Home Contact us Country Profile

Presidential Profiles

Sports Religious Pages Videos Audio

 Madaxweyne Yusuf  "Dowladi kama jirto Soomaalia"

 

Posted on Qaranimo Online -


DHAGEYSO

 

 

Madaxweyne Yusuf ayaa sheegay ineysan xukuumadi ka jirin Somalia
Madaxweyne Yusuf ayaa sheegay ineysan xukuumadi ka jirin Somalia

 


Baydhabo: Madaxweyne Cabdullahi Yusuf oo la hadlaya mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Somaliya ayaa sheegay ineysan dowladi ka jirin Somalia wuxuna taas ku eedeey R/W Nuur Cadde.

Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdullaahi Yusuf Axmed, ayaa ku tilmaamay in Soomaaliya aanay lahayn xukuumad.

Waxaa uu Nairobi ugu warbixiyay mudanayaal boqol kor u dhaafay oo ka tirsan golaha baarlamaanka Soomaaliya.

Wuxuu inta badan ka hadlay laba arrimood oo kala ah: khilaafka isaga iyo Raiisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen iyo xaaladda dalka.

Xagga khilaafka wuxuu ku tilmaamay in aanuu ansixin karin Gole Wasiirro oo ay ku jiraan dad dowladda duminaya.

Xaaladda dalka Madaxweynuhu aad ayuu uga deyriyay. Wuxuu sheegay in aayaha dalku uu marayo meel aad halis u ah.

Wuxuu ku tilmaamay in dowladdu ay gacanta ku hayso laba magaalo oo keliya, waa Muqdisho iyo Baydhaba.

Labada midkoodna ammaan ma aha ayuu yiri.

Muqdisho iyada waxaa uu ku tilmaamay in nimanka dagaallamayaa ay hareereeyeen.

Ugu dambeyntii waxaa uu Madaweynuhu u soo jeediyay mudanyaashu in ay dalka ku laabtaan, talana dib la isugu noqdo.


Xafiiska Wararka ee Toronto, Canada

Qaranimo Online

info@Qaranimo.com


 

Custom Search

Sponsored links

CALL MAANTA COMPUTERS TODAY!

FOR BACK TO SCHOOL DEALS!

 

416.243.3313

7 days a week


 

who's online