Thursday,
August 28, 2008 -
Nabda
sheekh shariif sheekh Axmed uu qaatay waxaa eey qeeyb ka tahay
burburinta siyaasada guracan ee Maquuste,xaqiiqdii waxaa weli
socda dagaalka xildhibaanada Maquuste iyo golaha wasiirada ee
N:Cade,Sheekh Shariif waxaa uu caalamka tusay in Maquuste uu yahay
ninka kaliya ee somalia hortaagan diidana nabada iyo wada
noolaanshaha umada somalia,sheekh waxaa uu somalia tusay in
Maquuste laga xukumo Ethiopia,waxaa cad in uusan jirin dastuur ku
meel gaar ah,mar VOA weeydiisay Maquuste suáal aheeyd haddii
dowlada Ethiopia dusha kaa saarto danbiga miyaad qaadaneeysaa ??
Maquuste waxaa uu ku jawaabay dhabarka ayaan u ridanyaa
haddii Ethiopia igu sheegto qaladaad,Akhristow sow meesha kama
cada in
1)
Hayada
Baarlamaan ee ah sharci dejinta.
2)
Hayada
xeer ilaalinta oo ah maxkamadaha & marjicii loo noqon lahaa
haddii qilaaf yimaado sida maxkamada Sare iwm.
3)
Hayada
fulinta oo ah golaha wasiirada.
Intaba
Maquuste sow kama
fogaan
markii uu marjac ka dhigtay Ethiopia alow sahal
umuuraha,waxaa socda talo jeedin ku wajahan r/wasaaraha in laga
xayuubiyo awooda r/wasaaranimo iyo mid ku wajahan Maquuste sow
meesha kama cada burburka siyaasadeed iyo midka sharciyeed reer
Imbagaati ka dhex bilowday, intaba waxaa eey ku timid Sheekh
Shariif nabada uu ugu baaqay dhamaan umada somaliyeed,Akhristow
haddii Sheekha uusan qaadan laheeyn nabda Maquuste
iyo kooxdiisa
waxaa eey ka shaqeeyn lahaayeen gumaadka shacabka iyo la
dagaalanka xoogaga xornima doonka ah,maantase waxaa isku maqan
kuwii xaaraanta isku raacay somaliada waxaa eey dhahdaa hal
xaaraan ah nirig xalaal ah ma dhasho sow xaqii ma soo daahirin oo
maanta xildhibaano faro badan ma qabaan in somalia eey ka degi la
´dahay Maquuste iyo koox yar oo ku qabiil ah rabana in eey gataan
dalka,dadka iyo diinta.
Dhanka
kale waxaa weli socda Eraygii ahaa nabada ayaa i hogaamisa
iyadaana umada deeqi karta ciwalbana waa u hiilisaa waa Erayadii
N.Cade la yimid seexada siyaasada cusub ee uu 7 bil ka hor
ku soo kordhiyay siyaasada somaliada halka
Maquuste iyo kooxdiisa yahiin
kooxda kalya ee aan raaliga ka aheeyn nabada balse u arka
in nabada oo timaada eey xabsi ku mudan doonaan,nin-walba oo
danbiile ah nabada waa eey dhibtaa waana eey qabataa, nin-walba oo
aan danbiile aheeyne nabada waa u hiilisaa waana ku noolaadaa.
Akhristow
sow ma cada Sheekh Shariif in uu yahay wadani siyaasadiisana eey
aad ugu fogtahay kuwa xiligaan sheegta in eey yihiin
siyaasiyiin,xaqiiqdii waa nin aragti dheer,akhlaakh wanaagsan
siyaasadiisana eey tahay aniga oo qoriga sita ayaan hadana nabada
raadinayaa,burburka kooxda Imbagaati waxaa sabbab u ah Sheekh iyo
nabada uu qaatay xaqiiqdii,waxaan dhihi lahaa Sheekh.X.Daahir
nabada Jabuuti lagu sixiixay ee aad diidaneeyd waxeey burburisay
dabadhiliftadii Maquusye iyda oo aanan xabad loo qaadan balse
siyaasada in la bartaa waa waajib nabada oo aad qaadataana danbi
kuma geleeysid ogow.
Dr.Ali.A.Hirabe
Hirabe_a@hotmail.com
Xafiiska Wararka ee Toronto, Canada
Qaranimo Online
info@Qaranimo.com