Home Contact us Country Profile

Presidential Profiles

Sports Religious Pages Videos Audio

Maxed Qanyare "Soomaaliya hadda dowlad kama jirto baarlamaan keliya ayaa sharciyan jira"

 

 

Posted on Qaranimo Online -


: Xildhibaan Maxed Qanyare Afrax oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka federaalka ayaa isagoo ku sugan magaalada Muqdisho wareysi ay la yeelatay Idaacadda VOA-da Laanteeda Af-Soomaaliga wuxuu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin magacaabista wasiirada dhowaan uu magacaabay raisul wasaare Nuur Cadde ee uu ansixiyey madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, shirka abaabulkiisu ka soconayo Kenya ee loo qabanayo dowladda federaalka, xaaladda ammaan ee dalka & arrimo kale.
 
"Maxkamadda sare sharciyada in ay jirto xittaa aniga ma aaminsani, maadaama ninkii madaxda ka ahaa sharci darro lagu xiray, waana hay'ad aan guddoomiye laheyn goáanka ay baarlamaanka ku dureysana waa wax iska musuq maasuq ah oo aan xaruuf sharciyadeed shaqo ku laheyn, xaq ba uma laha in ay wax fasirto, wasiir la eryaayo & wasiir la magacaabayana wax shaqo ah kuma laha maxkamadda sare" ayuu yiri Maxed Qanyare.
 
Maxed Qanyare waxaa la weydiiyey waxa uu kala socdo shirka qabanqaabadiisu ka socoto dalka Kenya, waxaana uu ku jawaabay.
 
"Shirka Kenya lagu wado inuu ka dhaco waan la soconaa, ajendaha shirkana miiskan horteeyda ah ayuu saaran yahay, waana ognahay waana ictiraafsanahay xildhibaanaduna kuma kala jabna, sababtoo ah dowladdu iyadaaba sheegtay in ay fashilantay, Addis Ababa ayaa doorkaan doorkii ka horreeyey looga soo saxiixay, qodobada heshiiskaasna baarlamaanka waa laga hor akhriyey, Soomaaliya hadda dowlad kama jirto baarlamaan keliya ayaa ka jira waana in dowlad loo sameeyaa, IGAD caawinaadeeda ayaa markii horeba dowladda lagu soo dhisay waana loo baahan yahay, shirkaasna waa mid la isku raacsan yahay oo la aadaayo, qof war ka qabtaana ma jirto, haddii ay jirtana wa wax shaqsi ah"
 
Waxaa kaloo la weydiiyey Xildhibaan Qanyare sida uu u arko hadalkii canaanta ahaa ee raisul wasaaraha Itoobiya u jeediyey madaxweynaha dowladda federaalka, wuxuuna ku jawaabay
``Hadalkaas waxaa iiga baxay anigoo aanan hadda dooneyn in aan sii dhexgalo, laakiin haddii ay yiraahdeen madaxda sare ee dowladdu annaga xilkii na lagu ogaa waan gudan weynay, waxa ku xigaa maxeey kula noqonayaan adiga marka"
 
Mar kale Qanyare wuxuu yiri ``Ninkii meel fagaare ah soo istaagay ee yiri aniga xilkii la i saaray ma gudan karo wax uu meesha ka sii qabto ma garan karo waa wax caqli iga badan``
 
Suáal kale oo la weydiiyey Maxed Qanyare ayaa aheyd xaaladda ammaan ee dalka Soomaaliya, wuxuuna ku jawaabay.
 
``Ammaan ma jiro, Xamar hal dariiq ayaa furan oo ah jida garoonka gala ee Makka Al-Mukkarama ee madaxtooyada ka soo baxa, Baydhabo na habeenkii xabbado ayaa ka dhaca waa la soo galaa, marna booliiskaa caabiya oo ka bixiya, marka meel ammaan ah oo dowladdu gacanta ku haysaa ma jirto.
 
Xildhibaanka waxaa la suáalay in haddiiba ammaan uusan jirin, dowladdiina aad leedahay waa fashilan tahay miyaan la gaarin waqtigii aad ummadda u sheegi laheydeen is casilaadiina maadaama aydnaan talo faraha ku hayn, wuxuuna ku jawaabay.
 
``Annagu ma nihin fulin (Executive) ee waxaan nahay sharci dejiyeyaal, wixii sharci na looga baahdana waan dejineynay, waxa eedeysan waa xukuumada & madaxweynaha ee baarlamaanka ma ahan, wixii ay dowladda inooga baahato oo ay soo codsadaana waan u fududeynaa ee kuma dhibno, meesha ay sartu ka qurantay waa madaxweynaha & xukuumada``
 
Ugu danbeyntii xildhibaan Qanyare waxaa la weydiiyey shirka Jabuuti maxaad is leedahay wuu ka bedeli karaa karo xaaladda haatan jirta Soomaaliya.

Shirka Jabuuti marka indhihiisa aad fiiriso shirkaan Kenya lagu wado inuu ka dhaco & shirka Jabuuti labo shir oo is dhinac socda ma noqon doonaan mid un baa lagu soo biiri doonaa``
 


C/shakuur Cilmi Xassan
E-mail. Cabdishakuur48@live.com

 


Xafiiska Wararka ee Toronto, Canada

Qaranimo Online

info@Qaranimo.com


 

Custom Search

Sponsored links

CALL MAANTA COMPUTERS TODAY!

FOR BACK TO SCHOOL DEALS!

 

416.243.3313

7 days a week


Yes, if you are using bell or Quest, you are paying too much. You can get cheap home phone by using your internet, yes internet. We Somalis are the last to learn this stuff. Learn all you can about voip (voice over IP) if you have no clue what IP is, than you will need to learn that first. below is a link where you can learn about voip. http://www.voip-4-non-geeks.com/

who's online