AADI
KOLONGA OBBO, fannaankii
jiitay ee reer Kismaayo; wiilkiisii ahaa Nameka, wiil uu sii dhalay (u garo
curadkii Nameka ina Maadi Kolonga Obbo); haatan se lagu magacaabo Obbo Mkoma,
ayaa laba toddobaad kahor meesha gaari ku dhaafay; waxa uu na ku sii
jeeday abbaartii Banhof-ka, halkaas oo uu ka sii raaci lahaa tareenka Inter-City
Express (ICE); si dabadeed na Frankfurtflughaven uu uga sii duulo
xaggaas iyo Kapstadt, Koonfur Afrika. Ujeeddoda dhoofkiisa ayaa ba ahayd
in magaaloda Cape Town uu ku soo qaato tababar duuliyenimo. Jiif, cunto,
iyo weliba saacado duullimaad oo faro badan iyo fee (kiro) ka jaban
qiimoha Alemania.
Ha
maqnaan lahaayaa: maxaa qiil uu u ciirsado u noqon lahaa? Cudurdaar sidee kale
ah ayuu se sharafkiisii la madoobeeyay ku caddeysan kari lahaa?
Meeshu
waa magaalo la yiraahdo Braunau, ka na tirsan gobolka Klagenberg,
Alemania.
Carruur caddaan ah ayaa waddo kasta ba joogta; kooxo ayaa se kubbadda cagta ku
ciyaaraya gego, digdigo balse ah xadiidin, goob ciyaareed lagu magacaabo Spielspange.
Ciyaalkan qalaad, agfadhigoodii badnaa ee kombiyuutarka, ruuqiddoodii
macmacaanka, rudmodoodii baradhoda xalleefsan, iyo ciyaarohii kombiyuutarka ayaa
loo eersadaa cayilkan qabkoodii dhalandooriyay, u na yeelay qaab aad u
foolxun: calool dibbirsan, caman kuuskuusan, iyo cajarro diilan. Meesha waxa ku
maageeran hooyooyin iyo aabbeyaal kala taagersan, oo kala dhiirrigelin, u na
kala orin kolka ubadkoodii uu cagta ba la haleelo kubbad, sidiisa oo kale ba,
aad u buufsan. [ Sacab. jawjaw. Dhulgariir! ]
Aalaaba,
meesha, reerku waxa uu ka kooban yahay lammaane isla-nool uun. Illayse,
si loogu garto sida ugu qeexan; waa labood iyo labood ama dhaddig iyo dhaddig
isu dhaxa. Nimow-Naagyo ama isqaba amabase isu-fuula. Laga yaabee, in aad
horey maqashay, ‘Heblaayo gaal bay u fuushaa!’; tiiyoo looga jeedo,
‘gaal aan qabin ayay u naag tahay’. Ereygan, fuulitaan, codsi, ha u
fahmin si intaas ka sii macsi duwan.
Haah! Xeerka ayaa u dulqaadanaya in ‘labadii is-jecel’ ba ay is guursan;
haddii kale na, ay ba isu-fuuli karaan. Hayeeshee, immika, geddii hooyooyinkii
Soomaalida ba, maro taarashyo leh, subeeci oo kale, ayay ku xambaarsan yihiin
dhallaan kale ee yaryar; lammaaneha qaarkood se waxa ay ba gacanta hayaan ilmo
ordi karaya, ka na firfircooni badan bucbucyodooda ka cagajiidaya dheesha ay
daawanyaan ba.
Funaanado
holof ah, surwaal-dabagaabyo dalfac ah, kabo aan sina ba uga yareyn buudka ay
illodaan neo-Nazi skinheads-ka, ayay gebigood wada xiran yihiin.
Gibilkooda cardiifka cad waxa ku asalan amba ku shaqlan midabboda calankooda:
huruud, gaduud, iyo madow. Olol baxaya. Eeg haddana! Gololoda dalkooda ayaa
shafka ugu wada tolan. Maleha, waxa ay iyaga ku barbaarin han gurracan, mid ku
sii qiireyn guhaad aan dhab loo arkeyn, iyo haybsooc u aloosan dab hoos ka nool
oo kale. Tusaale ahaan, marka loo eego, ku-qaadistoodii Heesta Qaranka Alemania:
tixo ka faafreebanaa maansodii Heinrich Hoffmann von Fallersleben,
tuducyodaas baas ayaa weli, mindhaa, hoojisyo qab weyn iyaga maanka kaga
wada dhex shidi:
“Deutschland,
Deutschland, über alles…”
Badankoodu
waxa ay u dhaqaaqayaan; may, badankoodu waxa ay u buluqbuluqleynayaan sidii
wanan shilis ah. Midkoodii dhaco se; geddii doofaar la gowracay ayuu u
gebidhacleyn; midkoodii dhacsaal awgeed meel u habsoda se; xagga muuqa waxba
kagama duwana fuur yaalla Waddodii Nasiib Buundo. Dadyowgii
Soomaaliya, looma-ooyaankii, galladda qudha ee iyaga na lagu ba cawriyo
ayaa loo muhan:
“Wiil
geeljiroon gaajadu kareyn…” (Hees: Gobannimodayada Guullow Adkee)
Goorta
halyeyga macluulan uu dhaco se; sida ay calooshiisu u qombobsan tahay,
ayaa la arkayaa dhoobbigii uu diihaalku dilooday, halgamaagii:
mase waa isla kiiyoo ciyoon ba naaxi! oo yeelan baacug hingilan. Caloolxumo weyn.
Waa diiq, diiq, diiq isaga uun u gaar ah. Hamuuntirkii
aakhirutahan, u ahaa na; yaa og? Tolow, saansaanta nolol kale ee noloshii hore u
dhaanta, miyaa haddaa? Ogow, Soomaaligu waa sankunneefleha qudha, kaas oo geeri
mooyee aan ay noloshu ba kobcin. Alemania,
qurbe oo idil, waa meel loogu talogalay dhaqankii awoweyaal in lagu mooradduugo.
Dhaqan la’aani waa hayb la’aan. Haybad la’aan. Han la’aan. Walaal
la’aan. Muu iska dhinto, haddaa. War muu nafta mar uun huro. Geeljirku weligii
xornimo ayuu horeyba ugu soo naalloon jiray. Waryaa, joog dalkaaga. Ku dhimo; u
na dhimo dalkaaga. Dhan loo dayo ba, la ogaa’; geeljirka geerida ayaa u roon.
Geeljirka
hallowsanow, doqonkaas habowsanow, geesiga ciishooday ee Alle kala walaal dhigay
‘Qarankii Abwaannoda’, ereyodiisii ku qiirow:
Dhallintii
geddoon baa ku dhacay aan la garanayne
Gabaahiir ayey kuududaan garasho waa yaabe
Gashi bay ku noolyiin dhamaan waanu gudhayaaye
Gacan hoorsigay qaayibeen waa gunnimo weyne
Qof xawaalad garab taaganoo giniyo eegaaya
Oon guunyo deeqdiyo lahayn guri wax hoos yaala
Gunno raadi mooyee dad aan ceeb ka gubanaynin
Oo gargaar shisheeyiyo ku nool faraha guudkooda
Oo gadaan wax loo saarayoo lagu gumaynaayo
Gasariirka ina haysta baan gocanayaa mooyi!
(Suleiman Jama Hersi: Wereg Weere)
Mwanamvua
Kasamila, haatan waxa loogu yeeraa Frau Obbo; bilis u ah raalliyo
sida Soomaaliyad dhalad ah; iyadu na waa Obbo Mkomo hooyodiis. Saaddambe,
haayoo berridambe oo kale, ayaa wiilkeedii ka soo laaban lahaa dalkii Apartheid;
yac! qalinka, iyo hafyo-badanidiisa; South Afrika. Cuntooyinkii ay ku soo
dhoweyn lahayd, ayay ku mashquulsanayd. Walow ay iska xanuunsanayd, si hilow
badan ayay misana u raagsanaysay goorta ay markale arki lahayd ubaxeedii.
Nuurkii idhaheeda. Madigeedii. Waxa ay ku hawlanayd sammeynta doolshooyin, rooti,
buryoosh, bur-kaaki, buskud, sambuusi, bejiye, muufo-baraawe, oodkac, hariiso,
iyo dhigaallo kale oo ay ka kororsatay Muslimiinta reer Braunau. Si kale kuma
taqaannid; ee haddii aad geli lahayd jikada ay wax ku karinaysay, dhareer ayaa
afkaaga ka soo quban lahaa: Udugga bun la dubay, qorfo iyo heyl la tumay;
sanuunta burunji lagu kariyay basal, toon, riixaan, kaamuun, filfil,
basbaas-cagaar, xawaaji-gaduud,… hilbo wada dhireysanaa. Xaggaas dambe na,
burjiko (dhardhaarro korontonteysanaa), waxa ka dul hongod lehaa heemaalkii Frau
Obbo, kaas oo ay finiinacyo dhidid ahaa ay kaga sammeysmeen wejiga, kakor bar
suujuud awgeed la gommodontay; dhibco, sitaahoo ay ahaayeen huur isu oomanaa,
Niilkii Waqooyi iyo Niilkii Koonfureed, dabadeed goorta geeddiyaal dhafoorkeedii
ka mid ahaa ay isu soo jiidhaan, isku darsoomayay; oo isku wada noqonayay na hal
dareer oo harag qudha wadaagayay, kaas oo misana hoos ugu sii durdurayay
cabbaadkeedii qaar-shareernaa… tiiyo, iyadu na, masar cad hadba intaa iskaga
tirtiraysay; si dhididkeedu aan uu ugu dul tifiqleyn cuntodii ay hagaaji lahayd
ba. Gaarinnimo.
Teeryo
waagii lala aqalgalay, laga soo billaabo noloshii ay horey ula soo wadaagi
jirtay hartigii iyada u hor-shaashiyay (hor aroosay); hawshan guri waa shaqo
maalin kasta ba, si joogto ahayd, ay u soo fulin jirtay cibaadaysi oo kale. Herr
Obbo, jacaylkeedii rumaad, gacalodiisa bilaash uguma neenaasin -- ‘Malaa’ika’.
Fiidadkii
goorta uu ganacsigii irdoha u soo laabo; maxaa loo maleyn daraadda, qaraami
murwaad badan uu iyada ugu qaado? Erayodii ina Halima Wughanga iyo Ramadhan
Mwamburi, illinka marka uu soo dhaafo, inta garkiisa cad hangool oo kale
garabkeeda u dul surto, sababta uu iyada ugula haanyoon:
Malaika,
nakupenda Malaika.
Malaika,
nakupenda Malaika…
(Fadhili
Williams Mdawida: Nakupenda Malaika)
Yaa
sheegi karaya se, axad loogu heesayo, ‘waa aan ku jeclahay’; sababta
uu isagu na u ooyn? Mwanamvua ina’ Kasamila, Frau Obbo, waayo ay u
ooynaysaa? Goorahaas, iyadu na, Ilaaheeda Weyn ayay si qushuuc leh uga shukrin:
in jacelkeedii isaga oo nabad ah uu reerkii ku soo celiyay. Oohin, haa; jacayl
na, haah. Waa se jacayl ay ku cibaadeysan. Mahacelin. Allaah Ayaa Mahad Leh.
Jabaqda,
dananka, jiibka, gurbaanka, dafka, foorida, kitaarada, luuqda, bulleynta (sidii
sengeyaal tababaran oo kaleeto; isu-rog-rogitaanka, si gaw ah, goorta ay ku
haabboon tahay, lug ama addin ama madax ba, korkiisa oo idil, xubin ba geesteed,
uu hadba uga kala faranfardeyn) iyo codkiisii; qaraaxaddii Nameka ina Maadi
Kolonga Obbo. Waxyaabohaas oo is wada biirsoday, waa caweys iskugu marmaya
“Kun Habeen iyo Kow” oo kale: sheeko-xiriir saameyn ku yeelan
wadane kasta ee u nugul hawloha Aadmiga; may, ee waa wadane kasta ee u nugul
DHAQANKA SOOMAALIDA. Iyaga, lammanehan liibaanay; Reer Obbo, waa u xiriir
ruuxeed oo ay ku booqan xabaalo ku yaalla Shungul Mafuula -- buddhiggii
sullankoodii hore. Halkaas, waxa ay dib u soo wada gocon: dareenno uu
waqtigu iyaga laabtooda ku reebay, biligo ka mid ah hummaagohii fannaankii
jiitay ee reer Majeenga, reer Kismaayo; Maadi Kolonga Obbo, kiiyoo fureyaalka oorgan-kiisii
haddeer tobanka farood ugu dul ciyaarsiin sidii ciyaartii Masawey; hadhowto
na sidii Anyakow, marka xiga na sidii Shuulaay, iyo… iyo hal
dhoolbir ahaa; dhoolla-ka-qosolkiisii, kaas oo guriga u iftiimin; waa
ileys aan iyaga lacag na ugu fadhiyin, illayn. Waa siyaaro
noloshooda ka mid ah. Xusuus tiiranyo wadata. Laakiin se, waa baroordiiq ay
haddana si uun ugu riyaaqayaan. Naalloda Adduunka.
Heestu
waa u gallad yar; hayeeshee, haddana, waa oqoonsi u gaar ah; iyo hiddo iyaga
kala mid dhigi, ku na xiriirn dalkoodii laga soo barakiciyay. Waa dhaqan aan
weli agtoodii ka dhiman. Dalkii, iyo dadkii Wazigua; ama haddii si ka sii
caansan loo haybsooco; yac! loogu abtiriyo, Mushunguli. Jubbadii
Hoose oo meel dhow uga soo laaci. Nabad yididdiilo leh. Rajo joogto ah.
Hadma ayaa dib loo noqon? Daltabyo. Waryaada, reer Obbo, dadnimo weynaa. Ma
jaceyl ayay ba weli u hayaan? Caloolyowgii yiil Soomaaliya. Intaa se, run ahaan,
waa ay oynayaan. Oohin qarsoon. Intaa na, run ahaan, waxa ay u duceynayaan
Soomaalida oo idil. Ducooyin aan kala-joogsi lahayn. Billaa ‘uurkooda
cabanaya’ uu ciyoon u fayoobaado.
Gegadii
Spielspange
-- ciyaalkii iyo cuur qiireysnaa -- oo guuraysa ayaa ag timi daafoha aqalkii Familie
Obbo. Ereyo baas ayay reer ku inkaarayeen. Islaantii, Faru Obbo, oo u hollatay
in ay duqeedii telefoon ugu sheegto bannaanbaxa gurigoodii ka ag soconayay; mase,
koortii illinka ayaa loo soo garaacay. [ Albaab-bukeyn. Canaan. Dhulgariir!
] Degdeg ayay misana isu hagaajisay. Dabadeed na albaabkii fag siisay. Mase! Waa
boolis buufsan; hayeeshee, tiirkii nalka la dherer eg.
Deriska
koodii xishoonayay, koodii daaqadda ama alaabku u furnaa; waa ay wada xirtay;
amaba daahyodii ayuu sii deystay. Gurmad la’aan. Jaarkii ugu wada xummaan
jiray, bulshodii caalamka, cawrodii adduunka, ayaa uun ba isugu soo dirwacday.
Gaashaanbuurtii. Federaalkii Nimow-Naagyoda. Marka laga reebo qaxooti aan kala
jeclayn waxii ku dhacaya cid kale; qaar, weliba Muslim ku-sheegyo ahaa, ayaa
meel fog ka daawanayay haybsooca reer Obbo loola yimi.
In
yar dabadeed kolkii eegmo dheer uu ku handaday, inta misama aamusnaantii uu
jebiyay, af Alemani shigshigsanaa, kaas oo ay doobbodu na afkiisa marmar kala
soo boodaysay; sida daangoda, teeda bucata, weelkii lagu dubayay ay dibadda uga
duusho, ayuu weydiiyay weydiimo yaab lehaa:
“Sie
sind Frau Obbo, oder...(Marwo Obbo ayaad tahay, mise...)?”
“Jaa.
Ich bin Frau Obbo (Haah. Marwo Obbo ayaan ahay).”
“Arrin
wiilkaaga ku saabsan ayaan u nimi.”
“Iyaa?
Wiilkaygii maxaa ku dhacay? Aaway? Intee?--”
Su’aalohii
ay fatahday ayuu ku celiyay qeylo. Si jeesjees ka ahayd ayuu iyadii ku yiri,
“Sababta la inoogu kiin soo diray ayaa ahayd ba in aan adiga ku weydiiyo
meesha uu haatan ku sugan yahay Mörder-kii
(dilaagii) aad hooyoda u ahayd.”
Halkaas
markii ka ogaatay in wiilkeedii uusan belo qabin, ayay ku tiri cod deggan,
“Wiilkaygu ma ahan dilaa.”
“Haa.
Haah Faru Obbo. Ausweiß (aqoonsi)”.
Haddiiba
gadaal inta ay degdeg ugu laabatay ayay soo qaadatay boorsodeedii garabka; inta
ay weli xaaggood dhex ugu soo jirtay, ayay ka soo saartay dhaafiyeheedii; markii
ay soo gaartay albaabkii ay ag surnaayeen; gacanta bidix ayay ugu taagtay.
Isagii na inta uu yaabay ayuu xaggeedii ula jeestay polizitin (boliisad)
isaga la socotay, oo iyadu ciyaalkii qalaad wareysanaysay.
“Frau
Kollegin (Marwo wadaadey) ka warran! naagtu waa Alemani.”
“Nur
ein Stück Papier (cad waraaqa uun).”
Intay
ay dhabdarro kale ugu heshiin ayay ula yimaaddeen go’aan horleh, iyo weydiimo
sirgaxan. Naagtii, askariyaddii, ayaa kolkaan u soo bareertay:
“Ma
inoo oggolaan in aan baarno gurigaaga? Waa codsi yar, laakiin dhibaato weyn kaa
baajin. Haddii kale waxa aan adeegsan doonnaa tabo kale. Haye?”
“Waxii
immika ka dambeeya, idinla hadli mayo. Xeerka dalkaan waan aqaan. Haddii aad
iila timmadaan Durchsuchungsbefehl
(barwo: amarti, waraaq xeerilaaye uu ku soo oggolaan in baaris lagu
sammeeyo--qof gef laga tirsanayo ama loo tirinayo--dembiile). Weydiimo kale
miyaad ii qabtaan?”
“Jidka
la yiraahdo Schornsteinstraße, gadaal dambe ka mara goob-ciyaareedda Spielspange,
cabbaar yar kahor, qiyaastii rubi saac kahor, ayay dad reer Alemania
ahaa arkayeen sida wiilkaaga madow u dhagax ugu shiidayay gabadh lix jirsatay --
sidii in ay ahayd Muslimad lagu arkay sariirta nin dool ahaa. Frau Obbo, adiga
iyo wiilkaaga ba idin dili mayno, haddii aydnaan adinku dilka isu soo jiideyn. Verstehen
Sie? Das ist nur ‘ne frank Sprache (Ma fahmeysaa? Kani waa af hufan uun).”
Frau
Obboo oo yaabkii adduunku uu u yimid ayaa mar kale weydiisay, “Ma cid baa
aragtay wiikaygii? Rubi saac kahor? Yaa arkay? Xaggee joogay--”
Xayn
ka mid ahayd ciyaartooydii Spiespange, beenaaleyaal isa soo ururrsaday,
ayaa iyada weydiimaheedii maragfuryo tallantaali ahaa isu dabadhigay; iyodii na
ku asqeysiiyay. Mid kasta na, si ka dhignayd maragmaddoonto oo kale, ayuu u yiri:
“Anigaa
arkay!”
“Waan
ka xumahay. Wiilkayga Südafrika (koonfur Afrika) ayuu jiraa. Hal saac
kahor ayaan na taleefnka kula hadlay.”
Booliskii
inta ay iyadii ka cududaarteen, ayay u sheegeen in ay ku soo laaban lahaayeen
iyaga oo Xeerilaaleyeha Guud u soo jaray Barwo Baaritaan. Sidii ayay na uga wada
hor tageen iridkeedii ay hor dhoobnaayeen. Iyadii na, Frau Obbo, neef weyn ayaa
ka soo fuqday. Illayn waa qof dumar ahayd, misana ku soo barbaartay meel laga
rumeysnaan jiray diin iyo dhaqmo kale oo isku barxanaan jiray; shaki ayay
qaadday: ‘Sidee toddobo qofood iskugu raaci karaan in ay arkeen wiilkeedii’?
Weydiimo farahaas kama badanaa, ayaa sii kiciciyay buufiskii hayn jiray,
dhiigkarkii, qalalkii.... Miskiinad. Hawsheedii guriga ayay halkeedii ka sii
wadatay. Telefoon ayaa looga soo diray Polizeirevier-ka
(Iteeshinka Boliiska). Waxa lagula taliyay in wiilkeedu muddo ku siman hal
usbuuc uu agtooda is-keeno; haddii kale aan la soo dhoweyn doonin cududaarka
kasta ee uu boliiska ula yimaaddo; waxii muddodaas ka sii dambeeya. Iyadu na,
waa ay ku raacday talodaas habboonayd.
Adigu,
maxaan kuu sheegaa. Fiidkii odaygeedii, Herr Obbo, yimi; intii aan uu weli
kansho ba u helin qaadistii “Nekupenda
Malaika”; si ka duwan
siyaabohii hore, caawa iyadii ayaa garkeddii sidii hankool u suratay garabkiisii
weynaa; iyada oo ooynaysay ayay na u uga sheekeysay waxii is-mooggoodii dhacay.
Carodii iyo ciilkii ku baxay ayuu wanooyin iyo waayaragnimo qabow kaga demiyay.
Waxa ay odaygeedii ka codsatay in, cibaaroda taal, aan uu sheegin Mkomo. Waa na
uu ka ballanqaaday. Waynakaas! Waa geddii lagu yiqiin. Waxa uu billaabay,
tilaawooyin Qur’aan ahaa in raalliyodisii murugaysanayd uu ku dul hooriyo.
Codkiisu weli waa hibo laga qadiyay ama ba la qariyay Bulshoda Caalamka
Islaameed. Caadigoodii hore in u dhaqmaan ayay isku wada dayeen. Casho la’aan.
Habeen wanaagsan. Hurdo caafimaad leh.
Dabadeed,
sidii la filayay ba, Mkomo Obbo, soo laabay; looga na sheekee waxii dhacay is-mooggoodii.
Dhoollo-ka-qosolkii lagu jeclaa awowgii ayaa uun ba ka soo haray. Qosol. Sidii
ballantu ahayd, laba beri kadib ayuu booqday Polizeirevier-kii (Iteeshinkii).
Oobbigii
(joornaatigii) ayuu isu sheegay in ahaa Obbo Mkomo. Saajinkii telefoon ayuu u
sii diray abbaar kale. [ War badan. Daldalan. Jawjaw. Dhulgariir! ]
Dabadeed tiro-qol ayaa cad waraaq ah loogu qoray. Jaranjaro ayuu kor u sii tafay.
Meeshu qol ma ahayen. Waa fadhi sugitaan. Halkii ayuu iska fariistay
illaayo intii askari kale uga imanayay, una geynay ciddi baari lahayd arrintiisa.
Waxa loo geeyay nin isagu na buufsanaa; illayse aan kaftameyn, qosleyn,
jixinjixen. Goon-cadaawo.
Herr
Ingo ayaa yiri, “waxa lagu arkay adiga oo gabar ku shiidayay, jidka la
yiraahdo Schornstraße. Am
Bach. Braunau.”
Duuliyehii,
aal askarigii inta u eegay, ayuu la la yaabay tuhumo sidaas oo kale u weyn
sababta keeni kartay, iyo habdhaca codka su’aasha lagu weydiiyay.
“Anigaa?
Obbo Mkomo?”
“Haa,
adiga qudhaada. Yaa kalee la arki lahaa!"
“Maxaa
caddeyn ah oo aad haysaa?”
“Toddobo
bürger (muwaadin) oo adigaa kaa cadcad.”
“Ma
aniga ayay i arkeen, anigaa? Ii sheeg haddaba duulkii i arkay.”
"Waa
Fabian, Sebastian, Rudi, Aachim, Kai, Tilo, iyo Herr Zimmermann,
barehaagii digsigii hoose.”
Mkomo
Obbo waxa uu soo xusuustay dhacdo hadda kahor dhacday. Waa hore, isaga oo yaraa
in Herr Zimmermann suuliga dugsigii
ayuu Mkomo ku dhex ceejin lahaa. Sidaas awgeed na, tii ka dhacday waa la wada
ogaa. Fara-ciddiyo lehaa ayaa looga furfuray berigeedii; Herr Obbo oo Zimmermann
nafta ba ka saari lahaa.
Wiil yaraa, Alemani
aan berigeedii buufsanaan jirin, ayaa taas na u sheegay aabbehiis oo qareen ahaa.
Qareenkii ayaa na arrintaas si nabad ahayd ku afjaray. Qosolgariir ayuu Mkomo
qoslay.
"Iyaa,
wuu i arkay, macallinkaygii xumaa? Isaga ayaa i arkay aniga oo gabadh shiidayay?”
Intuu cabbaar la diriray jebabkii koorkiisii, oo waraaqo isku duubnaa ka soo
saaray ayuu u raaciyay, “Herr Ingo, bal haddee eeg kan waa baasaboorkii aan ku
aaday, kaga na soo laabtay Südafrika,
kanna waa tikidkii... Mooyi sidaan isla hal jeer laba meel u kala joogi karay?
Diyaarad na aan Koogur Afrika hawadeedii u lalinayay; Deutschland
na, aan gabar--"
Herr
Ingo na, skinhead-kii, madaxii dhukulnaa inta uu geesoha hadba u kala
ruxay; sitaahoo aan uu rumaysan karaynin caddaymohii loo hordhigay ba. Si
haybsoocnimo lahayd ayuu ula sii dooday, “Ma waxaad i yeelsiin, Herr
Zimmermann, bare gudeha Braunau magac wanaagsan ku leh, in uu isku kiin kahay
wiil kale ee caddaa? Alemani iyo Afrikaan miyaa iskaga darsoomi karay? Ma
saas ayaad iga raaridi lahayd: haddii aan waalanaan lahaa na?”
Duuliyehii,
oo dhiilloobay, kutub Qur’aan ah ayuu jeebka kala soo baxay. Inta uu misana
labodii barbar ba ka dhunkaday, ayuu ku dhaartay, si uu u muujiyo in uu beri ka
ahaa eedda loo haystay.
“Allah
ayuunbaa ka markhaatiya, Kitaabkan na waa Ereyodii Allaah, Run Muqaddas Ah. Herr
Ingo, Isaga ayaan kuugu dhaaran: lugtayda ma geyn jidka la sheegay, ma na arag
gabadh, ma na shiidin gabadh."
Herr
Ingo ayaa su’aal kale weydiiyay, “Wiilka madow ee la wada arkay, ma Teufel
(cillanaad/jin) ayuu ahaa, haddaa? Kaas adigaagan madow, xataa kuuma ekeyn,
miyaa? Ma na taqaannid wiil madow ee gabadh dhalad ah kufdsay?”
Mkomo
Obbo oo haddeer ay daartay caro horleh iyo cabsi uu ka qaaday in loo lebisi
lahaa dembi uusan sammeyn, ayaa ku fekersanaa goortaas, tan mar haddii ba Alle
ka saaro, in sida ugu dhaqseha badan uu dalkan uga tago, inta ay goori goor
tahay, shaqo dambe na aan dib dambe ba ugu soo yeelan. Marka ugu horreyso se in
uu waalidkiisa ka ba rarto magaaloda Braunau. Ciil daraaddiis, dhuuntii ayaa ba
xirantay.
“Sidee
ayay ku dhacday in beenaale been uu sheegay laga rumaysan og yahay runsheeg
weliba diin iyo Alle-ka-cabsi leh. Been fiiqi sharafka iyo haragga Alemani
madow. Alemani aan xataa haddeer adiga ba kaa ag muuqan. Dhab ahaan, ma u
jeeddaa Obbo Mkomo? Hallooooo! may maqleysaa!”
Ha
sheegin. Barakalaay. Dooddaas waxba uma kordhin. Meesha ma joogin cid
warkiisa rumaysan kareysay. Herr Zimmerman iyo kooxdiisii qalaad ayaa misana la
horkeenay. Midkood ba, ka kale waxii u furay, ayuu isagu na ka sii markhaati
kacay uun.
Herr
Ingo oo ay arrimohii iskaga yaaceen, ayaa Mkomo iska sii daayay; laakiin se uga
digay in uusan magaalodan meel kale ka aadi karayn; iyo arrintan in uu kala sii
tashan doono Xeerilaaliyeha Guuddi, kaas oo uu ka soo codsan lahaa: amartidii
kale ee Obbo Mkomo lagu sii maraanmarin lahaa.
Caws
dab la qabadsiiyay oo kale ayuu warkii qof ba qof kale sii qabadsiiyay. Warku
baahi okaa! Obbo Mkomo oo gabadh shiiday ayay noqotay sheekoda magaaloda Braunau.
Qofkii uu soo ag maro; ama waa qofkii isaga caayi lahaa ama shiidi lahaa ama
candhuuf wejiga kaga tufi lahaa. Waxa uu goostay in aan uu cid dambe la soo
qaadin arrintaas wax ku saabsanaa ba. Bes. Isaga ayaa isla hadlay,
“Alemania
zasumbua roho yangu
(Alemania ayaa ruuxeyga murjinaysa).”
Frau
Obbo ayaa abaalkeeda loo celin; guuloha wiilkkeedu uu ka guungaaray xagga
waxbarashoda. Guud ahaan, ka reer ahaan, dadaalkooda dheeriga ahaa ayaa
qoyskooda u soo jiiday nacayb cillan; iyo xasad, had iyo jeer loogu soo bandhigi
jiray kor-ka-hadal ahaan: Indhaha oo lagu gubo ama laga dadbo mararka caddaanka
qalaad ay arrin uun uga baahdaan; baska, guud ahaan gaadiidka oo dhan, oo aan
cidi soo ag fadhiisanayn xataa haddii agtooda uu fadhi ka bannaan yahay… iyo
qaar kale… iqk. Wiilkeedu, meesha, kuma haysan jirin saaxiibbo dhab ahaa.
Sigaar, xashhiish, iyo daroogooyinka lagu hodo ilmoha toosan, midkood na,
weligii ma taaban. Ciyaalka qalaad waxa ay ugu yeeri jireen, iyaga oo isaga ku
maagayay -- ‘galti’, ‘daayeer’ iyo magacyo kale oo aan la
sheegi karin. Si kooban, hooyodiis ka soke, waa baarri uu Ilaahay toosiyay.
Haddii uu ka mid ahaan lahaa kuwo qalloocan se? Hubaal, waxa uu ku dhex qurmi
lahaa Xabsiga Weyn. Bal eeg! Sarwacnaanta intaas la eg: Meeshu waa meel aan
wanaag iyo xummaan, midna ba, loo quurin; qofkii madow ah. Macneha, xummaantiisa
na waa xummaan si uun u takooran; wanaaggiisu na waa xummaan si kale uun u xun.
Afsallax-ku-dheg.
Caddaankii
ay dadka kale xataa iskaga dhowaan jireen, iyagii oo iskaga dhigayay in ay ka
xummaayeen sida sumcadda looga dilay, ayaa billaabay in uu bal uga sheekeeyo
waxii uu kala soo kulmay rugtii booliska; si ay u ogaadaan uun dhaawaca
qabkiisii la gaarsiiyay -- xaddiga uu hoos u shiiqay. Si kale kuma garatid. Garo
halkii uu abwaankii Soomaaliyeed lahaa,
“Ninkii
burunji inuu iga cuno ii bariidinayay
Ee aan bar kale ii tarayn; beerka ka
ogsooni.”
(Xaaji Axmed
Gabay-Xaddi: Beerka ka Ogsooni)
Obbo
Mkomo waxa ku billowday cudur nacayb; kaas uu u qaadayo cid kasta ee isaga ka
wareysata sheekoda iyada ahayd ba. Waa uu is-koobay; geddii maroodi duqoobay,
ayuu na goonni uga wada bayray raxantii Alemania-da caddayd.
Ciyoon
ba ganacsigii abbehiis na waa uu xummaaday. Xanuunkii ay hooyodiis ka sii qaaday
nabyodii; cudurro kale ayuu ku soo kordhiyay. Cimri-degdeg. Frau Obbo Nofeembar
11, 2007, ayay dhimatay. Haraageedii waxa loo duuliyay dalka Keenya, halkaas oo,
iyada oo la tixgelinayay tartiibka duugista Islaamka lagu duugay Xabaaloha
Muslimka lagu aaso ee Kariokor,
Nayroobi.
Abrril
09, 2008 ayaa la helay mujrimkii ka dambeeyay dilkii iyo kufsigii gabadha yareyd
ee reer Alemania. Herr Zimmermann! Macallinkii dugsi... Dulmanehii, xataa
abbehiis, ayaa ku kari waayay in magdhow la weydiisto magalodii Braunau. Mkomo
na ka diid. VITO.
“Dacwodu,
nolosha miyey ku soo celin hooyodii aan u beelay? Papa, runto waa sidii
cunto saafi ah oo weel la taal. In yar na, ha ahaato ee; ciddii kaaga masuugtay;
ma cuntodii nacayb awgii ay keligeed isugu daldashay, goor dambe ay soo wada
hunqaacday; ma muudalkii caddaa xaarkiisii ayaad i cunsiin lahayd? Erey dambe ha
ii celin; gaar ahaan mid ku saabsan ‘waraaqdii caddayd, waraaqdii yareyd’
ee gadaal iyo horeba laga daldalooshay!’ Mid kale na, Papi ma
doonayo in aan sidii gudurugii ugu dul noolato hilboha meytidii yareyd. Hilbohii
miskiinta yareyd. Boogo ii reysan lahaa na; haatan dib ugama sii dhiijin karo.
Keliya, aabbow, noo ducee in dalkeennii Ilaahay nabad inooga wada dhigo.
Soomaaliya.”
Duuliye
Mkomo, curadkii ina Nameka ina Maadi Kaloonga Obbo, haatan waxa uu u
laliya shirkada dayuuradoha ee Kuwaheri
Airlines. Isaga iyo
aabbehii ba, waxa keliya oo ay weli ka haystaan dalkii qalaad, Alemania:
waa ‘laba cad oo waraaqo ah’. Mkomo waxa uu maalgeliyay dugsi gaar
ah; dugsi lagu na magacaabo Amani
na Uhuru School. Meesha, waxa
wax ka baran kara, albaabku na dherer iyo ballaadh ba ugu furan yahay: Soomaali
kasta ee heeggan u ah in uu wax barto. Mushaarooyinka macallimiinta, buugaagta,
iyo ficiiska kale ba -- Obbo Mkomo ayaa soo hela. Dugsi leh shahaado ay aqoonsan
tahay dowladda Keenya. Xujoda kaliya ee hortaal ardaygii doonaya in uu wax ka
barto: Waa Alle-ka-cabsi, salaadda, iyo dadaal waxbarasho. Jimcooyinka Pesa
ayuu ba u qeybiyaa ardayda, kuwooda wanaagsan.
A.
M. Yusuf | wayeel@operamail.com