Monday,
July 21, 2008 - Waxaa
marna loo dulqaadan karain in sheikh shariif lagu
tilmaamo qaa-in wadan iwm waxaan is laheeyn in
sheekha uu yahay nin wadani ah diiday ciidamada
Ethiopia iyo huwanta la socto haddii Maquuste laga
soo soke mariyo sheekha shariif xagee wadanimada
ku jirtaa, yaa qaa-in wadan ah labadaa
nin,suaashaa ayaan jeclahay in aan kaga hadlo
qoraalkaan inkastoo loo baahan yahay in la qaato
meesha xaqa uu ku jiro.
Waxaa
wax laga naxa ah markii Zakariye Maxamuud Xaaji
Cabdi hadaladii uu la soo istaagay Radiyaasha ee
ahaa:“Dadka Soomaaliyeed waa is xoreynayaan,
Hadde Somalida labo nin iyo sedex nin oo ka tagtay
kama joojineyso halganka xoreynta”“Ninba
maalin ayuu tareenka ka dhacayaa, Ninkii isku
dhiibo gaalo iyo cadowga, isaga ayay jirtaa, anaga
waa noo socdaan shirarkeena iyo howlaheena”
maantase waxaa hubaal ah in uu Zakariye ka dhacay
Tareenkii gumeeysi diidka caqliga u saaxiibka ah.
Sida
oo kale Garyare waxaa uusan ka xishoon in shirkii
Sanca waxii ka soo baxay uu ka dhigo baadil inta
badane eey isku raacin in la wado wada
hadalada,waxaa wax laga xishoodo ah in la dhaho
xilkii ayaan ka qaadeeynaa sheekh shariif waxaana
magacaabeeynaa gudoomiye cusub,sow kaaf iyo kale
dheeri maaha waxa socda,Garyare waxaa uu ka mid
ahaa xubnaha
Somali Diaspara ee dalka Sweden waxaa
uu noqday Garyere
ninka kaliya ee jooga Asmara xiligaan halka inta
xubnaha degenaa Sweden eey tageen Jabuuti ayaga oo
soo qaaday aragtida Somali
Diaspara ee dalka Sweden aadna ugu
faraxsanaa heshiiska iyo in wada hadalka ka
bilowday Jabuuti,waxaad moodaa in uusan ku fikir
noqon ragii eey halganka ku wada jireen,Suaasha
mudan in leeys-weeydiiyo waxaa eey tahay ma inta
badan ayaa qaldan mise inta yar,aragtida lagu kala
duwan yahay iyada oo la xalin karo ma qumana in la
abuuro naceeyb,kala fogaansho iyo in rajo danbe oo
isku soo noqosho ah meesha laga saaray,kooxda
Asmara waxaa eey abuureen naceeyb iyo qilaaf aan
dib leeyskugu soo noqon,miyaa la iloobay in dalka
cadow haysto maxaan ku diidnaa haddii sheikh
shariif uu aaminsan yahay:
1)
Heshiis lama gelin cadowga Ethiopia waxaana
naga dhaxeeya dagaal.
2)
Hubkeena waan haysanaa dagaalkana waa
soconaya inta ciida Somalia eey joogaan gumeeysiga
Ethiopia.
3)
Gacana waxaan ku raadineeynaa nabada gacana
waxaan ku haysanaa qoriga
4)
Haddii UN ka iyo quwadaha awooda badan
rabaan in laga hadlo ciidamada Ethiopia qaabkii
looga saari lahaa dalka somalia xiligaan maxaa
lagu diidan yahay.
5)
Sheekh Shariif waxaa uu u saxiixay
heshiiska ayaa waxaa lagu macneeyaa
A)
UN ka USA iyo Yurub shaxda eey soo ban
dhigeen waxaa uu ahaa,ciidamada Ethiopia waxaa eey
dalka Somalia ku sugan yihiin ilaa 1 sanno iyo 7
bilood cid ka hadashay gumaadka ma jiro basle
waxaa eey islahaayeen Ethiopia si nabad ah ayeey u
xasilin doontaa Somalia ee ha laga war-sugo,taasi
waxaa ka shifay xoogaga Somalia qaasatan xoogaga
dib u xoreeynta iyo Al-shabaab in Somalia eeyan
xasilin Karin Ethiopia balse somaliada eeyan marna
qaadan karin gumeeysi madow ee Ethiopia,sidaas
darted UN ka ,USA,Yurub waxaa eey xiligaan
garwaaqsadeen in laga hadlo dhibka
Akhristow haddii aanan laga hadlin sow laga
aamusi maayo gumaadka Ethiopia eey ku sii wado
shacbka Somalia,suaasha waxaa ey tahay ma ka wada
hadalnaa Ethiopia mise waan ka aamusnaa …….maxaa
quman ???????????????????
Ragii
muqaawamada ahaa ee Somalia ka yimid ee uu
hogaaminayay Suulaleey iyo wafdigii uu
hogaaminaayay Dr.Cumar Iimaan iyo kooxdii Jabuuti
ka yimid waxaa quman in eeyan noqon kuwa kala
garan waaya meesha xalka uu ku jiro,wallow aan
filaayo in inta ugu badan eey joogaan dalka
Jabuuti,waxaan dhihi lahaa kala garta meesha
Somalia eey joogto xiligaan iyo meesha eey soo
martay,yaanan la iloobin wallaaltinimada xag
walba,waayo waxaad moodaa in raga qaar eeyan rajo
ka qabin in leeysku soo noqdo,lana midowi karo
mar-labaad,dharka in leeyska dhigo oo lagu hadaaqo
wax walba waa laga fiican yahay waxaa quman in wax
leeysku reebto rajana la muujiyo.
Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan.cidna
lama hadleeyno waa laga fiican yahay waxaa quman
in aad aduunka ka gadi kartaa waxa aad
rabto,haddii kale cidna kuma oga in eey wax kuu
beec yihiin. .Alow sahal umuuraha.
Dr.Ali.A.Hirabe
Hirabe_a@hotmail.com
Xafiiska Wararka ee Toronto, Canada
Qaranimo Online

