Tuesday,
July 15, 2008 -
Shalay
Gabaldhicii ayay ahayd Markii darsin Hubka
Mootarka ah lagu Gaaracaay Airapoorka Magaalada
Muqdisho taasi oo la sheegay in ay ka soo dagaysay
Diyaarad Milatari oo aan la shaacin balse warar
shalay la isla Dhexmarayay ay sheegayeen in ay
ahayd Diyaarad Milatari oo ay lahayd Itobiya.
Duqayntaasi
ayaa waxa ka jawaabay Ciidamada Itobiya ayaga oo
Madaafiic aan loo Meeldayin ku Garaacay
xafadaha Hodon iyo H/wadag waxaana jira qasaarae
soo gaaray dad rayid ah oo aan ilaa iyo haatan la
qiyaasin inta ay la egyihiin Balse goobaha
Caafimaadka ayaa la geeyay Dhaawac.
Sidoo
kale waxaa xalay Degmada Dharkeenleey ee Madiina
ka Dhacay Dagaal la isku adeegsaday Hubka Fudud
iyo Qoryaha Garabka laga Rido kuwaasi oo lagu
weeraray nin lagu sheegay in uu ahaa Taliyaha
Ciidamada ee Galbeed kaasi oo magaciisa lagu soo
Gaabiyay Col. Shiine waxana la sheegay in dhaawac
uu soo gaaray.
Madiina
ayaa maalmahaanba waxay ahayd Xaafad aan
dagnayn ayada oo ahayd Xaafada ugu amaanka badan
tan iyo Markii ay dhaceen Dagaalada ay Ciidamada
Itobiya ku soo qaaday Soomaaliya marka laga reebo
Xiligii uu haysan jiray Muuse Suudi oo ay dadka
rer Madiina dhibaato Kufsi Dil Dhac iyo afduub ay
u gaysan jireen Maleeshiyaadka Muuse Suudi oo
hadana Gurigii la dhisayo baad ay ugu magacdareen
canshuur ka qaadi jiray.