Home Contact us Country Profile

Presidential Profiles

Sports Religious Pages Videos Audio


TOOS, OO HURDADA KA KICI KUWA JIIFA, SI AY ULA TACAALAN ISTICMAARIGA CUSUB EE KU SOO WAJAHAN


QAAB DHISMEEDKA CUSUB EE SOOMALIYA  

Posted on Qaranimo Online - June 01, 2008

 

 

Source: Waaqow 

Waaqow@gmail.com


HORDHAC

Warbixintaan ku saabsan Qaab dhismeedka Cusub ee Soomaliya waxaa si wada jir ah u qorsheeyey dowlada Mareykanka iyo Ethiopia, waxayna meelmarinta daraasadan ay la kaashadeen Hay’adda Qaramada Middobay, qaar kamid ah Dowladaha Yurub, Midowga Carabta, Dowladaha safka hore ee IGAD, hay’adaha Ijtimaaciga ee hoostaga Qaramada Middoobay iyo dhamaan dalalka dhaxdhaxaadka ka ah arimaha siyaasada Soomaliya.

Sida ku cad warbixinta daraasadan ee lagu soo bandhigay PowerPoint Presentation  iyo classified documents waxaa si gaar ah u diyaariyey Secret Team ka kooban Military Expert iyo Senior Civilian oo taqasus kala duwan u leh dalalka la rabo in la galsho Political Trusteeship sida Iraq iyo Afghanistan . Waxey kaloo daraasadan ay sharax guud ka bixineysaa qaabkii lagu dhaxal-wareegin lahaa Madaxbanaanida Jamhuuriyada Soomaliya gaar’ahaan Koonfurta iyadoo loo adeegsan doono Afar Qidad iyo cudud military oo u tababaran dagaalada magaalooyinka  “Military Operations on Urban Terrain”. 

Warbixintaan waxey kaloo isugu jirtaa kuwo horey loo diyaariyey iyo kuwa miiska dushiisa looga dooday iyadoo shir ay isagu yimaadeen saraakisha Mareykanka iyo kuwa Ethiopia mudadii Gen. John Abizaid uu ku sugnaa dalka Ethiopia iyo talooyinkii laga soo jeediyey miiska dushiisa, laguna lifaaqay warbixintii kama danbeysta ah ee lagu weerarayo Soomaliya. Daraasada hore qorshaheeda waxaa la diyaariyey sanadkii 2001  (Dhageyso Wareysigii Gen. Wesley Clark), waxeyna taabaneysaa sidii dhabaha loogu xaari lahaa hurinta colaada Soomaliya, iyadoo laga ambaqaadayo shirqoolo caalami ah lagu jideeynayo sidii Soomaliya lagu keeni lahaa ciidamo shisheeye oo la wareega Madaxbanaanida Jamhuuriyada Soomaliya.  Ta danbe, waxey si gaar ah u tilmaameysaa qorshaha Xasilinta Jamhuuriyada Somalia , waxeyna ifineysaa istaraatijiyada lagu qaban doono Koonfurta Soomalia, iyadoo loo adeegsan doono Afar qidad oo kala duwan.

Warbixinta Qiddada 1aad “Phase I Operations” waxey diiradda ay saareysaa; qaabkii diblomaasi ahaan caalamka looga dhaadhicin lahaa qatarta Maxkamadaha Islaamiga iyo kooxaha Argagaxisada ee ku sugan Koonfurta Soomaliya, qaabkii lagu diyaarin lahaa ciidamada ka howlgalaya Koonfurta Soomaliya, xeeladihii Muqdisho looga goodamin lahaa dhinacyada Koonfurta, Galbeelka iyo Waqooyiga, qaabkii ciidamada loogu soo dabaabuli lahaa gudaha magaalada Muqdisho, qaabkii loola wareegi lahaa fariisimada muhiimka sida; Airoporka caalamiga, Dekeda weyn, Madaxtooyada, xeryaha ciidamada, iyo dhamaan dhismayaasha dowlada, qaabkii loo hawlgalin lahaa hay’adaha sirdoonka “human intelligence iyo aerial reconaissance” iyo istaraatijiyadii lagu kala gooyn doono  Xaafadaha iyo wadooyinka magaalada Muqdisho.

Waxaa kaloo warbixinta qeybta 1aad looga dooday; xaaladda guud ee magaalada Muqdisho iyadoo loo kala qaaday shan qeybood oo ka kooban Physical, Infrastructure, Comercial, Residential, iyo Socio-economic areas. Waxaa kaloo si gaara loo xusay xaafadadaha ay ka kooban tahay magaalada Muqdisho, wadooyinka waaweyn, xaafadaha iyo goobaha ay ku xoogan yihiin xooggaga dagaalyahanada Islaamiga iyo kuwa Iskaacaabinta, goobaha la rabo in la goodamiyo (covered concealment built-up area) sida baraha ay yaalaan saadka iyo hubka ugu badan, goobaha ay ku yalaan warbahinada waaweyn, suqyada ganacsiga iyo kuwa hubka iyo  qaabkii logu cuuryamin lahaa ganacsiga iyo ilaha dhaqaalaha beelaha dega Koonfurta Soomaliya, gaar’ahaan magaalada Muqdisho.

Warbixinta Qiddada Labaad “Phase II Operations” waxay si gaar ah u taabaneysaa xeeladihii lagu qaban lahaa magaalada Muqdisho, qaabkii lagu weerari lahaa xaafadaha iyo goobaha ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada Islaamiga iyo kuwa Iskacaabinta, goobaha lala dhici doono madaaficda iyo hubka culus, qaabkii loo burburin lahaa kaabayasha dhaqaalaha beelaha dega magaalada Muqdisho, qaabkii shacabka looga barakicin lahaa goobo istaaraatijig, qaabkii loo wiiqi lahaa xiriirka ka dhaxeeya dagaalyahanada  Islaamiga, Xoogaga Iskacaabinta iyo shacabka. Xeeladihii lagu kala xiri lahaa wadooyinka iyo xaafadaha ay ku xoogan yihiin Xoogaga dagaalyahanada  Islaamiga.

Warbixinta qeybta Sedexaad “Phase III Operations” waxaa looga dooday; dhamaan qaabkii lagu burburin lahaa dhaqaalaha, ganacsiga, siyaasada iyo awoodda beelaha dega Koonfurta Soomaliya gaar’ahaan gobolada Galgaduud, Hiiraan, Sh/Dhaxe, Gobolka Banaadir iyo Sh/Hoose, qaabkii lagu dabar goyn lahaa ama lagu barakicin lahaa aqoonyahanada, ganacsatada iyo culamada ka soojeda goboladaas, qidaddii  lagu qaban lahaa dhamaan Xaafadaha Koonfurta Muqdsiho, xeeladihii lagu waarari lahaa Xaafadaha gudahooda, qaabkii loo baari lahaa guryaha, goobaha ganacsiga iyo dhismayaasha waaweyn, qaabkii hubka looga dhigi lahaa shacabka, Maleeshiyadka ka amar qaata Hogaamiye Kooxeedyada, Ganacsatada, shirkadaha, Siyaasiyiinta iyo Maleeshiyaadka aan cidna ka amar qaadan, qaabkii loo burburin lahaa ilaha dhaqaalaha ee sida tooska ugu xiran suuqyada ganacsiga (Bakaraha), suuqyada hubka, xawaaladaha, shirkadaha isgaarsiinta, warbaahinada, dugsiyada waxbarshada aasaasiga iyo kuwa sare iyo dhamaan ilaha dhaqaalaha ee sida tooska ugu xiran dekedaha iyo Airoporada Koonfurta Soomliya.

Warbixinta Qiddada Afaraad “Phase IV Operations” waxay ifineysa qaabkii Koonfurta Soomaliya lagu galin lahaa Political Trusteeship, loona hoos keeni lahaa Qaramada Midoobay. qaabkii lagu howlgalin lahaa ciidamada AMISOM, kuwa Amniga qaranka Soomaliya oo ay hogaamin doonaan ciidamada iskujirka ee Qaramada Midoobay (Coalision of the welling), qaabkii loo badali lahaa Dastuurka Dalka, qaabki gobolada dalka looga hirgalin lahaa dowlad goboleedyo madaxbanaan oo mustaqbilka la midooba dalka Ethiopia, Qaabkii hay’adda USAID oo wakiil ka ah Wasaarada Difaaca Mareykanka ay ula wareegi lahaayeen  Dib-u-dhiska Soomaliya, Siyaasada Arimaha Dibedda Mareykanka ee ku wajahan Soomaliya, qaabkii loo kobcin lahaa  hay’adaha dowlada iyo kaabayasha dhaqaalaha dalka, Istaatijiyada mustqabilka lagu kala goyn doono Jamhuuriyada Soomaliya, mustaqilka dhaxe cidda koontarooli doonta dhaqaalaha iyo siyaasada Soomaliya iyo mustaqbilka fog sidii dhamaan Jamhuuriyada Soomaliya loo hoos keeni lahaa dalka Ethiopia.

Plan A

Qiddada 1aad, waxaa ku xusan in hawlgalka magaalada Muqdisho loo qorsheeyey in lagu xasiliyo  ciidan gaaraya 21 Infantry Battalion ama 27.000 oo ka kooban lix qeybood oo isagu jira combat plans, combat operations, combat intelligence, systems control center, combat service support center iyo logistics readiness center. Hogaan kastaa oo ka mid ah qeybahaan  waxaa hoos tagi doona; field infantry, tanks, artellary, mobile force, special force, helicopter unit, combat support, special operations, command and control, communication, intelligence iyo  reconnaissance (C4ISR). Dhamaan cududaan military ee kor ku xusan waxaa loo qorsheeyey in Koonfurta Soomaliya lagula wareego hal sano iyo lixbilood.

Inta aan la taabagalin qorshahan, waxaa laysla meel dhigay in magaalada Muqdisho la keeno ciidamo isagu jira Ethiopian, African  iyo ciidamo beeledyo taabacsan dowlada ku meelgaarka. Dhamaan ciidamadan waxey ka howlgali doonaan magaalada Muqdisho gudaheeda iyagoo u howlgali doona qaabab kala duwan oo isagu jira Nabad Ilaalin iyo Nabad Fulin. Ciidamada Nabad Ilaalinta waxey ka koobnaan doonaan Mobile Force, Military Police, Mobile Strike Force, VIP Protection, Convoy Escort, Roadblock Drill, Search and Clear Urban Batrols iyo Security Operations. Ciidamada Nabad Ilaalinta waxay kaloo u hawlgali doonaan inay sugaan nabadda goobaha  muhiimka ah sida; fariisimada dawlada, dekada weyn, garoonka caalamiga iyo qeybo ka mid ah wadooyinka iyo isgosyada magaalada Muqdisho. Xiliga colaadda ama dagaalka, ciidamada Nabad Ilaalinta waxey gacan buuxda ay siin doonaan ciidamada Nabad Fulinta si ay aga saacidaan dhinacyada base design, prep of operation areas, targetting/strike, counterfire, wire obstacles, bunkers, search areas iyo special recon.

Sida ku cad warbixinta bogeeda labaab, ciidamada Peace Enforcement shaqadoodu waxay ahaan doontaa inay xoog kula wareegaan magaalada Muqdisho, hubkana ay  ka dhigaan shacabka, hogaamiye kooxedyada, ganacsatada, siyaasiyiinta iyo maleeshiyaadka aan cidna ka mar qaadan si ay u abuuraan jawi degan ay Dowladu ku shaqeyn karto. Sida la qorsheeyey ciidamada Nabad Fulinta waxey isugu jiraan field infantry, tanks, artellary, mobile force, special operations, communication, intelligence iyo reconnaissance. Dhamaan isku jirka ciidamadan waxaa loo qorsheeyey inay ku howlgalaan afar qidad oo loo qorsheyey  qabashada magaalada Muqdisho;

  • Phase I:   Sealing the city off.

  • Phase II:  Stratigic defence, tactical offense-Mogadishu.

  • Phase III: Using infantry, tanks, and helicopters to control of enemy areas.

  • Phase IV: Tactical defence-Mogadishu, strategic offense in the rest of Mogadishu .

Inta aan la hirgalin qorshahaan, waxaa laysla meel dhigay in magaalada Muqdisho laga ooddo xuduudyada iyo dhamaan wadooyinka soo gala si loo xakameeyo hubka, shidaalka iyo gurmadka ka imanaya gobolada kale ee kor ku xusan iyo dhamaan ilaha dhaqaalaha iyo kuwa ganacsiga ee sida tooska ugu xiran Dekeda weyn iyo Garoonka caalamiga. Kadib, ciidamadan waxaa lagu soo biirin doonaa ciidamo kale oo calooshood u shaqeystayaal ah “Special Operation Forcesoo ka tirsan shirkada BlackWater. Sida ku cad warbixinta,  ciidamada commandoska waxey ka hawlgali doonaan baraha hawlgalinta dagaalka, goobaha laga rido hubka culus iyo madaaficda ay ku rakiban yihiin sunta Phosphorka iyo Tear  gaska CS iyo goobaha la rabo in laga saaro xoogaga dagaalyahana Islaamiga iyo kuwa Iskacaabinta. Dhamaan ciidamadaan iyagoo adeegsanaya qidadda “military operation on urban terrain” waxay weerarada u qaadi doonaan sedex qeybood oo ka kooban; The strategic level, The operational level iyo The tactical Leval. Howlgalka ciidamadan waxay kaloo isagu jiraan dhowr squadron,  squatron kastaa waxa uu ka koobnaan doonaa 3 operational troops oo mid kastaa uu hoostagi doono 25 askari. Raxan-kastaa combat mission-keeda waxa uu ka koobnaan doonaa Lix sidata qoryaha RPG, Sedex Snipers, Sedex sidata qoryaha culus ee Machine guns, Afar Riflemen, Afar Automatic Riflemen iyo Afar Ammunition bearers.

Qaar ka mid ah ciidamadan waxey u howlgali doonaan qiddad ka duwan kooxaha kale, waxeyna adeegsan doonan grenade launghers, submachine guns, night illumination devices, mechanically triggered devices, electronically operated and radio controlled roadside devices, sniper rifles, mortars, assault rifles, portable Mogadishu maps, armored personal carriers, road blocks iyo anti-tank weapons iwm. Mudada hawlgalka, Ciidamada Commandoska iyo kuwa nabad fulinta waxaa garab socon doona Motorized Infantry ka kooban, Tanks, Artillery, Mortar Platoon iyo Helicopters. Xaafadkastaa waxaa loo qorsheeyey hawlgal iyo qidad u gooni ah iyadoo la tixgalindoono xaafadkastaa baaxadeeda, dhismayaasha ay ka kooban tahay, beelaha dega, wadooyinka ka baxa iyo kuwa soo gala iyo siday ugu xoogan yihiin dagaalyahana Islaamiga iyo xoogaga iska caabinta.

POPULATION

SIZE CLASSIFICATION

ESTIMATED PERIMETER

500,000 or more

Large

more than 15 kms

50,000 to 100,000

Average

5 kms to 10 kms

Less than 50,000

Small

less than 5 kms

Weerarka ka hor magaalada Muqdisho Juquraafi ahaan waxaa loo kala qaadi doonaa shan qeybood oo isagu jirta; physical, infrastructure, comercial, residential, iyo socio-economic areas. Kadibna waxaa la xiri doonaa xuduudyada magaalada Muqdisho Cir, Dhul iyo Badba, waxaana bilaaban doona hawlgalo isagu jira Isolation, Assault, Seize, Gain Control, Law Enforcement iyo Disarmament.

QIDDADA 1AAD (PREPARATION / ISOLATION SIEGE)

Sida ku cad daraasada hawlgalka 1aad, magaalada Muqdisho waxaa laga soo hareereyn doona dhinacyada Koonfurta, Galbeedka iyo Waqooyiga, waxaana waxyar laga baneyn doonaa dhinacyada Galbeedka si baraha la weerarayo shacabka degan ay ugu haluushaan. Kadibna, waxaa la howlgalin doonaa ciidamado isagu jira human intelligence iyo Aerial reconnaissance si ay u soo tabshaan xogta dagaalyahana Islaamiga iyo xoogaga iska caabinta, goobaha ay ku jiraan, cadadka ay yihiin, goobaha uu yaal hubkooda, cidda hogaamisa, dhismayaasha ay ku jiraan naqshadahooda (blueprint), wadooyinka iyo xaafadaha ay ku xoogan yihiin iyo masaafooyinka u dhaxeeya fariisimadadooda.

Isla daraasada bogeeda lixaad waxaa ku xusan in  sirdoonka hawada  loo qorsheeyey inay fuliyaan  taliska ciidamada Mareykanka ee fadhiya dalka Djibouti,  halka sirdoonka dhulkana loo qorsheeyey dumar farabadan oo ka tirsan ciidamada Dowlada ku meelgaarka oo intooda badan tababar ku soo qaatay Akadeemiyada boliska Carma ee gobolka Puntland. Dhamaan markii lagu guuleysto howlgalada sirdoonka cirka iyo dhulka waxaa bilaaban doona weerarada  magaalada Muqdisho, waxaana shacabka looga digi doonaa inay ka fogaadaan ama ay ka qaxaan goobaha weerarada ay ku wajahan yihiin (Area of Operations) sida baraha ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada Islaamiga iyo kuwa Iskacaabinta iyo dhamaan  goobaha laga hago ilaha dhaqaalaha.

QIDDADA  LABAAD (AIR / GROUND OPERATIONS)

Hawlgalka labaad, waxa uu isugu jiraa laba qeybood oo ka kooban Show of Force Operations iyo remote strike oo ay fulin doonaan ciidamada Ethiopia  oo kaashanaya sirdoonka hawada iyo kuwa dhulka si loo tijaabsho awoodda dagaalyahana Islaamiga iyo xoogaga iska caabinta, tabaha ay u dagaalamaan, cidda hogaamisa, goobaha ay ka soo duulan iyo goobaha ay ku laabtaan, hubka ay adeegsadaan, cadadka ay yihiin, goobaha uu yaal saadkooda iyo deg dega ay ku soo gali karaan dagaalka. Dhamaan markii la derso xogtaas, waxaa si kadis ah loo weerari doonaa fariisimada xoogaga iska caabinta iyadoo la adeegsan doono ciidamo “Special Forces”. Istaraatijiyada weerarka  hore waxa uu ku bilaaban doonaa in  la goodaamiyo goobaha la rabo in la weeraro si loo kala xiro gurmadka, hubka iyo saadka dagaalyahanada Islaamiga iyo xoogaga iskacaabinta ee ka kala imaanaya goobaha kale (lines of communications and routes withdrawal).

Weerarka labaad  ciidamada Artelleriga iyagoo kaashanaya sirdoonka Dhulka iyo kuwa Cirka waxay hubka culus ay la dhici doonaan  baraha ay fadhiyaan xoogaga iska caabinta, baraha uu yaal hubkooda, technikadooda iyo saadkooda. Xaafadaha ay ku xoogan yihiin iyo ilahooda dhaqaalaha ee sida tooska ugu xiran  suuqyada hubka, suuqyada ganacsiga, goobaha waxbarashada, cusbitaalada, mashaaricda wax-soosaarka, baqaarada cuntada, warbaahinada iyo dhamaan cudadooda beel ee sida tooska ugu xiran dhinacyada Siyaasada iyo dhaqaalahaba. Isla mudadaas, sirdoonka hawada waxay soo gudbin doonaan burburka goobtaan iyo fogaanshaha u dhaxeeya goobbaha ay fadhiyaan xoogaga iskacaabinta, kadib waxaa gali doona qeybo kamid ah ciidamada commandoska  iyagoo isticmaali doona hasty attack ku dhisan, asolation, assault iyo street tactics, si ay u wiiqaan awooda xoogaga dagaalyahanada Islaamiga iyo kuwa Iskacaabinta. Ciidamadan  sida loo qorsheeyey waxaa caawin doona infantry, Tanks iyo dayuuradaha qumaaatiga u kaca “Helicopters” oo dusha sare ka duqeyn doona goobaha ay ku jiraan xoogaga iska caabinta iyo gurmadka kaga imaanaya baraha kale.

Isla waqtigaas, magaalada Muqdisho waxaa loo kala gooyn doonaa laba qeybood “Waqooyi iyo Koonfur”, kadibna waxaa laga howlgali doonaa Koonfurta Magaalada Muqdsiho. Ciidamada fadhiya “Zone 1” iyagoo kaashanaya Infantry, Artillery, Commandos, Tanks iyo Helicopters waxay la wareegi doonaan dhamaan wadada warshadaha, Ciidamada fadhiya “Zone 4” (Madaxtooyada), iyagoo kaashanaya Infantry, Commandos, ciidamada dowlada, Basaaska Hawada, Tanks iyo Helicopters waxay la wareegi doonaan dhamaan wadada 15 May illaa iyo wadada warshadaha. Dhamaan markii la hareereyo afarta cirif ee Koonfurta Muqdisho iyo wadooyinka isku xira labada Kontarool, waxaa loo gudbi doonaa in Sedex qeybood loo qeybsho xaafadaha Koonfurta Muqdisho, kadibna xaafadkastaa  lagu xaliyo xeelad  iyo ciidan u gooni ah.

QIDDADA  SEDEXAAD (COMPLETE DESTRUCTION)

Hawlgalka Sedexaad waxuu isugu jiraa weeraro isdaba joog ah oo lagu burburin doono dhamaan ilaha dhaqaala iyo adeegyada bulshada magaalada Muqdisho, weeraro lagu barakicin doono shacab gaar’ah, weeraro iyo goodaamin isdaba joog ah oo lagu qaadi doono xaafadaha iyo fariisimada ay ku xoogan yihiin beelo gaar’ah. Waxaa kaloo weerarada hawlgalkaan loo adeegsan doonaa in dhamaan lagu burburiyo xoogagii ka haray dagaalyahanada Islaamiga, kooxaha iskacaabinta iyo cududkastaa ee ku hor horgudban danaha Ethiopia iyo Mareykanka. Inta aan la qaadin weerarka qeybta Sedexaad, ciidamada siroonka waxay ka hawlgali doonaan xaafadaha la duqeyn doono si ay u soo tabshaan xogta dagaalyahanada Islaamiga iyo kuwa xoogaga iskacaabinta iyo goobaha ay waqtigaas ku sugan yihiin, kadib dayuuradaha qumaatiga u kaca iyo ciidamada artilleriga iyagoo kaashanaya Layser-Guided Munition (coper head) iyo madaaficda ay ku rakiban yihiin lethal (white phosphorous) iyo non lethal Weapon (CS Gas), waxey la dhici doonaan fariisimada ay ku  xoogan yihiin xoogaga iskacaabinta, dhismayaasha ay ku jiraan, baraha uu yaal hubkooda iyo saadkooda iyo dhamaan ilaha kale ee laga saacido dhaqdhaqaaqyada dagaalyahanada Islamiga, xoogaga Iskacaabinta. Kadib, markii la burburiyo goobahaas waxaa gali doona ciidamo special force ay garab socdaan Tanks, si ay u burburiyaan xoogagaas fariisimadooda iyo qalabkooda dagaalka.

Dhamaan markii lagu guuleysto hawlgalada Xaafadaha iyo dabargoynta xoogaga dagaalyahanada Islaamiga iyo kuwa Iskacaabinta waxaa loo gudbi doonaa in magaalada Muqdisho gabi ahaan hubka laga dhigo. Si qorshahaan loo tiigsado Degmo-kastaa waxaa loo qeybin doona Afar qeybood, qeybkastaana waxaa la hooskeeni doona  saldhigyo ay ka hawlgalaan  ciidamada iskujirka  iyo ciidamada nabadgalyada. Ciidamada iskujirka ( Ethiopia iyo kuwa difaaca qaranka) shaqadoodu waxay ahaan doontaa inay burburiyaan xoogaga ku hubeysan xaafadaha, inay baaraan guryaha, islamarkaana hubka ay ka dhigaan shacabka. Ciidamada nabadgalyada (Boliska) hawlgalkooda waxa uu ahaan doonaa inay sugaan nabadgalyada wadooyinka iyo xaafadaha, hay’adaha dowlada, hirgalinta iyo kala-danbeynta  amniga bulshada iyo  ka hortaga danbiyada iyo gacan kudhigista danbi falayaasha. Sida ku cad hawlgalada ciidamada nabadgalyada,  waxaa wadooyinka Muqdisho la soo saari doonaa ciidan gaaraya 2400 oo askari, kuna  hubeysan baabuurta teknikada si  habeen iyo maalin ay gaafwareeg ugu sameeyaan xaafadaha iyo wadooyinka magaalada Muqdisho.

Plan B

Haddii lagu guuldaroodo qorshaha Plan A, islamarkaana  ciidamada Ethopia iyo kuwa AMISOM ay ku fashilmaan gabi ahaan inay fuliyaan qorshaha dahsoon ee lagula wareegaayo Koonfurta Soomaliya.. Waxaa la abuuri doonaa shirqool ama jawi siyaasadeed oo dhabaha loogu xaari doono  in dalka lagu soo xoojiyo ciidamo hor leh oo lagu qiyaasay 15 illaa 21 Infantry Battalion (28000) oo isugu jira ciidamo African ah (AMISOM) iyo ciidamo ka socda Qaramada Midoobay (Coalition Stabilization Force).

Dhamaan ciidankaas waxey dhameysti doonaan qorshihii Plan A  ee ciidamada Ethiopia ay ku fashilmeen inay ku dhaxal wareejiyaan Koonfurta Soomaliya.  Waxaa kaloo ciidamadaas loo qorsheeyey inay xoog kula wareegaan Koonfurta Soomaliya, iyagoo adeegsan doona cudud militari iyo qaraar loo ansaxindoono inay ku dabargooyaan xooggaga ku horgudban. Ciidamadan iskujirka inta aysan imaan dalka waxaa la dhisi doonaa laba gudi oo ka kooban gudiga siyaasada iyo gudiga nabadgalyada si ay ula shaqeeyaan ciidamada shisheeye ee imaandoona dalka. Sidoo kale ciidamadaas inta aysan dalka soo gaarin, Soomaliya waxaa lagalin doonaa  Political Trusteeship, waxaana si dadban loola wareegi doonaa Madaxbanaanida dalka. Isla mudadaas xukuumada dalka waxaa la hooskeni doono taliyaha ciidamada isku jirka ee Somaliya ka hawlgali doona (Coalition Stabilization Force), kasoo oo wakiil ka noqon doona Qaramada Midoobay iyo dalalka IGAD.

Waxaa kaloo jirta ciidamada shisheeye inta aysan imaan Soomaliya in la dhsisi doono guddi maamul (Governing Council) oo soo diyaarin doona Axdi qarameed iyo dhismo dowlad cusub inta aysan TFG-da waqtigeedu dhamaan. Dawladaasi cusub waxey si ku meelgaar ah u hoosjoogi doontaa Qaramada Middoobay iyo dalalka IGAD, taasoo aan cadeyn waqtiga Soomaliya lagu wareejin doono Madaxbanaanida (sovereign power for the state of Somalia ). Waqtiga dalka uu ku jiro Wasaayada, dowlada TFG-da awood uma laha inay si toos ah ugu taliso ayaaha umadda Soomaliyeed, mana lahaandoonto awood taam ah ay ku gasho heshiisyada caalamiga oo ay ka mid yihii dib udhiska kaabayaasha qalaalaha dalka iyo adeegyada bulshada.

Ciidamada markii ay soo galaan dalka, sida lagu wado fadhigooda wuxuu noqon doonaa magaalada Muqdisho, waxeyna Hawlgalkooda koowaad ay ka fulin doonaan magaalada Muqdisho, kadibna waxay u gudbi doonaan Gobolada Dhaxe iyo Jubooyinka.

(Qorshaha 1aad)

Ciidamada isku jirka markii ay soo gaaraan Muqdisho, waxey magaalada u kala goyn doonaan laba qeybood oo ka kooban Zonka Cagaaran iyo Zonka Gaduudan (Green and Red Zones).  

Zonka Cagaaran waxaa uu ahaan doonaa  goobo si gooni ah loo ilaalsho, islamarkaana ay ka hawlgalaan  ciidamada shisheeye iyo  hay’adaha Ijtimaaciga. Dhamaan goobahaas oo ay soo raacaan Dekeda weyn, Garoonka caalamiga, Madaxtooyada, dhismayaasha dowlada, xeryaha ciidadamada iyo dhamaan goobaha ay degan yihiin ergooyinka caalamka iyo ha’adaha samafalka waxaa  Amnigooda sugi doona  ciidamada shisheeye, waxaana goobahaas leysaga gudbi doonaa armed check points, iyadoo dhamaan goobahaasna lagu wareejin doono concret blast walls, T-walls, chain- linked fences.

 

Zonka Gaduudan isna waxa uu ahaan doonaa Zone ka takooran qeybaha kale ee caasimada, waxaana loo kala qaadi doonaa sedex qeybood oo ka kooban Elevated (significant-risk zone), High (high-risk zone ), Severe (severe-risk zone). Sida ku cad hawlgalada sedexda Zones iyo degmooyinka ay ka kooban yihiin waxaa la hoos keeni doona  qeybo ka mid ah ciidamada iskujirka. Degmokastaa waxaa loo qeybin doona Afar qeybood, qeybkastaana waxaa la hooskeeni doonaa  saldhigyo ay ka hawlgalaan  Special Police Commandos ka kooban  special force iyo intelligence units waxeyna u hawlgali doonaan qaabab isugu jira; counter-insurgency, cordon-and-search, forced entry operations, gather intelligence iyo capture terrorists. Waxaa kaloo ciidamadaas loogu talagalay inay burburiyaan xoogagga ku hubeysan xaafadaha iyo inay baaraan guryaha, islamarkaana hubka ay ka dhigaan magaalada. Qaar ka mid ah ciidamadana waxey sugi doonaan nabadgalyada wadooyinka iyo xaafadaha, hay’adaha dowlada, hirgalinta iyo kala-danbeynta  amniga bulshada iyo  ka hortaga danbi falayaasha ka soo horjeeda qorshaha ciidamada shisheeye.

Sida ku cad bogga 21aad, Sedexda Zones waxaa laga hawlgalin doonaa ciidamada kor ku xusan oo combat mission-kooda uu ka koobnaan doono tanks, Armored Personnel Carrier, medium cargo trucks, reconaissance company, mortars, rifle platoon isugu jira (assault force, security force, support force) iyo ciidamo Commandos (mercenaries) oo ka diinwangalsan shirkada BlackWater, kana kooban Team Secure, Team Attack  iyo Team Snatch. Dhamaan ciidamadaas waxaa lagu hareereyn doona sedexdaas Zones afarteeda jiho, wadooyinka soo gala iyo wadiiqoyinka ka baxa si loo xakameeyo dhaqdhaqaaga iyo isku gudubka xoogaga dagaalyahanada Islaamiga iyo kuwa iskacaabinta.

Waqtiga uu socdo hawlgalka 1aad, ciidamadan waxaa caawin doona dayuuradaha qumaatiga u kaco oo loo adeegsan doono in lagu burburiyo fariisimada xoogagaas sida guryaha, dhufeysyada iyo dhismayaasha ay ku jiraan. Kadib ciidamada Special Force (commandos) oo ay soo wehliyaan ciidamada infentry iyo Tanks iyagoo adeegsanaya qaabkii Israa’il ay ula wareegtay Janin (west-bank), waxay ku dhax-dagaalami doonaan xaafadaha gudahooda; guri-ka-guri, daar-ka-daar iyagoo adeegsan doona  madaafiicda ay ku rakiban yihiin sunta Phosphorka iyo Tear  gaska CS, bulldozers iyo dayaaradaha qumaatiga u kaca si ay u burburiyaan dhismayaasha iyo goobaha ay ku jiran xoogaga dagaalyahanada Islaamiga iyo kuwa iskacaabinta.

Qorshaha 2aad (Stabilization)

Mudada lagu jiro hub dhigista iyo  xasilinta magaalada  Muqdisho waxaa loo gudbi doonaa Qiddada 2aad oo ka kooban Sedax qeybood oo isagu jirta;  Phase IIa (Transitional Security Cooperation), Phase IIb (Regional Autonomy), Phase IIc (Shaping new Somalia and National Recovery).

Mudada lagu jiro Phase IIa  (National Security and Stabilization Plan), waxaa hub-dhigis guud lagu sameeyn doonaa gobolada Koonfurta oo dhan. Si qorshahaan loo taabagalsho Ciidamada iskujirka waxaa loo qorsheeyey inay fadhistaan gobolka Mudug, Bay iyo Jubada Hoose. Ciidamada fadhiya Mudug (Galkacyo) waxey hubka ay ka dhigi doonaan gobolada Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeelada Dhaxe.  Ciidamada fadhiya Bay (Baydhabo) waxey hubka ay ka dhigi doonaan Bakool, Shabeelada Hoose iyo Gedo. Ciidamada fadhiya Jubada Hoose (Kismaayo) waxey hubka ay ka dhigi doonaan doonaan Jubada Hoose iyo Jubada Dhaxe.

Inta aan lagu dhaqaaqin qorshahaan, Jamhuuriyada Soomaliya waxaa loo qeybin doonaa sedex xukuumad oo ka kooban;

  • Governor of Northern Territories ;

  • Governor of Central Territories ;

  • Governor of Southern Territories.

Dhamaan sadexdaas xukuumad waxay hoostagi doonaan saraakaal sare oo loo soo magacaabi doono Soomaliya. Sida ku cad bogga 21aad, Gudoomiyaha Gobolada Waqooyi waxa uu mas’uul ka noqon doonaa gobolada Somaliland iyo Puntland iyo dhamaan Degmooyinka iyo Tuuloyinka hoostaga. Gudoomiyaha Gobolada Dhaxe waxuu mas’uul ka noqon doonaa gobolada Mudug, Galgaduud, Hiiraan, Shabeelada Dhaxe, Banaadir iyo Shabeelada Hoose. Gudoomiyaha Gobolada Koonfureed waxa uu mas’uul ka noqon doonaa Gobolada Bay , Bakool, Gedo, Jubada Dhaxe iyo Jubada Hoose.

Dhamaan sedexdaan maamul waxey hoostagi doonaan hal Governor General oo mas’uul ka noqon doona dhamaan Jamhuuriyada Soomaliya iyo hal Inspector General oo dusha ka  kormeeri doona habsami u socodka maamulka xukuumada dhaxe, fulinta iyo meelmarinta sharuucda Ethio-America, xiriirinta iyo diyaarinta waxrbixinta xukuumada dhaxe, gobolada iyo degmooyinka dalka, hawgalada Amniga iyo difaaca qaranka, howgalada ciidamada shisheeye, dabagalka iyo ka warbixinta shirkadaha dalka ka howlgala (military and civil contractors) iyo dhamaan kormeerida  qeybaha la shaqeyndoona Sedexda Governers ee dalka la hooskeeni doono sida, Secretariats, Military Commanders, District Commissioners, Police Force, iyo Councils. 

Secretariats

waxey ka koobnaan doonaan afar waaxood oo isugu jirta;

  • Foreign Affairs

  • Regional Political Coordination

  • Regional Economic Development

  • Regional Education and Cultural Development.

Qeybta Foreign Affairs, xafiiskooda waxa uu ahaan doonaa magaalada Muqdisho, masuuliyadooda waxey ahaan doontaa xoojinta iyo iskaashiga xiriirka caalamiga, iyo dhamaan  safaaradaha iyo hay’adaha ijtimaaciga ee ka howlgalaya dalka gudahiisa sida; Arab Leage. FAO, IBRD, ICAO, IDA, IFAD, ILO, IMF, IntelSat, InterPol, ITU, NAM, OAU, UN, ENSCO, UPU, WHO, and WMO iyo dhamaan International Financial Aid  (grants, Loans, and Services through NGOs).

Qeybta Regional Political Coordination, xafiiskooda waxa uu ahaan doonaa magaalada Garowe, masuuliyadooda waxey ahaan doontaa;

     1)      iskuduwida iyo meelmarinta qorshayaasha ka degan dalka, diyaarinta iyo hirgalinta Axdiqarameedka cusub ee la doonayo in la marsiiyo golayaasha dowlada. 

2)      Qaabeynta, Iskuxirka iyo hagista goloyaasha Dowlada sida;  Xeer-Dajinta, Xeer- Ilaalinta iyo Xukuumada, si loo hubiyo sharciyada dalka inay waafaqsan yihiin baahida dalalka Mareykanka iyo Ethiopia, iyo dhamaan shirkadaha heysta ruqsada baarista shidaalka Soomaliya.

Qeybta Regional Economic Development,

xafiiskooda waxa uu ahaan doonaa magaalada Hargeysa, waxeyna mas’uul ka noqon doonaan;

1)      Iskuduwidda iyo iskaashiga xiriirka ganacsiga madaxbanaan ee gobolada dalka Soomaliya ay la wadaagaan Ethiopia iyo hagista  iskugudubka ganacsiga xuduudyada Somaliya iyo Ethiopia .

2)      Hirgalinta jidad waaweyn iyo nidaam isgaarsiin oo si toos ah ugu xiran dalka Ethiopia , kana kala imaanaya Dekadaha Berbera, Boosaso, Mogadisho, iyo Kismaayo.

3)      Hirgalinta Regional Economic Development ku jaanga’an labada dal gaar’ahaan dhinacyada beeraha, dhuldaaqa, wabiyada, dekedaha iyo qeyraadka dabiiciga sida  batroolka iyo macdanta.

Qeybta Regional Education and Cultural Development,

xafiiskooda waxa uu ahaan doonaa Garowe, waxeyna mas’uul ka noqon doonaan;

1)      Qaabeynta iyo meelmarinta isdhaafsiga waxbarashada iyo dhaqamada labada dal (Somaliya iyo Ethiopia ).

2)      Dajinta Manhajka waxbarshada aasasiga (primary) iyo midda sare oo dhamaantooda lagu qori doono luuqadaha Somalida iyo Amxaarada.

3)      Daabicista buugaagta waxbarshada, hirgalinta Iskuulada iyo qalabkooda waxbarashada iyo dhamaan tababarista macalimiinta.

Military Commanders

Dhamaan baraha howlgalinta ciidamada waxey hoostagi doonaan Regional Army Commander, shaqadoodu waxey ahaan doontaa isku duwida hawlaha la xariira amniga dalka, ilaalinta xuduudyada dalka, gacansiinta ciidamada booliska marka loo baahdo, ka qeybqaadashada hub-dhigista, ka talo bixinta talaabooyinka ku haboon dabargoynta iyo baai’inta shaqsiyaadka iyo ururada madaniga ee ka soo horjeeda danaha Ethio-America iyo sugida nabadgalyada amniga dalka iyadoo ahmiyad gaar ah la siindoono badbaadinta shirkadaha shisheeye ee dalka ka baari doona qeyraadka dabiiciga sida, saliida, gaaska, macdanta iyo qeyraadka kale ee dhax qotoman bariga iyo badaha Soomaliya.

Police Force

Shaqadoodu waxey ahaan doontaa sugida nabadgalyada  hay’adaha dowlada, hirgalinta iyo kala danbeynta amniga bulshada, gudashada waajibaadka booliska xuduudaha iyo ilaalinta madaxda dowlada. Dhamaan ciidamada booliska waxey ka koobnaan doonaan qeybo isagu jira; Security Police, Service Police, Police State Unit, Police Defence Detachments iyo Secret Field Police. Dhamaan hawlgalada booliska, Sirdoonka militariga iyo kuwa Counter-intelligence waxaa isku xiri doona Security Police Commissioner, waxeyna dhamaan ka hawlgali doonaan gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinka dalka iyagoo la shaqeyn doona maamulka gobolka iyo laamaha kala duwan ee amniga dalka.

Dhamaan laamaha kor ku xusan waxay la shaqeyn doonaan Sedexda maamul ee dalka la hooskeeni doono, waxeyna dhamaan ka hawlgali doonaan Gobolada iyo Degmooyinka dalka, iyagoo kaashandoona Special Action groups si ay u fuliyaan hawlgalada lagu sugayo xasilinta dalka, laguna xakameynayo falalka argagaxinta, la dagaalanka kooxaha ka soo horjeeda danahooda sida ganacsatada, siyaasiyiinta, culuunta iyo aqoonyahanada iyo dhamaan dabargoynta ururada mucaaradka ee qaab qarsoodi u shaqeeya (underground organizations).  Waxaa kaloo hay’adaha  Poliska sida, Secret Police la siin doonaa awood aan cadidneyn, waxeyna la shaqeyn doonaan waaxyaha sirdoonka iyo Army sub-units iyagoo fulindoona hawlgalo kala duwan oo lagu caburin doono shacabka, siyaasiyiinta, ganacsatada, aqoonyahanada, iyo mid lagu xakameyn doono dhaqdhaqaaga ururada bulshada rayidka sida, ururada samafalka, dhalinyarada, haweenka, ardeyda, ururada xirfadlayaasha, kuwa u dooda xuquuqda aadamiga iyo dhamaan banaanbaxyada shacab gadoodka..

Mudada dalka uu ku jiro Political Trusteeship, laamaha booliska waxaa laga diinwaangalin doona  shaqsiyaadka ay u arkaan inay yihiin cadowgooda, kadibna waxey u taxaabi doonaan xabsiyo qarsoodi ah oo laga dhisi doono dalka gudahiisa. Secret Poliska waxey kaloo meel marin doonaan sharciyo ku dhisan handadaad (policy of intimidation) oo si joogta ah looga baahin doono  warbaahinada dowlada sida;

  • Qabso afkaaga, horeyna u soco si aad u badbaado;

  • Haddii aad aragto in dalka uu ku socdo qaab qaldan, adiga hakuugu ekaato;

  • Ha u gar-gaarin danbiilaha iyo qarandumiska;

  • Ciidamada shisheeye waxey dalka u yimaadeen inay badbaadshaan shacabka Soomaliyeed.

Dhamaan handadaadaas waxaa loo adeegsan doonaa Propoganda State si loo dhaxlo cabirka maskaxda shacabka, Waxaa si dadban iyo si toos ah loo kontarooli doonaa waxa shacabka ay aqriyaan ama ay maqlaan sida, warbaahinada, wargeysyada, internetka, heesaha, suuganta, filimada iyo dhamaan wixii cagsi ku ah danaha dowladaha Ethio-America. Dhamaan markii lagu guuleysto hub-dhigista Koonfurta Soomaliya, lana burbursho ilaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha Koonfurta Soomaliya sida, suuqyada ganacsiga (Bakaaraha), xawaaladaha, shirkadaha ganacsiga, macadyada waxbarshada aasasiga iyo kuwa sare, mashruucyada waxsoosarka, isgaarsiinta, warbaahinada, iyo dhamaan adeegyada bulshada.

Kadib, Waxaa loo gudbi  doonaa Phase IVa (Transition Security Coopertion) oo si gaar ah u taabaneysa Mabaadi’da Guud ee xasilinta Jamhuuriyada Soomaliya. Isla waqtigaas si loo taabagalsho qorshaha xasilinta Jamhuuriyada Soomaliya, barasabka Somaliya (Governor General) waxa uu ansixindoonaa qodobka “Law for Safeguarding National Security”, kadibna waxuu si buuxda u hawlgalin doonaa Ciidamada iskujirka ( combined stabilization force) iyo hay’adaha nabad galyada dalka sida; Difaaca, Poliska, iyo Hay’adaha Sirdoonka ee horay loo dhisay. Waxaa kaloo si toos ah loo hawlgalin doonaa Maxkamado Madani  ah iyo kuwa Militari (civil/criminal law) oo ku shaqeyndoona qaab Martial rule.  Dhamaan maxkamadahaas waxaa lagu hagi doona (uniform code of military justice) oo lagu fulin doono Court Martial. Mudada lagu jiro hirgalinta iyo xoojinta Amniga dalka,  waxaa la howlgalin doonaa dhamaan Golayasha iyo gudiyada Amniga Qaranka si ay ula shaqeeyaan ciidamada iskujirka.

Golayasha iyo gudiyada Amniga waxa uu ka koobnaan doonaa kuwa hoostan ku xusan;

  • Golaha Amniga Qaranka (National Security Council)

  • Gudiga Maareynta Amniga (Security Management Committee)

  • Koox-Hawleedka Farsamo ee Amniga(Security Sector Technical Working Group)

  • Ciidamada Nabadgelyada Qaranka (National Security Forces)

Golaha Amniga Qaranka (National Security Council)

waxa uu ka koobnaan doonaa:

  • Madaxweynaha                          Gudoomiye

  • Raii’sul Wasaaraha                    Gudoomiye ku xigeen

  • Wasiirka Gaashandhiga             Xubin

  • Wasiirka Arimaha Gudaha        Xubin

  • Wasiirka Amniga Qaranka        Xubin

  • Wasiirka Maaliyada                   Xubin

  • Wasiirka Garsoorka                   Xubin

Dhamaan gudigaan kor ku xusan waxey si joogta ah ula shaqeeyn doonaan  Inspector General oo arimaha maamulka dowlada Soomaliya mas’uul ugu noqon doona dowlada Mareykanka iyo Ethiopia . Waxey kaloo gudigaan ay mas’uul ka noqon doonaan ka baarandegista arimaha siyaasada, Amniga guud  ee dalka iyo hirgalinta qorsheyaasha  wadareed ee Ethio-America sida;

  1. Ururinta, lafagurida iyo qaabdhismeedka cusub ee ku wajahan Jamhuuriyada Soomaliya.

  2. Baarista iyo caburinta xoriyada shacabka Soomaliyeed iyo ka hortagista inay abuurmaan kooxo aqbad ku ah Amniga dalka iyo danaha wadareed ee Ethio-America oo ay ugu weyntahay dhinacyada Istaraatijiyada, Dekedaha, iyo qeyraadka dabiiciga ee dalkeena ku jira sida, Gaska, Bartolka iyo Macdanaha kala duwan.

Gudiga Maareynta Amniga (Security Management Committee)

Gudigaan waxa uu ka koobnaan doonaa:

  • Taliyaha Ciidamada Difaaca Dalka

  • Taliyaha Ciidamada Booliska

  • Taliyaha Ciidamada Asluubta

  • Madaxa Hay’adda Sirdoonka Qaranka (Head, National Intelligence Agency)

Gudigan waajibaadkooda waxa uu ahaan doonaa qiimeynta, diyaarinta iyo hirgalinta qorshayaasha amniga iyo iswaafajinta xogta ka imaneysa laamaha kala duwan ee dowlada uu mas’uulka ka yahay Governor General-ka, si loo taabagalsho qorshaha  iyo istaraatijiyada cusub ee ku saleysan Qaabdhismeedka Cusub ee Jamhuuriyada Soomaliya. 

Koox-Hawleedka Farsamo ee Amniga (Security Sector Technical Working Group)

Kooxdan waxay ka koobnaan doonaan guddi Soomali ah (hand-picked) iyo quburo Shisheeye, waxeyna Xubnahaan la taliyaal u noqon doonaan Gudiga Maareynta Amniga si ay u tiigsadaan qorshayaasha qeexaya tilmaamaha guud ee Golaha Nabadgalyada Qaranka ee la doonayo in dhabaha loogu xaaro xasilinta Jamhuuriyada Soomaliya, islamarkaana lagu tiigsado hirgalinta maamul goboleedyada cusub ee ka curan doona dalka iyo Amniga  shirkada ka hawlgalaya Soomaliya ee baari doona dhishaalka iyo hanti dhowrka qalabkooda ee ka soo degi doona dekedaha Somaliya.

Ciidamada Nabadgelyada Qaranka (National Security Forces)

Sida ku cad Axdiga Federaalka KMG qodobkiisa 65 waxa uu dhigayaa:

  • Jamhuuriyada Soomaliya waxey yeelan doontaa ciidan qaran oo ka kooban Military iyo Police.

Dhamaan ciidamasdaas lagu xusay Axdiga qaranka waxey noqon doonaan ciidamada nabadgalyada iyo difaaca qaranka ee la dhisay 12 Sebtembar 2005, laguna dhisay Dugsiga Tababarka Jeneral Daa’uud ee Jowhar, Dugsiga Tababarka ee magalada Waajid, Daynuunay iyo Manaas, Ciidamada Poliska ee lagu tababaray Akadeemiyada magaalada Carmo (Puntland), iyo dhamaan kuwa hadda tababarka ugu socdo dalka gudahiisa. Dhamaan ciidamadaan oo ay wehliyaan ciidamada shisheeye iyo kuwa Sirdoonka waxaa laga hawlgalin doonaa Gobolada, Degmooyinka iyo Tuulooyinka dalka, waxaana la siin doonaa awood buuxda ay kula socdaan dhaqdhaqaaga shacabka, gaar’ahaan odayaasha dhaqamada, Siyaasiyiinta, Ganacsatada, Ururada aan dowliga aheyn (NGO), ururada bulshada sida ururada magaalooyinka ka baxsan, iskaashatooyinka, ururada Haweenka, ururada farsamayaqaanada, ururada Soomalida ee qurba jooga  ee ku howlan horumarinta dalka iyo Saraakisha Sare ee ciidamada.

Waxey kaloo isha ku heyn doonaan ganacsiga madaxbanaan sida; isgaarsiinta, mail parcels, letters, wire and wireless communications, xawaaladaha, gaadidka shacabka iyo badeecooyinka ka soo dega  Dekedaha, Airoporada iyo kuwa ganacsiga isaga gudba xuduudyada. Waxey si joogta ah ay ula socon doonaan dhaqdhaqaaqa shacabka iyo goobaha ay ku kulmaan sida suuqyada iyo baararka lagu  caweeyo. Inta badan hawlaha la xariira mucaaradka dowlada iyo aasaasida xisbiyo cusub, sida abaabulka, hogaaminta, dhiirigalinta, maalgalinta iyo taageerida hay’ado madani ah oo u dooda xuquuqda shacabka ama ka soo horjeeda danaha Ethio-America, waxaa ciqaabtooda lagu qaadi doonaa military tribunal waxaana lagu fulin doonaa court martial, iyadoo loo cugsan doono sharciga “Law for Safe guarding National Security”.

Qorshaha Sedexaad (Regional Autonomy)

Dhamaan markii lagu guuleysto qorshaha xasilinta Jamhuuriyada Soomaliya, waxaa loo gudbi doonaa Phase IIb, oo ifineysa hirgalinta iyo taabagalinta dowlad gobeleedyada cusub ee ka curan doona Jamhuuroyada Soomaliya,  tiir dhaxaadna looga dhigi doono dowlada cusub ee la dhisi doono mustaqbilka dhaw. Mudada lagu jiro hirgalinta dowlad goboleedyada cusub, waxaa la adeegsan doonaa nidaamka Federaliga ee ka ambaqaadaya qaabka “Hoos ka soo dhis, korna u dhis”. Awooda dowlada Federaalka waxaa loo qeybin doonaa Sedex qeybood (National, State, Local-Self-Government), dhamaan sedexdaas qeybood awoodooda waxaa lagu xusi doonaa Axdi-qarameedka cusub ay soo diyaarin doonaan dowlada Mareykanka iyo Ethiopia .  Sida lagu wado dalka waxa uu yeelan doonaa shan dowlad goboleedyo iyo hal federal territory (Muqdisho), waxaana loo sameyn doonaa xeerar iyo qamaam gooni ah. Dowlad goboleedkastaa waxa uu isu dhisi doonaa si aan madax-bannaaneyn, kana kooban gole deegaan, gole xeer ilaalin iyo gole fulineed. Sharciga iyo hab-maamulka kala hagaya dowlad gobeleedyada ka curandoona dalka iyo xiriirka ka dhaxeeye dowlada dhaxe (federalka) sida canshuurta, dastuurka iyo heshiisyada caalamiga waxa lagu xusi doona axdi qarameedka cusub.

Isla waqtiga lagu jiro gogol xaarka hirgalinta maamul-gobeleedyada dalka, waxaa la magaaci doonaa  guddi sare oo ka soo tala bixisa Lix arimood ay ka mid yihiin:

1- Gudiga Dastuurka Federalka

2- Gudiga Diyaarinta Doorashoyinka Maamul Goboleedyada Dalka

3- Guddiga Calaamadeynta Soohdimaha Dowlad Goboleedyada

4- Gudiga Tirokoobka

5- Gudida Nabadaynta, Dhaqan Celinta, iyo Dib-u-Dhiska

6- Gudida Gobolada iyo Xiriirka Caalamiga

7- Guddiga Khilaafaadka Dhulka iyo Hantida

Dhamaan Gudiyagaan shaqadoodu waxey ku koobnaan doontaa inay ka soo tala bixiyaan arimaha loo xil saaray, islamarkaana ay u soo gudbiyaan gudiga “Maareynta iyo fududeynta maamul goboleedyada dalka”. Sharciyada (criteria) lagu magacaabi doono Gobolada iyo Degmooyinka dalka waxaa lagu saleyn doonaa sharuudaha hoostan ku qoran;

  • Baaxada dhulka ay ku fadhido;

  • Miisanka iyo baaxada dadweynaha deegaanka ku nool;

  • Wax soo saarka iyo kheyraadka dabiiciga ay leedahay;

  • Isku filnaashaha iyo hanashada adeegyada arimaha bulshada.

Sida ku cad warbixinta, gobolkastaa waxa uu yeelan doonaa guddi fulin iyo gudi horumarineed ay soo magacaabi doonaan wakiilka Ethiopia u qaabilsan Gobolkaas. Wakiiladaas waxay kaloo qaabeyn doonaan xeerar ku saleysan derajooyinka degmooyinka dalka iyo saamiga golayaasha deegaanka ee ay yeelan doonto degmo walba oo ku salaysan darajadeeda. Xeerarkaas waxaa kaloo lagu xusi doonaa is-maamulka gobolada, qaab-dhismeedka golayaasha deegaanka iyo golayaasha gobolada, doorashada xubnaha golaha deegaanka, iyadoo sida lagu wado xeerka golayaasha Gobolada ay soo magacaabi doonaan xukuumadda dhexe oo ay ku wehliso guddi sare oo wakiil ka ah dowlada Ethiopia. Dhamaan xeerarkaas waxey qeexi doonaan waajibaadyada iyo xilalka golayaashaas iyo awoodahoodaba, kala xadaynta cashuuraha dowladaha hoose iyo kuwa dowladda dhexe iyo arrimo kale oo la xidhiidha.

LASOCO

Qoraalkan waxa uu ka kooban yahay 60 bog, qoraalka xiga waxaan ku soo qaadan doonnaa Phase IVc; qaabkii loo dhisi lahaa dowlad-goboleedyada cusub ee ka curandoona dalka iyo sidii mustaqbilka loola mideyn lahaa dalka Ethiopia. Qaabkii loo sameyn lahaa soohdimaha maamul gaboleedyada dalka, qaabkii loo tirakoobi lahaa shacabka ku dhaqan gobolada dalka, qaabkii loo dhisi lahaa xisbiyada tirada badan, qaabkii ay u dhici laheyd doorashada dalka, Qaabka hay’adda USAID oo wakiil ka ah wasaarada difaaca Mareykanka ay ula wareegi doonaan Dib-u-dhiska Soomaliya, siyaasada arimaha dibedda Ethiopia iyo tan Puntland ee ku wajahan dhaxal-wareejinta Koonfurta Soomaliya, heshiisyadii Puntland iyo dowlada Ethiopia ay wadagaleen mudooyinkii u dhaxeeyey 1998-2008, heshiisyada Puntland ay la gashey shirkadaha shidaalka baara iyo saamiga Itobiya ay kuleedahay heshiiskaas, Siddeeda Economic Zones ee  Soomaliya loo qeybindoono iyo qeybaha Puntland ay dooneyso inay kontaroosho mustaqbilka, qaabkii Tigrega loogu deegameyn lahaa Koonfurta Soomaliya gaar’ahaan labada wabi iyo dhulbeeredka u dhaxeeye, qaabkii lagu soo saari lahaa qeyraadka dabiiciga ee dhax qotoman Soomaliya iyo siyaasada arimaha dibeda beelaha Ethio-American ee ku wajahan Soomaliya.

Threat Analysist

Waaqow

Waaqow@gmail.com


FIIRO GAAR AH:  Qoraalka iyo fikirka uu xambaarsan yahay qoraalkaan waxay ka tarjimaayaan oo kaliya aragtida qoraaga, Qaranimo Online waa ay ka madax banaantahay fikrada uu xambaarsan yahay qoraalkan!