted on Qaranimo Online - August 28, 2008

Dr. Qaasim Xirsi Faarax

Email: qaasim@mail.com


Thursday, August 28, 2008 - Ba’nayoo hoognayeey tanina ma noo dambaysay!!! ayaa mar qudh ah afkayga iyo qalbigayga ka soo booday aniga oon is ogeyn sida uu xaalkaygu yahay, ka dib markii aan caawa dhegaystay oohinta gabadha la yiraahdo Aamina Musse Cadde oo hadda ka hor ay shaqaalaha Tigreega u qaabilsan gumaysiga Soomaaliya u sheegeen in ay tahay Agaasimaha Guud ee Canshuuraha Degadaha Soomaaliya. Catawga iyo cabshada gabadhaas iyada oo mas’uul isu haysata uu odayga Tigreega ihi amarka ku bixiyey in loo soo xirxiro oo gurigiisa loogu keeno, deedna uu mudada iska haystay ayaa waxaa isna cabasho boohin ah ku biiriyey ninka labaad ee ugu dabadhilifsan inta Tigreega u shaqaysa, isla markaana ugu qalbiga adkaa uguna xaasidsanaa qabqalayaasha dagaalka, Mr. Maxamed Dheere (ka tixraac: HOL, 27 August, 2008).

Tani waxay mar kale qalbigayga ku soo cusboonaysiisay xusususta cinwaanka qoraalkaan oo aan hadda ka hor qoray aniga oon weli dhib weynba ka helin dhaqanka gumaystayaasha Soomaaliya. Qoraalka cinwaankan oo kale ayaan hadda ka hor ku faafiyey dhawr Website oo ay ka mid ahaayeen “luuliyo.com” iyo “alldalka.com”. Xilligaas hore waxyaalihii aan ka qaylinayey waxaa ka mid ahaa:

  1. Cadawga Soomaaliyeed ee Tigreega oo bishii koowaad ee gumaysigooda calanka Ethiopia ka taagay dhammaan xarumihii astaanta dawladnimada ee Soomaaliyeed sida: Xaruntii Gaashaan dhigga Soomaaliyeed, Madaxtooyadii Qaranka, Fagaarihii Bandhigga waxqabadka iyo horumarka dalka ee Tarabuuka, Fagaarihii dab ridka ee Carbiska, iyo meelo kale.

  2. Qaabka calanka looga taagay dhulalkaas oo ah qaab muujinaya mulkinta iyo hanashada dhulka. Calanka ayaa ahaa mid ciidda loo qoday oo lagu qotomiyey sida in ay dhulkiisii tahay, halkii haddii dhismo taagan dushiisa laga taago sida safaarad oo kale ay arintu caymo lahaan lahayd

  3. Gumaystayaasha oo si foolxumo ah u kala eryey raxamo dad ah oo isku dayey in ay u dabbaal degaan maalintii xornimda Soomaaliya ee 1 da July. Dabbaaldegayaashaas ayaa lagu war geliyey in aysan dib dambe isgu imana Karin munaasabad tan la mid ah

  4. Astaantii ciidanka cirka Soomaaliyeed oo durba la badelay lagana dhigay isla astaanta ciidanka cirka ee Ethiopia iyada oo lagu sheekaynayo in ay ka walax tahay iskaashiga labada ciidan cir, inkastoo uusan midkood maanta jirinba

  5. Khudbaddii dheerayd ee uu taliyaha ciidanka Tigreega Mr. Gabre uqaabilsan gumaysiga Soomaaliya u jeediyey oday-dhaqameedyada beesha Hawiye oo uu ku furfurtay “war Hawiyow Dir, Daarood, Digil iyo Mirif intuba way ina soo dhaweeyeen oo na rabaane maxaa idinka nagu kiin taagay”? ka dibna uu ugu qalbi qaboojiyey in cidda uu doonayo ee uu cirib tirayaa aysan Hawiye oo dhan ahayn ee Cayr oo keliya tahay. Taasina waxay isoo xusuusisay beer dulucsigii iyo beer laxawsigii ay nagu dayeen (haddaanu ahayn siyaasiyiintii ka soo jeeday beesha Daarood) kolkaan joognay xeradii Doofaarreey ee lagu soo unkay laguna soo naaxiyey calooshood u shaqaystayaalka maanta u adeegaya gumaysiga ay ku qarwayaan qawmiyadda tirade yare dunida ugu miisaanka hoosaysa. Kalmadahaas oo ahaa “annagu haddaanu Tigree nahay idinka Daarood ah ayaan idin taageeraynaa oo waxaan idiin gudaynaa Abaalkii ay dawladdiinii Barre noo soo gashay, waxanan doonaynaa in aan Hawiye idnkaga aarno silicii iyo saxariirtii ay idin badeen”.

 

Maqaalkii hore ee isla cinwanakaan ahaa waxyaalhii igu dhaliyey ayey kuwaasi ka mid ahaayeen. Balse tabartii gumaysi halbeeg ee Cutubka keligiis Wareega ee Tigreega oo sii xidido mudatay awgeed ayey dhacdooyinku intaa ka sii fogaadeen oo waxay gaareen heerarka ay ka mid ayaahaan:

·        Taariikhdu markii ay ahayd 21 kii Febraayo 2008 dii ayuu Generaal Gabre usoo galay hogaamiyaha calooshood u shaqaystayaalka daba dhilifyada ah, Mr. Cabdullahi Yuusuf isaga oo ka xanaaqsan hakad ku yimid awaamir hore oo uu baxshay awgeed, ka dibna DHARBAAXO XOOG LEH AYUU KAGA SOO GOOYEY WEJIGA NINKII MADAXWEYNAHA SHEEGANAYEY (Innaa Lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuuna), kana sii baxay isaga oo ku goodinaya in uu dili doono gebigiisaba (ka sii tixraac warbaahinta ay ka midka yihiin: PressTV – 22 Feb. 2008, Hiiraan.com, iyo kuwo kale)

·        Taariikhdu markii ay ahayd Arbaco, August 13, 2008 ayey ciidamada Ethiopia ee ku sugan gudaha degmada Afgooye si weji gabax iyo foolxumo ah meel fagaare ah hub-ka-dhigis ugu sameeyeen Guddoomiyahii Degmadaas Maxamed Cumar Muuddey, iyaga oo ugu goodiyey xabsiga Alambaqo ama Xabsi Ogaadeen (ka sii tixraac Hiiraan.com, HOL, iyo guud ahaanba warbaahinta Soomaaliya)

·        Maalintii la meel marin waayey Ra’isulwaseernimadii M. C. Geeddi oo lagu sifayn karo in uu yahay Abeeso fanax leh oo afka u dhigatay xoogaagii deeq ahaanta loo siiyey dadka macluusha ugu dhamaanaya Soomaaliya waxaa la tartan siiyey dhawr nin oo soo hunguriyeeyey jagadaas ugu dambaystiina uu ku baasay Nuur Cadde, inkaastaw u muuqdo in uu yahay oday nabad doon ah. Tartankaas ayaa muqaabaladiisa (interview) waxaa qaadayey saraakiil Tigreey ah, su’aalihii ay weydiiyeena waxaa ka mid ahaa “Haddii adiga oo Muqdisho jooga oo maamulkaaga wata ay mas’alo kugu adkaato xaggee ayaad ula noqonaysaa oo jawaabta ka doonaysaa”? Mid ka mid ah tartamayaashii ayaa ku jawaabay “kolleey inta diyaarad Helicopter ah la igu qaado Addis Ababa la iga soo siin mahayo jawaabta ee halkayga ayaan ku xallisan doonaa”. Waad dhacaday ayaa loogu war celiyey!!

·        Taariikhdu markii ay ahayd 29 kii April 2008 ayuu Nuur Cadde u diray warqad Maxamed Dheere uu ku amrayo in uu hubka iska dhigo. Hase ahaatee qaabka ay warqaddaasi u qornayd ayaa tusinaya cidda rasmi ahaan u xokunta Soomaaliya oo ah Askariga maanta soo xaraystay gabadhii dhaqaalaha baadda ah (gibir) ee ay u bixiyeen Canshuur uga soo aruurinaysay Degadaha, ka dib markii uu soo dhameeyey gabdhihii Soomaaliyeed intay ishu qabatay ee uu haleelay. Warqaddaasi waxay ku bilaabatay “Ku: Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Og: Col. Yohana Abate, ENDF Commander, iyo dhawr kale, ugu dambaystina Og: Madaxweynaha, C. Yusuf” (tixraac: alldalka.com, Thursday May 08 2008 , IWM)

·        Taariikhdu markii ay ahayd 25 kii August 2008 ayay ciidamada Tigreegu ku amreen dhammaan madaxda iyo mulkiilayaasha Xawaaladaha Muqdisho in ay bishiiba iska dhiibaan baad lacageed oo dhan $20,000. laakiin waxay kuwada cabaadeen in aysan u suurtoobi Karin oo dakhliga soo galaaba uusan intaa dhamayn. Laakiin taasi waxay gaarsiisay in xabsigii Afar Irdood laga buuxsho gebi ahaantoodab ayna xilligaan ana qoraalka qorayo ku gaartay maalintii saddexaad oo ay xabsi dhinaca ujiifaan iyaga oo bahdalaysan.

·        Taariikhdu markay ahayd 27 August 2008 , ayey ciidamadaas oo tuhunsan in ay jiraan  lacago laga aruuriyey maatada muwaadiniinta ah oo aan gacantooda soo gelin ayey burburiyeen xaafiiskii baadda u aruurin jiray, gabahdii u madaxda ahaydna iska wateen oo ninka u madaxda u ah oo guri qurux badan bililiqo ku degan loogu geeyey, si ay ugu geerasheeyo inta uu khamarada cabayo

·        Dhab ahaantii aad bay u fara badan yihiin ceebaha iyo musiibooyinka aan kala kulanay Qandhicilleey ee waa in aan isku daynaa bal in aan si xiilad ah uga fara baxsanaa, deedna is gacan qabsanaa inaga oo wax kaste oo dhacay ama naloo geystay iska illoobayna (XALAY DHALAY).

·        Ugu dambaystii, waxa igu xambaaray ku halqabsiga Cinwaankaan xusuus aan ka hayo odayga uu mashaqeeyey cudurka Anaaniyada xukun is moodsiinta ah (super ego = ana al ‘aclaa) ee madaxweynenimada u waashay, Beer Adhile. Xusuustaas oo ah maalintii uu calanka Ethiopia ka taagayey magaalooyinka Soomaaliyeed ee ay ka midka yihiin Balanbal ayna Xabashi ugu abaal guday todoba sano oo xarig Alambaqo ah. Taas oo lala xiriiriyo sanadkaa maanta ah oo markii uu gacanta u geliyey dhammaan dalkii Soomaaliya mood iyo noolba, dadweynihiisiina bar wiiqay ay ugu abaal guday Dharbaaxooyin iyo Fagaare ku ceebayn ay go’aanadiisa ku  buriso sida tii ugu dambaysay ee ah in uu ku soo hungoobay maxkamaddii (hearing) uga socotay Addis Ababa mudaddii labada Asbuuc ahayd ee ay dhammaantood isku mar dalka ka maqnaayeen iyaga oo maxkamad la saarayey.

·        Halqabsiga cinwaanku ma ahan wax rag loogu maahmaaho, balse waa wax rag ragaasiye loogu maahmaaho. Waxay ku timid (sida la weriyey) ka dib markii uu nin mooryaan baadiyood ihi kufsaday gabadh adhi la joogta. Isaga oo iska dul madoobeeyey ayey hooyadeed soo dul istaagtay oo dhinac uga tuurtay. Hase ahaatee habartii qudheedii ayuu kula booday oo iska dul madoobeeyey. Gabadhii oo ba’ayeeysanaysa ayaa ka qabo maagtay. Laakiin hooyadii oo goorba macaansanaysa ayaa tiri “hooyooy iska daa”. Gabdhii oo yaaban ayaa af labadii yeertay “HOOYOOY MA LA ISKA KICINAYEY MISE WAA LA ISKA KACSANAYEY”.

Qore: Alqaasim Xirsi Faarax

Email: qaasim@mail.com


Xafiiska Wararka ee Toronto, Canada

Qaranimo Online

info@Qaranimo.com


 

Custom Search

Sponsored links

manta computers

CALL MAANTA COMPUTERS TODAY!

FOR BACK TO SCHOOL DEALS!

 

416.243.3313

7 days a week

who's online