Home Contact us Country Profile

Presidential Profiles

Sports Religious Pages Videos Audio

Abwaan Maxamed Cumar Nuur (Abwaan Nadamiye )agasimaha wacyi galinta bulshada iyo abaabulka fanaaniinta qaranka oo ka warbixiyey xaalada keydka idaacada wareysi aan la yeeshay xili ay socotay isrisaaseyn u dhaxayso laba kooxood oo iska soo horjeedo

Posted on Qaranimo Online - October 13, 2008

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia

 


Codkii abwaan Maxamed Cumar Nuur halkaan ka dhagayso

 

Abwaan maxamed Cumar nuur ( abwaan  nadamiye )agasimaha wacyi galinta bulshada iyo abaabulka fanaaniinta qaranka

Abwaan maxamed Cumar nuur ( abwaan nadamiye )agasimaha wacyi galinta bulshada iyo abaabulka fanaaniinta qaranka

- Muqdisho: iyada oo aan qoraal lagu koobi Karin tilmaanta abwaankaan ayaa waxaa uu baaq ku soo saaray erey bixin cusub oo lagu bedeli doono ereyga dib u heshiisiin wuxuuna soo saaray in la isticmaalo ereyga ( dhab u heshiisiin )

keydkaan waxaad ka heli kartaa waxyaabihii dhacay intii dalka Soomaaliya uu qaran jira ahaa, wixii hoggaamiye soo maray oo ay ku jiraan xiligii maxaakimta hogamiye kooxeedyadii ama madaxwaynayaal qudbadahoodii iyagoo kayd ah ayay yaallaan.

 

 "Keydka idaacadda Raadiyo Muqdisho oo la furay 1951dii ayaa  nabaad guur qarka u saaran" idacadan ayaa waxaa ka muuqdo daryeel la.aan waana mid aan la dayactirin in mudo ah iyada oo ay sii dheertahay duqeyntii UNISOM ,USA ee dagaalkii horaantii sagaashameeyadii dhex maray somalida iyo ciidamadii shisheeye ee dalka yimid

                               

 

waxaa inoo suurta gashay in aan galno  Xafiiska keydinta hadalka ee idacada radio muqdisho oo ah hanti ay leedahay dhamaan umada somaliyeed meel kasta oo ay joogaanba waxaana yaal maaalyiin cajaladood oo ay ku duuban yihiin ilaa iyo  1951dii  wixii la uruurinayey waxaana idiinkaga diyaarinay  warbin dhinacyo badan taabaneysa

 

suxufiintii hore

suxufiintii hore

makiinadaha oo dayacan

makiinadaha oo dayacan

suxufiintii hore

suxufiintii hore

keydka idacada readio Muqdisho

keydka idacada readio Muqdisho

Abwaan maxamed Cumar nuur ( abwaan nadamiye ) agasimaha wacyi galinta bulshada iyo abaabulka fanaaniinta qaranka ayaan ka wareysanay arimahaas wuxuuna faka ku so jiray ilaa iyo 1957dii abwaankaan ayaa shaqada wuxuu la bilaabay abwaanada kala ahaa siciid xarawe ,xaliimo khaliiif  Magool ,iyo abwaan cabaaye isaga oo abwaan noqday sanadkii 1967dii ,

 

Abwaan nadaamiye ayaa intii uu fanka ku jiray wuxuu soo saaray riwaado, heeso jaceel iyo wadani isugu jira  iyo kuwo lagu amaanayey madaxweynihii kacaankii barakeysnaa sida heestii siyaad salaan  haloo diro oo ay daadi jirtay hoboladii shariifo samow  , heesaha uu alifay waxaa ka mid ahaa oo kale dumarow dab la oogay , ragow dumarku waa tiir , hadaad diiday hadalkayga habeen wacan nasiibkeyga , bardihii ku yiil isha baydhabo , waa macaan kolna waa qaraar hadba waa siduu kuu soo maro , abwaankaan ayaa ahaa macalinkii fananka weyn ee xasan adan samatar oo inta badan heesihiisa ku luuqeeyo,

 

 iyada oo aan qoraal lagu koobi Karin tilmaanta abwaankaan ayaa waxaa uu baaq ku soo saaray erey bixin cusub oo lagu bedeli doono ereyga dib u heshiisiin wuxuuna soo saaray in la isticmaalo ereyga ( dhab u heshiisiin )

 

Waxaana  jeclahay inaan is talo waydiino qaabkee ayaa wax looga qaban karaa

suugaanta iyo hantida min guureysa iyada oo aanay jirin cid isu xilqaanta wax ka qabashada howshaan baaxada leh waxaana loo baahan yahay in lagu smaeeyo dib  habeen deg deg ah  keydkii cajaladaha ee uu lahaa qaranka

somaliyeed oo nabaad guur qarka u saaran kaas oo ay

yaalaan qeybo ka mid ah suugaan kala duwan waxyna isugu jiraan heeso

,wadani ah, jeceel , gabayo , guurow ,geeraaro , buraabur, shirib ,riwaayado,

sheekooyin,  dersino diini ah ,tafsiirka quraanka kariimka ah ,iyo qudbadooyinkii

madaxdii soo  martay dalka somaliya laga so bilaabo 1951kii ilaa iyo 2007 .

 

Abwaan maxamed Cumar nuur ( abwaan nadamiye ) agasimaha wacyi galinta bulshada iyo abaabulka fanaaniinta qaranka   iyo abwaano kale

ayaa waxey kormeer ku tageen keydka cajaladaha ee Radiyo Muqdisho

 

Abwaan maxamed Cumar nuur ( abwaan nadamiye ) agasimaha wacyi galinta bulshada iyo abaabulka fanaaniinta qaranka  ayuu kaga warbixiyay xaaladda uu ku sugan yahay keydkii Qaranka ee idaacadda Raadiyo Muqdisho "Keydkii Cajaladaha ee Raadiyo Muqdisho waxaa ku keydsanaa ilaa iyo 1951dii wixii ka danbeeyey  xaladihii soo maray dalka qudbooyinkii ,heesihii , suugaantii fanaaniintii Soomaaliyeed, waxaana dhibaatooyin ay soo gaareen xilligii ciidamada  UNISOM ay  duqeynta u geysteen, taasoo ay hadda ka muuqato haraaga yaalla keydka Idaacadda Raadiyo Muqdisho.

 

 waxa ka dhex muuqanayo makiinadihii qaarkood wixii burburay, nasiib wanaag intooda kale waa laga raray oo waxaa la geeyay qolka kaydka cajaladaha ee Raadiyo Muqdisho"intii aan ku guda jirnay qeybta keyga wararka ee idaacada Radiyo Muqdisho ayaa

 

Waxaa gidaarada ku dheganaa sawiro ay lahaayeen wariyayaal soo maray

idaacada oo aan ka xusi karno sida sawirka Adan Nuux Dhuule, Cali

Sh: Axmed Caraale oo aan ku xasuusto barnaamijkii bandhiga Radiyaha

,Cabdi Idiris Ducaale iyo kuwa kale oo farabadan".

Goobaha lagu hayo cajaladaha qaranka waxay lahaan jireen

qaboojiyayaal fara badan,

 

waxay ku duubnaayeen qaababka cajaladihii wareegsanayay, haddase

adduunku wuu horumaray, waxaa la joogaa heer Flash disk-ga lagu xareeyo in ka

badan 5 kun oo hees, kaydka hadda noo yaal ma ahan mid casriyeysan, ilaa 1960kii

waxaad ka heli kartaa waxyaabihii dhacay intii dalka Soomaaliya uu qaran jira ahaa,

wixii hoggaamiye soo maray ama madaxwaynayaal qudbadahoodii iyagoo

kayd ah ayay yaallaan.

 

Waa qayb ka mid ah meelaha ay yaalaan kaydkaasi Raadiyo Muqdisho,

waxaana ku dhacay

dhibaato iyo bur-bur baaxad wayn oo runtii lagu duqeeyay diyaarado

casri ah sida AC-130 oo uu Maraykanku leeyahay, nasiib wanaag maanta waxaa inoo

suurto gashay  inaan ka warbixino xaaladda ay ku sugan tahay suugaanta iyo dhaqanka

Soomaaliyeed oo   nabaad guur qarka u saaran.

"Fanaaniinta Soomaaliyeed maanta waxaan u malaynayaa nin kasta oo

meel jooga marka  uu maqlo fanka Soomaaliyeed aad buu u qiiroonayaa, waxyaabaha uu u

qiiroonayana ma ahan wax kalee waa xukuumaddii kacaanka heerka ay gaarsiisay weeye,

dhab ahaan  waxaad ogtihiin in fanaaniinta sida mushaarka jaamiciyiinta ay

qaadan jireen, waxaad  kaloo ogtihiin in festifaallo ka qayb geli jireen, waxaad kaloo

ogtihiin in la  qiimayn jiray, laakiin ayaan darro mar kasta waan jeclahay inaan

sheego dhibkaasi  annaga ayaa keenay (Wuxuu abwaanku kaga jeedaa in abwaanadu ay

kiciyeen shacabka  Soomaaliyeed kuna dhiirageliyeen inay dagaallamaan, maantana ay ka  dhaxleen inay  noqdaan bulshada kuwa ugu hooseeya uguna taagta daran).

 

Intaa kaddib waxaa la gudo galay in la soo kormeero keydka

cajaladaha ee idaacadda Raadiyo Muqddisho, taasoo uu ka warbixinayay fure hayihii soo

xanaaneeyay keydkaas muddadii 17-ka sano ahayd, kana ilaaliyay bililiqada iyo boobka iyo  inay waxyeello  soo gaarto cajaladaha Qaranka Soomaaliyeed, isagoo mid mid u

qaadayay, waxeeyna tii  ugu horreysay ay noqotay cajalad magaceeda la yiraahdo "Dhalad"  taasoo uu ku  luuqeeyo C/qaadir Jubba, waa waddani, afar daqiiqo iyo soddo

ilbiriqsi ayay  soconaysaa, waxaa la qabtay 1985tii, miraha waxaa lahaa Xasan Ganey,

waxaana laxanka saaray Daa’uud Cali Masxaf, waxaa qabtay maalintaas

Alle ha u naxariistee Axmed Inshaar  Cabdi Olol, waxayna ku jirtay riwaayaddii la oran jiray (Masiibada adduunyada iyadaa u macallin ah), sidaa ayay u wada calaamadaysnaayeen cajaladihii,

We Somalis are the last to learn this stuff. Learn all you can about voip (voice over IP) if you have no clue what IP is, than you will need to learn that first. below is a link where you can learn about voip. http://www.voip-4-non-geeks.com

kaydka yaallay oo gaarayay ilaa malyan  oo cajaladood kuwaasoo ay ka mid ahaayeen

intii la duubay  1951kii ilaa wixii ka dambeeyay, waxaana sidaa loo yeelay inayan

suugaanta raadkeeda lumin oo loo sameeyay waraaqo lagu qoray xilligii soo baxeen, ciddii qaadday, riwaayadda ay ku jirtay, sababta loo qaaday, waxaana ka mid ahaa

qayb ay yaallaan heesaha waddaniga, kuwo kacaanka ah, wixii lagu caayi jiray

dawladaha kale oo ay cadaawaddu naga dhaxaysay sida Itoobiya, kuwo isku jir gabayo ah, sheeko xariiro, jacburro ay ka mid yihiin kuwii C/laahi Dhoodaan,

 

qayb waxaa taalla darsiyada diiniga ah, qayb kale waxaa tiilay qasiidooyinka Nabi Ammaanka, kuwo soonka la saaro iyo iidaha, heesaha soo dhoweynta, heesaha geeraarada, cajalado Tafsiirka Qur’aanka kariimka iyo qiraa’adiisa, waxaa kaloo yiilay riwaayadihii lagu soo Bandhigay tiyaatarka qaranka, codadkii oo duuban, sheekooyinkii masraxyada lagu soo bandhigay kuwii ugu dambeeyay, qeyb waxaa saarnaa murtida maanta oo uu soo bandhigi jiray  Yuusuf Sheekh Cali Samatar, meel waxaa saarnaa cajaladihii lagu duubay qudbooyinka madaxdii hore ee dowladihii soo maray dalka, meel wayn ayaa waxaa daadsanaa cajalado ilaa 3 kun ka badan oo uu sheegay inay ahaayeen qudbooyinkii Max’ed Siyaad Barre, wuxuuna sheegay in aad loo ilaaliyay nin kastaba ha lahaadee.

 

Waxaa ka mid ahaa Qudbadii Max’ed Xaaji Ibraahim Cigaal ka jeediyay

qado sharaf uu  ka sameeyay Luuq Farendi la yiraahdo sanadkii 1968kii, Qeyb ayaa

waxaa saarnaa  qudbooyinkii ay jeediyeen madaxdii soo maray dalka intii ka

dambeysay dhicitaankii  dawladdii Max’ed Siyaad Barre, dunida Carabta kuwo laga duubay ayaa iyaguna rasaysnaa meel gees ah, heeso iyo barnaamijyo ajnabi ah ayaa iyaguna aan ka marnayn  keydka cajaladaha ee idaacadda Radiyo Muqdisho, waxaa iyagana  kabarrada saarnaa  heeso jacayl ah oo ay qaadeen hobolladii hore oo dhan, waxaana laga  heli kara  fannaan kasta oo laga duubay codkiisii isagoo sidiisii ah, keydkii

dumay isagu ahaa mid ay ka buuxaan cajalado gaaraya ilaa 13 kun oo

cajaladood kuwaasoo ay baabi’iyeen diyaaradihii UNISOM ee Maraykanka

uu watay ee AC-130,

 

iyadoo gurigiina uu dunsan yahay gantaalkii lagu

ridayna uu dhex yaallo. Cajalado dhowr kun gaarayay ayaa ahaa codadkii culimadii muddada lixda bilood ahayd xukunka haysay, wixii culimadaasi laga duubay ha ahaadeen dersi diini, qudbo, Qura’aan dhamaantood waxaan dhignay halkaas oo ay yaallaan" ayuu

yiri ninkii ka warbixinaya keydkii idaacadda Radiyo Muqdisho oo lagu soo bandhigay

munaasabad loogu  gogol xaarayay in loo qaybiyo idaacadaha keydka dhex ceegaaga

idaacadda Radiyo  Muqdisho.

 

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666  


Xafiiska Wararka ee Toronto, Canada

Qaranimo Online

info@Qaranimo.com


 

Custom Search

Sponsored links

manta computers

CALL MAANTA COMPUTERS TODAY!

FOR BACK TO SCHOOL DEALS!

 

416.243.3313

7 days a week


Yes, if you are using bell or Quest, you are paying too much. You can get cheap home phone by using your internet, yes internet. We Somalis are the last to learn this stuff. Learn all you can about voip (voice over IP) if you have no clue what IP is, than you will need to learn that first. below is a link where you can learn about voip. http://www.voip-4-non-geeks.com/


who's online