Home Contact us Country Profile

Presidential Profiles

Sports Religious Pages Videos Audio

Maraakiibta La Afduubo ee Somaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

 

Posted on Qaranimo Online -


 

ingen blodspillan Somaliska pirater sätter en ära i att oper

Toddoba nin oo burcad badeed ah oo saaran hal doon oo loox ka samaysan

Foto: All over press


Markab siday alaabo kiimiko ah ayaa lagu afduubay biyaha Somaliya ee gacanka cadmeed.  Markabkan shaqaalaha saaran waxa lagu qiyaasaý inay yihiin 20-ruux, iyada oo la sheegay in ay qaar shaqaalaha ka mid ahi biyaha isku tuureen ka dib markii ay burcadu gudaha markabka soo gashay,  shaqalahaas isku tuuray biyaha ayaa waxaa badbaadiyay Helicopter laga leeyahay dalka Germany.
 
Shaqaalaha markabka saarna waxa ay u kala dhasheen India iyo England, markabkiina waxa ay usoo kaxeeyeen dhinaca biyaha Somaliya.
 
Wasiirka difaaca ee wadanka Sweden Sten Tolgfors ayaa sheegay in uu wax ka qabanayo burcad badeeda biyaha wax ka qafaashta ee Somaliya.  Wuxuu kaloo sheegay in uu Toddoba Jeneral ku biirin doono mooshinka ka dhanka ah burcad badeeda ee ay soo qaban qaabiyeen midawga Yurub EU, kaaso loogu magac daray EU NAVFOR ATALANTA.
 
Bisha inagu soo aadan ee December ayaa uu bilaabmaya la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya, wadamo badan oo Yurub ka tirsanina waxay go,aansadeen in ay saraakiil ku kordhin doonan hawlgalada lagaga soo horjeedo burcad badeedka.
 

Den Liberia-flaggade kemtankern Biscaglia, fotograferad efte

Markabka la afduubay ee calanka Liberiya ka dul babanayay

Sawirkan waxa weeye kadib markii la afduubay Jimcihii 28 november

Foto: AFP


Sanadkan guduhiisa waxa ay afduubeen 96 isugu jira markiib iyo doonyo,  36 ka mid ah gacanta ayeey ku dhigeen, inta kalena waa ay ka baxsadeen, waxay sii daayeen maraakiib badan oo ay madax-furasho Malaayiin Doolar ah gaadhaysa ka qaadeen, balse imika gacantooda waxaa ku jira 18 markab.
 
Madaxweynaha Maamulka Galamudug-state Maxamed Warsame Kiimiko mar wax laga waydiiyay burcad badeeda wax ka qafaashat agagaarka Hobyo, waxa uu sheegay in uusan isagu wax ka qaban karin maadama buu yidhi ay haystaan hub fara badan iyo ciidan gaadhaya 500 oo burcad ah.
 
Mr. Kiimiko waxa kale oo uu sheegay in shacabka, dhalinyarada, askarta iyo dad weynaha ku dhaqan Puntland gaar ahaan Galmudg-state in ay taageersan yihiin burcad badeeda, maadama buu yidhi ay lacag qayru macquul ah gacanta ku dhigaan, gawaadhi nooce u danbeeyayna ay ku iibsadaan. 
 
Maxamed Warsame Kiimiko waxa kale oo uu sheegay in burcad badeedu haystaan qalabka lagu baadho lacagaha faalisada ah ee doolarka kiisa beenta ah iyo kiisa runta ah lagu kala eego, wuxuu kaloo tilmaamay in burcadu tahay Dawlad dhan oo awood iska leh.
 
Burcad badeeda Soomaaliyeed waxaa laga soo abaabulaa wadamada Kenya iyo Dubia oo ay ku sugan yihiin rag saraakiil ah oo qorsheeya weerarada lagu qafaashayo maraakiibta mara gacanka Cadmeed, lacagta mada-furashada loo helana waxaa kala qaybsada kooxda joogta Somaliya iyo kooxaha soo abaabula shaxda oo iyaguna ku sugan wadanka dibadiisa.
 

Det grek-maltesiska fartyget MV Centauri släpptes samma dag.

Markabkii laga lahaa wadanka oo la sii daayay isla maanta 28 November Foto: AFP

Abdullah Hassan.

Abdullahi Hassan Aabaha burcad badeeda

(Hadii aanu doonta xaga danbe weerar kaga qaadno, waa hawlgalka ugu fudud ee afduubka, waxayna nagu qaadanaysaa in aan markab dhan afduubno 15 daqiiqo)  sidaa waxaa yiri Abdullahi Hassan oo isku tilmaamay booska burcad badeeda wax qafaashta isagoo ku sugnaa Xarardheere.
 
Abdullahi Hassan wuxuu kaloo yidhi  (Waxaan iska ahaa nin faqiir ah oo ka kaluumayta biyaha gacanka cadmeed, markii aan arkay doonyo waawayn oo biyahayaga ka kaluumaysanaya sunna ku daadinaya, waxaan go,aansaday in aan iyaga afduubno,  imika sanad guduhii ayaan ku helay 63 Milyuun Doolar oo madax furasho ah).
 
Abdullahi wuxuu diiday in uu tilmaamo habka iyo xilliga ay wax afduuban isagoo arrintaas ku tilmaamay mid iyaga burcad badeeda u gaar ah.
 
Mar la waydiiyay Abdullahi lacagta madax-furashada ay ku helaan meesha ay geeyaan waxa uu ku jawaabay ( Doomo cusub oo dheereeya ayaanu ka soo iibsana Dubia iyo Kenya, waxaan kaloo iibsana hub nooc kasta leh,  waxaan kaloo daryeela ama ku biiliyaa faamiligayga, ama waxaan guursada xaas kale maadama aan u hayo biil ku filan).
 
Abdullahi Hassan waxa kale oo uu sheegay in uu isagu kaligii af-hayeen u yahay 350 nin oo burcad badeed ah, wuxuu kaloo sheegay in Saraakiisha ugu waa wayn burcada badeeda ay yihiin rag dagan Dubia, Kenya iyo Imaaradka carabta.
 
Caasimada Maamul Goboleedka Galmudug-State ee Gaalkacyo ayaa ah meesha ay burcadu kasoo shidaal qaatan, iyagoo kasoo cunteeya qaad iyo cunto qaydhiin ah oo ay ku dul karsadaan markabka dushiisana hore usoo iibsada.  Magaalooyinka kale ee ay tagaan waxaa ka mid ah Hobyo, Eyl ama Xarardheere.
 
Abdullahi Hassan mar wax laga waydiiyay markabka SV Faina ee laga leeyahay wadanka Ukraine waxa uu sheegay in markabkaasi leeyahay af-hayeen u gaar ah oo uu ku tilmaamay nin magaciisa la yidhaah Sugulle Cali.     Dadka qaar waxa ay u haysteen Sugule Cali in uu yahay Af-hayeenka burcad badeeda Soomaalida, balse Abdullahi Hassan waxa uu sheegay in aanu afhayeenka burcada oo dhan ahayn, balse uu yahay oo kaliyah af-hayeenka u hadla kooxda afduubtay markabka SV Faina ee sida hubka.
Waxaa xusid mudan in Sugulle Cali ay qaraabo yihiin Col. Xasan Abshir Faarax oo ah Musharaxiinta isu soo taagay maamul Goboleedka Puntland.
 
Markabka SV Faina waxa uu sida hub noocyo badan leh oo isgu jira, Taangiyo, Gun Missions, gaawaadhida dagaalka iyo rasaas badan, markabkani markiisi hore waxa uu u socday dalka Sudan gaar ahaan Darfur, laakin waxa lagu afduubay gacanka cadmeed ee Somaliya,  markabkaas waxaa dul heehaabaya ama ilaalinaya, diyaarado, helicopteris iyo Maraakiib dagaal oo laga leeyahay dalalka Maraykanka iyo Faransiiska.
 
 

Hans Levebröd Somalier i kusttrakterna livnär sig som pirate

(Anigu waxaan ku noolahay lacagta madax-furashada  aan ku

Helo, quud kale ima soo galo). Sidaa waxa yiri nin magaciisa

ku soo gaabiyay Yuusuf, kana tirsan burcad badeeda Somaliya.

Foto: EPA


Abdikarim Ahmed Huseen
skyword268@hotmail.com

 


Xafiiska Wararka ee Toronto, Canada

Qaranimo Online

info@Qaranimo.com


 

Custom Search

Sponsored links

CALL MAANTA COMPUTERS TODAY!

FOR BACK TO SCHOOL DEALS!

 

416.243.3313

7 days a week


 

who's online