Sunday,
August 31, 2008 -
Waxaa shir jaraa'd ku qabtey Magaala Madaxda Soomaliya
Odayaal lagu sheegay odayo dhaqameed kana soo jeeda Gobolada
Puntlan, odayadu waxay la soo shir tageen wax la oran karo
Keygana Lihi Kaagana Kula Lihi taasna waa sugeyney markii
Tigree naloo keenay, Ciidamo goboleed waliba beeleed inta
Xamarna lagu soo daadiyey layiri waxaad arktaana dila waxaad
rabtaana booba, halkaa waxaa kaaga cadaaneysa in ay isii
yeen magaaladii weyneyd ee Muqdisho sey doonaana ka yeeli
karaan, hadeyba maanta yagoo Muqdisha Jooga ka yiraahdaan
Maamulka Muqdisho waa in lagu qeybsadaa 4.5 maamulada kalese
kuma jiraan, taas oo macnaheedu yahay Muqdisho Madaxweyne
waa noo fadhinayaa Maamulkana waa inaanu anaga soo xulnaa oo
keenaa oo waa inuu noqdaa maamul aanu anaga soo xulney
degaankeenana ka yimid taana ceeb kuma ahee waa u caado iney
wax walba isisiiyaan oo dhahaan anagaa wadanka maamula neyna
oo ukala hari meyno odaya, habar iyo dhalinyaro waxaan u soo
xeedaney in aan dalka wada maamulno saan doonana ka yeelno,
waxaa cadeyn ah in odayaal ka soo jeeda puntlan ay muujiyaan
geesino intey shir jaraa'd qabtaa yiraahdaan talada anagaa
leh ee na dhegeysta
Waxaa ayaan dara ah in
puntlan oo dekedoodii u madax banaan madaaradii diyaaradaha
iney haweystaan iney
faraha la soo galaan muumulka banaadir iyo cida qabaneysa
jagadaas, waxaa ayaan dara ah ayadoo ay joogaan odayo
dhaqameedo u dhashay Gobolka Banaadir in dad aan meel ay ka
soo galaan ayan jirin ka hadlaan taasna waa ayaan daro iyo
sharaf dhac loo geystey dadka gobolka u dhashay, ma jirto
cid wax ka weydiisa Macadanta ay sheegaan ineey baranayaan,
Shidaalka ay maalinba shirkado kula soo heshiiyaan iska daa
dad Banaadir u dhashaye ee waxaan wax ka weydiin Barlamaanka
meesha u fadhiya Mooshinka, iyagoo kala xisaabtamaya weli
lama maqal lamana arag, Xaafad waxay Xaafad kale ay ugu soo
gudubto waa xaqdaro aad iyo aad loogu soo xadgudbay Banaadir
iyo dadka dega, waxaan leeyahay odayadaa reer puntland waa
iney
meeshooda ay ka soo
jeedaan maamul u smaystaan oo nabadgal yadooda faraha ka
baxdey, burcada bada ee sumcadii maga soomaliyeed ku
cayaarey oo ceebtana nuu soo jiidey, baabuurta dhexda loo
gelaayo waxaas ayaa idiin yaala iyo in ka badan ee muulka
banaadir faraha kala baxa hadii laydin ku soo dhoweeyey
hanaqonina marti maqaamkii ay martida ku ahayd tiraahda
anagaa idinku soo raaya ee dadkii idin soo dhoweeyey mahadan
mooyee idinka mudna inaad maamulkooda iyo danahooda u gaarka
ah aad ku fara gelisaan, waxaan ogeyn inshirkii aad u
timadeen uu beri hore dhamaadey oo dadkii ka soo qeyb galay
ay waa hore noqdeen intii waxaad u sii joogteen ayaanba
garan waxaanse umaleynayaa fidno iyo kala furfurid aad
meesha u fadhideen intii ceesh aad ku lahaydeen waad ka
qaadateene ku laabta meeshii aad ka soo haajirteen dib
danbena haysku deyina inaad howlahaas oo kale aad gashaan
hadii kale xaalku waa xumanayaa tigreena wax kuu qabam
maayaan ee iska noqda, madiideen heeskii ayaa korkiina laga
qaadi doonaa.
BANAADIR
SOOW ANIGU MALIHI NINKII PUNTLAN KA YIMID BEY GEERIDU
DHIBEYSAA, INTAAD GAAL II KEENTEY HADANA HEYGU GOODIN KEYGA
ANAA LEH KAAGANA KULA LIHI KAAMA YEELIN KAANA YEELI MEYNEE
EE KA BULDHE
Xafiiska Wararka ee Toronto, Canada
Qaranimo Online
info@Qaranimo.com