Friday,
July
04, 2008 -
Muqdisho
(Luulyo 3, 2008) - Muddo ku dhaw 10 maalmood ama
laba toddobaad ahba waxey indhaheyga qabaneyeen
qoraalo looga hadlayo maalinta xorriyadda
Soomaaliyeed, waxaana maqlayey masuuliyiin
hambalyo direysay, waxaase igu soo noqnoqotay
su’aal ah “Soomaaliya xorriyadda la sheegayo
ma qaadatay weli?”
Anigu
waxaan ahay 30 jir, saxafi ah, muddo 8 sanadood
ahna ku soo dhax jirey saxaafadda, shan sanno oo
ka mid ah waxaan wax ku qoraayey saxaafadda reer
galbeedka, marnaba ma dareemin in ay jirto
xorriyad ay heshay ummadda Soomaaliyeed noocey
doontaba ha ahaatee.
Xorriyadda
waxaa qaadata ummad leh Dhul, Calan, Af iyo
Maamul madax banaan, Soomaaliya marka la eego
xorriyadeeda waxaa jirta dhawr halbeeg oo ay
tahay in aan ku cabirno.
1.
Soomaaliya waa intee dhul ahaan,
dadkeeduse intey la eg yihiin?
2.
Dadka Soomaaliyeed oo dhami xorriyad ma
heystaan?
3.
Inta la yiri xor baad tihiin yaa
maamula?
Soomaaliya
oo ka koobneyd 5 gobal oo waaweyn ayaa waxaa la
yiri waxaa xor ah 2 gobal oo kaliya, taas oo
xorriyadda la heysto ka dhigeysay 40% (40
boqolkiiba), waxaana gumeysi ku jiray 60%
boqolkiiba, inkastoo gor dambe oo 1977 dii la
yiri hadana Jabuuti baa xor ah oo gooni loo
jaray.
Marka
aan eegno dhanka qeybaha la siiyey xorriyadda
waxaa maamulkooda loo dhiibay dhamaanba
caruurtii ay soo barbaariyeen gumeystayaashii oo
iyagana ah dad aad ugu shaqeeyey wax yaabihii uu
gumeytuhu u igmaday.
Waxaa
hubaal ah inuusan jirin qof ka mid ahaa dadkii
la dagaalamay gumeystayaashii oo lagu sharfay
inuu talada dalka Soomaaliyeed ka qabto wax xil
sare ah Hadduu jirose waa kee? Jawaabtu waa
furan tahay.
Dhibaato
aan harin oo ka daran joogista gumeysiga waxaa
ka mid ah in la qaatay in lagu shaqeeyo
mabaadiida gumeystayaashii, afkoodii iyo
dastuurkoodii.
Dhamaanba
waraaqihii lagu isticmaalayey xafiisyadana waxaa
lagu qoray afkii gumeystaha, taas oo ka dhigeysa
in aan laga xoroobin balse ciidankiisii la yiri
“Nasta aan idin adeegnee” oo kuwo Soomaaliyeed
loogu dhiibay waajibaadkii.
Ma
saldhigan siyaasadii ay la yimaadeen caruurtii
gumeysiga, iyadoo uu dalka ku jirey jahwareer ayaa
waxaa hadana dhacday ka dar oo dibi dhal, waxaa
dalkii qabsaday xukunkii militariga oo isagana
dhamaanba wixii xorriyad iyo xuquuqaad ah oo ay
lahaayeen ka xayuubiyey dadka Soomaaliyeed.
Maamulka
milateriga wuxuu xabsiyadda dhigay dadkii aqoonta
lahaa ee isku dayey in ay saxaan qaladaadkii uu ku
kacaayey, waxaana kacaankii asalkiisu ka soo
jeeday diin la’ aanta loo bixiyey kacaanka
barakeysan.
Ugu
dambeyntii madaxweynihii dalka wuxuu ku dhiiraday
inuu kitaabkii quraanka uu yiraahdo aayaadka ku
yaala waa qalad, kuna bedelo wax la yiraahdo
xeerka qoyska.
In
Badan ayaa dhihi doonaan Madaxweyne Siyaad Barre
wadani buu ahaa ee sabab wax looga sheego ma lahan,
laakiin haddii uu dalka difaaci lahaa, dadkana xor
ka dhigi lahaa oo uusan caburin laheyn maanta lama
joogeen halkii la gaaray.
Hadddii
aan u soo laabto ujeedka qormadda, waxaan
todobaadkii naga dhamaaday iyo kan aan ku jirno
horaantiisi dhageystay C/laahi Yuusuf Axmed, Nuur
Cadde iyo Cadde Muuse oo ummadda Somaaliyeed uga
hambalyeynaya 1-da Luulyo, maalinta xornimadda
Soomaaliyeed iyo Sheekh Shariif oo u tacsiyeynaya
Ummadda.
Fariid…hambalyo
haddii loo diraayey shacabka Soomaaliyeed ee xorta
ah, shacabkaasi ma joogo qarnigan waxaa loo
hambalyeyn doonaa marka ay xoroobaan, haddii loo
hambalyeynayey kuwa haatan noolna Soomaaliya
maanta xor ma ahan, xorriyaddeediina inta lumisay
ayey ka mid yihiin sedaxda masuul ee hambalyada
dirtay.
Haddaanan
qaldaneyn, weli maanan maqlin meel ay sedaxdani
masuul kaga tacsiyeynayeen ummadda Soomaaliyeed
kumanaankii ay dileen Xabashidu, malyuumaadkii ay
barakiciyeen iyo kumanaankii ay dhaacwa u geysteen
guryahoodiina inta ka dumiyeen hadana ka degeen.
Masuuliyadda
waa wax adduun iyo aakhiraba lagu xisaabtami doono,
cidda maanta sidey doonto u hadasho oo dafirta
dembiga ay gashay waxaa jirta xisaab aan la dhaafi
doonin, lagana baxsan doonin maalinta aakhiro.
Bishii
April 2007, waxaa magaaladda Muqdisho lagu xirtay
injineer Soomaaliyeed oo caan ah, waxaana xirteen
ciidanka Itoobiyaanka, iyagoo ku eedeeyey inuu
yahay argagaxiso, ka dibna galaangal la sameeyey
ayaa loo tagay C/laahi Yuusuf oo ku fadhiya
kursigii madaxtinimada dalka.
C/laahi
wuxuuna qoray warqad uu amar ku siinaayey in la
siidaayo injineerka, laakiin amarkii intaan
saraakiishii sare la gaarin waxaa soo diiday
ninkii askariga ahaa ee Itoobiyaanka ahaa ee ugu
horeeyey ee warqadda loo geeyey.
Inuu
sii gudbiyo iskaba daaye isagii ayaaba ka soo
jawaabay oo yiri “ninkan waxaan deyneynaa markii
aan ogaano inuusan Alqaacida aheyn ee ku deyn
meyno amarka C/laahi Yuusuf”
Ayaan-darrada
intaas kuma ekaane waxaa loo tagay Cali Maxamed
Geedi oo la is yiri amuu C/laahi kaga faro
dhuudhuuban yahay xaga Itoobiyaanka, laakiin waxba
kama uusan galin hawshii oo amarkiisiina la diid.
Haddii
ay jirto xorriyadi loo dabaaldego, la isugu diro
hambalyo, xorriyadda jirtaa waa taas uu heysto
askariga caddaawadda ka buuxdo ee Itoobiyaanka ah.
Xorriyad
daaye, Xaq la gumeyste ma leenahay?
La
gumeystaha wuxuu xaq u leeyahay in cidda
gumeysanaysa ay u ogolaato inuu yahay qof ku hoos
jira gumeysigeeda, taas oo u sahleysa in maatida
la nadabgeliyo, waloow dhibaato loo geysto dadka
aqoonta leh iyo inta gobanimo doonka ah.
Uur
jiifka Soomaaliyeed ee hooyadiis caloosheeda ku
jira dembiile ayuu ka yahay xaga itoobiyaanka,
waayo waxaa qof walba og yahay in November 2007 ay
xaafadda Black Sea ku dileen Xabashida haweeney
uur leh, taas oo ay xabadaha kaga dhufteen
caloosha si ay u dilaan waxa caloosheeda ku jira,
sidoo kalana isla xaafadaas ayey aheyd meeshii ay
ku dileen haweeney iyo labadeeda caruurta ah oo
kala ahaa wiil iyo gabar, kuwaas oo ay intay
qoorta ka xireen geed ka soo laadlaadiyeen,
hooyadoodna intay kufsadeen ka dib dileen.
Sida
wiilkasta oo Soomaaliyeed yaraantiisii ama markii
uu hooyadiis dhabteedii ku cayaarayey loogu heesi
jirey “Caddow aragsamoow, amxaarada ureysiyo,
af huuraalayaashii, injirrey dhamaanteed, ab kuuma
galinoo, ee baa kuu adeegay” ayaa wiilka
amxaarka ahna ay hooyadii ugu soo abaabisay in
magaca Soomaali qofka wataa uu yahay cadowgiisa.
Waxaa
la yaab leh maanta oo marrastii iyo agoontii
madaafiic lagu laayey, Masaajidadii lagu xaaray,
Musxafkii Quraanka lagu istaagay oo saxarada lagu
tirtay, dugsiyadii quraanka loo bedelay musqulo ay
ku saxaroodaad axmaaro, iskuuladii iyo
isbitaaladii laga dhigay xerooyin ciidan,
culumadii la xasuuqay, 2 sano jirka Soomaaliyeed
uu yahay dembiile lagana toogto wejiga, qofka
XORRIYADDA u dabaal dega ama hambalyo u dira waa
ayaandarro.
Meles
Zenawi oo dadkiisa kula hadlayey fagaare ku yaala
Addis Ababa ka dib markii ciidankiisa galeen
Caasimadda Soomaaliya ayaa wuxuu yiri “Soomaalida
Sedax kaga dayda, 1. Cadeyga iyo Nadaafadda kaga
dayda, 2. Isu kaalmeynta kaga dayda, 3. Habeen
guureyntana kaga dayda” wuxuuna intaas u
raaciyey “Balse sedax ha kaga dayanina, 1. Is
dilka ha kaga dayanina, 2. Qabyaaladda ha kaga
dayanina, 3. wadaniyad xummadana ha kaga dayanina”
Xornimaddu
laftigeedu waa u ayaan darro in ay sheegtaan
aabayaasha gobanimo diidka Soomaaliyeed ee dalkii
kala qoqobay, qeyb walbana cadow u dhiibay, mar
haddii iyadoon aan jirin loo dabaal-degana waxaa u
haboon xornimo in ay oyso.
Soomaaliya
waxaa xorriyadeeda loo dabaaldegi doonaa marka la
helo shanta Soomaali oo xor ah, kana madax banaan
nin ay gumeystayaasha soo korsadeen oo maskaxdiisa
u fekereyso sida gumeystaha.
Waxaa
ayaan darro aad u weyn ah in maanta ay Soomaaliya
ka jiraan dadsheeganaya aqoonyahan, siyaasi,
waxgarad ama masuul oo haddana maskaxdoodu u
fekereyso sida tan Amxaarka cadowga ah.
Kor
ka Soomaali, qalbi ka amxaar ayaana ummadii maanta
hor boodaya oo wax walba qarribay, xornimadiina
ceebeeyey.
Bilaahi
Caleykum, iyadoo uu Amxaar Muqdisho masaajidadeeda
ku xaarayo Xornimo ma sheegan karnaa? Xornimooy
lagu ceebee!!
Xornimooy
waa lagu ceebeeyey, waa lagu iibsaday, waana laguu
gafay ee Xornimooy Ooy! Ooy oo afkaaga furo,
illinta kaa qubataa daadkeeda gumeystaha iyo
kaalkaalayaashiisa ha xaaqdee.
Wixii
dhaliil iyo talo ah.
Abukar.albadri@gmail.com