Home Contact us Country Profile

Presidential Profiles

Sports Religious Pages Videos Audio

    Ma dhabaa in khilafka xubnaha ugu sareeyo dowlada KMG Somaliya uu saameyn ku yeeshay ciidamada qalabsida ee milatariga iyo boliska...

“Waxaa iga maqan 3 sano musharkood oo aanan waxba qaadan"

 

Posted on Qaranimo Online -


“Waxaa iga maqan 3 sano musharkood oo aanan waxba qaadan" 


 

Muqdisho: Qilaafka iyo is jiidjiidka balaaran ee soo kala dhex galay maalmihii ugu danbeeyey xubnaha dowlada ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay qeybaha kala duwan ee ciidamada dowlada Fadaraalka KMG somaliyed oo haatan aan lagu arkeynin meel ka baxsan gudaha Magaalada Muqdisho

 

Dhalin yaro ka tirsan ciidanka boliiska dowlada fadaraalka KMG Somaliyeed oo aan kulmay ayaa walaac xoogan ka muujiyey xaaladooda nololed iyo tan dhaqaale iyo weliba khilaafka iyo kala danbeyn la.aanta ku timid  dowlada fadraalka KMG Somaliyeed waxayna sheegeen in ay dowlada u shaqeynayeen mudo 13 bilood ah iyaga oo tilmaamay qaarkood in la sirey laguna shaqeystay mushaar la.aan .nabad galyo la.aan waxayna sheegeen in qaarkood ay ahaayeen arday dhamaysatay waxbarashada dugsiyada sare loona sheegay in loo qaadayo waxbarsho diabada ah ka dibna laga dhigay ciidan ka dhex shaqeeya wadan amaankiisu faraha ka baxay .

 

Ciidamdanaa ayaa shegay in hubkoodii iyo xoogoodii waxaa ay ku biiriyeen dowlada fadaraalka KMG Somaliya sidaan looga dhigay ciidamo qaran balse ay ku hungoobeen arintaa cidankaa ayaa cabashadooda ku daray ilaa markii ay ka mid noqdeen cidanka boliska in aanay helin wax mushaar ah waxayna saxaafada u sheegeen in ay ka baxayaan howsha ay hayaan waxayna sabab uga dhigeen in dowladii ay isku halaynayeen ay noqotay mid iyadii is haysata oo aan la garaneyn cid laga amar qaato sida ay hadalka u dhigeen .

 

Dable ka mid ah ciidanka ayaa sheegay isaga oo cadeeyey in uu ka tirsanaa ciidanka boliska mudo sadax sano ah waxaa nala yiri hubkiina keena waxaa la idin siinayaa shaqo fiican oo aad ku dhistan mustaqbalkiina idinka iyo ubadkina

 

Dablahan ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata sheegay in ay dhacday mushar la.aan mudo sadax sano ah waxaana uu intaa ku daray in markii hore laga xareeyey qorey AK 47 ah oo qimihiisu uu ku sheegay $400 markii uu dhibowgii ka baxayna aan waxba la siinin

 

“saaka waxaan taagan nahay in dareyskii ciidanku uu dusheena ku dhamaaday oo aan caga cad nahay wax mushaar ah nala siinin cid aan ka sugaynana aanan garaneynin waxayna maraysaa xaga dowladii in ay isku heystaan anaa raisal wasar eah iyo anaa madaxweyne ah waxayan u kala baxaday garab nuur cade ah iyo garab Cabdulaahi yuusuf ah “

 

“Waxaa iga maqan 3 sano musharkood oo aanan waxba qaadan 

 

“Wuxuuna askarigaas hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in cidianka loo fiiriyo Somali nimo iyo bini aadanimada waxaan ala ii sheegay markii hore in bilkasta aan leeyahay $100 laga bilaabo hada shaqsiyan shaqadaydii waa ka tagay qorigana ana aiska leh  waxaana aadayaa gurigii hooyaday ayuu hadalkiisii uga baxay.

 

Sidoo kale askari kale oo dable ah ayaa shegay in uu la qabo arintaa sxb kii ka horeeyey wuxuuna sheegay in u diyaar u yahay in u gurigii reer kooda iska aado mudo sadax sano ah oo uu shaqeynayey ka dib isaga oo sii raciyey in gurigooda uusan tagin mudo sanad iyo 5 shan bilood ah isaga oo ma maqnaanshaha gurigooda ku sababeeyey in la dilayo hadii uu tago wuxuuna shegay in uuka tirsanaa ciidanka boliska guutada labaad

 

Ciidamadaan ayaa cabshadood ku saleeyey khilafka soo kala dhexgalay Mas.uuliyiinta dowlada iyo mushar la.aan in ay isug darsoomeyn waxaan u qorsheysan in ay isaga tagaan shaqadoodii halka qaarkoodna ay ka dhawaajiyeen in ay ku biiri doonaan kooxaha dowada dagaalka hubeysan kala soo horjeedo.

 

 

Ciidamadan ayaa sheegay in ay adeen qarkood koorso dibada ah ayna soo rafaadeen hadana shaqada wax ay ku hayaan iniba aysan jirin sida daryeel caafimaad .mushaar .ilmihii oo aan la adi Karin dable iyo sarkaal waxaana saak aarmaraysaa in somalinimadii la waayey waxaana isqabsaday mas.uuliyiintii dowlada ugu hoosesay iyo kuwii ugu koreeyey intaba

 

“waxaan rajo xumo ka muujineynaa dowlada heerka ay marayso iyo sharaf dhaca ku yimid anagana waa na qaribtay wadanka oo dhana waa qaribmay  waxaan diyaar u ahay saacdaan wixii laga bilaabo in aan xaafadaydii iska aado “

 

 

 

Ciidamada dowlada ayaa lagu edeyey mararka qaar in ay dhacaan hanitda shacabka waxaana la wada ogson yahay in inta abdan aan la aamini Karin waxayna kuu sheegayaan qaarkood marka aad la kuolanto in ay wax u dhacayaan mushaar la.aanta heysat adarteed

 

Inkasta oo taasi jirta ayaa hadan madaxda sare ee ciidamadu waxay ku howlan yihiin sidii mid kasta oo ciidank aka mid ah loo sin lahaa mushaarkiisa wuxuuna dhawaan shegay taliyaha ciidan boliska cabdi xasan cawaale Qeybdiid in ay dhmaan si sax ah u qaateen mushaaradodii.

 


 
  

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666  

 


Aqriso saacad walba Qaranimo Online si aad u hesho warar xoog ogaal ah oo Soomaaliya iyo Caalamka kaleba.

Xafiiska Wararka ee Toronto, Canada

Qaranimo Online

info@Qaranimo.com


 

Custom Search

Sponsored links

CALL MAANTA COMPUTERS TODAY!

FOR BACK TO SCHOOL DEALS!

 

416.243.3313

7 days a week


 

who's online