Friday,
July
04, 2008 -
Waxay
Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Isutagga
Imaaraadka Carabta ee Abu Dhabi ay qabatay
xaflad ballaaran oo si weyn loo soo agaasimay,
laguna qabtay Hilton Hotel,
taas oo lagu xusayay munaasabadda qiimaha iyo
qaayaha leh ee Kowda Luuliyo oo ah maalinta
xuriyadda iyo madax-banaanida Qaranka
Soomaaliyeed oo ka soo wareegtay sanadguuradii
48aad, marka laga soo bilaabo 1da July
1960kii.
|
Xafladdan
waxaa si weyn oo lixaad leh uga soo qayb
galay madax sare oo ka socota Dawladda
Imaaraadka Carabta iyo Xukuumadda
Jamhuuriyadda Soomaaliyeed iyo dhamaan
safiirada dalalka ajnabiga ah ee
fadhigoodu yahay magaaladan Abu Dhabi
iyo xubnaha jaaliyadda iyo guud ahaan
dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka
Imaaraadka.
|
Marti
sharaftaas waxaa si diirraan oo kalgacal leh ugu
soo dhoweeyay xafladda Danjiraha
Soomaaliyeed ee Isutagga Imaaraadka Carabta
Mudane Axmed Maxamed Cigaal, Qunsulka
Safaaradda Soomaaliyeed ee Imaaraadka Mudane
Xuseen Maxamuud Maxamed iyo Qunsulka
Guud ee Qunsulliyadda Soomaaliyeed ee Dubai ka
furan Mudane Cabdulqaadir X. Shiikheey
Maxamed iyo dhamaan diploomaasiyiinta
ka tirsan Safaaradda Soomaaliyeed ee Abu Dhabi
ka furan iyo Qunsulliyadda Dubai .
Madaxda
ka soo qayb gashay xuska dabaaldegga kowda
Luuliyo dhinaca Dawladda Imaaraadka waxa
hogaaminayay La-Taliyaha madaxweynaha
Imaaraadka Fadiilatu Cali Al-Haashimi, Xoghayaha
Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda
Imaaraadka Dr. Taariq Axmed Al-Haydaan iyo
Agaasimaha Guud ee Waaxda Porotokoolka Arrimaha
Dibedda Mudane Cabdulcasiis Naasir Al-Shamsi.
Waxaa
sidoo kale goobjoog ka ahaa xafladda madax sare
oo ka socotay Xukuumadda KMG ah oo uu
hogaaminayay Wasiirka Maaliyadda Dr.
Maxamed Cali Xaamud iyo Madaxa
Waaxda Socdaalka Soomaaliyeed Jeneral Cabdullahi
Gaafoow Maxamuud. Xafladdan oo ku
dhacday jawi aad u qurux badan waxay ahayd
runtii mid ku abuurtay dadkoo dhan farxad iyo
xamaasad, iyadoo ay ahayd xafladii ugu horreysay
oo ay Safaaradu qabato in ka badan 20 sano .