Home Contact us Country Profile

Presidential Profiles

Sports Religious Pages Videos Audio

Somalida oo Diiday Siyaasada Maquuste

 

 

Posted on Qaranimo Online - July 13, 2008


Sunday, July 13, 2008 -  Daa-imow Allahayoow adaan dunida moogeeyne,Nin Amxaar diidayaan ahoo Adoonsi dooneeynin, Miyaan Dabi geeystay hadaan Dambiilaha Duqaa Dunida  maanta u Sheegay.Markii dib u heshiin laga hadloow dirir ku faantaaye, Diirku iima naxo nimay Amxaar deris wadaagaane, Dusha sare dal laga maamulaa Damacday maalmaha- ne, Ku soo daad-guree Amxaar kuwa Danaanooway,u danee kufaarada jiraa, adna Diracyo  soo qaado.  Aday deeyrshay maantaan lahaa dirirto waa ceebe, Adigay dafiray sidii a-noo duul shihseeye ahe, Dal burburay dadkiisuna is nacay hadaad maanta kala geeyso, Godeey Garb ka doon adaa diiday nabdiiye.  Duqii  ka quus Qaran  in uu dhisaa abide,  Qabyaaladaa ku weeyn  iyo Qolo Cidiisiiye,   Dulmi aad u culusbuu ku dhacay iyo daanno xoog badane,  waa tuu kufaar u dalbaday umada soomaali.

Umada somaliyeed waxaa eey dhabarka u jeediyeen kaligii taliye Maquuste iyo siyaasadiisa iibsiga qaranka somalia,waxaa dhab ah in 1991 ilaa 2004 loolanka siyaasiyiinta dalka in uu ku qotamay oo kaliya cidii dalka somalia madax ka noqon laheeyd,Cali Mahdi iyo Caydiid iyo C/qaasim waxaa eey isku haysteen oo kaliya xukunka balse Maquuste markii xukunka helay ayuu waxaa uu ku darsaday in uu iibiyo qaranimada somalia( Nation of somalia) waxaa haboon in aan kala garano waxa loo yaqaan Nation & Stat,1991 markii xukunkii Siyaad Bare laga tuuray waxa leeysku haystay waxaa uu ahaa cida Stat ka xukumeeysa,xiliyadaa qaranimada somalia marna qatar kuma eeyan jirin oo ma jirin faro gelin cad sida maanta aad arkeeysaan in calankii Ethiopia uu ka lu-lanaya caasimada dalka,meelwalbana waxaa xoog ku jooga ciidamada Ethiopia,Suaasha mudan in qofwalba uu is-weeydiiyo waxaa eey tahay akhristow Maquuste sow maaha midka rabaa in uu iibsado qarankii somalia ee xornimada ka qaatay Talyaani iyo Ingriiska 1960 kii ?????????????????

!960 xornimadii laga qaatay gumeeysigii Talyaaniga iyo Ingriiska waxaa xiligaan gumeeygia Ethiopia ku soo hogaamiyay Maquuste oo ahaa Aabaha dagaal Oogayaashii Muqdisho waxaana dhamaantood eey ku heshiiyeen in dalka somalia laga iibiyo Ethiopia,dhamaan waxaa eey ku dhex jiraan xerada amxaaro waxaana eey shaqaale ka yihiin siyaasada gumeeysi doonka,somaliada waxaa eey dhahdaa wallaalo is-neceb waa eey xoolo yareeyaan waana xabaalo badiyaan,somalida waxaa ku dhacay in eey xoolo beeleen xabaalona badiyeen qaasatan kuwa reer Muqdisho,waxaa quman in xiligaan eey soo noqoto maskaxda laguna midowo halganka gumeeysi diidka ah,waxaa la gareeystay in kuwii hogaanka u hayay dagaalkii sokeeye ee bilowday 1991 in xiligaan eey dhamaantood u shaqeeyaan gumeeysiga Ethiopia weligoodna u shaqeeyn jireen,waxaa xaqiiq ah in hubka eey ka soo daabuli jireen Ethiopia maantana eey is hufan u garabtaagan yihiin gumeeysiga madow ee Ethiopia.

Waxaa quman in umada eey is-cafiso soo celiso maskaxdii hore loo qalday loo midowo gumeeysiga Ethiopia waxaan shaki ku jirin in gumeeysiga Ethiopia hadaflooda in uu yahay qeeybi oo xukun,waxaa yurub iyo USA ka bilwday dhaqdhaqaaq lagu baraarujinaayo midnimada umada somalia iyo ka foojignaanta  in Maquuste la soo dhaweeysto,waxaa dalka Finland dhawaan ka bilowday ururinta mideeynta umada wallaalaha ah,waxaa eey qaateen kana sinaayeen  in dalka somalia somalia leedahay,qabiilwalba oo somalia ah waxaa uu wax ku leeyahay dalka somalia waxaa degen dadkiisa,waxaa taal hantidiisa iyo diintiisa,halka somaliada degen Finland eey aad u diiday Tigreega una arkeen in eeyan Tigreega dalka somalia ka joogin dadkooda,hantidooda iyo diintooda,somalia somalia baa leh ayuu ahaa hal-kudhiga goobwalba oo leeyskugu yimaado,dhawaan waxaa kalfadhiyo yeelan doono somalia Finland Ilaah ayaan ugu baryeeynaa in eey u midoowaan halganka gumeeysi diid ah.waxaa wax lala yaabo ah in reerka uu ka dhashay Maquuste in eeyan weli shacuurtooda wadanimo eeyan muujin laguna tuhmayo in eey raali ka yihiin xasuuqa Ethiopia iyo Maquuste eey ku hayan shacabka koonfurta somalia,Alow sahar umuuraha..

Talyaani Tubti aan marshaa Tigree Amxaar Ku Toosi-haa, Ma  tuugsado  Tigree Amxaar Tawxiidka Rabiga aan Ku Tiirsa-haa, Nin tuug ahaa Tigree wadee Talo rabaase meel run taal, tigaad maleh Tigree Amxaar tubta tuugadaan maraa, Talo wallaal nin diidayaa  tigree amxaar  soo wadee, Nin Goba  Geeri waa Yaqaan Guri amxaar ku gaaf-wareeg , soomaali   Waa  magaceey, muslim  Waa  asalkeey. Ama soor ha  ku Siiyo, Ama Sariirta u Jiifo, Tigree-amxaar waa asal raac ortodagis aan la aqoonin adoonsiyeey u socdaan, Tigreega amxaaka  tabartiisa  bal  keen.

 

Dr.Ali.A.Hirabe            Hirabe_a@hotmail.com


Xafiiska Wararka ee Toronto, Canada

Qaranimo Online

info@Qaranimo.com


 

Custom Search

who's online