Saturday,
August 30, 2008 -
Walaalayaal, waa lagama maarmaan inaynu oggaano inay tahay
sideedaba gallad iyo nimco ween qofkii uu Eebbe (subxaanahu
watacaalaa) waafajiyo inuu gaaro bisha ramadaan. Sidaa darteed,
waxaa habboon inaan Ilaahay uga mahad celinno cumriga na
gaarsiiyay inaan haleelno bisha fadliga badan ee Ramadaan. Imisa
dadka ka mid ah ayaa jira oo aan la waafajinin inay gaaraan bisha
ramadaan, oo iyadoo wax yar ay ka hartay geeriyooday, amaba
haleelay bisha ramadaanka, hase ahaatee aan la waafajinin inay ka
faa'iideystaan. Allahu akbar, waa nasiib darro labadaasi
tilmaamood-ba, labadoodaba waxaynu ka magan galaynaa Eebbe (subxaanahu
watacaalaa).
Caa'isha Allaah ha ka raalli noqdee iyadoo noo iftiiminaysa siduu
Nebiga (scw) ugu dadaali jiray salaatu-leylka waxay tiri "ha
ka tagin salaadda leylka, maxaa yeelay ma uusan Rasuulka (scw) ka
tagi jirin. Haddii uu xanuunsan yahay ama uu caajiso fadhiga ayuu
ku tukan jiray". Salaadahaas iyo dadaalkaas wuu sii
laba-laabi jiray Rasuulka (scw) marka la gaaro bisha Ramadaanka,
saxaabadana way kaga dayan-jireen sunnadaas. Cumar Binu Khadaab (rc)
marka la gaaro habeenka wuxuu u istaagi jiray salaad, isagoo si ay
khushuuc ku dheehan tahay u dheereen jiray salaadaha habeenka.
Habeenka saqda dhexe marka la gaaro wuxuu salaadda u toosin jiray
reerkiisa, isagoo ku oran jiray SALAADDA SALAADDA, wuxuuna ku dul aqrin
jiray aayadda uu Alle (sw) ku leeyahay "waxaad qoyskaaga
fartaa salaadda iyo zakada.."Suuradda Daha 132. Xaddiis uu
weriyay Imaam Axmad, uuna ka werinayo Abuu Hureyra Ilaah ha ka
raalli noqdee wuxuu Rasuulka (scw) yiri xaddiis macnihiisu ahaa:
"waxaa idiin yimid bishii ramadaan, wuxuu Eebbe (sw) idinku
waajibiyay inaad soontaan, bishaas waxaa la furaa albaabada
Jannada, waxaa la xiraa albaabada Naarta, waxaa la xiraa
shayaadiinta, waxaa ku jirta habeen ka kheyr badan kun habeenood,
ruuxii laga xarimo kheyrkeeda waa qof kheyr oodhan laga
xarimay". Haddaba, bisha sidaas u kheyrka badan waxaa habboon
inaynu ku dadaalno sidii aan uga faa'iideysan lahayn kheyrkeeda, si
aanan gadaal danbe aanan uga qoomamayn.
Soonka waa
la aqbalaa ducada
Walaalayaal, waxaa nalaga
doonayaa inaynu bishaan kheyrka badan aan kula qaabilno towbad
badan, qur'aan aqris badan, salaad badan, baarrinoqosho iyo
samafalka waalidka iyo muslimiinta oo dhan, waxtarka iyo
taageerada dadka dhibaataysan, islaaxinta iyo xiriirka qaraabada
iyo dhammaan waddooyinka kheyrka ee uu Eebbe (sw) ka raalliga
yahay. Bisha ramadaan waa bishii naxariista. Waa bishii denbi
dhaafka badneyd. Waa bishii xoreynta naarta. Lama koobi karo
fadliga bisha ramadaan, waxaana ka mid ah in la aqbalo ducada
addoomada suubban ay baryayaan Rabbigooda (sw). Wuxuu Eebbe (sw)
yiri isagoo ka hadlaya arrintan "hadduu addoonkayga
xaggeyga wax iga weydiisto waxaan u ahay mid u dhow oo aqbala
ducada markuu wax i weydiisanayo" aayadda 186 suuradda Al-Baqara.
Dhinaca kale, xaddiis uu Imaam Axmad ka weriyay Rasuulka (scw)
wuxuu Rasuulka (scw) yiri "seddex ducadooda lamasoo celiyo",
waxayna saddexdaas kala yihiin: qofka sooman jeer uu ka afuro, hogaamiye
caadil ah iyo qofka la dulmiyay habaarkiisa" .
Walaalayaal, sidoo kale, bisha
ramadaan waa bil ku caanbaxday deeqsinimada, samafalka iyo
ixsaanka. Cabdullaahi Binu Cabbaas Ilaahay ha ka raalli noqdee
wuxuu yiri "Rasuulka (scw) wuxuu ahaa kan dadka ugu
deeqsinimada badan, wuxuuna ugu sii deeqsinimo badnaa bisha
ramadaan, gaar ahaan waqtiga uu la kulmayo malaga Jibriil (cs),
habeen kasta wuu la kulmi jiray Jibriil iyagoo daraasayn jiray
qur'aanka". Sidaa darteed, wuxuu Imaamu Shaafici yiri
"waxaan jeclahay inuu qofka badiyo deeqsinimada si uu ugu
daydo Rasuulka (scw). Dhinaca kale, wuxuu Rasuulka (scw)
qur'aanka la daraasayn jiray oo la aqrin jiray Jibriil bisha
ramadaan, waxay dhammeyn jireen qur'aanka bisha oo dhan hal
jeer, hase ahaatee sannadkii ugu danbeeyay ee uu soomay Rasuulka
(scw) waxay qur'aanka khatimeen labo jeer.
Dadka uu Alle ku galladaystay
hantida waxaa la gudboon inay ku dadaalaan waxtarka dadka
tabaaleysan, siiba bisha ramadaan. Ajar aad u weyn ayaa lagu
sheegay qofkii afuriya qof muslim ah bisha ramadaan. Wuxuu
Rasuulka (scw) noo tilmaamay in qofkii afuriya qof muslim ah, uu
leeyahay ajarkii kii soomanaa oo kale, iyadoo kii soomanaana aan
laga naaqusin ama laga dhimin ajarkiisa. Waa fadli aad u weyn.
Bisha ramadaanka waxaa ku jira
habeen ka kheyr badan kun habeenood, sida uu Eebbe (sw) noogu
sheegay suuradda Al-qadr. Inkastoo aan habeenkaas la cayimin
habeenka ay ku beegan tahay, haddana waxaa muslimiinta laga
doonayaa inay ku dadaalaan dhammaan habeenada iyo maalmaha
ramadaanka uu ka kooban yahay, si ay uga faa'iideystaan fadliga
ramadaanka.
Iridka
dadka sooman ay ka galayaan
Walaalayaal, cibaadada Soonka
wuxuu qofka dhaxalsiiyaa Jannada iyo inuu ka galo maalinta
qiyaamaha mid ka mid ah albaabada Jannada, kaasoo loogu
magacdaray Rayyaan. Saxaabiga la yiraahdo Sahal Binu Sacaad ayaa
wuxuu Rasuulka (scw) ka weriyay isagoo leh "waxaa jannada
dhexdeeda ahaaday irid la yiraahdo Rayyaan, iridkaas ayeey
dadkii soomanaa ka soo galayaan maalinta qiyaamaha, qof aan
iyaga ahayn kama soo galayo, waxaa la oranayaa aaway dadkii
soomanaa?, markaas bay istaagaan qof aan iyaga ahayn ma soo
galayo". Allaha ka raalli noqdee saxaabiga la yiraahdo Abii
Umaama ayaa weydiiyay Rasuulka (scw), wuxuuna ku yiri "Rasuulkii
Allow waxaad i fartaa arrin uu Alle igu anfacayo",
markaasuu Rasuulka (scw) wuxuu ugu jawaabay "waxaad ku
dadaashaa soonka, ma jiraan wax la mid ah",
Soonka iyo guulihii
muslimiinta ay gaareen Lama koobi karo munaasabadaha
qiimaha leh ee Ramadaan. Bisha Ramadaan waa bilihii ay
muslimiinta soo hoyeen guulihii ugu waaweynaa ee islaamka.
Dagaalkii ugu weynaa ee ay muslimiinta ku guulaysteen wuxuu ahaa
dagaalkii weynaa ee Badr, haddana dagaalkaasi wuxuu dhacay bil
ramadaan 17-keedii sannadkii labaad ee hijriga. Waa dagaalkii ay
qayb libaax leh ay ka qaateen malaa'igtii sharafta badnaa ee uu
hoggaaminayay Jibriil (cs). Wuxuu Eebbe (sw) yiri isagoo ka
hadlaya dagaalkaas "dhab ahaantii wuxuu Eebbe (sw) idiin
gargaaray Badar idinkoo dulleysan.." aayadda 123 suuradda
Al-Cimraan. Dagaalkaas Badar markii laga soo wareegay qiyaastii
4 sanno iyo xoogaa waxay misna muslimiinta soo hoyeen guushii ay
ku furteen magaallada Makka. Waa furashadii magaallada Makkah oo
ku beegnayd labaatankii ramadaan ee sannadkii lixaad ee hijriga,
halkaasna wuxuu Rasuulka (scw) ku aasay oo ku burburiyay
asnaamtii boqolaalka gaarayay ee ka buuxday hareeraha Kacbada.
Inkastoo labadaasi guulood ay ku beegmeen bil ramadaan
dhexdeeda, haddana waxaa jiray guulo kale oo ay muslimiinta soo
hoyeen isla bisha ramadaan, waxaana ka mid ahaa Furashadii
Andalus sannadkii 92-kii hijriga, Furashadii Cammuuriya
sannadkii 223 hijriga, dagaalkii Zalaaqa ee hore sannadkii
479-kii ee hijriga, dagaalkii Xaarim sannadkii 559 hijriga iyo
dagaalkii Cayn-Jaaluut sannadkii 658 hijriga. Ugu danbeyntii,
Walaal haddaad macaasi iyo
denbi badneyd uga faa'iideyso bishan denbi dhaaf dalbid iyo
salaado badan. Waxay ayaan darro haysataa ruuxii laga
xaaraantimeeyay kheyraadka iyo fadliga soonka. Ilaahay ha inaga
dhigo kuwii ka faa'iidaysta fadliga ramadaanka iyo inuu naga
dhigo kuwa loogu naxariisto ramadaan, naartana looga xoreeyo,
"Aamiin".
OMAR QORANE MOHAMED
Xafiiska Wararka ee Toronto, Canada
Qaranimo Online
info@Qaranimo.com