Qaabkii
Looga Ciiday Toronto, Canada
Darul Hijra
Islamic Center oo ku yaal Toronto ayaa
dadwaynaha muslimiinta ah khaas ahaan Somalida
wuxuu si aad u qorxoon ugu agaasimay
munaasabaddii salaadda ciidda. Dad aad u fara
badan ayaa isugu yimid madasha salaadda lagu
tukanayey, dadkaas oo ay ka muuqato bilic, qurux,
farxad, iyo rayn rayn ay ku faraxsan yihiin
maalinta way nee ciidda. Waxaa aad loo maqlayey
takbiirta oo si aan kala go' lahayn la isugu
dhiidhiibayey, iyo markii la tukaday oo la isugu
tahniyadaynaayey: "Kullu caamin wa antum
bikhayr" Ka hor inta aan khudbadu bilaaban,
waxaa dadwaynaha si diirran u soo dhoweeyey
madaxa markizka Darul Hijra Sh. Moxamud Axmed
Xasan (Fodcadde), isla markaana ku bogaadiyey
dadwaynaha inuu ku faraxsan yahay in markizkii
cusbaa la furay ra'yigii iyo riyadii reer
Toronto ee ahayd inay furtaan markizkaanna uu
dhaboobay Allaah ithankii. Shiikha ayaa intaa ku
daray casumaad uu u fidiyey dhammaan dadwaynaha
ku nool Toronto inay ka soo qayb galaan xafladda
furitaanka markizka oo lagu beegay munaasabadda
ciidda. Markizkan ayaa ku kacay lacag gaaraysa 3
Milyan oo dollarka Canadianka ah, isla markaasna
ah meel adeegyo fara badan umadda u qaban doonta
Allah ithankiis.
Waxaa isna
meeshaas ka duceeyey oday Mox'ed Nuur oo aad ugu
dheeraaday ducadiisa, isagoo gaarsiiyey dhammaan
ummadda Somaliyeed iyo muslimiinta kaleba,
dalkii iyo dibadba.
Intaa ka dib
waxa halkaa khudbaddii ciidda ka akhriyey Sh
Cabrisaq Cilmi (Fagare). Shiikha ayaa dadka si
kooban ugala hadlay akhlaaqda qofka muslimka ah
laga doonayo, iyo in munaasabadda ciidda looga
faa'iidaysto toobad iyo dambi dhaaf dalab.
Shiikha ayaa si wayn ugu booriyey walaalaha
muslimka ahi inay is cafis, is jacayl, isu turid,
isu naxariisasho, iyo isu calool fiyoobaan
muujiyaan farxadda ciiddana laga garto
wajiyadooda iyo warkoodaba. Shiikha ayaa
walaalihii soo ciiday uga digay inay is xantaan,
is xasdaan, is xaqiraan, is jaajuusaan, is
dhiibaan, ama ay is xumeeyaan. Wuxuu shiikhu
sheegay dhammaan akhlaaqdaas xun in Allaah iyo
rasuulkiisuba ay reebeen, loona baahan yahay in
laga waantoobo la iskana ilaaliyo.
Intaa ka dib
waxaa dadwaynihii isugu yimaadeen markizka Darul
Hijra halkaas oo ay kala kulmeen soo dhoweyn
diirran, cunto, cabitaan, iyo waliba carruurta
meelo iyo waxyaalo lagu ciyaarsiiyo. Dadka ayaa
waxaa aad uga ifaysay farxad aan la qiyaasi
Karin oo ay ku faraxsan yihiin markizkaan wayn
ee Allaah fadligiisa lagu helay, iyagoo isugu
tahniyadaynaayey ka qayb qaadashada mashaariicda
lagu hirgalinayo dacwada Alle, isla markaana
isku dhiirri galinaya inay sii kordhiyaan wax
qabadkooda, iyo ka qayb qaadashada arrimaha
dacwada islamka.
Carruurta iyo
dhallin yarada ayaa waxaa loo diyaariyey qalab
kala duwan oo ay ku madadaashaan, garoomo ay ku
ciyaaraan kubbadda kolayga, miiska lagu ciyaaro
hockeyga, iyo waxyaabo kale, taasoo ay ka
dhalatay inay carruurtii iyo waalidkiiba ay
markizka ku nagaadeen ilaa iyo salaaddii cishaha
ka dib. Marizkan ayaa ah mid il gaar ah ku
eegaya dhallinyarada somaliyeed ee Toronto ku
nool, kuna tala jira in dhallintu ay ka helaan
adeegyo iyaga munaasib ku ah sida garoomo
ciyaareed, iyo qalabka lagu ciyaaro si loogu soo
xiro dhallinta maraakizta islaamiga ah. Markizku
wuxuu shaqadiisa si rasmi ah u bilaabi doonaa
maalmaha foodda inaku soo haya Allah ithankiis,
wuxuuna gacmo furan ku soo dhoweynayaa dhammaan
walaalaha muslimiinta ah gaar ahaan Somalida
Toronto.
Ugu dambayntii
wuxuu markizka Darul Hijra idiku bogaadinayaa
munaasabadda ciidda isagoo idin leh ciidda
ciiddeeda ku gaara nabad, barwaaqo, caafimaad
iyo cibaado suubban, "kullu caamin wa antum
bikhayr".
AMIN AMIN AMIN
AMIN AMIN
Maamulka Dar-ul-Hijra
Islamic Centre - Toronto
www.darulhijra.org
info@darulhijra
|