Saturday,
August 30, 2008 -
Waxaan kulan
muhiim ahaa la yeelanay Wasaarada Isboortiga China Republic , oo
run ahaantii nagu soo dhaweeyay si weyn xafiiskooda, kadibna
waxaan uga mahad celinay sidii dowlada China ay gacanta uga
gaysteen dhisidii Staduim Muqadisho, National Theatherka iyo
martigalinta cayaaraha Olampikada.

Wasiirada
Isboortiga China ayaa noo sheegtey in u arkaan labada dal Shiinaha
iyo Soomaaliya inay yihiin labo shacab oo walaalo ah isla markaana
China aysan waligeed hilmaameen sidii geesinimada lahayd ee
dowladii Soomaaliyeed sanadihii 1970 –yeedii ay hormoodka uga
ahayd difaacida ama garab siinta dowlada Shiinaha.
China
ayaa xiligaas dhibaato ka haysatey UNITED NATION-ka, waxayna
kale u sheegtey inay la socdaan in garoonkii Staduim Muqadisho ay
xaruun ka dhigteen ciidamada Ethopia si sharci daro ah, ayna ka
xun yihiin dowlada iyo shacabka Shiinaha dhibaatada haysata dadka
Soomaaliyeed ayna ka murugoonayaan madaama labada dal ay yihiin
saaxiib wadaaga taariikh dheer.
Wasaarada
Isboortiga dowlada China ayaa u balan qaaday inay gacan siin
doonta GOS iyo Soomaaliya waqti kasto oo munaasab ah.

Xafiiska Wararka ee Toronto, Canada
Qaranimo Online
info@Qaranimo.com