Wednesday,
July 30, 2008 - Jawaabta
su,aashan waxay tahay bad aan laga bixi karin.
Waxaan jeclaystay inaan halkan ku soo bandhigo
waxyaalihii aan ka soo uruuriyay dadweyne aad u
tirabadan oo aan waraysiyo la yeeshay.
Soomaalida aan su,aashan hordhigay xitaa waxaa ka
mid ah Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf. Wuxuu
isagu ku jawaabay {Waydii kuwa Xamar qasaaya ee
dalka burburiyay ee tan iyo maanta dhiiga dadka
daadinaya, iyo kuwa Hay,adihii dalka dilalka iyo
afduubka u gaysanaya}.
Hadaba jawaabadkan ka helay dadyoowgii
Soomaaliyeed ee kala duwanaa waxaa ka mid ahaa
kuwan soo socda:
-
Dad waxay
qabaan dhibaatada Somaliya waxaa ka mas,uul
ah dadkeena gobolada dhexe iyo Mudug.
-
Dad waxay
qabaan gumaystihii Somaliya shanta u
qaybiyay ee Jamhuuriyadii dhalatay ku
kalifay inay
-
hub
aruursato oo wax walba hub galiso ayaa u
sabab ah.
-
Dad waxay
qabaan inuu sabab u yahay dagaalkii
1977kii ku qaadnay Itoobiya.
-
Dad waxay
qabaan qabiiladeena qaar ka mid ah oo midba
mid farta lagu fiiqayo inay sabab u yihiin
burburka.
-
Dad waxay
qabaan inay burburka keentay sidii guracnayd
ee uu madaxweyne Maxamed Siyaad wax u
maamulay.
-
Dad waxay
qabaan kuwii jabhadaha ahaa ee cadawga u
tagay ayaa burburka sababay.
-
Kuwo waxay
qabaan SNM-tii Woqooyiga soo gashay kama
horayn burburka oo markay magoolooyinkii
bartankoodi dagaalka ka fureen ee ay
Hargaysa burburtay ayaa ugu horaysay
burburka.
-
Dad waxay
qabaan Turubkii siyaasadeed ee uu
Mingiste la ciyaaray Maxamed Siyaad ee uu
Mingiste raayay inay keentay burburka.
-
Dad waxay
qabaan inay qabyaalad burburisay Somaliya.
-
Qaar waxay
aad u rumaysan yihiin Xasadka la is xasdayo
inay sababtay burburka Somaliya.
-
Qaar
iyaguna waxay xoog u rumaysan yihiin in uu
Fusuq xad dhaaf ah oo dunida meel lagu arkay
uusan jirin ay burburisay
Somaliya.
-
Qaar waxay
qabaan siyaasiyiinta dalka tan iyo 1954 ee
wada qabiilka, jahliga, xasadka iyo
magaagnimada dalka ku maamushay inay
sababeen burburka.
Lisstadu waa ay dheertahay. Dambiguna
ma yara iyo farqaha la isku dhaganyahay ee yaa
hadaba burburiyay dalkeeni?
Anigu ma qabo inuu mid ka mid ah qabiiladeena
Soomaaliyeed uu burburiyay Somaliya.
Sababtoo ah, qabiil Soomaaliyeed oo dad wada xun
leh ma uu jiro sida uusan u jirin mid dadkiisu
wada fiicanyihiin. Xitaa kuwa
Xamar ku sugan ee muuqaal ahaan Xamar iyo dalka
intiisa kaleba burburiyay arrintu way ka wayntahay
iyaga. Sababtoo ah, hadaysan siyaasad
ahayn waxa dal burburiya cid iska soo dhaqaada
maxay waa horeba u burburin weyday Somaliya.
Soomalidu yaysan is xagxagan, hana dhaafto faraha
la isku fiiqayo.
Kuwa Koonfur Qasaya Maxaa La Gudboon
Maanta?
Nimankan Koonfur qasaya, waxaa la gudboon unay
xisaabtamaan oo ay is arkan waxay shalay ku
hamoonayeen inuu khalad iyo gaf weyn ahaa oo
sababo badan awgeed u socon wayday.
Marka, waxaad ku haamooteen khalad iyo saxba waxa
ay iniigu socon wayeen waa wax la garan karo,
lakiin marka wixii socon waayeen oo aad wali
dabada haysataan oo jidkii khaldanaa ku sii dhaga
adaygtaan oo aad kusii indho cadaataan waa
doqonimo mida ugu weyn.
Waxaan nimankaas khaldan ee ama garan la.a inay
khaladkoodi ka soo haraan ama aan wali is ogayn
ama is og laakiin wali dib isugu noqon la,a,
waxaan kula talinayaa inay maanta is xisaabiyaan.
Hadii aad arrimahan hoos ku qoran ku dhaqaaqdaan,
waxaad helaysaan inay Ummadu ini cafiso uur iyo
gacanba oo aad mar labaad Soomaali magac iyo
muuqaalba ku soo noqotaan ileen hadda daruuraha
ayaad korsantihiine oo ismaba ogidiine niman
magacoodu sicir-barar ku dhacay ayaad tihiine.
Markaan intaas leeyahay, kuma jiraan haween,caruur
iyo kii xanuusanayayba.
Waxaan kula talinaya nimankaas:
1) Ka waantooba hadba gobol dad Soomaaliyeed ku
dhaqanyihiin inaad ku duushaan oo is waydiiya
kuwii hore oo aad ku duusheen idinka iyo ciidamada
Itoobiyaanka ahiba inaydaan wax faa,ido ah ka
keenin khasaaro mooye.
2) Uga baxa guryaha dadka Soomaaliyeed ee aad ku
jirtaan.
3) Faraha ka qaada maamulka Ummada Soomaliyeed ee
aad iska dhoofsanaysaan.
4) Ummada Soomaaliyeedna in ninkaan Cabdullahi
Yuusuf la dhaafsho waxay maanta u taal idinkoo
ahaan jiray hormoodka wadaninimada Soomaaliyeed,
balse maanta u jeestay dhac, dil, xasuuq, sun bada
lagu daadiyo, xashiishad beerihii Koonfur lagu
beero, mooskii iyo dhamaan wax soo saarki Ummada
Soomaaliyeed oo la iska dhoofsado oo maal xaaran
ah dhasha. Beerihii shacabka oo xoo lagu haysto
iyo dhismayaashi iwm.
5) Woqooyiga Somaliya (Somaliland) maanta waxay
haystaan nabad aan Somaliya inteeda kale ka jirin.
Ilaahay ha u siyaadiyo nabada, dhamaan Somaliyana
nabad haka dhigo, nimankaas reer Woqooyiga oo aan
ka mid ahay, kubadu iyaga ayeey maanta dhinacooda
taala.
Nimankaas waxaa la gudboon inay maanta u hiiliyaan
Somaliya iyo sumcadeedi, arrimaha Koonfurna waxii
ay ka qaban karaan ka qabtaan.
6) Waxaa muhiim ah in Soomaali mar labaad gacmaha
ay is wada qabsato oo sidii lagu yiqiin
waliba maanta si abad ah ay noqoto.
7) Waxaa muhiim ah in sharaftii Ummada
Soomaaliyeed lasoo celiyo.
8) Waxaa muhiim ah in dhamaan suntii bada lagu
daadiyay imikana wali socota, dunida lala kaashado
in nalaga saaro.
Waayo, waxaa la ogsoonyahay in malaaygii badda ku
jiray qaarna ay sunta ka carareen oo ay galeen
South Africa, qaarna shirkado Mafiyaan ahi iska
daldashaan, lacagta laga helona ay Koontooyin dad
Soomali ah ay iska leeyihiin ay ku dhacdo.
9) Waxaa muhiim ah in dunuubtii dhacday aan cidina
cid wax u qabsan ee Soomaali is wada cafiso oo waa
dad walaala ah ee ay gacmaha is qabsato.
Waxii dhacay ma in la qoro, mise in la isa sii
daba galo: Anigu waxaan qabaa dhiig danbe oo
Soomaliyeed inaan mar danbe la daadin. Xitaa ninka
la dhaho Cabdullahi Yuusuf anigu waxaan qabaa
inaan far la saarin ee la tuso inuu wanaagu yahay
midka fiican ee cuqdada iyo xumaanto tahay mida
aafada inoo horseeday.
10) Waa in dadka Soomaaliyeed looga baxaa guryaha
iyo dhismayaasha sida sharci darada ah looga jiro.
11) Waa in dadkeena Galmudug-State iyo Puntland
dhibaatadooda si degdeg ah looga xaliyo, intaysan
faraha ka bixin, waa in la baro shuruucda
aasaasiga ah ee banii-aadamka oo ah ilaalinta
sharciga lahaanshaha.
12) Maalka Ummada ee la iska dhacayo ha laga
tanaaasulo. Xaarani cawaaqib xumo weyn
ayey leedahay. Mooskii Somaliya kala bar, in ay
Dawladaha Maraykanka iyo Talyaanigu iska
daldashaan waa la ogyahay, lacagta laga helona
Koontooyin lagu shubto.
Waxaa la ogsoonyahay in macdantii Buur-Xakabo
niman Mafia ahi inteedi badan rarteen.
Gunaanad.
Ummada Soomaliyeed ee Ilaahay u dhaliyay
magaca Somali!
Wuxu waa Ummad sidii dunta looga dilayay dhimatay!
dhimatay!
Wuxuu waa Ummad xaarka qasatay! Qabyaaladina cunto
iyo cabitaan u noqotay!
Dadkan Soomaali ee laguu sheegi waa wax dhintay oo
uray!
Qabiilkan qalajiyay ee ay daba naadini mooyee waa
dad Diin iyo Iimaan kale oo ay leeyihiin uusan
jirin.
Waa dad aan inaba dan ka lahayn dad,dadnimo,sharaf
iyo wax kale toona.
Walee tan Soomaali ah ayaan hagaagin! Waa Ummad
qaliban oo Ilaahay meel baas ku wado.
Soomaali waxaad ka quusataa waa dadka kaliyah ee
Dunida oo dhan:
Mujrim u noqdo Madaxweyne.
Shaydaanka laga Cawdu bilaystay u yahay
Shariif.
Saqajaanku u yahay Suldaan.
Tuug u noqdo Taliye.
Abdikarim Ahmed Huseen
skyword268@hotmail.com
skyword268@yahoo.com
Sweden, Stockholm