Saturday,
July 26, 2008 -
1)
waxaa xaqiiq ah
in dowladaha caalamka in eeyan marna tix gelin qaraarada
UN ka ka soo baxay sida 1992 qaraarkii tirsigiisu
ahaa 733 ee qeexayay in dalka somalia aanan la geeyn karin hub,waxa loo yaqaan
cuna qabateeynta hubka ee dalka somalaia,waxaa
qaraarkaas dhagta dhiiga u daray dalka Ethiopia
kadib markii eey dalka somalia ku soo daabuleen
hub aad u faro badan kaas oo eey ugu qeeybinaayeen
dhiigcabyadii Muqdisho kala xirtay,17 sanno waxaa
umada lagu xasuuqayay hubkii Ethiopia ka yimid
taasina waxaa cadeeyay Maquuste hadana eey hubka
siiyaan, sida oo kale qaraarkii 2006 ee tirsigiisu
ahaa 1725
ee qeexayay in dalka somalia eeyan marna soo geli
karin dalalka deriska la ah somalia sida Ethiopia
Kenya
Jabuuti
iyo Yemen,waxaad moodaa in
caalamka uu dhagaha uu ka fureeystay kuna
xadgudbay sharciyadii lagu heshiiyay 1945
dhismihii Un
ka,weli cid canbaareeysay lama hayo Ethiopa iyo
USA oo runtii xiligaan ah xulufada ugu xadgudbibta
badan sharuucda caalamiga.
2)
Ururada caalamka
ka dhisan sida midka eey somalia ka midka tahay
ee jaamacada carabta midka islaamka iyo
midka afrikaanka waxaa eey marar faro badan
sheegeen in Ethiopia eey ka baxdo somalia waxad
moodaa in ayagana aanan waxba laga soo qaaday
qaraaradooda ku aadanaa ka bixitaanka Ethiopia
somalia.waxaana arinkaa hortaagan waa USA oo aanan
marna raali ka aheeyn in codka dadkale la maqlo
mideeda maahine.
3)
Hayadaha aduunka
ee u dagaalama xuquuqul insaanka sida: Human
Rights Watch iyo Amnesty International qoraaladii
eey ka qoreen xasuuqa Ethiopia ka geeysatay dalka
somalia cidna dheg weey u dhigi weeyday.xaqiiqdii
sow ma moodid in aduunka dowladaha ku dhaqan in
eeyan u soo jeedin waxa xiligan ka socdo
somalia,waxaa quman in aan kala garano cida cadow
noo ah iyo cida saaxiibka noo ah,xiligan dalka
somalia iyo dadkiisa somali cid u damqeeysa ma
jiro,marka xagee buu xalka ku jiraa ma in la
qaataa hadafka dagaalka oo kaliya mise waa in lagu
dayaa sida sheekh shariif aaminsan yahay ee ah
dagaalka caqliga iyo nabada u saaxiibka ah ama gumeeysi
diidka caqliga u saaxiibka ah. Ee dalka iyo dadka
lagu badbaadinaayo.
4)
Munaafaqiinta ku dhex jira MMI waxaa quman
in leeyska qabto,waayo dalka Yeman waa lagu
heshiiyay Dr.Cumar Iiman ayaa saxiixay heshiiska
darafka Asmara halka Sheekh Shariif uu u saxiixay
darafka Jabuuti hadaba maxaa lagu qiimeeyn karaa
hadalkii ka soo baxay sheekh Xassan Manhdi iyada
oo la ogyahay in Proff
Ibraahim Xassan Cadow oo ahaa gudoomiyhii
wadad hadalka uu BBC da laanta afsomaliga ku
cadeeyay 25-07-2008 waxii ka dhacay Yemen iyo in
lagu heshiiyay.Akhristow sow ma aragtid in koox
aad u yar u tarjumeen si aan sax aheeyn waxii ka
soo baxay Yemen sheekh Xassan Daahirne ku dhiiro
geliyeen in uu ururka ka ga´o abuurana cidii
bedeli laheeyd labada shariif iyo hogan cusub..
Gabo-Gabo iyo Waano
Waxaan leeyahay Sheekh Daahir iyo koocdiisa kala garta cida somalia saaxiibka la ah iyo cida cadowga u ah,caalmka aan maanta ku nool nahay dhamaantiis waa u cadow somalia waxa naglagu diidayaa waa qaadashada towxiidka oo kaliya,haddii maanta 2 malyan oo somalia lagu xasuuqo somalia cida eey dhibeeyso waa uun somalia caalamka kama danqanayo gumaadka dalka somalia iyo dadkiisa eey ku hayaaso Ethiopia oo eey dabada ka riixeeyso USA.
Waxaa quman in caqliga uu shaqeeyo inta qodob ee aan ku soo qoray halkaan waa xaqiiq jirta waxeeyna ka socon waayeen caalamka,sow xiligaan lama dhihi karo waxaa la soo gaaray xiligii la abuuri lahaa gumeeysi diidka caqliga u saaxiibk ah si umada looga badbaadiyo dhibka uu caalamka ku hayo,waxaan dhihi lahaa Sheekh Daahir ha noqon ruux horistaaga gumeeysi diidka caqliga u saaxiibka ah.Ina Caydiid iyo Zakariye taariikhdooda umada somalia weey ka dharagsan tahay haddii aad mooday in eey wadi karaan umada somalia goor hore ayeey wadi lahaayeen,waxaana eey Maquuste kaga soo carareen waa xika eey filaayeen aanan la siin.Ninki Aabihii yiri waa argagixso,dalka somalia yiri waxaa lagu darayaa Ethiopia hal Passapor ayaa naga dhaxeeynaya,Villa Somalia dejiyay Maquuste iyo Ethiopia maxuu kuu sheegayaa Skeekh Daahir Ina caydiid mide adeer ayaad u tahay ??,aduunka ayuu ka lahaa waxaan ka baqayaa Skeekh Daarir oo ah madaxa aqlqaacida in uu xamar igu dilo,waxaan filaya in laga waantoobo marmarsiyadii Ethiopia lagu soo geliyay somalia ee ahaa Addis-ababa ayaan qabsaneeynaa ee indha Cade eey lahaayeen in eeyan soo noqon balse si caliga u saaxiibka ah looga saaro Ethiopia dalka somalia.Alo sahal umuuraha.
Dr.Ali.A.Hirabe
Hirabe_a@hotmail.com

