DAL:
Wadan
walbo oo dunida ah,waxa uu ku fanaa waa jiritaankiisa
qaranimo iyo taariikhda dadkiisa, dalkiisa,diintiisa iyo
heerka uu ka taagan yahay ilbaxnimada iyo xadaarada maanta
dunida ay ku kala hareyso, hadii ay ahaan lahayd dhaqanka,
cilmiga,xadaarada, qayraadka iyo horumarka.
Caasimadaha:
Caasmid
walbo waxay astaan u tahay jiritaanka qaranimada iyo madax
banaanida dadka iyo dalka, marka aad wadan caasimadiis
tagtana,waxaa halkaas ku arkaysaa waxyaabo badan oo
muujinaya taariikhda dalka iyo ilbaxnimada dadkiisa,waxaa
kale oo aad ku arkeysaa caasimadaha dalalka hodanka ah
dadyoow kala duwan oo dunida dhan ka yimid oo ku
nool,kuwaas oo dagan kuna leh ganacsiyo,qaar u soo
raadsadey inay wax ka bartaan, kuwo u soo shaqo raadsaday
oo raba inay ka xoogsadaan, waxaa kale oo aad ku arkaysaa
xili kasto dad dalxiis u yimid oo danaya inay wax ka
ogaadan nolasha iyo ilbaxnimada magaalada, inkastoo ay
jiraan qaar u yimid inay ka soo adeegtaan.
Caasimad
walbana waxaa ku yaal safaaradaha caalamka, waana magaalo
ka duwan magaalooyin ka kale,wadan walbana waxa uu ku
fanaa caasimadiisa.
Caasmid
walbana waxaa kale oo aad ku arkaysaa meelo lagu caabudo
diimaha ay kala haystaan dadyoowga ku nool dunida iyo
dadka dagan magaalada iyo meelo ay iskugu yimadaan dadka
isku isirka ah ama ay ku badan yihiin, iyagoo ku leh
waxyaabo asal ahaan muujinaya
dhaqankooda iyo dadnimadooda.
Caasimadaha
aduunka ama magaalooyinka waaweyn sida Amsterdam,
London, Newyork, iwm ah, waxaa ku nool dadyoow aad
u kala duwan, run ahaantiina aad isleedahay mararka
qaarkood aaway dadkii dhulkaan lahaa, sida ay dadyoow ka
kala yimid dunida dacaladeeda ugu wada nool yihiin si
nabadgalyo ah, iyagoo wax walbo ku kala duwan, hadii ay
ahaan lahayd dhaqanka,fikirka, diinta, midabka iyo afka,
hadana wada is fahmaayo isla markaana ixtiraamna ku wada
nool, kuwaas oo ka wada shaqaynaayo dantooda iyo danta
dalka ay ku nool yihiin, halka ummada Soomaaliyeed intaas
un fahmi kari la yihiin xataa kuwa qurbaha ku nool ee
arkaya xaqiiqd & sida ay u nool yihiin dadyoowga kale.
Dhamaan
dadyoowgaa kala duwan hadana waxay bixiyaan canshuuraha
iyo waajibaadka dastuuriga ah ee looga baahan yahay,
iyagoo u gudanaya si xilkasnimo ah, waxayna ka qayb qaatan
horumarinta magaalada iyo maamulada kala duwan, iyagoo ka
qayb qaata shaqooyinka noocyadiisa kala duwan.
Mogadisho
1991:
Hadaba
magaalo madaxdii Soomaaliya Muqdisho oo aynu ku faani
jirnay ayaa dhibaato baaxad weyni la soo daristey tan iyo
markii ay burburtey dowladii Soomaaliyeed, magaaladiina
waxay gacanta u gashay jabhado qabaa’il ah hadana iska
soo wada horjeeda, kuwaas oo burburiyay dhamaan caasimadii
Soomaaliya ee Mogadisho, Xamarna ka dhigay meel ay ka
carareen 90% dadkii Soomaaliyeed ee kuwada noola daris
wanaaga iyo walaalnimada qarniyo badan, waxayna Mogadisho
xaruun u noqotey dagaal oogayaal iyo burcad ku hayb ah oo
aan is leeyahay Xamarba waxay yimaadeen 1991 kadib, kuwaas
oo magaaladii ka dhigay mid burburto kalana xirxiran oo
dadka Soomaaliyeed lagu dhibaateeyo, quruxdii Xamarna u
badalay xabaalo ama qabuuro wax aan ku tilmaami karo oo
aad looga murugoodo, waayo Mogadisho 18 sano ka hor waxay
ahayd caasimad taariikh fac weyn leh aduunka dhana laga
yaqaan, Soomaalida dhana ay ku faanto.
Mogadisho
iyo Maxkamadihii:
Hasayeeshee
waxaa Mogadisho
sumcadeedii iyo quruxdeeydii dib u soo celiyey
maxkamadihii islaamka ee uu horkacaayey hogaamiye Sheikh
Sharif Sheikh Ahmed, mudo lix biloodna ka dhigay
Xamar mid ay ummada Soomaaliyeed dib u soo
xasuustaan mar sidii ay Xamar ahaan jirtey, kana dhigay
nabadgalyo, dunida oo dhana tusiyey inay jiraan dad
Soomaaliyeed oo daacad ah isla markaana ku soo celin kara
dalkooda nabadgalyo, tusayna caalamka in ummada
Soomaaliyeed si wadajir ah ugu wada noolaan karaan
dalkooda, nasiib xumo gacan shisheeye ayaa u diiday in
Mogadisho ay nabad sii
ahaato.
Mogadisho
iyo maanta:
Xamar
maanta waxaa ka taliya Gabre iyo dagaal oogayaal uu ku
adeegto, dadkii daganaa magaalada ku haya dil, kufsi,
barakicin, afduubid, gadasho, handadaad, kuwaas ah burcad
sheeganaysa inay dowlad yihiin iyo gumaysi Tangi ku jooga
ciida Soomaaliya, burcadaas oo ka dhigay magaaladii meel
maanta ay ka jirto xaalad bini aadanimo daro iyo amni xumo,
sababta ay sidaas u samaynayaana waxaa weeye iyagoo u
adeegaya gumaysiga madow ee Muqdisho ku keenay kaaraha,
danta uu ka leeyahay waxaa weeye in uu dalka iyo
caasimadaba ku haysto raga Soomaaliya baday maanta magac
xumada iyo gunimada haysata.
Magaalooyinka
dunida ugu caansan:
Amsterdam
,
London
iyo Newyork tusaale ahaan waxaa duqoow magaalo ka
ah,mudanayaasha kala ah:
Cohen
Amsterdam
.
Boris
Johnson
London
.
Bloomberg
Newyork .
Ragaas
dhalasho ahaan waxay ka soo jeedaan dalka Isreal, isla
markaana waxaa ku xigeeno u ah rag ajanabi kale, dadkii
dhulka loogu yimidna raali ayay ka yihiin, madaama ay ku
yimaadeen nidaam xor oo
doorasho loo soo doortey ah, ayaa u saamaxaysa inay
magaalada ka noqdaan madaxdii xukumi lahayd, halka dalka
Soomaaliya caasimadeedii Mogadisho ay xoog ku haystaan
qoom xag walba hadaa ka miisaanta ka xun sida aqoonta,
aqlaaqda iyo bini aadanimada, taasna ay u sii dheer tahay
dabadhilifnimo raqiis ah, arinkaas waa mid nasiib xumo ah
loona baahan yahay in aan la ogolaan in ay Muqdisho
sidaasi si ahaato oo aan anagana indhaha ka fiirsano ama
aynan ka hadlin sharaf daradaas.
Soomaaliya
waxaa la rabaa in wax aan jirin waqtiga looga lumiyo si
loo kala qaybiyo oo madaxa la iskugu galiyo waayo
wadajirka shacabkeena waa guuldarada cadawgeena, kala
qaybinta dadka Soomaaliyeedna waa baraaraha cadawgeena iyo
kuwa dabadhilifka ah ee uu ku adeegto, marka waxaan
ummadda Soomaaliyeed u sheegi lahaa in Mogadisho iyo
magaalooyinka oo dhan ay maamulaan dad wax ka qaban kara
dhibaatada haysata dadka iyo dalka, isla markaana
horumarin kara dalkeena iyo caasimadeena.
Aniga
waxaan qabaa in Mogadisho caasimadeenii
iyo quruxdii dalkeena inaysan istaahilin inaa ku
fiirsano dhibaatada ay ku hayaan damiirlawayaasha, waana
in arinkaasi si wadajir ah loogu soo jeesan lahaa sidii
aan dhibatadaas 20 sanadood ku socoto wax uga qaban lahayn,
anagoo u tanaasulayno dadkeena, si aan dhibka uga baxaan
shacabka Soomaaliyeed oo dhan, waayo hadii Mogadisho aan
xal loo helin lagama yaabo in Soomaaliya dagto, isla
markaana noqonana qaran qiimo leh oo sumcad iyo xushmad ku
leh aduunka maanta aynu ku nool nahay.
Maqaalkeygiina
waxaan ku soo gunaanadayaa Mogadisho waa caasimadii
Soomaaliweyn, xiligii xornimadoonka waxaa Xamar duq ka
ahaa nin Talyaani ah oo la dhihi jirey Ansalooti, laakinse
dadka Soomaaliyeed way ku midaysnaayeen inay gumaystaha ka
xoreeyaan Mogadisho, gacan saar weyna wax la lahaa aad bay
u tira yaraayeen oo la shaqaynaayay Ansalooti,waayo SYL oo
gobanimo doon ah baa hormood u ahaa shacabka Soomaaliyeed,
kana soo horjeeday gumaysiga iyo gumaysi kalkaalka, marka
maanta oo aynu mareyno 2008 iyo Gabre oo tigree xun ah
kana yimid baadiyaha Makale inuu kaare ku maamulo
Mogadisho, dadkii daganaa uu ku laayo ma ahan wax la
aqbali karo, ka samaysto madaxtooyo cusub Villa Somalia,
xoog ku qabsado xaruumihii ciidamada qalabka sida
Soomaaliya, garoonkii Mogadisho Stadium, warshadii
Baastada, iskooladii waxbarashada, goobihii caafimaadka ka
dhigto xeryo ciidan waa nasiib xumo iyo taariikh xumo
loogu qori doono buuga guusha taariikhda Ethopia, laguna
niyad jabin doono Soomaalidii qabkii wayneyd. Murugadaas
ceebta ah ayaa qarniyaasha soo socda dabasocon doonta
dadka Soomaaliyeed.
In
Mogadisho Maxamed Dheere duq magaalo ka noqdo, Abdi
Qaybdiid Taliye ciidan nabadgalyo ka noqdo, Darwiishna ka
noqdo nabadsugid, Abdulaahi Yusuf-na Soomaaliya gobalka
lixaad Ethopia ka dhigo, isla markaana Villa Somalia darin
dhigto, halka Nuur Cade-na yiraahdo Ethopia way is
difaacaysaa iyadoo Mogadisho joogta, waa nasiib xumo.
Wariyihii
Chanel 4 ayaa
ku tilmaamay Gabre most powerfulman in Mogadisho waayo
calankii Xabashida ayaa ka babanaayo Villa
Somalia
, “Mogadisho Iam Sorry!” Ma istaahishid foolxumadaas
Mogadisho
Yusuf
Mohamed Abdi Yusuf
Columnist
of Somali political
mrsomalia@hotmail.com
London