Monday
November 24, 2008 -
Toronto-Canada:
Waxaa caawa oo ay taariikhsu aheyd
November 23, 2008 8dii fiidnimo ka dhacay magaalada
Toronto ee dalka Canada casho sharaf ay isugu yimaadeen
dhamaan Bahweynta Sportiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan
magaalada Toronto, iyo qar kamid ah qaar kamid ah Jaaliya
Soomaaliyeed ee magaalada Toronto ayaa looga hadlaayay
sidii loo soo afjari lahaa khilaafkii mudada dheer soo
jiray ee u dhexeeyay labada urur ee kala ah SOSCA iyo
Today.
Waxaa
halkaas ereyo waano, talooyin, wacyi gelin iyo waayo
aragnimaba kasoo jeediyay waxgaradka Sport-ga, odayaasha
iyo qaar ka mid ah wadaniyiinta Jaaliyada oomaaliyeed ee
Toronto.
Labadaan
ururu ayaa ah kuwa sanad waliba soo bandhiga ciyaaraha
layiraahdo SOOMAALI WEEK, ciyaarahaas oo ay ka soo qeyb
galaan ciyaartoow iyo kooxo farabadan oo ka kala yimaada
Dalalka Yurub iyo Waqooyiga Amerika. Ciyaarahaan oo
sanad waliba labadan ugu ay kala qeybsanadaan kooxaha ka
kalayimaada wadamadaas ayaa waxay keentay kala tag iyo
tafaraaquq ku dhacay bulsha weynta Soomaaliyeed ee ku nool
magaalada Toronto iyo nawaaxigeeda.

Ciyaaran
oo ah kuwo socdo in ka yar laba sitimaan ayaa waxaad ka
dareemeysaa magaalada Toronto guux iyo hami aad u weyn oo
soo gala dhaliyada iyo bahweynta jecel ciyaaraha, iyagoo
si aad u u jecel inay daawadaan ciyaarahan ayaa hadana
waxaa jiro kala daadsanaan iyo tafaraarur iyo jahawareer.

Hada
cashadaan caawa laysugu yimid ayaa muhiimadeedu waxay
aheyd sidii loo soo gabagabeyn lahaa loona soo afjari
lahaa kala daadsanaanya bulsha weynta ku dhaqan
Toronto. Waxaa heshiis 10(toban) qodob kakooban
kukala sixiixday madaxda iyo maamulka sare ee laba urur,
iyadoo ay heshiiskaas goobjoog ka ahaayeen Macalimiin,
ciayaartooy hore iyo kuwo cusub, madaxda jaaliyada
Soomaaliyeed ee Toronto, muqaadiniin Soomaaliyeed ee
daneeya isu soo dhawaanshaha labada garab iyo Ganacsatada
Soomaaliyeed ee magaalada Toronto.
Heshiiskaan
oo ahaa mi taariikhi ah ayaa waxa uu ku dhamaaday is
afgarad, calool fiyobi iyo wada shaqeyn, iyadoo laba urur
madaxdooda iyo maamulkoodaba ay balan qaadeen inay fulin
doonaan heshiiskaan cidii ka hortimaadana ay talaabo laga
qaado. Waxa ay ku nuuxnuuxsadeen iyo is afgaran
waaga ka jira bahda sportiga uusan aheyn mid meel dheer
jira balse u baahan dulqaad, samir iyo isu calool fiyoobi.




CLICK
HERE FOR PICTURES