Macalinkii
kooxda Horseed Suudaani ayaa xaflad weyn
loogu sameeyay magaalada London.

Bah
isboortiga Soomaaliyeed ayaa
si wadajir ah soo dhawayn ugu sameeyay
magaalada London, macalinkii kooxda
kubadda cagta Horseed macalin Suudaani.

Macalin
Ibrahim Mohamud Hersi ‘’Suudaani’’
ayaa ku nool dalka
Mareykanka qaasatan magaalada Mineapolis,
kana mid ahaa macalimiintii taariikhda ku
lahaa cayaaraha Soomaaliya gaar ahaan
kubada Cagta, macalinka ayaa booqasho
gaaban ku yimid magaalada London.

Bahda
isboortiga Soomaalida magaalada London
ayaa xaflad qurux badan oo habeeno badan
laga sheekayn doono ugu qabtey Yasmin
Restaurant oo ku taal
Galbeedka magaalada London.
Xafladaas
waxaa soo agaasimay Mohamed Buuwe iyo
bahda isboortiga Stone Bridge Park.


Ugu
horeyntiina waxaa ka hadlay Macalin Xasan
Farax John, macalin John ayaa ka
sheekeeyay taariikhda uu ku lahaa macalin
Suudaani Soomaaliya gaar
ahaan kubadda cagta, macalin Suudani ayaa
3 horyaal iyo hal Jeneral Daa’uud u
qaaday kooxda Horseed sanadihii
70-neeyadii, isla markaana kooxda horsed u
qaaday koobka kooxaha ciidamada jaamacada
Carabta oo lagu qabtey dalka Ciraaq.

Macalin
Suudani ayaa macalin ka noqday dalka Qatar
koox ka dhisan mudo 8 sanadood ah,
kadibna mudo dhan 9 sanadood ayuu macalin
ka noqday koox ka dhisan dalka Sacuudiga.

Macalin
John ayaa hadaladiisii quruxda badnaa oo
uu kaga waramayey ku soo gabagabeeyay inay
sharaf caawa u tahay inay soo dhaweeyan
macalinka Soomaaliyeed macalin Ibrahim
Suudan , waxaana ku leennahay macalin Soo
dhawoow waadna ku mahadsan tahay waxaad u
qabatey kooxda Horseed iyo dalka
Soomaaliyaba.


Waxaana
iyana halkaa ka hadlay ciyaartooydii
kooxda Horseed uu u macalinka u ahaa
macalin Ibraahim Suudaani.



Laacibkii
kooxda Horseed iyo Soomaaliya
ciyaaryahankii taariikhda ku lahaa
dalkeena Soomaaliya Maxamed Ismail ayaa ka
warbixiyey sida uu tababari jirey kooxda
Horseed macalin Ibraahim Suudaani, aniga
magaca aan ku leeyahay taariikhda
cayaaraha Soomaaliya ma ahan mid aan aniga
samaystey oo kaliya ee waxaa qayb ka ah
kaalintii macalinimo ee macalinkeena
qaaliga ah macalin Suudaani ayuu yiri
Maxamed Ismail oo aad
ugu dheeraaday sidii kooxda Horseed ay
awooda ugu yeelatey inay Soomaaliya iyo
dunida Carabta iyo Afrikaba magaca uga
samaysatey, waxaad hilmaamteen inaa
koobkii kooxaha Afrika inaa kaalinta 2 aad
ka galnay, nasiib xumo inaa badino ayay
ahayd ayuu yiri, macalin Suudaani markii
uu ka noqday dalka Qatar macalin waa ka
daba tagnay aniga , Cafiifi iyo
ciyaaryahano kale oo dhamaantood uu
macalin u ahaa macalin Ibraahim.



Waxaa
kale oo sharaf noo ah inaa sheegno Jaalle
Maxamed Cali Samater madaxwayne ku
xigeenkii Soomaaliya ahaana Wasiirkii
Gashaandhiga Soomaaliya inuu kaalin weyn
ku lahaa kooxda Horseed sida uu had iyo
goor u gacan siin jirey una la garab
taagnaa.




Goolhayihii
kooxda Horseed Goolhaye Biyoolay ayaa isna
ka hadlay kana waramay taariikhdii
macalinka kooxda Horseed ugu dambayntiina
waxaa xaflada ka hadlay Maxamed Buuwe oo
ah nin had iyo goor ku soo dhaweeya bahda
Isboortiga Soomaaliya, isla markaana soo
dhawaynta kooxda Horseed ay u ahayd mid
xiisa leh madaama u ahaa nin Horseed ka
jecel qalbiga ayaa isna soo dhaweeyay
Macalin Suudaani iyo dhamaan marti
sharafkii ka soo qayb gashay.



Kooxda
Horseed ayaa xaflada waxaa goob joog ka
ahaa Siciid Ceeyroow, Ahmed Dahir , Burci,
Shidane.


Macalin
Ibraahim Suudani ayaa ka mahad celiyay
sida quruxda badan ee loogu soo dhaweeyay
magaalada London iyo xafladatan qiimaha
badan, run ahaantii caawa ma hadli karo
farxada weyn bayna ii tahay in caawa
halkaan aan kula kulmo dhamaan bahwayntii
isboortiga Soomaaliya oo dhan, sidaan oo
kale la iima soo dhawayn waligay waadna ku
mahadsan tihiin.


Waxaa
magaalada London ku sugan dhamaan bahdii
kubada koleyga Soomaaliya aan iraahdo
xidigii qaranka Soomaaliya ee kubadda
koleyga, hadii ay ahaan lahayd
Garsoorayaashii ilaa heer qaran Soomaaliya,
macalimiintii kooxaha kubada koleyga ilaa
heer qaran, maamulayaashii xiriirada
isboortiga Soomaaliya, kana koobnaa wiilal
iyo gabdho iyo dabcan taageerayaashii
kooxaha Soomaaliya oo dhan.


Magaalada
London waxaa ka biloowday tartan weyn oo
loo qabanaayo da’yar Soomaaliyeed oo
kubadda Koleyga dheesha kana kala yimid
wadamada Canada, Mareykanka, Cardiff,
London iyo Zwitzerland, iyadoo ay Londona
ku sugan yihiin ciyaartooydii ,
macalimiintii, , gar soorayaashii iyo
masulliyiintii ciyaaraha dalka oo
dhamaantood ah dadkii magaca iyo maamuuska
ku lahaa dalkeena Soomaaliya, sida


|
MAGACA
|
WADANKA
|
|
C/rahmaan
M Gohad (Shiino Gohaad)
|
UK
|
|
Xasan
Farah (John Gaab)
|
UK
|
|
Sacad
Cumar Geedi
|
SWEDEN
|
|
Abuukar
Abanur
|
HOLLAND
|
|
Cusmaan
Xalane
|
USA
|
|
Mohamed
Hagi Ali
|
UAE
|
|
Mohamed
Farah Ahmed (Dab damis)
|
CANADA
|
|
Abdirahman
Salah (matiite)
|
UK
|
|
Cabdiqani
Abdullahi (Cabdiqani Jenyo)
|
UK
|
|
Abdiaziz
Guled (Cabdi xalwo)
|
USA
|
|
Said
Ahmed Osman
|
USA
|
|
Suleiman
Abdulkadir Abukar (Saley)
|
USA
|
|
Daa'uud
Axmed Maxamed
|
CANADA
|
|
Bashiir
Abdi Daahir
|
FINLAND
|
|
Ahmed
Xirsi Abdulle (Ahmed Bille)
|
UK
|
|
Mohamed
Sheikh Abdi (Weli)
|
UK
|
|
Ahmed
Duke
|
CANADA
|
|
Abdulqadir
Yusuf Isse (Madaxey)
|
USA
|
|
Nuradin
Ali saciid - USA
|
USA
|
|
Idiris
Ibrahim Suleiman
|
USA
|
|
Abdi
Mohamed Ciye (Cabdi Dheere)
|
CANADA
|
|
Ahmed
Abuukar (Ahmadey B)
|
CANADA
|
|
Mohamed
rashiid A. Mumin (Rashiid Doob)
|
USA
|
|
C/qaadir
Xaaji daahir (Shiikha)
|
USA
|
|
Axmed
Musse Hussein
|
GERMANY
|
|
Axmed
Daahir Axmed
|
USA
|
|
Bashiir
Yuusuf Mohamed (Bashiir Fox)
|
QATAR
|
|
Mohamed
Sheikh Muse (Holoqsane)
|
QATAR
|
|
C/xakiin
Maxamed Saciid
|
UK
|
|
C/qaadir
Garwayne
|
UK
|
Abuukar
Abanur
Holand
Garsoore
Xalane
Canada
Garsoore
Mohamed Xaaji
Canada
Shiine
Guhad
UK
Mohamed
Sheikh
UK
Xasan
Farax John
UK



Waxaa
suurtagaliyay in xidigihaan hore ay London
ku kulmaan si ay uga tashtaan arimo badan
oo ku saabsan Isboortiga Soomaaliya
ururka SSIFO, tartanka SSIFO
Basketbal Events qoraalada
kale ayaad kaga bogan doontaan hadii Eebe
Idmo
Waxaa
soo diyaariyey: Yusuf Yusuf
Secretary General
of SSPA
Sports
Editor
London