Wednesday,
July 30, 2008 - Bulshada
Soomaalidu aad ayay u maamuustaa una qadarisaa
gabdhaha, waxayna aad iyo aad uga hormariyaan
wiilasha marka laga reebo dhinacyo kooban.
Waxyaabaha tusinaya qadarinta dheeraadka ah oo
la siiyo gabdhaha waxaa ka mid ah:
1.
Waxaa aad loo difaacaa sharafteeda
oo in lagu xadgudbo gabadhooda Soomaalidu waxay
ka xigaan geeri.
2.
Waxaa la siiyaa tarbiyo iyo edbin
ka dheeraad ah tan wiilasha.
3.
Waxaa si gaar ah loo baraa sida
ugu habboon ee ay mustaqbalka u maamulayso
reerkeeda, una maaraynayso nolosheeda.
Waxyaabaha Xoogga la saaro waxaa ka mid ah in la
baro farsamada, hab maamuuska sayga, mudanaha
iyo martida.
4.
Waxaa aad loo tixgaliyaa ninka
gabadha guursada iyo waliba ciddii xiriir la leh,
Soomaaliduna naf iyo maalba waxay u hurtaa, kuna
baaba'daa difaaca
ninka xididka la ah, reerkii wiilka gabadhooda
qaba lagu xadgudbana waxaa la yiraahdaa:
gabadhoodu guur ma leh, haddaysan tillaabo adag
ka qaadin. Waxyaabaha tusaya arrintaas waxaa ka
mid ah in Soomaalidu u qaybiso xiriirka u
dhexeeya bulshada: xidid iyo xigaalo oo ah macne
Qur'aanku sheegay.
5.
Waxaa sidoo kale meel weyn ka
jooga Soomaalida ilmaha gabdhoodu dhashay oo aad
looga hormariyo
kan
wiilkoodu dhalay, waxaana la yiraahdaa qofka wax
weyn la siiyo ama loo qabto: loo roonaa ma loo
reer abtaa!!!.
6.
Waxaa gabadha loo huraa wax weyn
marka ay soo mudato ehelkeeda (ha noqoto mar ay
soo cayrowday ama markii ay agoonley noqoto),
markay soo booqatana waxaa lagu dhibaadiyaa waxa
ugu weyn ee qoyskaasi heli karo.
7.
Gabadhu waxay ahayd qof lagu soo
hirto oo ehelkeedu si buuxda u tirsadaan marka
ay reer yeelato, sidaa oo kale reerka ay u
dhaxdana kaalintaas waa qadarinayeen oo waxay u
arkayeen gurigaani in uu ka dhexeeyo labada
qolaba.
8.
Labada reer ee gabadhu u dhexayso
(reerka dhalay iyo kay u dhaxdo) waxay ka
midaysan yihiin in gabadhaas laga difaaco qofka
dadka ugu dhaw (ninkeeda) hadduu xadgudub ku
sameeyo.
9.
Gabadhu waxay sabab u noqotaa
xiriir iyo walaalnimo qoto dheer oo dhex marta
labada qoys ee ku xididay. Waxaa taas aad u
muujinay sida gabadha godob tirka ahi sabab ugu
noqoto joojinta colaad raagtay oo xal loo waayay,
waxay ku maahmaahaan: meeshii xinjiri ku daadato
xab baa lagu daadiyaa.
10.
Ninka ama reerka gabadha
guursanaya waxay u huraan gabadha qoyskeeda wax
weyn oo xoolo ah (sooryo iyo yarad), waxaan
meesha ka maqnayn hasha hooyo iyo tan abti oo ka
dheeraad ah waxa aabbe iyo tolku qaadanayaan!,
taas oo marka dhinac laga eego tusaysa in
gabdhaani qiimo weyn ugu fadhido ninka iyo
reerka soo doonay.
11.
Waxyaabaha tusinaya qiimaha
gabadhu ka leedahay bulshada Soomaaliyeed
dhexdeeda waxaa ka mid ah sida ay suugaantooda
qaybeheeda kala duwan (gabay, guuroow, geeraar,
maahmaah, halkudhig …) ugaga hadleen gabdhaha,
hadday tahay ammaan, kool, wacyigalin,
baroordiiq, doonis iwm.
12.
Waxaa loo bixiyaa magacyo aad iyo
aad u qiimo badan oo xambaarsan tilmaamaha
wanaagsan ee laga rabo gabadhaasi inay yeelato
xagga muuqaalka iyo xagga macnahaba.
Bulshada
Soomaalidu siyaabo kala duwan ayay ugu magac
bixisaa ubadkeeda, magacyadaasina waxay ku
baxaan munaasabad, waqti ama xaalad markaas
taagan. Waxaa kale oo magaca loola qasdaa in uu
tusiyo macne ama tilmaan qiime leh oo la doonayo
in ilmahaasi yeesho. Waxaan meesha ka marnayn in
gabadha laga doonayo in ay ku sifowdo tilmaamaha
wanaagsan ee ay xambaarsan yihiin dhammaan
magacyada loo baxsho gabdhaha.
Munaasabadaha
iyo macnayaasha magacyada gabdhaha Soomaaliyeed
Magacyada
gabdhuhu waxay ku baxaan munaasabado, waxayna
xambaarsan yihiin macnayaal qiime badan oo laga
doonayo gabadheenu in ay yeelato, waxaana ka mid
ah:
*
Magacyo ku baxay xilliga gabadhu dhalatay, sida:
Isniino, Axado iyo Salaado (xilli salaadeed).
*
Magac ku baxay xaaladda ay dhalatay gabadhu,
sida: Ugbaad, Cosob, Xareedo iyo Roobo.
*
Magacyo muslimiintu la baxaan, sida:
Xaawo, Caasha, Xaliimo, Khadiijo, Faadumo,
Maryan iwm oo looga jeedo in gabadhu kuwaas oo
kale noqoto.
Magacyada
xambaarsan macne ama sifo wacan oo la rabo in
gabadheennu yeelato:
1.
Magacyo diimeed oo tusaya in ay
tahay gabadhu qof Alle taqaan, cilmiga iyo
cibaadadana ku dadaasha oo barakaysan, sida:
Muumino, Muslimo, Khayra, Suubban, Awliyo,
Khadro (Khadar-nimo), Ijaabo, Duco, Ardo,
Cibaado. Haddaba waa in gabadha Soomaaliyeed
xambaarsanaato sifooyinkaas ee aysan noqon Alle
ka jeed inkaar qabto ah.
2.
Magacyo goobo barakaysan oo loo
saadinayo in Alle geeyo adduunka, sida: Makka,
Madiino, Muna, Marwo (buurta iyada iyo Mina la
dhex ordo, marka la xajiyayo ama la cumraysanayo),
Rawdo(goob barakaysan oo u dhexaysa Guriga
Nabiga SCW iyo minbarkiisa).
3.
Magacyo Janno oo Rabbi looga
rajaynayo in uu aakhiro dajiyo, sida: Firdawsa
iyo Naciima (oo ah labo Janno).
4.
Magacyo tusaya dhawrsoonaan iyo
xushmad, sida: Astur, Cawrala, Ceebla, Aamina,
Ijo iwm. Gabadheenna iyada oo aan wax aqoon
diineed ah lahayn ayaa waxaa astaan u ahaan
jiray asturnaan, xishood iyo ceeb la'aan,
waayadaan dambase ceeb Alle ha asturo!!!.
5.
Magacyo muujinaya sama-sheeg iyo
sama-fal, sida: Warsan, Nasteexo, Samawada
6.
Magacyo tusaya xilkasnimo,
naagnimo iyo mudeecnimo, sida: Marwo, Raalliyo,
Amran iwm.
7.
Magacyo tusaya qiimaha iyo qaayaha
ay leedaha gabadhu, sida: Qaali, Dahabo, Cambaro,
Jawaahir, Luul iwm.
8.
Magacyo muujinaya quruxda iyo
bilicsamida gabadha, sida: Qalanjo, Muraayad,
Ubax, Xasno, Sahra, Safiyo, Shamsa, Qamar,
Habboon, Keeyf, Cawrala (way dhammaystiran tahay
oo meel laga xanto ma leh muuqaal ahaan. Waxay
kale oo noqon kartaa qof xagga dhaqanka iyo
akhlaaqda ka dhammaystiran oo wax lagu ceebiyo
oo qawl iyo ficil ahi uusan jirin).
9.
Magacyo xambaarsan macnayaasha:
nadaafad, udug iwm, sida: Nadiifo, Mayran, Hufan,
Cadar, Carfoon iwm.
10.
Magacyo xambaarsan: Jacayl, macaan,
qabaw, dagganaan iyo naxariis ay ku sifowday
gabadhu, sida: Muxubbo, Timiro, Barni, Xalwo,
Rummaan, Raxmo, Daruuro, Roobo, Cadar (qabawga
daruuraha) iyo Naruuro.
11.
Magacyo tusaya dulqaad, karti iyo
firfircoonaan, sida: Carro, Wiilo, Caabbiyo,
Baxsan, Shan-karoon, Fariid, Geelo iwm.
12.
Magacyo xambaarsan saad wanaagsan,
sida: Falxado, Hoodo, Ayaan, Maymuun, Caanood,
Faa'iso iyo Fawsiyo
13.
Magacyo tusaya boqornimo, sida:
Mulki, Suldaamo iyo Ugaaso
14.
Magacyo muujinaya inay ku filan
tahay ehelkeeda, muslinkoo dhan iyo gaar ahaan
ninkii hela, sida: Deeqa iyo Kafeeya.
15.
Magacyo
sita macnaha aqoon, caqli iyo garasho, sida:
Fahmo.
Wanaagga
iyo maamuuska Soomaalidu u hayso gabdheheeda ee
aan ka waranay kama wadno in aysan jirin
xadgudubyo iyo dulmi loo gaysto gabdhaha ee
waxaynu uga jeednaa in aan caddayno meekhaanka
iyo maamuuska ay ku dhex leeyhiin dadkooda, isla
mar ahantaasna aynu muujino in gafafka loo
gaysto gabdhaha aysan ahayn dhaqan guud oo
bulshadeenu leedahay ee ay tahay wax ku gaar ah
qofka xumaaday, gafkaasi ha kaga yimaado
reerkooda inta ay yaryar yihiin ama nimankooda
marka ay guursadaan ama ubadkooda marka ay
weynaadaan ama ha kaga yimaado qaar kale oo ka
mid ah bulshada. Tan kale dulmiga iyo gafka laga
galo gabdhaha waxaa ka badan
kan
laga galo ragga, tusaale ahaan: dhaqanka
Soomaalida waxaa ka mid ah in aan la dilin
dumarka wax kasta hadday dhacaan, waxaana la
ogyahay in ay laayaan wiilasha yaryar haddii
dagaalku dhanaanaado, waxayna ku magacaabaan
siqiir gawrac. Waxaa iyana soo qaadis mudan in
ay isku mid yihiin asbaabta keenta dulmiga ragga
iyo
kan
dumarka oo ninkii gabar dulmiyaa uu intaa ka
badan raggana dulminayo.
Dhinacyada
Soomaalidu ay kaga xadgudubto gabdhaha
Waxaa
jira dhinacyo bulshada Soomaalidu ay gabdhaha ka
hagrato ama ku dulmiso iyada oo dhab ahaan
gabdheheeda jecel una roon, waxaana ka mid ah:
1.
In dadka qaarkood ay jeclaystaan
ilmaha u dhalanaya in uu noqdo wiil oo ay ka
naxaan haddii gabari dhalato, taasna waxaa sabab
u ahaa bulshada Soomaalida oo aan dawlad iyo
caddaalad midna haysan ee qof walba uu
wiilashiisa ka filayay difaac. Xilliyadii yaraa
ee Soomaalida qaarkeed galay magaalooyinka ama
maamulladu dhisnaayeen waxaa yaraaday ahmiyadda
qabiilka iyo horumarintii wiilasha.
2.
In Soomaalida badankeedu gabdhaha
ka hagran jireen xagga waxbarashada oo caadadu
ahaan jirtay in wiilka wax la baro gabadhana
xoolaha la raacsado. Arrintaan dhab ahaan hadda
waa laga gudbay oo gabdhuhu xagga waxbarashada
diineed iyo adduunyaba xilliyadaan dambe iyagaa
kaga horreeya wiilasha, sababtuna waxa weeye
waalidiinta oo ilmohooda si siman u geeya
waxbarashada iyo wiilasha oo inta badan ku
mashquula waxyaabo gabdheheenu ka hufan yihiin
iwm.
3.
In xoolo yari loogu diido nin
geeyaankeed ah oo ay doonayso, ama lagu xiro
yarad uusan heli Karin.
4.
In lagu khasbo nin aysan raalli ka
ahayn oo xoolo loogu xishay, lagana yaabo
inuusan u qalmin ama qancin Karin.
5.
Taas oo ay ka dhalatay dhaqan xun
oo dhibaato weyn ku ah gabdhaha diintooda,
sharaftooda iyo ehelkoodaba, waana waxa loo
yaqaan: (( LA BIXIS)) oo gabadhu kaga fakanayso
in lagu khasbo nin aysan rabin ama ku raadinayso
nin ay doonayso oo ay ka cabsanayso in loo
diido.Waxaa wax Rabbi loogu mahadnaqo ah in
waayadaan dambe ay aad u yaraatay gabdhihii lagu
khasbayay nin aysan rabin, ama loo diidayay
ninka u qalma, waxaana ka dhashay in ay aad u
yaraato la bixista oo diinteenu aad u ceebaysay,
una diiday.
6.
Dulmiga gabdhaha loo gaysan jiray
waxaa ka mid ahaa in dadka qaarkood u diidaan
dhaxalka, gaar ahaan geela oo lagu yiraahdo
annagaa kuu haynayna ee orod oo arigaaga kaxayso.
Tanina waxay ka mid tahay dulmiga aad ka u soo
yaraaday xilliyadaan dambe oo diinta aad loo
bartay.
Gabagabadii
bulshoweynta Soomaaliyeed rag iyo dumarba waxaa
la gudboon in ay joojiyaan dulmiga ay u gaystaan
gabdhaha, isla mrakaasna ay u guntadaan sidii
dadkeena oo dhan looga dhaadhicin lahaa
arrintaas. Gaar ahaan aqoonyahanka iyo
suugaanyahanka qawl iyo qalinba inay ugaga
qeybqaataan ayaan ka rajaynaynaa; si aan
gabdheheena uga samatabixino dabinada iyo
mu’aamaradaha loo maleegayo.