Nadwadaan
oo ahayd mid aad u qiimo badan ayaa waxaa soo jeediyey
Culimo caan ah oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed kuwaas
oo kala ah Sheekh Axmed Imaam Sheekh Bashiir Axmed
Salaad iyo Sheekh Macalin Maxamuud Macalin Nuur ugu
horeyna waxay ka hadleen culimadaasi kalimada fitno
waxayna sheegeen iyagoo aad uga digay Fidnooyinka ka
dhax dhaca Dadaka Musulimiinta ah waxayna sheegeen
kalimada laga hadlayey oo ah fitnada in kalimadaasi ay
leedaha macaani ka badan 10-Macno xagga luqada,
qur’aankana waxay kaga soo aroortay kalimadaasi
58-meelood .
Macnaha
asalka ah ee ay kalimaasi leedahay ayuu ku sheegay Al
ibtilaau, wal imtixaano, wal ikhtibaaru.
Waxay
kaloo sheegeen in oo ay soo qaateen aayado qur’aan ah
oo sheegaya in dadka Muslimiinta ah la fidnaynayo oo la
imtixaanayo aayadahaas oo leh dadku ma waxay u maleeyeen
inay yiraahdaan waan rumeynay oo sidaas looga tagayo
iyadoon la ditneyn waa la fidneeyey ayey leedahay aayad
kale kuwii idinka horeeyey si loo ogaado kuwa runta
sheegaya iyo kuwa beenta sheegaya markii fidnadu timaado.

Dadkana
lagu imtixaani doono khayr iyo sharba waxayna soo
qaateen nusuus tilmaamaysa in fidnooyin ay dhici doonaan
sidoo kale inay jiraan asbaabo badan oo dadka
Muslimiinta ah u keeni karta fitan iyo kuwa ay uga
hortagi karaan fitantaas Waxaana la doonayaa In la
ogaado asbaabta keenta fitanta,
iyadoo wax kasta ay ku socdaan ilaahay qadihiisa
waxna waxay sababi karaan in dadka Muslimiita ah ay
fidnadaas ku dhacaan waxna waxay sababi karaan inay iska
moosaan, waxaana ka soo qaadanaynaa sadex shay oo aasaas
u ah fitanta oo kala
ah Al-furqatu, AL-Bidcatu, Al-Macsiyatu, sadexdaas shay
yaa aasaas u ah muslimiinta fitanta ku dhacda markii ay
bataan kuwaas oo loo baahanyahay in muslimiintu ka
dhowrsadaan.
Waxaana
sidoo kale kamid ah asbaabaha fintnada keena in amarka
alle la khilaafo isagoo tusaale u soo qaatay hadii
matalan sinada ay badato in qoomkaas ay ku badato
geeridu ku badato oo rido cudrro Qatar ah oo laaya,
sidoo kale hadii roob la waayo waxaa keena sababtaas
ayuu yiri rasuulku beegga iyo miisaanka oo ay dadku isku
qiyaameeyaan marka hadii aad aragto roob la’aan waxaad
fiirisaa suuqa iyo dadku habka ay wax u kala miisaantaan
inay sax tahay iyo in kale.
Mar
ay ka
hadlayeen khilaafaadka ayey sheegeen in qoomkii
iskhilaafa oo firqofirqo noda ay fitno ku dhacdo
ikhtilaafkaas oo keena cadaawad iyo balaayo Waxayna
soo qaateen nusuus tilmaamaysa in firqadu ama kala taggu
ay tahay cadaab wada jooguna uu yahay raxmad iyo janno,
Waxay kaloo aad uga hadleen in aan la khilaafi Karin
madaxda Islaamka hadii ay Muslimiintu doortaan hogaamiye
ama madaxweyne lama khilaafi karo inta uu xaqa ku
taaganyahay mala xun iyo saasay satahay iwm waana
xaaraam iyo la khilaafo, Qolo ma jirto is dila
oo iskhilaafa
illaa alle subxaanahu watacaalaa wuxuu ku
saladayaa cadowgeeda.

Walaalayaal
waxaan idinkaga digaynaa dagaal iyo wixii xitaa sababa.
Waxayna soo qaateen xadiis nabawi ah oo rasuulku ku yiri
iska dhaaf qofkii nala dagaalama e xitaa qofkii hub noo
soo qaata naga mid aha.
Markaa
kadib ayaa culimadii la weydiiyey su’aalo dhor ah aad
muhiim u ahaa qaarkood halka qaar ay culimadii ka
qajileen inay ka jawaabaan kuwaas oo aysan fileynin
culimadu in maanta la weydiiyo waxaana
ka mid ahaa su’aalihii ugu horeeyey

su’aashaan
Su’aal:maxay
diintu ka qabtaa in ninka dhalinyarada ah ee jihaadka ku
jira ee aan fatwada ka qaadanin culimada illaah
amiirkiisa jihaadka ku hogaamiya mooyee.
Jawaab:
shaqo kasta qof ayey leedahay ninka amiirka ah hadii
uusan caalim ahayn waxa uu yaqaano ayuu ku ekaanayaa oo
ah howsha askarinimada sida di dib u jeeso iyo digtoonow
iyo xagaa ka soo noqo wallow ay iyada laftigeedu cilmi u
baahtahay laakiin fatwada iyo cilmiga diiniga ah rag
gaar ah ayaa iska leh ilaah ayaana siiyey oo yiri war
su’aala kuwa cilmiga leh hadii aadnan adinku
garanaynin waana culimada qadaha isaguna uu ekaadaa
shaqadiisa oo kaliya hadii kale waxbaa halaabaya.
Su’aal:
qof ama koox ayaa
soo qoray su’aal ahayd sidatan; Jihaadka aan kula
jirno Amxaarada iyo kuwa la socda ma Soomaaliya ayuu ku
egyahay mise waan sii wadaynaa oo caalamka oo dhan ayaan
xoreynaynaa?.
Jawaab:
su’aashaas waxaa iska leh dadka hogaamiya Jihaadka
Socda laakiin hadii aan ka jawaabo inta aan ka aqaano
waxaad ogsoontihiin dadka Muslimiinta ah ayaa jihaada
ula jeedada loo jihaadana hal ujeeddo maaha ulajeedada
loo jihaadayana ilaah ayaa cadeeyey marka su’aashu
waxay tahay ma taqaanaa ula jeedada loo
jihaadayo mise waa iska socotaa? ujeedada markaas
loo socdo ayaana xadidaysa maxaa yeelay ujeedooyinkoo
dhan hal mar lamawada fulin karo caqliguna ma keenayo
awoodda insaankuna ma dhama, culimada ulul amriga ah
ayaana sheegaya markii la iska kiciyo codowga hada na
haysata wixii la yeeli lahaa.
Su’aal:
burcad badeedka hadii la taageero ma fidnaa
mujaahidiinse ma la oran karaa ragga afduubta
maraakiibta
Jawaab:
waa la yaab runtii saman aarkhir ayaa lagu jiraa in
maanta su’aal laga keeno burcad badeed oo layiraahdo
ma la teegeeri karaa iyadaaba qalad ah maxaa yeelay
howshoodu waa howl u gaar ah iyaguna diina ma soo
geliyaan mana yiryaahdaan diin ayaan ula jeednaa ee
adinku hada ha soo gelinina diinta mana la taageeri karo
waayo burcad caam ah oo adduunkii oo dhan isbaaro u
dhigtay weeye mana jiraan cid ay kala soocaan marka
sidaa darteed lama taageeri karo.

Su’aal:
Gabdhuhu ma ka qaybgeli karaan jihaadka ?
Jawaab:Jihaadku
ragga ayuu saaranyahay laakiin gabdhuhu waxay ka qayb
qaadan karaan daweynta dhaawaca iyo wax u karinta
mujaahidiinta sidii horayba u dhacday.
Su’aal:
qof ayaa soo qoray amiirkayga hadii uu yiraahdo ninkaas
soo dil ma dili karaa? Culimadase ma weydiin karaa inta
aanan dilin?
Jawaab:amiirku
dilka iskama laha amiirkaagu isaguna qaali ma ahan
ninkii wax eedaynayeyna maahan shaqo u taalana maahan
waana shaqo uu marooqsanahayo oo aan loogu talo gelinin
qofkuna shaqo aan loogu talo gelinin inuu galo ma ahan,
ninkaas askariga ah ee la yiri soo dil ninkaas ku adeeci
mayo kuna waafaqi mayo amiirkiisa arrinkaas wax jirana
maaha sharcina ma ahan waxayna ka midtahay dhibka maanta
na haysta iyo nasriga taxaalufkiisa hana ka joogo
ruuxaasi dhiigga muslimiinta ama dadka awhaamta ama
shuhbada lagu dilayo dadka muslimiinta ahina waxay
raacayaan adilada daahirka ah oo muuqata marka ma
banaana in qof muslim ah dhiigiisa lagu banaysto
shubahaas ama naftiisa ama nasabkiisa waa arrin aad iyo
aad u liidata oo nabiguna uu ka digay haadaa wabillaahi
Towfiiq.
Su’aaal:
maxay diintu ka qabtaa
in la dhaco ama la boobo cuno loo wado dad
barakacayaal ah? Dadkii
dhacayse mujaahidiin ma la oran karaa? Mise lagu
dagaalami karaa hub iyo gaadiid lagu soo gaday
raashinkaas la dhacay? Wuuxuna ku soo khatimay nin soo
islaamay waqtigii rasuulka ninkaas oo watay xoolo uusan
lahayn markaas ayaa rasuulku ku yiri ninkii islaamka aad
soo gashay waan kaa aqbalnay laakiin xoolahaan maya
anagu shaqo kuma lihin.
Jawaab:
bismillaah runtii waxay ku tusinaysaa su’aashani wax
naxdin leh oo ah meesha la marayo oo dadka aqoontiisu ay
marayso maxaa yeelay waxyaabaha noocaas ahi ma ahayn wax
shubha gala marka
xoolo in la boobo ma shubhaa? Oo loo wado dad muslimiin
ah oo baahan oo gaajeysan loo wado wax banaan iyo wax
banaan kara midna maahan arrintaasi waxaa soo haray
mujaahid ma la oran karaa iyo hubka lagu gaday ma lagu
dagaalami karaa iyo.
Hada
Rasuulku wuxuu yiri mujaahidku waa ruuxa ku jihaada
naftiisa dhacaas uu geystayna ka saari mayo jihaadkii
laakiin waa macaasi ka dhacday maadaama uusan macsuum
ahayn laakiin waa ninka ugu mudan inuu naftiisa dahiro
maadaama uu naftiisiiba ilaah ka gatay hubka lagu sii
gadayna waxay diintu ka leedahay ilaahay looguma
dhawaado wax aan wanaagsanayn ilaahayna ma aqbalo wax
aaan wanaagsaneyn oo aan dayib ahayn Haadaa wabillaahi
towfiiq.

Su’aal:
in Hay’adaha gargaarka loo shaqeeyo diintu maxay ka
qabtaa ama si kale u dhig in Hay’adaha tansiirka (diinta
kirishtanka)? Mase la handadi karaa? La dili karaa?
gaarigiisa iyo maalkiisase ma la qaadan karaa?.
Jawaab:anagu
aad ugama warhayno waxa meesha ka jira koley un waxyaabo
badan oo isku qaldan wey jiraan oo sida hada aan
aragnaba dadka meelaha joojjooga oo cunooyinka
qayqaybiya waa dad soomaali ah marka dadkaas Soomaalida
ah ee Muslimka ah ee wax loo soo dhiibay iyaga waa in la
iska daayaa naftooda, maalkooda, cirdigooda, hadii ay
jiraan Hay’aad nasaaro ah oo diin kale fidiya ama shar
kale fidiya looma shaqayn karo qaasatan sida aayaduba
tiri laguma shaqayn karo danbi iyo cudwaan qofka shaqada
noocaas ah ku jirana waa in uu iskaga tagaa ilaah
subxaanahu watacaalaa waxa uu irzaaq abuuray xaaraan
laguma doono sharciguna
ma oggola ee wax sharcigu ogolyahay wax ku doon in la
handadana qof kasta uma banaana.
Su’aal:
su’aalbaa waxay leedahay ku saabsan dilka xukuumaddan
federaalka qof u shaqeeya oo waliba weysaysanaya kuna
ganbanaya weysadaas mala dhaafayaa mise waa la dilayaa?.
Jawaab:qofku
sidiisaba hadii uu muslim yahay ha weysaysanayo ama
yuusan weysaysanayne waxa lagu dilayo diinta ayaa
sheegtay oo axaadiis-ta ayaa sheegtay axaadiistuna sadex
ayey ku sheegtay oo kala ah garoobka ama garoobta
sinaysatay, naf naf ku dishay xaq la’aan, iyo kan
diintiisa ka laabtay oo faaruqay (murtadka). Qofka in
islaamnimadiisa laga saarana wax fudud maahan
hadii aan u soo laabto qofka ridoobay matalan in
qof la yiraahdo waa ridoobay ama koox la yiraahdo waa
ridowday shaqada noocaas ah dadka Ehlo qadaha ah ayaa
iska leh hadii ay cadaato in qofkaasi ridoobayna hade
waxa furan baab loo yaqaano in qofkii laga dalbado inuu
ka laabto ridadaas marka ka soo qaad qofkii waxaad ku
aragtay riddo waad dishay oo waad is raacisay taas lama
ogola sababtoo ah in qofka xagga naarta loola ordo
diintu ma qabto diintu waxay qabtaa in qofka xagga
jannada lagu dayo oo lagu sabsabo oo dhaqaale lagu siiyo
oo la yiraahdo war niyahow xoogaagaan qaado e diinta soo
raac waana la laaluushayaa si islaamku qalbigooda u galo
ha soo socdaan ha soo socdaan ha soo socdaano jannadii
ayey u soo dhawaanayaan markaa, hadii neefku xerada
diido waxaa la yiraahdaa waxaa lagu soo xero geliyaa
xooga caleen ah si xerada loo geliyo marka qofka gaalka
ahi neefkaas ayuu la midyahay waana lagu laaluushayaa si
uu diinta u soo galo.marka diinta islaamku in la
israaciyo qofka ma ogola hadii la israaciyana waa sidii
shaydaanku rabay hade sida shaydaanku rabay in la
kordhiyo miyaa mise waa in yareeyaa oo la dhimaa marka
dadkaan xaga naarta loo sii wado wax maslaxad ah kuma
jirto qofka in danbiga lagu arku laguna xukumo lagu dilo
diintu ma qabto, culimadu waxay tiraahdaan qofka qaadiga
ah ee jooga maxkamadda islaamka cilimigiisa waxba lagu
xukumo oo matalan hadii uu yiraahdo ninkaas hala jeedlo
oo la yiraahdo maxaa jira oo uu yiraahdo danbibuu galay
oo la yiraahdo yaa oigaa oo uu yiraahdo anaa ku arkay
diinta ma qabto in ninkaas qaadiga ah warkiisa wax lagu
xukumo. Qofka riddobay hala dilo oo yaa amray aniga
qaadiga ah yaa amray laga yeeli mayo maxaa yeelay
qaadigu waa banii’aadam qofbay isku dhacayaan qofbay
si kale isku khilaafayaa marka inuu awoodii islaamka iyo
maxkamadda ka faa’iideysto ayey diintu
diidantahay.marka ka warama soomaalida la leeyahay xitaa
salaadda iskuma xirato mararka qaar oo la leeyahay
ninbaa wuxuu rag salad la dukanayey ku
yiri war aamiin ha u oranina waa reer Hebele.
Laakiin in dadka la iska laayo oo la yiraahdo qof ayaa
halkaan lagu dilay oo meeshaan yaala qof kalaa yaala
qalaf yaa dilay lama yaqaano maxaa loo dilay lama
yaqaano hadii aad aragtaan wax ama cuquubo qof kasta uu
ka baqayo ma ahan tii saxda ahayd waxbaa qaldan marka
hadii aa u laabto su’aashii oo ahayd qof dowladan u
shaqeeya ma la dili karaa ha weysaysto ama yuusan
waysaysane dowladuu u shaqeeyaa laguma gaaloobo sheekhu
ruuxii
su’aasha
lahaa ayuu weydiiyey oo yiri ma cadaaladbaa in aad sinto
askariga xabbadda ridaya ee la safan gaalada
itoobiyaanka ah ee safka kula jira iyo biyatooniga ka
shaqeeya xafiis ku yaala boondheere dhexdiisa maya maya
cadaalad ma ahan su’aasha ah dowladuu u shaqeeyaa
su’aal qeexan ma ahan qof muslim ahna laguma dili karo
arrinkaas shaqadu waa kala nooc waana kala darajo war
heedhaha kii gaalinada cad lagu hayey ayaanba la dili
karine xagee joogaa qof kale mida ah wuu ku ganbayey
weysaqaadka oo yaa kuu sheegay ma malaa’igbaad tahay
ma adigaa og .
Ilaah
halaga baqo war gaalkii idinla dagaalamaya la dagaalama
oo iska celiya gaaladii ayaaba maaro loo la’yahaye .

Su’aal:
muslimiinta in la kala googooyo oo kooxo kooxo laga
dhigo dadka shaqaas qabanaya maxay diintu ka qabtaa?
Jawaab:
mas’alada ikhtilaafka waan ka soo sheekaynay marka
lama oggola sabab kasta oo keeni kar ikhtilaaf ay isku
cadaaweystaan marka yaa islaam wadankaas shan dowladood
oo islaam ah kama wada hana qaadi karto shan kooxood oo
islaam ah oo iskhilaafana in ay gaaraan diin sharcan
marka intaan isku nimaadno aan dhisano hal dowlad
halkaas ayaa nala ku haystaa oo aanan faro ku haynine
haadaa wabillaahi towfiiq.
Su’aal:
xarakaatka Soomaaliyeed ee muslimiita ah ma waxbay
qabteen mise?
Jawaab:.xarakaatku
wax badan bay qabteen ninkii ogaa baa og laakiin
qaladaad way jireen mar kastana wax la qabanayana
qalaadaad waa jirayaa in la saxo ayaana wanaagsan.
Sheekh
Macalin Maxamuud Macalin Nuur, Sheekh Bashiir Axmed
Salaad iyo Sheekh Axmed Imaam.
Su’aal:
ugu danbeysay ayaa waxaa Email ahaan u soo
weydiisay gabar lagu Magacaabo Hamdi
Sheekh Mohamed waxayna ehyd su.aashii sidaan
Salamu
Caleykum.
Waxaan
jeclaan lahaa in Culimada aan waydiiyo suaasha soo
socota:
Culimada
Soomaaliyeed ee caanka ahi maxay warcad uga soo saari
waayeen xukunkii gabadha dhagaxa magaalada kismaayo lagu
diley. Ma suurowda in dalka Soomaaliya gudihiisa loo
baahanyahay in xukun midaysan oo rag calimiina oo
gobolwalba looga yeero
oo
mash-huur diinta ku ah lagu kalsoonyahay, lagu aamini
karo xukunka iyo xilka, la imtixaanay daahir ka ah
danuubta waawayn oo kaliyihi inay gooyaan hadii xukunku
dil yahay?
Arintaasi
hadaysan dhicin waxaan u arkaa in fitmo dhacayso hadaan
laga hortagin.
Suurto
gal ma tahay in xukunkaasi sax ahaa iyo inkale gudi
culimo ah loo saaro?
Sheekha
wiilal baa xiran ayuu sheegay, mar hadii gabdhii la
aamusiyey armaa wiilashana qalad loo haystaa ama lagu
dilaa
taasi
ma u egtaha in fitmada laga hor tago oo dhalinyaradaas
xaqdarada lagu xiray iyagana layska sii daayo.
Kismaayo
qayladeeda umadoo dhan bay saamayn waana fitmo marka
wacdiga hanalooku soo daro arimahaasi waa muhiime
Salamu
caleykum
Xamdi
Sheekh
Dhamaan
su:aalahaan culumadu waa ka cudur darteen waxayna
hadalkooda ku soo koobeen anagu goob jog ma aheyn
meeshuna waa naga fogtahay cid aanka wareysanane ma
heyno ee sidaa raali gabadhu ha nooga ahaato