Home Contact us Country Profile

Presidential Profiles

Sports Religious Pages Videos Audio

Nadwo cinwaankeedu yahay ka digista fitnooyinka dhex mari kara Dadka Muslimiinta ah oo lagu qabtay Masjidka Abaa-hureyra

 

Posted on Qaranimo Online -


DHAGEYSO CULIMADA KA HADASHAY NADWADA

 

 

 

 


Muqdisho:  

Nadwadaan oo ahayd mid aad u qiimo badan ayaa waxaa soo jeediyey Culimo caan ah oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed kuwaas oo kala ah Sheekh Axmed Imaam Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo Sheekh Macalin Maxamuud Macalin Nuur ugu horeyna waxay ka hadleen culimadaasi kalimada fitno waxayna sheegeen iyagoo aad uga digay Fidnooyinka ka dhax dhaca Dadaka Musulimiinta ah waxayna sheegeen kalimada laga hadlayey oo ah fitnada in kalimadaasi ay leedaha macaani ka badan 10-Macno xagga luqada, qur’aankana waxay kaga soo aroortay kalimadaasi 58-meelood .

Macnaha asalka ah ee ay kalimaasi leedahay ayuu ku sheegay Al ibtilaau, wal imtixaano, wal ikhtibaaru.

 

Waxay kaloo sheegeen in oo ay soo qaateen aayado qur’aan ah oo sheegaya in dadka Muslimiinta ah la fidnaynayo oo la imtixaanayo aayadahaas oo leh dadku ma waxay u maleeyeen inay yiraahdaan waan rumeynay oo sidaas looga tagayo iyadoon la ditneyn waa la fidneeyey ayey leedahay aayad kale kuwii idinka horeeyey si loo ogaado kuwa runta sheegaya iyo kuwa beenta sheegaya markii fidnadu timaado.

 

Dadkana lagu imtixaani doono khayr iyo sharba waxayna soo qaateen nusuus tilmaamaysa in fidnooyin ay dhici doonaan sidoo kale inay jiraan asbaabo badan oo dadka Muslimiinta ah u keeni karta fitan iyo kuwa ay uga hortagi karaan fitantaas Waxaana la doonayaa In la ogaado asbaabta keenta fitanta,  iyadoo wax kasta ay ku socdaan ilaahay qadihiisa waxna waxay sababi karaan in dadka Muslimiita ah ay fidnadaas ku dhacaan waxna waxay sababi karaan inay iska moosaan, waxaana ka soo qaadanaynaa sadex shay oo aasaas u ah fitanta oo  kala ah Al-furqatu, AL-Bidcatu, Al-Macsiyatu, sadexdaas shay yaa aasaas u ah muslimiinta fitanta ku dhacda markii ay bataan kuwaas oo loo baahanyahay in muslimiintu ka dhowrsadaan.

 

Waxaana sidoo kale kamid ah asbaabaha fintnada keena in amarka alle la khilaafo isagoo tusaale u soo qaatay hadii matalan sinada ay badato in qoomkaas ay ku badato geeridu ku badato oo rido cudrro Qatar ah oo laaya, sidoo kale hadii roob la waayo waxaa keena sababtaas ayuu yiri rasuulku beegga iyo miisaanka oo ay dadku isku qiyaameeyaan marka hadii aad aragto roob la’aan waxaad fiirisaa suuqa iyo dadku habka ay wax u kala miisaantaan inay sax tahay iyo in kale.

 

Mar ay  ka hadlayeen khilaafaadka ayey sheegeen in qoomkii iskhilaafa oo firqofirqo noda ay fitno ku dhacdo ikhtilaafkaas oo keena cadaawad iyo balaayo Waxayna soo qaateen nusuus tilmaamaysa in firqadu ama kala taggu ay tahay cadaab wada jooguna uu yahay raxmad iyo janno, Waxay kaloo aad uga hadleen in aan la khilaafi Karin madaxda Islaamka hadii ay Muslimiintu doortaan hogaamiye ama madaxweyne lama khilaafi karo inta uu xaqa ku taaganyahay mala xun iyo saasay satahay iwm waana xaaraam iyo la khilaafo, Qolo ma jirto is dila  oo iskhilaafa  illaa alle subxaanahu watacaalaa wuxuu ku saladayaa cadowgeeda.

 

Walaalayaal waxaan idinkaga digaynaa dagaal iyo wixii xitaa sababa. Waxayna soo qaateen xadiis nabawi ah oo rasuulku ku yiri iska dhaaf qofkii nala dagaalama e xitaa qofkii hub noo soo qaata naga mid aha.

Markaa kadib ayaa culimadii la weydiiyey su’aalo dhor ah aad muhiim u ahaa qaarkood halka qaar ay culimadii ka qajileen inay ka jawaabaan kuwaas oo aysan fileynin culimadu in maanta la weydiiyo waxaana ka mid ahaa su’aalihii ugu horeeyey

 

 

 su’aashaan

Su’aal:maxay diintu ka qabtaa in ninka dhalinyarada ah ee jihaadka ku jira ee aan fatwada ka qaadanin culimada illaah amiirkiisa jihaadka ku hogaamiya mooyee.

 

Jawaab: shaqo kasta qof ayey leedahay ninka amiirka ah hadii uusan caalim ahayn waxa uu yaqaano ayuu ku ekaanayaa oo ah howsha askarinimada sida di dib u jeeso iyo digtoonow iyo xagaa ka soo noqo wallow ay iyada laftigeedu cilmi u baahtahay laakiin fatwada iyo cilmiga diiniga ah rag gaar ah ayaa iska leh ilaah ayaana siiyey oo yiri war su’aala kuwa cilmiga leh hadii aadnan adinku garanaynin waana culimada qadaha isaguna uu ekaadaa shaqadiisa oo kaliya hadii kale waxbaa halaabaya.

 

Su’aal: qof ama koox  ayaa soo qoray su’aal ahayd sidatan; Jihaadka aan kula jirno Amxaarada iyo kuwa la socda ma Soomaaliya ayuu ku egyahay mise waan sii wadaynaa oo caalamka oo dhan ayaan xoreynaynaa?.

 

Jawaab: su’aashaas waxaa iska leh dadka hogaamiya Jihaadka Socda laakiin hadii aan ka jawaabo inta aan ka aqaano waxaad ogsoontihiin dadka Muslimiinta ah ayaa jihaada ula jeedada loo jihaadana hal ujeeddo maaha ulajeedada loo jihaadayana ilaah ayaa cadeeyey marka su’aashu waxay tahay ma taqaanaa ula jeedada loo  jihaadayo mise waa iska socotaa? ujeedada markaas loo socdo ayaana xadidaysa maxaa yeelay ujeedooyinkoo dhan hal mar lamawada fulin karo caqliguna ma keenayo awoodda insaankuna ma dhama, culimada ulul amriga ah ayaana sheegaya markii la iska kiciyo codowga hada na haysata wixii la yeeli lahaa.

Su’aal: burcad badeedka hadii la taageero ma fidnaa mujaahidiinse ma la oran karaa ragga afduubta maraakiibta

 

Jawaab: waa la yaab runtii saman aarkhir ayaa lagu jiraa in maanta su’aal laga keeno burcad badeed oo layiraahdo ma la teegeeri karaa iyadaaba qalad ah maxaa yeelay howshoodu waa howl u gaar ah iyaguna diina ma soo geliyaan mana yiryaahdaan diin ayaan ula jeednaa ee adinku hada ha soo gelinina diinta mana la taageeri karo waayo burcad caam ah oo adduunkii oo dhan isbaaro u dhigtay weeye mana jiraan cid ay kala soocaan marka sidaa darteed lama taageeri karo.

 

 

Su’aal: Gabdhuhu ma ka qaybgeli karaan jihaadka ?

 

Jawaab:Jihaadku ragga ayuu saaranyahay laakiin gabdhuhu waxay ka qayb qaadan karaan daweynta dhaawaca iyo wax u karinta mujaahidiinta sidii horayba u dhacday.

 

Su’aal: qof ayaa soo qoray amiirkayga hadii uu yiraahdo ninkaas soo dil ma dili karaa? Culimadase ma weydiin karaa inta aanan dilin?

 

Jawaab:amiirku dilka iskama laha amiirkaagu isaguna qaali ma ahan ninkii wax eedaynayeyna maahan shaqo u taalana maahan waana shaqo uu marooqsanahayo oo aan loogu talo gelinin qofkuna shaqo aan loogu talo gelinin inuu galo ma ahan, ninkaas askariga ah ee la yiri soo dil ninkaas ku adeeci mayo kuna waafaqi mayo amiirkiisa arrinkaas wax jirana maaha sharcina ma ahan waxayna ka midtahay dhibka maanta na haysta iyo nasriga taxaalufkiisa hana ka joogo ruuxaasi dhiigga muslimiinta ama dadka awhaamta ama shuhbada lagu dilayo dadka muslimiinta ahina waxay raacayaan adilada daahirka ah oo muuqata marka ma banaana in qof muslim ah dhiigiisa lagu banaysto shubahaas ama naftiisa ama nasabkiisa waa arrin aad iyo aad u liidata oo nabiguna uu ka digay haadaa wabillaahi Towfiiq.

 

Su’aaal: maxay diintu ka qabtaa  in la dhaco ama la boobo cuno loo wado dad barakacayaal ah?  Dadkii dhacayse mujaahidiin ma la oran karaa? Mise lagu dagaalami karaa hub iyo gaadiid lagu soo gaday raashinkaas la dhacay? Wuuxuna ku soo khatimay nin soo islaamay waqtigii rasuulka ninkaas oo watay xoolo uusan lahayn markaas ayaa rasuulku ku yiri ninkii islaamka aad soo gashay waan kaa aqbalnay laakiin xoolahaan maya anagu shaqo kuma lihin.

 

Jawaab: bismillaah runtii waxay ku tusinaysaa su’aashani wax naxdin leh oo ah meesha la marayo oo dadka aqoontiisu ay marayso maxaa yeelay waxyaabaha noocaas ahi ma ahayn wax shubha gala  marka xoolo in la boobo ma shubhaa? Oo loo wado dad muslimiin ah oo baahan oo gaajeysan loo wado wax banaan iyo wax banaan kara midna maahan arrintaasi waxaa soo haray mujaahid ma la oran karaa iyo hubka lagu gaday ma lagu dagaalami karaa iyo.

 

Hada Rasuulku wuxuu yiri mujaahidku waa ruuxa ku jihaada naftiisa dhacaas uu geystayna ka saari mayo jihaadkii laakiin waa macaasi ka dhacday maadaama uusan macsuum ahayn laakiin waa ninka ugu mudan inuu naftiisa dahiro maadaama uu naftiisiiba ilaah ka gatay hubka lagu sii gadayna waxay diintu ka leedahay ilaahay looguma dhawaado wax aan wanaagsanayn ilaahayna ma aqbalo wax aaan wanaagsaneyn oo aan dayib ahayn Haadaa wabillaahi towfiiq.

 

Su’aal: in Hay’adaha gargaarka loo shaqeeyo diintu maxay ka qabtaa ama si kale u dhig in Hay’adaha tansiirka (diinta kirishtanka)? Mase la handadi karaa? La dili karaa? gaarigiisa iyo maalkiisase ma la qaadan karaa?.

 

Jawaab:anagu aad ugama warhayno waxa meesha ka jira koley un waxyaabo badan oo isku qaldan wey jiraan oo sida hada aan aragnaba dadka meelaha joojjooga oo cunooyinka qayqaybiya waa dad soomaali ah marka dadkaas Soomaalida ah ee Muslimka ah ee wax loo soo dhiibay iyaga waa in la iska daayaa naftooda, maalkooda, cirdigooda, hadii ay jiraan Hay’aad nasaaro ah oo diin kale fidiya ama shar kale fidiya looma shaqayn karo qaasatan sida aayaduba tiri laguma shaqayn karo danbi iyo cudwaan qofka shaqada noocaas ah ku jirana waa in uu iskaga tagaa ilaah subxaanahu watacaalaa waxa uu irzaaq abuuray xaaraan laguma doono  sharciguna ma oggola ee wax sharcigu ogolyahay wax ku doon in la handadana qof kasta uma banaana.

 

Su’aal: su’aalbaa waxay leedahay ku saabsan dilka xukuumaddan federaalka qof u shaqeeya oo waliba weysaysanaya kuna ganbanaya weysadaas mala dhaafayaa mise waa la dilayaa?.

 

Jawaab:qofku sidiisaba hadii uu muslim yahay ha weysaysanayo ama yuusan weysaysanayne waxa lagu dilayo diinta ayaa sheegtay oo axaadiis-ta ayaa sheegtay axaadiistuna sadex ayey ku sheegtay oo kala ah garoobka ama garoobta sinaysatay, naf naf ku dishay xaq la’aan, iyo kan diintiisa ka laabtay oo faaruqay (murtadka). Qofka in islaamnimadiisa laga saarana wax fudud maahan  hadii aan u soo laabto qofka ridoobay matalan in qof la yiraahdo waa ridoobay ama koox la yiraahdo waa ridowday shaqada noocaas ah dadka Ehlo qadaha ah ayaa iska leh hadii ay cadaato in qofkaasi ridoobayna hade waxa furan baab loo yaqaano in qofkii laga dalbado inuu ka laabto ridadaas marka ka soo qaad qofkii waxaad ku aragtay riddo waad dishay oo waad is raacisay taas lama ogola sababtoo ah in qofka xagga naarta loola ordo diintu ma qabto diintu waxay qabtaa in qofka xagga jannada lagu dayo oo lagu sabsabo oo dhaqaale lagu siiyo oo la yiraahdo war niyahow xoogaagaan qaado e diinta soo raac waana la laaluushayaa si islaamku qalbigooda u galo ha soo socdaan ha soo socdaan ha soo socdaano jannadii ayey u soo dhawaanayaan markaa, hadii neefku xerada diido waxaa la yiraahdaa waxaa lagu soo xero geliyaa xooga caleen ah si xerada loo geliyo marka qofka gaalka ahi neefkaas ayuu la midyahay waana lagu laaluushayaa si uu diinta u soo galo.marka diinta islaamku in la israaciyo qofka ma ogola hadii la israaciyana waa sidii shaydaanku rabay hade sida shaydaanku rabay in la kordhiyo miyaa mise waa in yareeyaa oo la dhimaa marka dadkaan xaga naarta loo sii wado wax maslaxad ah kuma jirto qofka in danbiga lagu arku laguna xukumo lagu dilo diintu ma qabto, culimadu waxay tiraahdaan qofka qaadiga ah ee jooga maxkamadda islaamka cilimigiisa waxba lagu xukumo oo matalan hadii uu yiraahdo ninkaas hala jeedlo oo la yiraahdo maxaa jira oo uu yiraahdo danbibuu galay oo la yiraahdo yaa oigaa oo uu yiraahdo anaa ku arkay diinta ma qabto in ninkaas qaadiga ah warkiisa wax lagu xukumo. Qofka riddobay hala dilo oo yaa amray aniga qaadiga ah yaa amray laga yeeli mayo maxaa yeelay qaadigu waa banii’aadam qofbay isku dhacayaan qofbay si kale isku khilaafayaa marka inuu awoodii islaamka iyo maxkamadda ka faa’iideysto ayey diintu diidantahay.marka ka warama soomaalida la leeyahay xitaa salaadda iskuma xirato mararka qaar oo la leeyahay ninbaa wuxuu rag salad la dukanayey ku  yiri war aamiin ha u oranina waa reer Hebele. Laakiin in dadka la iska laayo oo la yiraahdo qof ayaa halkaan lagu dilay oo meeshaan yaala qof kalaa yaala qalaf yaa dilay lama yaqaano maxaa loo dilay lama yaqaano hadii aad aragtaan wax ama cuquubo qof kasta uu ka baqayo ma ahan tii saxda ahayd waxbaa qaldan marka hadii aa u laabto su’aashii oo ahayd qof dowladan u shaqeeya ma la dili karaa ha weysaysto ama yuusan waysaysane dowladuu u shaqeeyaa laguma gaaloobo sheekhu ruuxii

 

 su’aasha lahaa ayuu weydiiyey oo yiri ma cadaaladbaa in aad sinto askariga xabbadda ridaya ee la safan gaalada itoobiyaanka ah ee safka kula jira iyo biyatooniga ka shaqeeya xafiis ku yaala boondheere dhexdiisa maya maya cadaalad ma ahan su’aasha ah dowladuu u shaqeeyaa su’aal qeexan ma ahan qof muslim ahna laguma dili karo arrinkaas shaqadu waa kala nooc waana kala darajo war heedhaha kii gaalinada cad lagu hayey ayaanba la dili karine xagee joogaa qof kale mida ah wuu ku ganbayey weysaqaadka oo yaa kuu sheegay ma malaa’igbaad tahay ma adigaa og .

Ilaah halaga baqo war gaalkii idinla dagaalamaya la dagaalama oo iska celiya gaaladii ayaaba maaro loo la’yahaye .

 

Su’aal: muslimiinta in la kala googooyo oo kooxo kooxo laga dhigo dadka shaqaas qabanaya maxay diintu ka qabtaa?

 

Jawaab: mas’alada ikhtilaafka waan ka soo sheekaynay marka lama oggola sabab kasta oo keeni kar ikhtilaaf ay isku cadaaweystaan marka yaa islaam wadankaas shan dowladood oo islaam ah kama wada hana qaadi karto shan kooxood oo islaam ah oo iskhilaafana in ay gaaraan diin sharcan marka intaan isku nimaadno aan dhisano hal dowlad halkaas ayaa nala ku haystaa oo aanan faro ku haynine haadaa wabillaahi towfiiq.

 

Su’aal: xarakaatka Soomaaliyeed ee muslimiita ah ma waxbay qabteen mise?

Jawaab:.xarakaatku wax badan bay qabteen ninkii ogaa baa og laakiin qaladaad way jireen mar kastana wax la qabanayana qalaadaad waa jirayaa in la saxo ayaana wanaagsan.

Sheekh Macalin Maxamuud Macalin Nuur, Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo Sheekh Axmed Imaam. 

 

Su’aal: ugu danbeysay ayaa waxaa Email ahaan u soo weydiisay gabar lagu Magacaabo Hamdi Sheekh Mohamed waxayna ehyd su.aashii sidaan

 

Salamu Caleykum.

 

Waxaan jeclaan lahaa in Culimada aan waydiiyo suaasha soo socota:

Culimada Soomaaliyeed ee caanka ahi maxay warcad uga soo saari waayeen xukunkii gabadha dhagaxa magaalada kismaayo lagu diley. Ma suurowda in dalka Soomaaliya gudihiisa loo baahanyahay in xukun midaysan oo rag calimiina oo gobolwalba looga yeero

oo mash-huur diinta ku ah lagu kalsoonyahay, lagu aamini karo xukunka iyo xilka, la imtixaanay daahir ka ah danuubta waawayn oo kaliyihi inay gooyaan hadii xukunku dil yahay?

 

Arintaasi hadaysan dhicin waxaan u arkaa in fitmo dhacayso hadaan laga hortagin.

 

Suurto gal ma tahay in xukunkaasi sax ahaa iyo inkale gudi culimo ah loo saaro?

 

Sheekha wiilal baa xiran ayuu sheegay, mar hadii gabdhii la aamusiyey armaa wiilashana qalad loo haystaa ama lagu dilaa

taasi ma u egtaha in fitmada laga hor tago oo dhalinyaradaas xaqdarada lagu xiray iyagana layska sii daayo.

 

Kismaayo qayladeeda umadoo dhan bay saamayn waana fitmo marka wacdiga hanalooku soo daro arimahaasi waa muhiime

 

 

Salamu caleykum

Xamdi Sheekh

 

 

Dhamaan su:aalahaan culumadu waa ka cudur darteen waxayna hadalkooda ku soo koobeen anagu goob jog ma aheyn meeshuna waa naga fogtahay cid aanka wareysanane ma heyno ee sidaa raali gabadhu ha nooga ahaato

 
   

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia

00252-1-5576666
00252-50-907666  


 


Xafiiska Wararka ee Toronto, Canada

Qaranimo Online

info@Qaranimo.com


 

Custom Search

Sponsored links

CALL MAANTA COMPUTERS TODAY!

FOR BACK TO SCHOOL DEALS!

 

416.243.3313

7 days a week


 

who's online