Thursday,
July 10, 2008 -
275 waa xubnaha ay ka kooban
yihiin baarlamaanka Soomaaliya ee lagu soo dhisay
dalka Kenya kadib shirkii dib u heshiisiinta
Soomaaliyeed ee halkaa ka soconayay mudada
badan, xubnaha Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa
waxaa lagu soo xulay qaabkii ahaa 4.5 ee dhaliisha
badan xambaarsanaa, Hadaba si kastoo ay ahaataba
waxaa halkaa laga raadinayay xalka umadda
Soomaaliyeed oo in badan murugsanaa madaxa iyo
majaha isaga laabnaa.
Hadaba xubnahaas waxaa soo xulay oo isu soo
shaandheeyay qab qablayaashii dagaalka iyo duqow
dhaqameedyo u dhaga nugul iyaga waxaase
dhisidoodii dabadeed la guda galay xulashaddii loo
samaynayay qofkii guddoomiye u noqon lahaa, iyadoo
markaana beel ka mida beelaha loo kala saaray 4.5
loo sii asteeyay qabashadda xilkaas isaga ah
waxaana durbadiiba muuqanaysay in ay dhexdooda
kala shaandheyn ka socotay.
Hadaba doorashaddii afhayeenka baarlamaanka iyo ku
xigeenadiisii dabadadeed waxaa xigay in la doorto
madaxweynihii dowladda federaalka oo isagu
caleemo saartay ra'iisul wasaarihiisii waxaase
xigay in xubnaha wasiiradda uu iyana soo xulo
wasiirkii koowaad oo dabadeed ay dowladdii isu
duba dhacdo qaabkee doontaba ha ahaatee.
Waxaa baarlamaankii loo soo raray xarun cusub waa
magaaladda JOWHAR inkastoo ay jireen xubno isugu
jiray hogaamiye kooxeedyaddii iyo qaar kaloo ka
tirsanaa baarlamaanka ay iyagu ku sugnaayeen
magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho oo xiligaas
saldhigyo ay ku lahaayeen hogaamiyayaashaas oo
sidoo kale xilal isugu jira wasiiro iyo
xildhhibaano ka hayay dowladda.
Hadaba baarlamaankii Soomaaliyeed mala oran karaa
xal bey u hayaan umadda Soomaaliyeed ? Mise la
oran karaa sidoo kale wax bey qabteen tan iyo
intii la soo dhisay, hadey qabteena maxaa kmida :-
Waxaan xasuustaa mar marka qaar gabay xanuun
badan oo qofkii dameer leh ka damqadda misana
mas'uuliyiinta iyo madaxda dhiba dadkooda uu u
mariyay abwaan Cabdi Muxumad tix kamida gabaygaas
ayaa eheed anigoo gadaal idinkaga dhamaystiri
doona Dhib
baad nagu dul haysaan Eebbe dhagaxyo idin saar,
Dhaamaantiin mid kama haro Aakhiro dhankeedana,
Ilaah dhamac cadaabeed Dhinacyada idiin saar!!
Aniga
iyo Kursigii dhiiga lahaa.
Hadaba aniga oo ka mid ahaa xubnihii baarlamaanka
federaalka ayaa waxaa mar walba i
xanuujinayay dhibaatooyinkii ka soo taagnaa oo
ilaa wali hadda sii socda misana sii laba
jibaarsaday, waxaan mar walba maskaxdeeda
weydiiyaa maxaan xilka umadda ugu qabanay aniga
iyo kuwa ila midka ah, waxaa macquul ah in dadka
qaarkii is yiraahdaan Cabdi dheeg oo xiligii kala
guurka isaga baxay baarlamaanka ama dadka qaar u
fasirtaan in ay la mid tahay qaababka iyo
dhaqamadda looga bartay siyaasiyiinta ama
mas'uuliyiinta qaar ee eedeeya meelaha ay boosaska
ka waayaan ama u bogi waayaan.
Ma
jirin awood aan ku joojin karay ama aan ku
doorin karay, colaaddihii socday, haa wey jirtay
in aan ka mid ahaa xubnihii baarlamaan ahaan loo
soo dhaariyay ee dhex fadhiyay kursiga dhiiga
lahaa, nin walba iyo sababtuu uga mid noqday
isagey quseysaaye anigu waxaa niyadeyda ku jirtay
in aan ka mid noqdo ama aan ka dhex muuqdo
baarlamaan hagaagsan oo umadda waddada nabadda u
horseeda, balse rumoobi weysay riyadeedii hadii
eed iyo dhaliil la ii soo jeediyana waa qasab in
aan qaataa.
Runta in la sheego waxay noqotay dembi weyn oo aan
lagu kicin, wixii qaladaada ah ee aad
aragtana waa in aad ka aamustaa, Baarlamaan la
mida baarlamaankeena wali anigu ma aanan maqlin
umana malaynayo in diiwaanka keydka uu caalamka
kaga jiro baarlamaan sidaa oo kala ah, Hogaan
habowsan, xubno ay hurdo heyso, iyo kuwo
hilmaansan hab dhaqanka ku salaysan mas'uuliyadda.
Waa Baarlamaan xor ah, waxa uu u adeegaa shacabka,
waa xaruntii sharcidajinta, waa hogaankii iyo
halkii laga hagayay dhamaan hey'adaha kala duwan
ee dowladda, hadana waxaa meesha ka maqan oo aan
muuqan wax qabashaddii baarlamaanka looga bartay,
Baahi, Barakac, dilal, dagaalo, iyo duufaano
colaadeed ayaa wali ku hareysay halka ay sal
dhigteen Baarlamaanka, wuu jiraa xildhibaan ku
xisaabtama mushaarka, wuu jiraa sidoo kale mid
arimo kaloo isaga quseeya ku xisaabtama oo u jooga
halkaa balse ma jiro mid ka hadlay wali
dhibaatadda ka taagan dalka oo sii laba
lixaadsatay markii baarlamaanku la dhisay.
Eeddaas kaliya maahan ee waxaa kaloo daba
yaal iyagoo afka qabsaday oo aashuunka ku addima
ee aanan marnaba ka hadlin dhibaatadda dadweynaha
iyo dhaqamadda dowladda, waxaana anigu oran lahaa
intii waqti ka lumi lahaa waa in ay umadda u
hiiliyaan oo ay garabkoodadda istaan intii laga
helayo doorasho xor ah iyo dowlad xalaal ah.
Wax xal ah iima muuqdaan in ay umadda Soomaaliyeed
u hayaan xubnaha baarlamaanka ee Baydhaba ku sugan,
xalka kaliyana waa sidaan u soo sheegay oo ah in
la helaa dowlad xalaal ah iyo waliba, baarlamaan
iyo doorashooyin xor ah waxaanse leeyahay oon ku
soo gaba gabaynayaa gabaygii uu mariyay abwaan
Cabdi Muxumad Amiin.
Kursi
dhiig dhexdiis yaal,
Qabo dhagar Islaameed,
Dhallaan
xiidmihiis iyo
Mandheer dumar ku maran tahay
Dheecaan
ka da'ayoo
Milil looga dhigay gogol
Dhuxusha iyo xaabada
Dheriga loogu kariyaa
Lafo
dheraran ay tahay
Meydku dhinacyo yaal-yaal
Maansha
Alla dhaawucu
Dalka wada dhamaystiray
Kumayaal
dhan-qalanoo
Dhammaan wada qaxootiya
Daadduun la dhoofeen.
Kursigaa dhulkii gubay
Kuwa dhuuni moodee
Danahooda
dhiciska ah
Intay dhaafi waayeen
Ummaddaa
dhamaanteed
Wax dhintiyo wax dhaawaca
Wax
dhoofiyo wax dhalan rogan
Dhawaaqooda cabashada
Intay
dhowri waayeen
Ka furaystay dhegehee
Anigaa
dhaxlaayiyo
Anaa kaaga sii dhow
Ku
dhamaystay taladee
Dhufeysyada isugu jira.
Dhankasta oo ay joogaan
Haddii aaney dhammaynoo
Weli
dhego adaygaan
Nabaddana ka dhuuntaan
Dhabaheeda
diidaan.
Soomaalaay dhammaanteen
Kulligiin mar wada dhaha
Ilaahay dhub idin sii
Dhulka idinla wada goo,
Ha dhalina ha dhiiqina
Xoogga
lagu dhaqaaqiyo
Dhimirku idin shaqaynn waa
Dhallaan
hadaad lahaydeen
Mid dhankiina kuma haro
Dhinta
oo Ilaahay
gablan idinku wada dhaaf
Dhib baad nagu dul haysaan
Kursi
dhiig dhexdiis yaal,
Qabo dhagar Islaameed,
Dhallaan
xiidmihiis iyo
Mandheer dumar ku maran tahay
Dheecaan
ka da'ayoo
Milil looga dhigay gogol
Dhuxusha iyo xaabada Abdinasir
Sa'eed Seyf ( Abdi Dheeg)
somalia@patriot.com
Dheriga
loogu kariyaa
Lafo
dheraran ay tahay
Meydku dhinacyo yaal-yaal
Maansha
Alla dhaawucu
Dalka wada dhamaystiray
Kumayaal
dhan-qalanoo
Dhammaan wada qaxootiya
Daadduun la dhoofeen.
Kursigaa dhulkii gubay
Kuwa dhuuni moodee
Danahooda
dhiciska ah
Intay dhaafi waayeen
Ummaddaa
dhamaanteed
Wax dhintiyo wax dhaawaca
Wax
dhoofiyo wax dhalan rogan
Dhawaaqooda cabashada
Intay
dhowri waayeen
Ka furaystay dhegehee
Anigaa
dhaxlaayiyo
Anaa kaaga sii dhow
Ku
dhamaystay taladee
Dhufeysyada isugu jira.Abdinasir
Sa'eed Seyf ( Abdi Dheeg)
somalia@patriot.com
Dhankasta oo ay joogaan
Haddii aaney dhammaynoo
Weli
dhego adaygaan
Nabaddana ka dhuuntaan
Dhabaheeda
diidaan.
Soomaalaay dhammaanteen
Kulligiin mar wada dhaha
Ilaahay dhub idin sii
Dhulka idinla wada goo,
Ha dhalina ha dhiiqina
Xoogga
lagu dhaqaaqiyo
Dhimirku idin shaqaynn waa
Dhallaan
hadaad lahaydeen
Mid dhankiina kuma haro
Dhinta
oo Ilaahay
gablan idinku wada dhaaf
Dhib baad
nagu dul haysaan
Eebbe dhagaxyo idin saar
Dhaamaantiid
mid kama haro
Aakhiro dhankeedana
Ilaah
dhamac cadaabeed
Dhinacyada idiin saar.
Aamiin
Aamiin … Eebbe dhagaxyo idin
saar
Dhaamaantiid
mid kama haro
Aakhiro dhankeedana
Ilaah
dhamac cadaabeed
Dhinacyada idiin saar.
Aamiin
Aamiin …
Abdinasir
Sa'eed Seyf ( Abdi Dheeg)
somalia@patriot.com