Friday,
July
04, 2008 -
Anigoo ku hadlaya
magacayga Asli Xasan Cabaade
iyo ka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool
magaalada (Dallas ee Gobolka
Texas) ayaa waxaan halkan Hambalyo
murugo leh
u soo gudbinayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed
meelkasta oo ay kala joogaanba, ayadoo maanta ay
tahay maalin Taariikhi ah, oo aannu ka xoroonay gumaystihii
foosha xumaa ee Talyaaniga,
walibana ay tahay maalintii labada Gobol ay
lammaanaadeen oo uu cadawgeennuna ka naxay.
Waxayna ahayd
Kowdii Luulyo ee kun iyo sagaal boqol iyo
lixdankii (July
01/1960).
Maantana
muxuu Dalkeennii ku suganyahay, maxayse
Dadkeennii ku suganyihiin, aheey waheey
Soomaalaay, ma sharaftii iyo Awooddii aannu
lahayn, Ilaahay s.w.t. ayaa Awood iskalehe,
ayaa maantana gumayste foolxun ka talinayaa
Waddankeennii Hooyo ee Xalaasha ahaa, xasuuq
ba' anna ku hayaa Shacabkeennii.
Taa
waxaa ka sii daran farxad ay farxaan
Ummaddayada daayoo, murugo iyo macaluul ayeey
meel la jiifaan.
Soomaalaay
walaalayaal maxaad damacdeen?, ma sidan ayaad
naf mooddeen?, ma gumaysinnimo ayaad door
biddeen?, ma is dilkan ayaad wanaag mooddeen?,
ma mindi, mindi ku taagtan ayaad go'aansateen?.
War
Ilaahay s.w.t. ka baqda oo heshiiya, waad u
jeeddaan sida la' idiinkaga faa' iidaysanayo,
oo dhexdiinna la' isugu kiin baabbi' inayo,
Soomaalaay idinkaa walaala ah oo wada dhashaye
isku Diin, isku Af iyo isku Dhaqanba ahe, ma
sharaftiinnii ayaad kolba hoos u sii
dhigaysaan.
Allaah
s.w.t. ayaa Wayne oo Awood lehe, iska daaya
danahiinna' aad fiirsanaysaan, ee u dhaqaaqa
danaha guud ee Shacabkayaga ee masaakiintana
ah, iyo kuwa ku dhex dhasheen dagaalladii
sokeeye, illaa haddana arka cadaw xasuuq ba'
an ku haya, oo aanay waligood arag wax la
yidhaahdo Qaran nabad-gelyo leh.
Soomaalaay,
shacabkeennii ma noola, waxay noqdeen kuwa
lagu xasuuqay hooygoodii, kuwo badaha ku
dhammaaday, kuwo xabsiyada Adduunka ka buuxa
iyo kuwo dhaqan iyo Diinba rogmaday, ee isu
naxa illeyn Dawlad la' aan, Dawlad xun ayaa
dhaanta eh.
Soomaalaay,
haddaad isugu faaneysaan anaa kaa awood wayn,
waad ogtihiin oo Soomaali kala awood waynaan
wayday!.
Wax
kalana ma' aha ee waa cadawgiinna oo marba
dhan idiin jahaynaya, ee walaalayaaloow waxaa
awood lagu helaa, markaad isku duubnaataan oo
aad dhan uga soo wada jeedsataan cadawgiinna,
taa ayaa la dhihi karaa awood, laakiinse
intaad kala daadsantihiin, awooddiinna ayaa
sidaa lagu kala jajabinayaa ee oogaada
walaalayaal.
Hadda
iyo dan, inshaa' Allaahu, sannadkan
sannadkiisa waxaannu rajaynaynaa, inaannu ku
wada ciidno Waddankeennii Xalaasha ahaa iyo
Caasimaddeennii Muqdishu oo Calankeennii
Buluugleey ka lulanaaya inshaa' Allaahu,
aamiin.
Taana
waxaa lagu gaadhi karaa, idinkoo Ilaahay s.w.t.
u soo noqdo, tawbana yidhaahda, isu wada
tanaasula, isna wada cafiya, wax wada
qabsadana.
Kowda
Luulyo liibaannay ** ludhkiina na daayaye
Waa
maalintaan lammaannay ** cadawna lugta gooynaye
Labaannu
noqonnayoo ** cadawgiina laabta ka laadnaye
Waa
maalintaan labadeenna gobol ** lib xareed leh
wadaagnaye
Waa
maalintaan labadeenna gobol ** lixaadka isu
geeynaye
Waa
maalintii gobolka koonfureed ** dhaliyeen
goolkiiye
Waa
maalintii gumaystaha gaboobiyo ** gorfanihii
garab gawraceene
Nacab
uu ku gubtee ** gacalna ay ku farxeene
Guusha
wacan ay heleenna ** waa Calan
guudka saarane
Waa
mid lagu wada gartoo ** laga wada lulay
Caasimaddeenna
Laabtu
waxay tabaysaa ** Calanka
laydhiisiiye
Laabtu
waxay tabaysaa ** Qarankii la
lunshaye
Laabtu
waxay tabaysaa ** leexada lixdankiiye
Laabtu
waxay tabaysaa ** labadii is raacdaye
Laabtu
waxay tabaysaa ** xeerkii sharafta
badnaaye
Laabtu
waxay tabaysaa ** deegaankaan lahayne
Laabtu
waxay tabaysaa ** lama huraan
Muqdisho e
Laabtu
waxay tabaysaa ** lahaansho sharafeede
Laabtu
waxay tabaysaa ** xoogagii laxaadka
lahaaye
Laabtu
waxay tabaysaa ** liishaan lagu
daruuro cadawguye
=============================================
Calan
kaan
mahadinnoow ** xalaasha cirka
u ekaayoow
Xadgudubkii
laguu gaystayna ** xaalbaannu kaa siinnaye
Adna
xeesha hawleed ** qorshe noo xarriiqoo
Aqoon
ku xirfadeeyoo ** wax soo saarka xoojiyoo
Majaraha
xadeeyo ** hab wanaaggaagu waa xaqe
Horaannu
kuu xulannay ** mabda' aaga xalaasha ahe
Xeer
nooga yeeloo ** xilkas caddaalad dhowriyo
Rag
iyo Dumar la xulay u sooca oo ** xukunka u
dhiiba oo
Xilkasnimadaada
adag iyo ** xirfaddaada nagu daaddihi
Midka
kaa xigtaysta gumaystaha ** xaasidnimo ugu geeya
xogtaada
Xooggiyo
wadnaha jar ** ha uga turin xabaashana ku rid
Yaanan
xaqa dadwaynaha ** xaaraamiyuhu cunin
Kanaa
i xigee hor mari iyo ** is xigsigu ha baabba'o
Xuma
wade dib u socod ah ** qabiilna ku xarragooda
Af
miishaar xakama galiyoo ** naga wada xaaq
dhammaantood
Xoogsatada
hor socodka Soomaaliyeedoow * xilli waxaynu
joognaa
Xiisad
dagaal loo xanjeersadoo ** xarbi la' isu taagoo
Xabbaddii
joogtada ahayd iyo ** xasuuqii laga dhiidhiyay
Xaq
beey u leeyihiin Shacabkayagu ** ineey xornimo
dib u hantaan
Ninka
xishoonayoow ** waa kee oo waa kuma?
Waa
hubka inuu xirtaayoo ** xoogga dhinac ka raacaa
Xorriyaddana
difaacaa ** xoola iyo nafba u huraa Calankiisa
==============================================
Yaa Raxmaanu,
yaa Ramiimu, yaa Maliku yaa
Qudduusum, yaa Salaamu, yaa Mu'
minu, yaa Muhayminu, yaa Casiisu,
yaa Jabbaaru, yaa Mutakabbiru, yaa
Khaaliqu, yaa Baari' u, yaa Musaw-wiru,
yaa Qaf-faaru, yaa Qah-haaru, yaa Wah-haabu,
yaa Rasaaqu, yaa Fat-taaxu, yaa Caliimu,
yaa Qaabidhu, yaa Baasidhu, yaa Khaafidhu,
yaa Raaficu, yaa Muciz-zu, yaa Muthillu,
yaa Samiicu, yaa Basiiru, yaa
Xakamu, yaa Cadlu, yaa Ladhiifu,
yaa Khabiiru, yaa Xaliimu, yaa Cathiimu,
yaa Ghafuuru, yaa Shakuuru, Caliy-yu,
yaa Kabiiru, yaa Xafiithu, yaa Muqiitu,
yaa Xasiibu, yaa Jaliilu, yaa Kariimu,
yaa Raqiibu, yaa Mujiibu, yaa Waasicu,
yaa Xakiimu,
yaa Wuduudu, yaa Majiidu, yaa Baacithu,
yaa Shahiiddu, yaa Xaq-qu,
yaa Wakiilu, yaa Qawiy-yu, yaa Matiinu,
yaa Waliy-yu, yaa Xamiidu, yaa
Muxsii, yaa Mubdiy-yu, yaa Muciidu,
yaa Muxyii, yaa Mumiitu, yaa Xay-yu,
yaa Qay-yuumu, yaa Waajidu,
yaa Maajidu, yaa Waaxidu, yaa Axadu,
yaa Samadu, yaa Qaaddiru, yaa Muqtadiru,
yaa Muqaddimu, yaa Mu'akhiru, yaa Aw-walu,
yaa Aakhiru, yaa Thaahiru, yaa Baadhinu,
yaa Waalii, yaa Mutacaalii, yaa
Barru, yaa Taw-waabu, yaa Muntaqimu,
yaa Cafuw-wu, yaa
Ra'uufu, yaa Malikul-Mulki,
yaa Thul-Jalaali wal Ikraam, yaa Muqsidhu,
yaa Jaamicu, yaa Ghaniy-yu,
yaa Mughnii, yaa Maanicu, yaa Dhaaru,
yaa Naaficu, yaa Nuuru, yaa Haaddii,
yaa Badiicu, yaa Baaqii, yaa Waarithu,
yaa
Allahayoow
baryadaada hannagu qadin, aamiin.
Allahayoow
magacyadaada qiimaha wayn leh ayaannu kugu
barinnaye, naga aqbal ducadayada, aamiin.
=================================
Qaaddiroow **
Adaa Xay-yul Qay-yuum ahe
Qaaddiroow **
Adaa Qudduus ahe
Qaaddiroow **
Adaa Caalimul-Qayb ahe
Qaaddiroow **
Adaa Qah-haaru ahe
Qaaddiroow **
Adaa Qaabidhu ahe
Qaaddiroow **
Adaa Raqiibu ahe
Qaaddiroow **
Adaa Qaw-wiyu ahe
Qaaddiroow **
Adaa Qay-yuumu ahe
Qaaddiroow **
Adaa Muqaddimu ahe
Qaaddiroow **
Adaa Mu' akhiro ahe
Qaaddiroow **
Adaan wax kaa qarsoonayne
Qaaddiroow **
Qarankayaga quwee