Home Contact us Country Profile

Presidential Profiles

Sports Religious Pages Videos Audio

Suxufiga iyo Saxaafadda 

iyo sida wararka loo sameeyo

 

Posted on Qaranimo Online -


 

 


Anigoo ku raadjooga doodihii eey iiga horeeyeen saxifiyiintii ka hadashay mawduuca ku sabaabsan sameynta warka,faalada ama ciwaan wareedka (News lede) waxaan jecleystay inaan soo bandhigo qoraalkeeygan qodobeysan kuna fadhiya xeerka mabaadii’da saxaafadda.

Hadabba aniga oo aan jecleyn inaan ku fogaado aaraarta qoraalkeeyga waxan toos u gudo galayaa muhiimiyada mawduucyada aan ka hadlayo.

MAXAY TAHAY SAXAAFAD?

Ereyga saxaafad (journalism) ma ahan wax fudud oo qaacido lagu soo koobi karo waxaana laga yaabaa in sida ugu dhaw uguna haboon eeynu ku sharxi karno ay tahay kaalin muuhim ah oo u adeegta bulshada ama shacabka,

Qabar cusub oo joogta ahna gaarsiiya qeybaha kala duwan ee bulshadda mana ahan howl damaandeeda si fudud lagu qaadi karo.

 YAA SUXUFI NOQON KARA?

Saxaafada iyo suxufinimaddu waa muhiim waxayna u baahantahay mas,uuliyad weyn iyo u bislaahso qoto dheer waayo wax ay saameyn ku dhex leeyihiin Ra’yum caalamka guud ee dadweynaha iyo miisaan weyn oo bulshadda dhexdeeda ah.

Sidaa awgeed wa in suxufiyiintu si fiican u fahamasanyahihiin xirfadooda si eysan u geysan waxyeelooyin ka imaan kara xirfadooda suxufinimo oo aay si qaldan u adeegsadaan ama loogu adeegsado.

Hadaba si loo helo suxufi ama saxafiyad damaanad qaad buuxda leh waxaa la isku raacsanyahay in suxufigu ama saxaafiyadu la yimaadaan sifooyinkan.

1-maskax korsan iyo mas,uuliyad weyn

2-hal abuur

3-aqoon guud oo balaaran (tani macnaheedu waxuu yahay in suxufigu  wax ka yaqaano xariirka caalamiga ah (international relationship) iyo joqoraafiga adduunka( geography of the world)

4-dulqaad, adkeysi, iyo dhiiranaan

5-dareen xog ogaalnimo doon ah

6-cadaalad iyo daacadnimo

7-maskax madax banaan oo wax isweydiisa

Inkasto ooy jiraan tiro yar oo ka mid ah saxaafiyiinta soomaalida  kuwaas oo maadada saxaafada iskuulo uga soo baxay hadana qaabka lagu noqon karo suxufinimaddu waa arrin aad u weyn marka loo eego mas,uuliydda uu qofku qaadayo sababtoo ah ficil ahaan weey adagtahay sida suxufi lagu noqon karo mana jiraan imtixaano si cad loogu soo baxo oo kuu sahlaya inaad ku soo biirto saxaafada qeybaheeda kala duwan  waxa keli ah ee lagaaga baahanyahay waxa weeyaan inaad awood weyn iyo hibo u leedahay wazx qorista isla markaasna aad ku hubeysantahay aqoon sal adag leh marka sifahan lagaa helo ayeey suurto gal tahay in laguu aqoonsado suxufi ama saxafiyad aanad fursad buuxda u heli kartaa inaad dhex gasho xirfadaad suxufinimo run ahaantiina mana ahan saxafaddu mid gabi ahaan lagu hanan karo fasaladda ama barid lagu baro maadada saxaafada,

Rasmi ahaanteedana waxaad si rasmi ah u baran kartaa saxaafadda inaad ku dhex jirto shaqadda saxaafadda ogoowna in mzacalinkaaga kuugu wanaagsan ee saxafadda ku bari karo eey tahay qibradadaada.

 WAA MAXAY WAR (NEWS)?

Ereyga War (News) waxaa lagu qexaa khabar cusb “wax aan hore loo maqlin” isla markaasna isbedel sameeya si guudna marka loo macneeyo waxaa lagu qeexi karaa akhbaar cusub oo raad ku reebta dadweynaha.

Warku waa qabar cusub oo ka hadlaya dhacdo taagan isla markaasna loo gudbiyo qeyb sadexaad(dadweynaha) marka aan leeyahay qeeyb sadexaad waxaan ula jeedaa tusaale ahaan “Dowladdda KMG ah ee soomaaliya iyo isabaaheysiga dib u xorenynta ee garabka jabuuti oo heshiis gaaray”waa hal daraf,wariyeha ama warbaahinta warka gudbineysana waa darafka labaad,cidda loo gudbinayo oo ah dadweynaha waa darafka saddexaad.

Haddaba War(News) waxaa noqon kara wax aan hore loo ogayn ama loo maqlin oo cusub oo markaasi dhaca sida tusaale: dagaal si kadis ah ku bilaabta,dhimasho iyo dhaawac meel ka dhaca,qof sun cabay,mas,uul la toogtay,madax la doortay ama iscasilay,qarax diyaaradeed,makab quusay,mudahraadyo dhaca ama dil,

goobo ganacsi oo dab qabsaday,dhul gariir,duufaano,roobab qasaarooyin ama faa,iidooyin geystay,cudur halis ah oo dilaacay,dad daroogo lagu qabtay,afduub nooc walba leh,sicir barar.cimilo si kadis ah isku bedesha, iyo arrimo kale oo fara badan,

Haddaba wariyeyaasha si ey dhegeystayaashooda ama akhristayaashooda ugu gudbiyaan isla markaasna u qanciyaan una soo jiitaan waxaa qasab ah ineey siiyaan xog dhab ah, waxaana lama huraan ah ineey u soo raadiyaan warar sugan oo xaqiiqda ku qotoma.

HABKA WARARKA LOO DIYAARIYO  

Hababka wararka loo diyaariyo waxa eey ka mid tahay qeybaha ugu muhiihmka u ah warbaahinta isla markaasna waa xirfad eey ku kala hormarsan yihiin suxufiyiinyta marka war la diyaarinzyo waxaa jira qodobo muhiim u ah war diyaarinta oo ka kooban lix qodob su,aaleed kuwaas oo kala ah.

1-WHY------------------MAXAY

2-WHERE--------------XAGEE

3-WHEN----------------GOORMA

4-WHO------------------KUMA

5-WHY-------------------SABAB

6-HOW-----------------  SIDEE

Ugu yaraan 2 ka mid ah suu,alahan ama ka badan waa in laga helaa warka ama sheekadda aad diyaarinayso,tusaale hadii aad akhritayaasha ama dhageestayaasha aad u soo gudbineyso shil ka dhacay meel ama wado waxa aay kaa doonayaan inay ogadaan goorta uu shilku dhacay,iyo cidda wax ku noqotay,sida eey wax u dhaceen iyo sababta eey wax u dhaceen iyo xaalkii dadka shilka wax ku noqday halka uu ku dambeeyay shilka kadib.

FIIRO GAAR AH: waa in lakala saaraa Ra,iga iyo warka, Ra,yi waxaa loo isticmaali karaa faalooyinka,sheekooyinka caadiga ah,iyo kuwa fiijarka ah.

SIDA LOO KALA XUSHO WARARKA

1-dhaqsaha- inuu yahay warku mid cusub oon hore an loo maqal.

2-saameynta-inuu yahay war xiiso leh leh oo raad ku reeba dadweynaha.

3-muhiimiyadda-in loo eego ama loo xusho sida eey muhiimiyaadiisu tahay       macnaha waxa weeyaan “wax ma sababayaa” ma yahay war ka soo baxay qof miisaan culus ku dhex leh buslahadda.

4-dhawaanshaha- inuu yahay war ka dhaca dalkaaga tusaale marka aad soomaaliya joogto halkii aad ka hadli lahayd war ka dhacay Ruushka ama Mareeykanka waxaa kaaga muhiimsan oo dadka ka jecelyihiin in aad u soo bandhigto wararka ka dhaca dalkooda, balse inaad soo  gudbiso dad soomaali ah oo dhacdo ku qabsatay dal shisheeye ah waa war soo jiidan kara dadweynaha tusaale ahaan:

Kooxo maafiyo ah oo dad soomaali ah ku afduubtay dalka talyaaniga.

Sidoo kale mararka qaar wararka  saameynta ku leh dunidda waa lama huraan in la qaato tusaale: Madaxweynaha mareeynkanka hadii uu geeriyoodo ama uu shil galo waa muhiim soo bandhigistiisa.

5-La yaab- inuu yahay war lama filaan ah oo lala fajaco amakaagna ku reeba bulshadda tusaale:nin qaniinay eey  waa layaab laakiin eey qaniinay nin layaab maahan, sidoo kale qof bili,aadam ahaa oo iska badala suuradiisii hore waa layaab warna waa laga dhigi karaa.

Dadka caadiga ah war ma noqdaan ilaa eey kala kulmaan waxyaabo aan caadi ahayn  tusaale: “nin soomaali ah ayey booliska ingriisku qabteen isagoo jiifa darbi ku yaala faras magaalaha London” war maahan laakiin hadii aan dhahno.

“booliska magaalada London ayaa qabtay wiil uu dhalay Rai,sul wasaaraha dalka ingiriiska Gordon brown isagoo jiifa darbi ku yaala faras magaalaha London” waa war

WAA MAXAY CIWAAN AMA (NEWS LEDE) SIDEE AYAANA LOO SAMEEYAA?

Ciwaanka warka (lede) waa waxa aqristaha ama dhageeystaha ku xambaara inuu hoos ugu daadagao nuxurka warka ciwaanka warkuna waa midka tilmaama muhiimyada warka uu leeyahay waxaana caadiyan haboon inuusan dhaafin (30-50) xaraf  uuna lahaado xamaasad iyo naashnaashitaan aan ka badbadis lahayn xaqiiqdana ku tiirsan.

Ciwaanka warka waxaa lagu tilmaamaa “war iibiyaha”sameyntiisana waxaa loogu kala duwanyahay hadba sida eey suxufiyiintui ugu kala wanaagsan yihiin hab suugaaneedka iyo ereyadda sida loogu kala qanisan yahay afka soomaaliga.

Tusaale: “golaha amaanka ee qaramadda midoobay oo ka fariistay arrinta soomaaliya kana soo saaray qodobo xasaasi ah” waa war xiiso leh balse hadii aan dhahno “Golaha amaanke ee qaramadda midoobay oo ka fariistay arrinta soomaaliya” warkani markan saameyntiisa waa yartahay sababtoo ah kama muuqato wax hamuun galin kara akhristaha ama dhageystaha.

Samenyta wararka salka ku haya qilaafaadka u dhaxeeya madax dowladeed ama urur waa eey ka duwantahay sameynta wararka caadiga ah waxaanan idiinku soo gudbin doonaa qormooyinkeyga soo socda haduu ilaahay idmo.


Zakariye Yussuf Hussein (ilka asse)
Zakariye1@hotmail.com
Xafiiska Qaranimo Online.
Nairobi, Kenya 

 


Xafiiska Wararka ee Toronto, Canada

Qaranimo Online

info@Qaranimo.com


 

Custom Search

Sponsored links

CALL MAANTA COMPUTERS TODAY!

FOR BACK TO SCHOOL DEALS!

 

416.243.3313

7 days a week


 

who's online