Wednesday,
July 16, 2008 -
Ciidamadii
shalay ka soo Anbabaxay Magaalada Gedo ee Duleedka
Xuduuda Itobiya iyo Soomaaliya ayaa Saakay
waabarigii gaaray Magaalada baydhabo ayaga oo wata
tiro Dhaawac iyo Dhimasho ah sida uu soo sheegayo
Wariyaheena Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.
Ciidamadan
oo ay Galbinayaan kuwa itobiya ayaa Goabo
kala Duwan lagu weeraray sida Shalay Duhurkii oo
lagu weeraray Magaalada bardaale Duleedkeeda sidoo
kalana xalay ayaa lala eegtay Weerar aad u Culusaa
sida uu soo sheegay wariyaheena laguna beegsaday
Duleedka Baydhabo oo ah goob ay Daganyihiin
Maamulka TFg-da.
Waxaa
la xaqiijiyay tiro lagu qiyaasay ilaa 100- Mayd ah
inj ay ilaa saakay la dajinayay iyo dhaawac
gaaraya ilaa 79- lana sheegay in isla markiiba la
geeyay isbtitaalka baydhabo waxaana Xalay
Ciidamada la weeraray Gurmad ahaan u aaday
ilaalada Xaabsade iyo adan Madoobe
oo ka Gurmaday Baydhabo.
Lama
oga In ay sii Joogayan Baydhabo iyo in ay Muqdisho
soo aadayaan wallow aan la ogayn halka ay baydhabo
sidoo kale ka dagayaan Balse soo aadida Muqdisho
ayaa la sheegayaan in ay uga Dhib badnaanayso tan
ilaa Shalay ay ku soo jireen.