Tuesday
October 28, 2008 - Muqdisho:
Maxamed
Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) oo
ahaa gudoomiye ku xigeenkii dhinaca arimaha dibada maamulkii
xilka laga xayuubiyey ee gobolka banadir marna ahaa ku simaha
gudoomiyaha oo shir jaraid ku qabtay maanta Magaalada Muqdisho
ayaa ku faahfaahiyey qar ka mid ah dadkii lagu dilay dalka
koofurta Africa iyo Magacyadooda isaga oo sheegayna in dayactir
lagu sameystay umada somaliyeed.
Iyadoo
ay weli sii socdaan dilalka iyo dhibaatooyinka kala duwan ee loo
geysto shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sauth Africa, ayaa
waxaa maanta arrintaasi ka qeyliyay isla markaana ka hadlay
Maxamed Cusmaan Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) oo isagu si weyn uga
hadlay tacadiyada muwaadiniinta Soomaaliyeed loogu geysto
dalkaasi.
'Sauth
Africa dhibaatada ay Soomaali ku heyso ma jirto adduunka meel ay
ka dhacday' ayuu yiri Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) oo
sheegay in jirka dadka Soomaaliyeed laga dhigto dayactir, isagoo
Saxaafadda u soo bandhigay sawiro muwaadiniin Soomaaliyeed oo
jirkooda ay ka muuqato dhaawacyo nin mindi lagu jeexay madaxa
ilaa caloosha.
'Waxaan
ka xumahay in dalka Sauth Afrika meeshii laga filayay inay nagu
garab siiyaan sidii dalka Soomaaliya loo xasili lahaa, oo
ciidamo u soo diri lahaayeen ama ay caawin lahaayeen dadka
dhibaateysan ee Soomaaliyeed, waxay noogu bedeleen inay jirkeeda
ka dhigtaan Isbeer baartis' ayuu yiri Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur)
oo sheegay in dowladda dalkaas aanay iyadu waxba ka qabaneynin
arrintaas.
Md
Dhagaxtuur: 'IGAD inkastoo
ay waddo dadaal ummadda Soomaaliyeed lagu xaqiijinayo
nabadgelyadeeda iyo arrimaha siyaasadda, waxaan dhihi lahaa ha
iska fiiriso IGAD arrimaha Soomaaliya........'
'Dowladda
Sauth Africa amnigeeda waa sugataa, bankiyadooda lama dhaco oo
way ilaashadaan' ayuu yiri Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) oo
sheegay in Dowladda Sauth Afrika aanay waxba ka qaban dhibaatada
shacabka Soomaaliyeed loogu geysto dalkaas.
Waxa
uu sheegay in lala xisaabtami doono mar kasta oo dalka
Soomaaliya uu cagihiisa isku taagto, isagoo ammaanay doorka ay
dalalka deriska ah ku leeyihiin shacabka Soomaaliyeed sidii ay u
daryeeleen dadka qaxootiga ah ee dalalkooda tegay, isagoo qaar
ka mid ah dadkii lagu dilay Sauth Africa ka hor akhriyay
Suxufiyiinta, waana kuwan dadkii uu magacyadooda soo qaatay:-
Maxamed
Cabdi Faarax 14-kii November 2006,
Marxuum
Axmed Cusmaan Qayre oo 24-jir ah,
Saddex
nin oo lagu gubay Dukaankooda, magacyadooda:
1.
Yuusuf Yare
Maxamed
Shaafi Sheekh Xareed,
26-ki
Sebtembar qoys Soomaali ah oo lagu dilay dalka Sauth Afrika,
magacyada Qoyska:
Hooyo
Saciido Aadan Maxamed
Ibraahim
Shariif 14-sano jir
Maxamed
Shariif 19-sano jir iyo
Gabar
12-jir ah
'Dalalka
deriska nala ah, sida Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti waxaan uga
mahad celinayaa sidii ay u soo dhoweeyeen dadka Soomaaliyeed ee
u qaxay dalalkooda' ayuu yiri Md. Dhagaxtuur, oo dhinaca kale
sheegay in dalka Sauth Afrika uu noqday kawaanka muwaadiniinta
Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in dalka Sauth Africa aanay u
abaal gudin shacabka Soomaaliyeed oo iyagu garab istaagay una
hiiliyay markii ay dalkaasi ka talinayeen cadaanka tirada yar.
Sidoo
kale Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur waxa uu ka hadlay xaaladda
arrimaha bulshada Soomaaliyeed ee xilligan ay ku sugan tahay,
isagoona sheegay inuu u mahad celinayo ganacsatada Soomaaliyeed
oo iyagu waxoogaa hoos u dhigay qiimaha ascaarta, wuxuuna ku
booriyay inay hoos u sii dhigaan qiimaha raashinka iyo
alaabooyinka kale.
'Waxaan
ka codsanayaa hay'adaha samafalka maadaama la guda gelayo
xilliga jiilaalka inay gargaar kala duwan la gaaraan qoysaska ku
dhibaateysan dalka gudihiisa, gaar ahaan magaalada Muqdisho iyo
daafaheeda, isagoo ugu baaqay sidoo kale inay jiraan goobo oo
biyo la'aan ay ka jirto, isla markaana u baahan in ceelal loo
qodo' ayuu yiri Md. Dhagaxtuur oo sheegay inuu cambaareynayo
dilalka iyo ugaarsiga lagu hayo saraakiisha hay'adaha samafalka
ee ka howlgala dalka.
'Dilalka
iyo ugaarsiga lagu hayo saraakiisha hay'adaha samafalka aad iyo
aad ayaan uga xumahay, waana cambaareyneynaa arrintaasi, waxaana
soo jeedinayaa in Hay'adaha samafalka howlahooda loo madax
banneeyo' ayuu yiri Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) oo
hay'adaha samafalka ku wargeliyay inaysan dheg jalaq u siin
kooxo ay sheegaan inay taleefanno u soo diraan.
Dhinaca
kale Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) waxa uu ka hadlay
xaaladda siyaasadda dalka, xilliga kala guurka, heshiiska
Jabuuti iyo wicitaanka IGAD ee Dowladda KMG Soomaaliya, isagoo
sheegay inuu soo dhoweynayo heshiiska ay dalka Jabuuti ku
gaareen dowladda iyo Isbaheysiga dib u xoreynta, taasi oo uu ku
tilmaamay inay tahay mid yididiilo leh oo shacabka
Soomaaliyeedna qiimo weyn ugu fadhida.
'IGAD
inkastoo ay waddo dadaal ummadda Soomaaliyeed lagu
xaqiijinayo nabadgelyadeeda iyo arrimaha siyaasadda, waxaan
dhihi lahaa ha iska fiiriso IGAD arrimaha Soomaaliya, waayo dad
badan talada Soomaaliya ka dhaxeysaa, waxaan soo jeedinayaa IGAD
in iyadoo xal raadineysa inaysan sii fogeyn arrinta Soomaaliya
oo ay si feejigan u gasho arrinta Soomaaliya' ayuu yiri Md.
Dhagaxtuur oo sheegay inay jiraan dad kale oo ay quseyso arrinta
Soomaaliya kuna sugan gudaha dalka.
Muuse
Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666