Home Contact us Country Profile

Presidential Profiles

Sports Religious Pages Videos Audio

Xaflada Furitaanka Isbitaalka Ceelbuur

 

 

DAAWO SAWIRO KALE

 

Posted on Qaranimo Online - July 28, 2008


Monday, July 28, 2008 -  Waxaa maalintii shalay ahayd xaflad aad u balaaran lagu qabtay barxada isbitaalka Degmada Ceelbuur, taasoo ay ka soo qayb galeen dadweyne boqolaal gaaraya , xafladaas oo ahayd furitaanka isbitaalka guud ee Ceelbuur oo dhismahiisu socotay muddo hal sano ah, mashruuca isbitaalka Ceelbuur ayaa noqonaya kii ugu balaaraa ee deegaankaas laga hirgaliyo 18 sano ee la soo dhaafay, waxaa ka soo qayb galay qaybaha gala gedisan ee bulshada deegaanka Ceelbuur oo ay horkacayeen madaxda degmada , ururada bulshada , hogaamiyeyaal dhaqameedyo caanka ka ah deegaanka ,sida  Ugaas Cabdukhaadir ugaas Xaashi, iyo wakiilka Ugaas Ciise ugaas Maxamed, waxaa iyana Xaflada ka soo qayb galay Wufuud ka kala socotay degmooyinka Ceelgaras, wabxo iyo Galhareeri.
 


Ka soo qayb galayaasha ayaa halkaas ka jeediyay qudbooyin qiiro iyo xamaasad leh iyo waliba duco loo mariyay dadkii isku howlay dhismaha isbitaalka oo ah isbitaal ku filaan kara dadka deegaanka, kaasoo ay guud ahaan qarashkii ku baxay ay bixiyeen qurbajooga soomaaliyeed ee ku nool wadamada reer galbeedka.
 
Lamuun Maxamed Cabdikariim ayaa halkaas ka jeedisay taariikhdii isbitaalka iyo sababihii loo dhisay, iyadoo dadweynaha u sheegtay in mudo hal sano iyo bar ka hor ah, ay dumarka Degmada Ceelbuur lacag iska aruuriyeen ka dibna ay waceen dad ku nool dibadaha iyo gudaha oo ay islahaayeen dhibaatada caafimaad ee deegaanka ayay wax idinkala qaban karaan, ka gadaal markii ay dhowr dumar ah ay daryeel la,aan caafimaad ugu geeriyoodeen xiligii ay umulayeen kuwaasoo u badnaa gabdho ugub ah, codsiyadii aan dirsanay waxaa ka soo jawaabay soomaalida ku nool wadanka ingiriiska , gaar ahaan magaalada la yiraahdo Bolton  oo ah magaalo yar oo soomaalida ku nooli aad u tiro yar yihiin.

Intaa ka dibna waxaa iyana na taageeray, dad soomaliyeed oo ku nool wadamada Australia, Canada,Denmark,England, switzerland, iyo Maraykanka,  iyadoo meelihii kale oo aan wacnay aanan ka helin wax taageero, waxay dadwaynaha u sheegtay in labadii todobaad ee la soo dhaafay uu shaqaynaya qaybta dhalmada ee isbitaalka (maternity ward), taasoo beey tiri hada ay jiifaan dumar dhowr oo ku umulay maalmihii la soo dhaafay oo intooda badan laga keenay miyiga, sida aad la socotaan baahi bini,aadamka kama dhamaato, waxaa hada noogu daran  Umbulance, iyada waxaan rajeeynaynaa in dhowaan ay nasoo gaari doonto, waxaana noo balan qaaday walaalihii markii hore noo gaday Matoorka nalka ee isbitaalka, kuwaasoo ku nool Minisotta (USA).
 
Ismaaciil Xuseen(Ismaaciil dheere) oo ah madaxa mashruuca la soo gabagabeeyay ee isbitaalka ayaa isna ka warbixiyay qalabka yaal isbitaalka, isagoo sheegay in isbitaalka ay jiifan karaan 50 bukaan ah markiiba , sidoo kalena sheegay inaay jiraan qalab soo socda sida raajitada iyo shaybaarka iwm, dhamaan waxa aad u jeediin iyo waxaa soo socdaba waxaa laga dhisay jeebka dadka soomaliyeed ee ku nool wadamada ay walaasheey Lamuun sheegtay kuma jiraan wax la soo isticmaalay (second-hand), ama wax hay,ad ina siisay, kumana aanan tashanba, laakiin cid kasta oo na taageeraysa waan soo dhowaynaynaa.

Ismaaciil waxaa kale oo sheegay in mushaharada shaqaalaha ay balan qaadeen dadkii markii horeba dhisay isbitaalka, isagoo sheegay in shaqaalaha isbitaalku noqon doonaan  25 shaqaale ah, iyadoo buu yiri la rajaynayo in bilaha soo socda la kordhin doono , hadii baahidu kororto, iyadoo la filayo in dad badan oo magalooyin kale u tagi jiray baahi cafimaad ay hadda wixii ka danbeeya isbitaalka imaan doonaan, dhinaca kale Ismaaciil waxa uu sheegay inaay haystaan daawo ku filan seddaxda bilood ee soo socota.
 
Ismaaciil waxa kale oo uu aad u bayaaniyay lacagaha meelaha ay ka kala yimaadeen isagoo sheegay in dhowr jeer oo uu mugdi galay dhameeystirka mashruuca isbitaalka ,iyadoo dadaal aan lamalayn karin oo ay sameeyeen soomalida ku nool magaalada Toronto (Canada) ay suurta gashay in la dhameeystiro isbitaalka,  gabar yar oo qiiraysani ayaa iyana  halkaas ka soo jeedisay buraanbur ku saabsan taageerada reer Toronto "REER TORONTOOW WAAD NA TAAGEERTEEN , ILAAH HA IDIIN TURO, TUSMAAD NOQOTEEN TAARIIKH AAN MARNABA TIRMIN.


Sidoo kale waxaa halkaas hadal dheer oo ku saabsan muhiimada nabada ka soo jeediyay taliyaha ciidamada amniga deegaanka Ceelbuur col,Xaashi Xaduur, oo dadkii isxilqaamay ku bogaadiyay wanaagii ay sameeyeen .

Soomaalida ku nool wadamada reer galbeedka ayaa lagu tilmaamaa inaay yihiin kuwo dareensan qiimaha dalkoodu leeyahay, iyagoo lacagaha yar ee qaxootimida loo siiya in badan oo ka mid ah sadaqaysta, halka ganacsatadu aysan wax badan oo xil ah iska saarin dadkooda tabaalaysan, iyadoo dadkii xaflada ka soo qayb galay ay aad uga hadleen ganacsadata reer Ceelbuur oo ka mid ah kuwa soomlida ugu jeebka buuran aysan mashruuca baaxadaas la eg  hal doolar ku bixin, iyadoo eeda inteeda badan ay ku dhacaysay ganacdatada reer Ceelbuur ee ku nool wadamada Emaratka, Kenya iyo Jabuuti.

Dhinaca kale waxaa halkaas amaan aan la soo koobi karin looga soo jeediyay website-yada soomaliyeed ee kala ah Dayniile, Ceelbuuronline, ceelbuurnet iyo Qaranimo oo dadaalo badan u galay meemarinta mashruuca isbitaalka.
 


Maxamuud Maxamed
Ceelbuur_6@hotmail.com

 


Xafiiska Wararka ee Toronto, Canada

Qaranimo Online

info@Qaranimo.com


 

Custom Search

who's online