Friday
August
15, 2008
- Xidigihii
hore ee xulka Qaranka kubadda Koleyga Soomaaliya
oo ciyaar xiisa badan ku dhaxmartey
magaalada London
Waxaa
magaalada London ka socda tartan kubadda koleyga
ay ka qayb qaadanayaan kooxo da’ yar
Soomaaliyeed iyo xidigihii hore kubadda koleyga
Soomaaliya ay ku dhaxmarayaan.
Ciyaar
aad u xiisa badnayd ayaa waxay ku dhaxmartey
garoonka London City Academy oo ku yaal
Galbeedka magaalada London, qaasatan xaafada
Herlesden labo kooxood oo ka kala yimid dalalka
Canada iyo USA.
Kooxda
USA ayaa waxaa macalin u ahaa macalinkii hore
xulka gabdhaha qaranka Soomaaliya, macalin
Idiris Sulayman,waxaana taageerayay macalin
Giftin oo isna USA ka yimid iyo Aarkay oo ka mid
xulkii qaranka Soomaaliya barisamaadkii, iyadoo
kooxda USA u safnaayeen ciyaaryahano dalkeena
magac iyo xushmad ku lahaa, kuwaas oo kala ahaa
sidatan,
Abdulqadir
Shiikha, Abdulqadir Madaxay, Ahmed Dahir, Abdi
Xalwo, Bashiir Doob, Salay, Nuuradiin, Liibaan
Dahir.
Kooxda
Canada ayaa waxaa macalin u ahaa isla markaana
dheelayay macalinkii kooxda Jeenyo iyo xulkii
qaranka Soomaaliya macalin Abdi Dheere, iyadoo
ay kooxdana u safnaayeen ciyaaryahanada kala
ahaa: Dhame, Ahmed Tuke, Ahmadeey B, Daa.uud
Dhere iyo Mohamed Sheikh( Holoqsane).
Ciyaarta
ayaa ku bilaabatey dar dar iyadoo ayna u sacaba
tumayeen taageerayaasha labada kooxood,
ciyaaryahanadaan ayaa ka muuqatey xirfad
isboorti oo laga dheehan karey inay wax badan
horey u soo ciyaareen markii ay joogeen dalkooda
ilaana heer qaran ka soo gaarey ciyaarta kubadda
koleyga, hadana ay wali ka qayb qaata isla
markaana macalimiin u ah dhalinyaro badan oo ku
nool wadamada ay ka yimaadeen.
Ciyaarta
qaybteedii hore ayaa ku soo idlaatey in kooxda
ku ciyaareysay USA ay ku hogaamiyaan 27
dhibcood halka kooxda Canada ay ku hakatey 25
dhibcood, taas oo aad ka garan karto inaysan
waxba kala horeynin laacibintaan cuslaatey.
Wadatashi
iyo nasasho yar kadib waxaa dib loogu soo
laabtey ciyaarta qaybteedii labaad, taas oo ay
dadwaynaha buux dhaafiyay garoonka ay sugi kari
la’aayeen in ciyaarta ay dib u bilaabato,
ciyaarta ayaa meesha ay joogta ka bilaabatey ,iyadoo
labada koox ay dheelayeen ciyaar adag oo aad ka
garan karto sida la isku riix riixayo iyo
dadaalka ay muujinayeen koox walbo, iyagoo
doonaaya inay guusha raacdo kooxdooda.
Ciyaarta
ayaa gabagabadii ku guusha ku raacday kooxda
USA, inkastoo xidigii qaranka iyo kooxda Horseed
Ahmed Dahir uu dhaawac yar gacanta ka gaarey
xiligii ay socotey ciyaarta, ciyaartiina waxay
ku dhamaatey USA 58 dhibcood halka kooxda Canada
ay dhaliyeen 47 dhibcood.
Tartankaan
ayaa waxaa suurtagaliyay ururka SSIFO oo ay
hormood u yihiin macalimiintii hore kubadda
koleyga Soomaaliya Macalin Shiine Guhad iyo
Macalin Xasan Farah macalin John.
Dad
badan oo garoonka ka daawanayey ciyaarta ayaa
qirey in Soomaaliya ay soo mareen xidigo awood u
lahaa inay dalkooda ka dafaacan garoomada
caalamiga ah oo ka koobnaa wiilal iyo gabdhaba,
ayna nasiib xumo tahay in maanta wadankeena uu
noqday mid dhibcahooda lagu xisaabtamo, marka ay
ka qayb galayaan tartamada caalamka iyadoo la
heli karo ciyaaryahano badan, sababtana ay ugu
wacan tahay markaan darsay in xiriirka
Soomaaliyeed kubadda koleyga uusan diyaar u
ahayn inuu wax talo ah waydiiyo ama uu ka qaato
ciyaartooydii hore kubadda koleyga Soomaaliya
iyo macalimiintii hore oo kuligood ku sugan
dalalka Canada, USA iyo London.



Waxaa
soo diyaariyay:
Yusuf
Yusuf
Secretary
General of SSPA
& Sports
Editor
London