Hordhac

Kadib markii ay burburtay xukuumadii dhexe Ee Somalia 1991dalkuna galay burbur daba dheeraaday dadka Soomaliyeed waxa maciin bideen in ay nolal fiican ka raadiyaan dalalka reer yurub iyo waqooyiga ameerica qaar kalena waxay shaqooyin u doonteen wadabo isku jira Africa iyo Asia arintuna waxay noqotay ninba siduu nolashiisa ku maareyn karo.

Haddaba markii soomaali fara badan ay galeen wadamada aan horey u soo xusnay ayna aad ugu bateen ayaa waxaa meesha ka dhashay in la yareeyo qaabkii loo ogalan jiray qaxootiga soomaalida iyadoo badanaa lagu kaxeyn jiray qaab qoys.

Intaa kadib ayaa waxaa bilowday in si sharci daro ah lagu soo galo dalalka yurub bilowgii qarnigan ayay aheyd markii dhagaha soomalida ay maqleen dad ku dhintay saxaraha u dhexeeya Sudan iyo libya haraad iyo gaajo awgeed kadib markii ay gawaaridii dadkaa waday ay ku halaabeen bartamaha saxaraha inkastoo ay horey u jireen dad u tahriib jiray dalka Yemen ugana sii gudbi jiray dalka Saudi Arabia.

Ugu horeyntii aan ku bilaabo meelaha ay socotada soomalida ka soo galaan dalkan Sudan.

1-xuduuda u dhexeysa dalalka Ethiopia iyo Sudan waxeyna toos uga yimaadaan Soomalia.

2- xuduuda u dhexeysa Uganda iyo Sudan  iyagoo ka soo taga dalka Kenya.

3-xuduuda u dhexeysa Eritrea iyo Sudan  iyagoo ka yimaada dhanka Djibouti.

Haddaba dhamaan dadkan ka soo mara xuduudaha dalalka aan soo xusnay waxey la kulmaan dhibaatooyin aan la soo koobi Karin haba ugu badnaato dhibaatada safarka dheer oo ay ku tiigsanayaan dalka Italy ama Malta.

 Waxaana ku hor mareynaa dhibaatooyinka ku qabsada xuduudaha ama safarkooda ilaa Sudan  waxaa ka mid ah:-

In lagu xiro xaddadka dalalka ay soo marayaan laguna celiyo halkii ay ka yimaadeen

In ay dhacaan ama marin habaabiyaan mukhalasiin manaxayaal ah kana qaataan lacag fara badan.

Sidoo kale waxey socod ku soo maraan dhulalka ku teedsan xuduudaha ay soo marayaan sababtoo ah waxaa laga qariyaa booliska jooga xuduuda sidaa darteed waxaa qasab ku noqota in ay lugeeyaan masaafo dheer runtiina waxaa loogu sheekeeyaa in ay dhowdahay meesha loo socdo waxaana la ii sheegay in badanaa laga tago dadka aan socon Karin ama haraada markii la socdo in muddo ah dadka la isaga tago ayaa waxaa u badan haween  taasna waxey haweenka ku qasabtay in ay marka hore soo gaxeystaan nin ay aad ugu kalsoonyihiin kadib markii ay maqleen haween fara badan oo looga tagay meel cidlo ah waxaa kaloo dhibaato ka soo wajahdaa dhanka cundada iyo waliba jawiga oo laqabsigooda aad ugu adkaado waxaadna ka dheehan kartaa diifta ka muuqata wajiyadooda marka ay soo gaaraan dalkan Sudan, Intaa waxaa u sii dheer mukhalasiinta oo sameystay network kuna shaqeysta groupyo waxeyna si naxariis daro ah dadka madax furasho uga qaataan waxeyna ku xirtaan guryo ay ugu talo galeen in ay ku afduubtaan dadkan aan heysan cid xuquuqdooda u dooda, anigoo uga hadli doona maqaal kale mukhalasiinta oo runtii waayahan aad ugu soo batay khaasatan kuwa soomaalida.

Ugu danbeyntiina inkastoo ay jiraan dhibaatooyinkaas haddana waxaa dalkan Sudan ku soo qulqulaya socoto Soomaliyeed iyagoon u aabo yeeleynin waxa meesha ka jira runtiina waxaa la yaab kugu noqoneysa marka aad la sheekeysato nin tahriibe ah una sheekto dad ku dhintay saxarah ama haraad uu laayay wuxuu kuugu warcelin “dhib ma leh wixii qoran wey dhacayaan” oo waxaad moodaa in ay diyaar u yihiin wixii dhibaato ah oo soo wajaha.

Runtiina waxaa lagama maarmaan ah in si wada jir ah wax looga qabto xaalufka ku yimid dhalinyarada soomaliyeed.

F.G qormooyin kale ayaan uga hadli doona dhibaatada ka soo wajahda saxaraha libya ilaa talyaaniga  

 

Saacid Cumar Axmed Dhuxulow

Khartoum-Sudan

qaroof22@hotmail.com

phone:+249923374457