Monday, August 04, 2008 - Maxaad kala socotaa xogta rasmiga ah ee baarlamaanka fadhiidka Baydhaba ku ah, waxaa macquul ah in dadka qaar ka dhowrayaan go’aan qaadasho iyo in kalsoonida kala laaban doonaan xukuumadda nabadda ee Nuur Cadde hor boodayo iyo iyadoo dhagaha dadku ay soo gaarayso warar duul duul ah oo ku saabsan in qilaaf ku kala dhex jiro Madaxweynaha iyo R/wasaaraha qilaafkaasoo soo bilaawday tan iyo markii calanka cad ee nabada uu qaatay Nuur Cadde.
Waxaa horey loola socday in Xukuumaddu qaaday talaabooyin horumar leh oo ay ka mid ahaayeen aadna loogu xasuustaa Sii deyntii duqowda dhaqanka ee Magaaladda Muqdisho iyo maxaabiis kaloo siyaasad iyo arimo dhaqaale raadinba ugu xirnaa dowladda. Waxaa xigay oo sidoo kale lawada xasuustaa kulamadii dhiirashada lahaa oo ay la qaateen qaar kamida siyasiyiinta, culimadda, doqowda iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee dhaliishan hab dhaqanka dowladda iyo siyaasadeeda qalafsan. Waxaa kaloo ay xukuumaddu u sii gudubtay in mucaaradka gaar ahaan Maxkamadihii, Siyaasiyiintii iyo xubnihii ka tagay baarlamaanka iyo xukuumadda ee iyagu qaarkood ku bahoobay isbahaysiga ay miiska la fariisato oo ay heshiis ka raadiso.
Ma u malaynayo in aad la yaabi doonto sida ay u shaqeyso maskaxda Madaxweynaha, Mana u malaynayo sidoo kale in aad la yaabi doonto sababta xilka looga xayoobinayo R/wasaare Nuur Cadde oo nabadda u ololeynayo xilkiisana loogu deyn doono Maxamed Dheere duqa iyo gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee isagu qof walba uu ogyahay nabad iyo isaga halka ay kala joogaan.
Waxaa dhagaha dadku dhowrayeeni n Col. Cabdullaahi Yuusuf goortey ahaataba laali doono nabadda ay Nuur Cadde iyo qaar kamida xubnaha xukuumadiisa wadaan, waana lawada ogsoonaa oo la sugayay in Shimbir Cad oo Calanka Nabadda luleysay aysan marnaba dul mari doonin Col,-neelka Siyaasadda ka duqoobay. Waxaase ka sii daran oo durba nacabkooda banaanka keenay koox wasiiro ah oo sheegay in shaararkii ay iska siibeen banaankana ka taagan yihiin gollaha wasiiradda ee uu Nuur cadaha nabada hor boodayo.
Ma is weydiisay sababta ay wasiiradaas u baneeyeen boosaskooda, mise is weydiiday waxa ay isu casileen ama ciladda ay ka sheeganayaan R/wasaaraha.
Baarlamaanka oo runtii aheyn kuwo u bisil qabashadda shaqo ama sharci dajin maadaama ay tahay xaruntii sharci dajinta ayaa hadana dhanka kale burura ama u bisil amaradda kaga soo dhaca halka dhag ee kaliya oo ay maqlaan waa dhuuntee.
Si kastaba waxaa cadaatay in halka sarta ka qurunsan tahay ay tahay baarlamaanka hogaanka la'aan iyo aqoon la'aanta ay hareysay ee waliba harsanaya geedaha Baydhaba hoostooda, waxaase la gudboon inta wax yar ku harsan tahay in ay meesha isaga tagaan oo ay hebiyaan nabada walaalahood lagu hiifayo.
Waxaa sidoo kale la gudboon in shacabka Soomaaliyeed ay hiil iyo hoo la garab istaagaan nabadda ay u wadaan rugcadayaasha siyaasadda ee hada u soo baxay u hiilinta shacabka iyo ilaalinta nabadda iyo midnimadda umadda Soomaaliyeed.
Waxaan sidoo kale kula talin lahaa kuwa hortaagan ee nacabka ku ah nabadda uu naawilayo Nuur Cadde in ay ka waantoobaan oo ay iska iloobaan jilaafadda iyo diidmadda in la dhayo dhaawacyadda iyo in la joojiyo dhiiga daadanaya.
Nabaddu waa xalka kaliya ee umad ku noolaan karto, siyaasaduna waa arinta kaliya ee hogaanka wanaagsan uu kaga gudbi karo caqabadaha sidoo kalana kaga faa'iideysan karo fursadaha horyaala sida hadaba ay u bilaabeen Nuur cadde iyo asxaabtiisa
Waxaa loo baahan yahay oo aan horey u sheegay dowlad xalaal ah iyo doorasho xor ah, iyo in waliba dadka aqoonta leh ee hogaanka u qalma la heybiyo oo loo dhiibo usha maadaama hadda caqabadaha ugu badan ee taagan ay yihiin aqoon la'aan hareysay hogaanka baarlamaanka iyo iyadoo aan la hayn dadkii u qalmay in ay ku fariistaan kuraasta Baarlamaanka ay ay ka muuqato maamul dowladeed.
Hadaba waxaa horey soomaalidu u tiri “ Waa la doogiye Yaan la dacaroon” nabad waa la heli doonaa iyo dowlad nidaamsan oo xalaal ah ee inta isku dayaysa in ay hor istaagaan waxaa la gudboon inta goori goor tahay ay ka gaabsadaan oo ay ka waantoobaan diidmada nabadda xili dalku iyo dadkuba xaalad cakiran ku jiraan.
W/D: Siyaasigga Abdinasir Sa'eed Seyf (Abdi Dheeg)
Somalia@diplomats.com


Xogta Baarlamaanka
iyo Xaaladda Xukuumadda, Nabadda Nuur Cadde iyo nacabka hortaagan