Saturday,
September 06, 2008 -
Oday Soomaaliyeed ayaa waxaa halhays u ahaan
jirtay Soomaali aragtayaa, yaab aragtayaa!
Dunidan cid walba soo martay! Wali lamahayo dad dalkooda
iyagu gacantooda ku burburiyay, kuwo asturta oo dhista mooye, lama
hayo dad calan iyo Dawladnimadoodi iska tuura oo duli ka doorta.
Iska dhaaf Dunidan oo dhan oo dhafoorada haysta oo la yaaban
dadka Soomaaliyeed waxa ay ka samaysan yihiin, ee anagaa xitaa
yaaban oo waxaanu la yaabanahay dadkan sidii diirta wax walba
fiiqanaya ama sidii hamaadaygii wax walba leefaya meesha ay ku
jireen shalay ee ay ku qarsoonaayeen iyo dadka noocas ah ee aanu
aragnay sida aanu isku dad iyo dalba u nahay.
Aduunka siyaasad iyo caqli ayaa la isku dhaafay. Ma jiraan
Soomaali aan caqli lahayn. Qof aan xitaa cilmi lahayn waa
fahmi karaa in nalaga caqli badiyay oo cadawga Soomaalida middidii
aan isku dooxi lahayn daabkeeda gacanta loo galiyay kuwo Soomaali
ah (Kooxda Imbadhati). Sida ay wax u socdaan, marka kumanyaal
albaabada qaxootinimada loo furay, oo kumanaan kalena abaar
dhamaynayso iyo kuwo kale oo dalka gudihiisa ku macluulsan oo
Dawladii u miciini lahayd kolba cid lug goynayso iyo dalkii oo la
kala qaybiyay, natiijada sida ay noqon doonta Ilaahay mooye, cid
kale oo sheegi karta ma ay jirto.
Aduunku waa dugsi weyn oo nolosha ayaana macalin ka ah.
Waxaadna maalin walba la kulmaysaa waxyaalo aad la yaabto.
Hadii ay dhacdo dad Soomaaliyeed oo walaaladaa ah iney nolasha
idin kulmiso oo aad la yaabto dhaqan xumadooda iyo mararka qaar
xumaatada ku jirta, waxaysan ka fursanayn inaad iska dul
qaadato oo aad baryo iska wado si aad u ogaato maalinba maalinta
xigta sida ay u fakarayaan, xumaatada ku jirta, sababta ay ugu
jirto, inta ay gaarsiisan tahay, waxyaalaha khuraafadka ah ee ay
iska dhaadhiciyeen ama aaminsan yihii.
Soomaalidu maxay horte runta uga baqdaa wax kasta oo kalaba waata
ku dhiiranaata ee? May Soomaalidu runta isu
sheegto? Ragan burcada iyo argagaxisada ah
ee ay ku dul ingegeen dhiiga dadka Soomaaliyeed cidina ma hoos
timaado. Cid ini hoos imanaysa ayaanba jirin, war hooy!
Inta goori goor tahay Soomalinimada raadiya oo ka waantooba
xaarantaan aad macaansateen, waayo xaraani cawaaqib xumo ayeey
leedahay.
Midda kale, qof kasta oo dunidan ku kor nool waa kii maalin uun
dhinta, kumanaankii Saraakiil iyo dhiigyacab ahaa ee xasuuqa
shacabka Soomaaliyeed ka danbeeyay soow aduuna kama aysan
tagin, aakharana kuwo cadaabta galaya soo ma aha, ileen dhiigi ay
daadinayeen dhiig Amxaaro muusan ahayn ee waxay kuwaasi dilayeen
oo ay xasuuqayeen walaalahooda. Dad Soomaaliyeed oo
Muslim ah. Kuwan maanta wax maamulaya ee isu haysta
wadaniyiinta, iyagana Taariikhda ayaa qori doonta sida ay wax u
dhigaan!
Maxamed Siyaad oo la wadaa ogaa inuu aad u necbaa Amxaaro oo
waliba dagaal uu la galay 1977, hadii uu maanta ogyahay inu dalkii Amxaar
u taliyo, wax badan ayuu xabaasha dhexdeeda ka qosli
lahaa.
Hadaba hadii aan isku dayo in aan ka xog waramo Kooxda Imbaghati
oo shacabka Soomaaliyeed kula kacday wax ala wixi kharbudaad
iyo kharibaad ahaa ee loo adeegsan lahaa cadawga
Somaliya, oo aan xitaa cidina loo aabo yeelin, marka
hore waxaan kaga bilaabaya Odayga Cabdullahi Yuusuf.
Cabdullahi Yuusuf Axmed.
Halgamaagi Xoriyada iyo Qaranimada Ummada
Soomaaliyed Sayid Maxamed Cabdalle Xasan hadi uu maanta xabaasha
kasoo bixi lahaa, waxaan shaki ku jirin inuu odhan lahaa ( War ma
khaa,inkii waynaa ee Cabdullahi Yuusuf ayaa wali idink ku dhex
jira, oo aydaan iska qaban).
Maxaynu marka isuba sheegaynaa hadaan Soomaali
nahay? Haduuba kaasi Madaxweyne idiin yahay marka
Amxaarkuna waa Xaaji! Hitlerna marka waa Wali! Caydiidkii
dhintayna waa Shariif.
Mujrimkii ugu waynaa siyaasiyiinta saxaroobay
ee Soomaaliyeed haduu yahay Madaxweyne waa waxa Ilaahay u duleeyay
Soomaali.
Tola´ay oo Tol beelay! Awood aan kusoo qabto
ayuun baanan lahayn ee Mujrimkaas oo kale wuxuu mudnaa inuu maanta
labada gacmood iyo labada lugood ee xun xun ka katiinadaysnaado oo
uu xabsigii Gaalshire ku googo´o.
Tii dhashay isaga haday ogaan lahayd inuu
maalin maalmaha ka mid ah buulkeeda iyo dalkeedaba dab qabadsiin
doono, habeenkay dhashay bay waraabaha u tuuri lahayd, ka ciyayay
meelahaas baadiyaha ahaa ee ay ku dhashay.
Cabdullahi Yuusuf wuxuu ahaa ninkii ummada
Soomaaliyeed u horseeday Amxaaro iyo meel baas isagoo waxa dabada
ka wada uu ahaa cuduradii caanka ahaa ee qabiilka dhigiisu ku
shaqeeyo, hunguri weyni aan wax tar lahayn, iyo xaar ka buuxni.
Walee Soomaali baan hagaagin! Caydiid
iyo Cali Mahdi oo la wada ogyahay xasuuqay gaysteen ayaa
wadaniyiin noqonaya marka loo eego khaa,inkaas dalka Soomaaliyeed
iyo Ummada Soomaaliyeed karaamadeedi iyo jiritaankeedi ku
galgashay. Xitaa kuwa qabiil ahaanta u daba ordaya iney
qalbiga la,yihiin waligoodba isma aysan waydiin dhibaatooyinka uu
u keenay ninkaasi.
Haddaba Cabdullahi Yuusuf maanta waa nin da,
ah oo aan ka yarayn Fidel Castro. Soomaalidu
waxay tiraah : Geeriyi hadey ku deyso, gabow baan ku deyn.
Waxaaba marka dhici karta inuusan muddo dheerba inala sii joogin
Korneylku. Waxaana haboon inuu isaguna ummada
Soomaaliyeed cafis waydiisto ummadduna iska cafiso haduu
geesinimadaas la yimaado.
Cabdullahi Yusuf Soomaali ayaa dooratay. Markaasaa loo diiday
dawladdii uu madaxweynaha
ka ahaa iney Muqdisho fariisato isagoo xitaa 'warlord' kasta
ka qeyb galiyay dawladdiisii.
Waxaa lagu kalifay inuu Amxaaro dalka keeno. Taariikhda
ayaa qiimeyn doonta talaabooyinkuu ku kacay.
Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid.
Cabdiqaybdiid wuxuu ka mid ahaa Mooryaanti soo
shaac baxday burburkii dalka 1991, wuxuuna ka mid ahaa
hogaamiyayaashi Jabhadii USC oo uu ka tirsanaan jiray, xilal
badan ayuu kasoo qabtay DFKMG, imika xilka uu hayaa waa Taliyaha
Ciidamada Booliska Somaliya, wuxuu ka mid ahaa ragii safka hore
uga jiray Hogaamiye kooxeedka, xasuuqa ka gaysan jiray Muqdisho, ninkani
wuxuu ka mid yahay kooxda hadafkeedu yahay Somaaliya inay weligeed
ku jirto qas iyo jahwareer, si aan loogu maxkamadeyn dunuubtii ay
galeen dagaal oogayasha Soomaaliya. Ninkan wuxuu aad u
yaqaana sida loo dilo siyaasiyiinta ku sugan dalka, (Polotical
Assasination).
17 Octobar, 2005, Cabdiqaybdiid
ayaa lagu xidhay dalka Sweden isagoo la socday wafdi uu
hogaaminayay guddomiyihii hore ee barlamanka Somaliya Shariif.
Xasan Sh. Aadan oo dalka Sweden kala hadlayay dhibaatada Somaliya. Wararka ayaa
sheegaya in Garyaqaanka dacwada soo oogay uu sheegay in ay gacanta
ku hayaan cajal fiidiyoow ah oo la duubay isagoo Qaybdiid
gacantiisa (ama amarkiisa) ku dilaya 4-Wiil oo Soomaali ah,
dhacdadan ayaa waxay ka dhacday Magaalada Jilib.
Cabdiqaybdiid waxaa lasii daayay 21-Octobar, 2005.
Qaybdiid wuxuu sheegay in xadhigiisu ahaa mid
siyaasi ah, oo uu ka dambeeyey madaxweynaha Somaliya, Cabdullahi
Yusuf Axmed. Hase yeeshee, madaxweynaha Somaliya oo Arbacadii
Jowhar ka hadlay ayaa sheegay in uusan shaqo ku lahayn xadhiga
Qaybdiid, ka dib markii warbaahintu fidiysay in uu ku lug lahaa
xidhigaas.
Qaybdiid wuxuu ahaa hogaamiye maleeshiyo oo
xiriir la lahaa hogaamiyihii geeriyooday Maxamed Faarax Caydiid,
oo markii dambe ku biiray koox ka soo horjeeday oo uu hogaaminayay
Cismaan Xassan Cali Caato intii uu jiray dagaalka sokeeye.
Qaranka Soomaaliyeed inuu jabay waxaad ku
garan kartaa, ma Qaybdiid oo lawada garanayo inuu yahay nin
xanuusan oo xasuuq ka gaystay shacbiga reer Muqdisho oo
maskaxda ka jiran ayaa hawaysan lahaa inuu Taliyaha ciidanka
Booliska Soomaaliyeed noqdo.
Qodxaha, xangeeyada, injirta iyo miinooyinka
loo baahan yahay in laga dhex guro siyaasada Soomaaliyeed waxaan
odhan lahaa in loogu horaysiiyo intii xasuuqa gaysatay ee maantana
xil Dawladeed haya, si loo helo jawi fiican oo caafimaad qaba.
Maxamed Warsame Darwiish.
General Darwiish waa Taliyaha nabad sugida
Dawlada Federalka ee Somaliya, wuxuu ka mid yahay rag xasuuq ba,an
ka gaystay shacabka reer Muqdisho, boqolaal qof ayuu xabsiga
dhigay, isagoon wax danbi ah ku haynin.
Markiisi hore ninkani dalka Holand ayuu
ka yimid, London ayuu yimi oo uu usoo shaqo doontay, isla
markiiba wuxuu shaqo ka bilaabay dukaan la yidhaah TESCO oo uu ka
ahaa xamaal qaada alaabaha ama raseeya, maadama aanu cilmigiisu
gaarsiisanayn heer Jaamacadeed, taas ayaana keentay in uu
xamaal ka noqdo dukaanka TESCO ee ku yaala Leicester.
04-Disembar-2007, laba markab oo sida in ka
badan 3.50 tan oo raashin gargaar ah, oo uu markab dagaal oo
Faransiis ahi soo gelbiyay ilaa dekedda Marka, ayaa waxaa is hor
taagay in la dejiyo Gen. Darwiish oo markii danbana sheegay in uu
Maxadxweyne Yuusuf amarka bixiyay. Isla maalintii ku xigtay ayeey
DFKMG fasaxday gargaarkii loo waday dadka soo barakacay.
Soomaalidu waxay ahayd inuu mid walba midka
xun ee la qabiilka ah dhabarka u jeediyo, midka walalkiis ah
ee Ilaahay qabiilka kale ee fiican kasoo jeediyayna walaal ka
dhigto.
Dawladnimada Soomaaliyeed waa in laga fogeeyaa
yaa ila qolo ah, waa in laga dhigaa yaa ka bixi kara? Yaa
aqoonteeda leh? Yaa wax wadi kara? Astaamaha lagu garto in
Qarankii Somaliya la odhan jiray u burburay oo noqday kolba meel
Bazinka laga qaato, ma Darwiish oo xamaal ahaan jiray baa hawaysan
lahaa inuu xilkan oo kale qabta.
Darwiish iyo Qaybdiid waa laba nin oon waxba
is dhaamin oo bakhti iyo mayd kala ah, waa laba nin oo aan ka
waantoobeen daadinta dhiiga ummada soomaaliyeed. Askhaasta
noocas ah ee ummada Soomaaliyeed ableyda (toorida) kala dhacayay
dhabarka inay maanta isku sheegaan rag wadaniyiin ah sow arrin aad
iyo aad loogu qoslo maaha.
Yaraantaydi waxaan maqli jiray, qarankii
Soomaaliyeed god buu kasoo qaylinaya, waxaan shaki ku jirin
in Gen. Darwiish maanta uu dalka oo dhan siisan lahaan
baako sigaar ah!
Sheekh Aadan Madoobe.
15, Sebtember, 2004, waxay ahayd maalintii uu
Shariif Xasan Sh. Aadan loo doortay Afhayeenka Barlamanka, waxaa
la tartamayay Sheekh Aadan Madoobe, waxana looga codod badiyay 56
cod.
January 31, 2007 waxay ahayd maalintii uu
xukunka Gudoomiyinimada la wareegay Sh. Aadan Madoobe oo ka codod
batay ninkii kale ee la tartamayay ee ahaa Kiish Buur.
Aadan Madoobe wuxuu ka mid ahaa ragii soo
jeediyaya in Dawladu saldhiga ka dhigato magaalada Muqdisho, wuxuu
ahaa nin isu xiijin jiray in uu Cabdillahi Yuusuf ka ag dhawaado,
wuxuu ahaan jiray Wasiirka cadaalada ee Dawlada
Federalka, wuxuu soo kaca kufoba, aakhir riyadiisi waa
u meel martay oo wuxuu hantay in uu noqdo gudoomiyaha Barlamanka
Somaliya, laakin Cabdullahi Yuusuf iyo Itoobiya ayaa markii hore
meesha keensaday, ninkani si toos ah ayuu Meles Zenewi ugu
shaqeeya.
Wuxu ka mid yahay raga aan tacliinta heer
dugsi sare ah aan kasoo bixin, ee haddana xil muhiim ah ka haya
Dawlada Federalka, wuxu waa Dawlad lagu maamulo hadba fikirka
Meles Zenewi uu kula taliyo Cabdullahi Yuusuf. Aduunka
Dawlad kasta oo ku tirsan marka ay qof xil u dhiibayso waxaa
la eega Profile-ka qofkaas, hadii uu wanaagsanaado, xilka
ayaa farta laga saara oo lagu wareejiya, laakin ma Dawladan
Federalka ah ee dhimatay ayaa xeerkaas kuu taqaana?
Adigagaas akhrisanaya qoraalkaygan hadaad bari tagto dalkii ood
xoogay lacag ah isku hubsato, waxaan shaki ku jirin in aad usbuuc
gudahii maleeshiyo kuu dagaalanta oo waliba kuu daacad
noqota helaysid, hadaad rabtid aad Dawlada dhinac ka gali kartid, wuxu
Dawlad ma aha! Wuxu waa dad xaarka qastay. Maxamed
Siyaad subaxii la riday waxay ahayd in maamul fiican la helo, may
ahayn in xaarka la qastoo, oo meeshii laga soo buuxiyo qaar aad
moodaysay inay meel ku xidhnaan jireen iyo darawallo sida
ninkan Aadan Madoobe.
Cabdillahi Cosoble &
Cumar Dalxa & Gacmadheere.
Cali Cabdilahi Cosoble wuxuu
ka mid yahay Xildhibaanada Barlamanka Somaliya, wuxu ka mid yahay
raga ay kabahu kaga dhamaadeen sidii ay u ridi lahaayeen Xukuumada Nuur
Cadde. Cosoble wuxuu ka tirsanyahay Xildhibaanada
raacsan Madaxweynaha, ninkani waa nin la marin habaabiyay sidii
wasiiradii is casilayba loo marin habaabiyay, wuxuu ku socda
jid aan ahayn kii la mari jiray, wali isma oga, wuxu isu haystaa
inuu isla saxsanyahay. Wax la yidhaah Dawladnimo oo uma
muuqdaa ma ay jirto ee waxa u muuqdaa waa lacag iyo xaaran
loo balan qaaday, maxaad u malaynaysaa hadii lagu yidhaah lacag
qayru xad ah ayaa lagu siinaya ee Nuur Cadde kursiga ka tuur,
qofkii Damiir leh wuu diidi lahaa, laakin ninkani waa mid
ay ka guurtay xasuustu, oo ismaba oga inay Soomaali qas kusoo
jirtay in badan, alow xaqa tus isaga iyo kuwa kale ee lunsan
ee maanta sii cagacagynaya jidkii u gudbin lahaa halaaga iyo
meesha daran.
Pr. Maxamed Cumar Dalxa wuxuu
dhashay 1954kii waana 54jir, wuxuu ku dhashay Wanla Wayn ee
Shabeelada Hoose, waa nin nasiib xun, oo wuu kadeedanyahay
maanta, aduunka ayuu la qabsan kari la,yahay, kolba safar aan
macno lahayn ayuu kharashkii Dawlada ku dhameeyay isaga iyo ninka
la yidhaah Sh. Aadan Madoobe.
Cumar Dalxa oo la ogyahay in aanu wax
xukun siyaasadeed waxba ka aqoon, hawl wax tar leh oo uu
qabtay ama uu soo hooyay ma ay jirto, dhib mooye, waxa
kaliyah oo uu ka adagyahayba ayaa waxay tahay in uu marna kasoo
horjeesto Nuur Cadde, mar uu kasoo horjeedo Sh. Aadan Madoobe iyo mar
uu aflagaadeeyo qabiil Soomaaliyeed, waa mid aan waxbaba isku
falayn oon is ogayn waxyaabaha uu ku dhex jiro in ay sax
yihiin iyo in ay khalad yihiin.
Qaranka Soomaaliyeed wuxuu noqday sidii duurka
oo xayawaanku midba midka ka yar ku tumanayo.
Maxamed Maxamuud Guuled (Gacmadheere)
wuxuu dhashay 1954kii waana 54jir, wuxuu ku dhashay Degmada Hobyo.
Wuxuu ka mid yahay ragii Madaxweyne-nimada isu soo sharaxay
sanadkii 2000, balse lama dooraan, ninkan ayaa isna ahaan jiray
Wasiirka Arimaha Gudaha, waxaana lagu badalay nin kale oo la
yidhaah Muuse Nuur Aamiin. Gacmadheere imika waa
xubin muhiima ah oo ka tirsan barlamanka DFKMG,wuxuna familigiisu
degen yahay carriga Ingiriiska gaar ahaan magaalada London,wuxuuna
ahaa oday caydha qaata oo aan weligiis u dhaqaaqin shaqo,ka hor
intaanu noqon Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFKMG.
Waxaa la sheega in uu hay,ada QM u qaabilsan xaga cuntada ee marka
magaceed lasoo gaabiyo loo yaqaan WFB (World Food Program) in ay
raashin iyo daawooyin ugu deeqday dadka Muqdisho degen. Isagu
wuxuu ka masuul yahay barakaca 1200 oo qof, oo loo waday raashiin,
barakaca dadkaasna uu isagu ka masuulka yahay, balse uu isagu ku
tilmaamay in ay dhacen raashinka iyo daawooyinka lasoo diray.
Yaa cilmi u leh oo caddeeyey in raashinku iyo daawooyinku dhaceen?
Raashinka dhacay cilmiga lagu baaro waxaa loo yaqaan (Toxicology).
Jaamiciga Somaaliyeed ee cilmiga (Toxicology) soo bartay waa kuma?
Su’aashaan jawaabteeda waxaa laga rabaa Maxamed Gacmadheere.
Soomaalinimo?
Aaway? War aaway Geedki la hadhsan jiray
ee Soomaalinimada ku taagnaa? Aaway Dawladnimadii Ummada
Soomaaliyeed? Maanta sawta 18ka sano la marayo ma aha? Aaway
dalkii la oran jiray Soomaaliya ee aduun waynuhu oo dhan la
macaamiloon jiray ee iska lahaa dayuuradaha, hay,adaha, iyo
safaaradaha dibedda ka matala.
Soomaalinimo ma aha waxaan ku dhex dhashay
Somaliya, mitaal Gaalkacyo, Hargaysa, Muqdisho, Soomaalinimadu
intaas way ka wayntahay.
Kuwan maanta, shalay iyo doraad ba dalka rifayay ee baabi,nayay
yaa yiri Sucuudi bay ka yimaadeen? Kuwan maanta iyo shalayba
wax rafaadinayay ee dhiiga qaaliga ah ee dadkeena daadinayay ee
dalka ku galgashay miyeysan ahayn kuwo Soomaali u dhashay oo
waliba intooda badan ku dhashay Somaliya dhexdeeda? Ma shisheeye
iyo Isticmaar ayeey ahaayeen kuwa meesha xun ee aynu maanta
xooranahay ina dhigay?
Soowta aynu aragnay ma aha kuwo dhiigi dadka daadinaya oo geed
walba iyo guri walba ee dalku lahaa gubaya oo hadana leh aan
Madaxweyne idiin noqono? Kuwaasi soow ma ay laha Soomaali baan
nahay hadey qiimo leedahay Soomaali baan u dhashay iyo Somaliya
ayaan ku dhex dhashay?
Hadaba Soomaalinimo maxay tahay? Yaa Soomaal Ah? Yaa Wadanii Ah?
Marka hore Soomaalinimo wax la cuno maaha, ee waa wax loo dhaso!
Soomaalinimo waa qofkii dalkiisa iyo dadkiisaba u dhimanay, waa
qofka maanta ka xun halka ay Somaliya xoorantahay, waa qofka
habeen iyo maalin difaaca ugu jira wadankiisa, waa qofka u halgama
dalkiisa, waa qofka magaceeda iyo sumcadeeda kor u qaada, waa
qofki haduu Alle ku roonyahay dadnimadiisa iyo Soomaalinimadiisa
aaminsan, waa qofkii Ilaahay ku ogyahay inuu Soomaali yahay oo u
hiilinaya magaca Somali meelkastu joogo.
Kismaayo Yaa Iska Leh?
Arrin aad iyo aad loola yaabo amaba lagu qoslo ayey ahayd in Barre
Hiiraale iyo Maleeshiyaadkiisi laga cayrsaday Kismaayo oo ay
xaaran ku haysteen markii horeba. Waxaa yaabka yaabkiis ah in Al-Shabaab
iyo Maxkamadihii aanay cadayn midka maamuli doona dhaqaalaha
iyo Dekeda Kismaayo, iyadoo laga cabsi qabo in uu dagaal ka
dhex qarxo kooxaha qabsaday magaalada Kismaayo. Xalku sida
uu noqon Ilaah baa og. Haddaba su,aasha meesha ku
jirta waxay tahay, Kismayo Yaa Iska Leh?
Sideedaba magaalo waxaa iska leh hadba qofka
degen. Kismaayo waxaa iska leh dadkii hore u daganaa oo
waligood ku lahaan jiray Bakhaarada, Makhaayadaha, Dukaamada,
Beeraha, iyo Ganacsiyada kala duwan ee ka jira magaaladas.
Hadii aad maanta Xamar ka timid oo aad Kismaayo usoo guurto, hadii
aad lacag kugu filan haysato, waa lagu soo dhawaynaya, waxa
kaliyah ee lagaa rabo oo aad wax walba ku yeelan karto waa lacag.
Dunidu waa hore ayeey horu martay oo ka ilbaxday anigaa halkaas
leh iyo aniga halkan leh. Dunidu dad iyo maal ayeey raadinaysa.
Kismaayo oo ah magaalada kaliyah ee ka
badbaaday dagaalada Xabashidu ku burburiyeen Koonfurta
Somaliya, ayaa waxaa arrin lagu qoslo ah in ay dad Soomaaliyeed
isku dhex xasuuqaan oo ay isku qabsadaan magaalada dhexdeeda,
iyagoo waxa wadaa uu yahay hunguri iyo maamul aan jirin.
Meesha la dhaho Buuhoodle waxa ay waligeed u
magaaloobi weyday waxa halkaas degen oo kaliya qabiilka agaas
degen, yaa maqlay maahmaahda ah: Buuhoodle waxay magaalo la
noqon wayday afarta is yaqaana (Isku qabiilka ah).
Kismaayo qabiilada dega waa tiro badan yihiin
waxaana ka mid ah: Majeerteen, Ogaadeen, Mareexaan, Sheekhaal,
Absame, Nuux Maxamuud, Gaaljecel, Biyomaal, Jareer, iyo dad
Soomaaliyeed oo kale. Dhamaantood waa u siman yihiin
maamulka Kismaayo, dadkaas aan soo sheegay ayaana iska leh
magaalada Kismaayo.
Biyo dhaca qoraalka.
Marka uu qof boog leh dhakhtar u tago si looga
daaweeyo boogtaas, dhakhtarku boogta ma sasabo mana salaaxo.
Waxaad arki isagoo maqas dhexda ka galiyay oo marka horeba wuu
kaga dhiijiyaa si wax ala wixii dheecaan iyo dhiig ahaa uu uga soo
tuujiyo ugana soo saaro boogta.
Intaas kuma jooge, waxaad hadana arki dhakhtarkii oo Isbiirto ama
Alchol iyo dawo wax gubta intuu qaato bartanka u dhiga boogta.
Marka uu dhakhtarku sidaas sameeyo waxa aad u gubta oo olola
qofkii boogtu ku tiil oo haduusan calool adayg lahayn wuu cabaadi
oo wuu ooyi haduu doono. Sidii iyadoo aysan xanuun intaas
ugu filnayn ayuu dhakhtarku hadana intuu maqas qaato ayuu boogta
cadadkeeda (hilibkeeda) jilcay jarjaraa. Taaso waliba ka sii
xanuun badan daawadi kululeyd ee uu ku shubay.
Dhakhtarka boogta loo gaystay ma ogsoona in Isbiiritada, daawada
uu boogta ku shubo iyo maqaska uu hadba dhinac u qaadsiinayo aysan
xanuun badneyn. Qofka boog dhakhtar u gaysanaya
isagoo sidaas ogsoon ayuu boogtiisa dhakhtar u gaystaa.
Hadaba dhakhtarkuna farsamadiisaas kulul isagoo og inay xanuun
badan tahay ayuu sidaas mar walba sameeya. Qofkii
boogi ku tiilna isagoo ogsoon in la xanuujinayo oo wax walba oo
boogtiisa guba lagu sameenayo ayaysan ka fursan in mar walba la
arko qof boog leh oo dhakhtar u gaysanaya.
Labadaas ficil ee qofna boog u gaysanayo dkakhtar, dhakhtarkuna uu
gubayo kagana xanuujinayo qofkaas, xigmada hadaba ka danbaysa ayaa
waxay tahay oo kaliyah iney boogtu bogsato ee ujeedo kale oo
meesha taal ma ay jirto.
Waxay marka ila noqotay ineysan ka fursanayn in boogaha Soomaali
ku dhex jira miiska la soo wada goglo oo sidii dhakhtarkii gacmaha
lala wada galo oo dhiig iyo dheecaanba wixii ku jiray laga soo
daadiyo si marka la gubo waxyaalihii boogahaasi xanuunka iyo
dakaamka u keenayay ay marka u dhacdo in booguhu bogsadaan oo
umadeena walaalaha ah ee laga dhex shaqaystay ay gacmaha isu wada
qabsato oo dawladnimadoodi iyo sharaftoodi ay mar kale soo
ceshtaan.
Waxaa muhiim ah in dunuubtii dhacday aan cidina cid wax u qabsan
ee Soomaali is wada cafiso oo waa dad walaala ah ee ay gacmaha is
qabsato. Waxii dhacay ma in la qoro, mise in la isa sii daba galo:
Anigu waxaan qabaa dhiig danbe oo Soomaliyeed inaan mar danbe la
daadin. Xitaa ninka la dhaho Cabdullahi Yuusuf anigu waxaan qabaa
inaan far la saarin ee la tuso inuu wanaagu yahay midka fiican ee
cuqdada iyo xumaanto tahay mida aafada inoo horseeday.
Kooxda Imbaghati waxaa la gudboon in ay maanta
usoo jeestaan Dawladnimada ummada Soomaaliyeed, hadii aan sidaas
la samayn iska dhaaf dal hagaaga, Dawladnimo iyo nidaam ee
xitaa roobna di,i maayo, oo muxuu soo doona! Ummadaha uu roobku ku
da,o waa ummadaha cadaalada wax la dhaho ku dhaqma. Hadii cadaalad
la waayo oo la heli waayo wuxuu Ilaahay qowmkaas u
dhiiba Cabdullahi Yuusuf iyo jaahiliin la mid ah, oo shicibka usoo
hogaamiya cadawgooda koowad, iyo xasuuq aan loo aabo yeelin.
Ummada Soomaaliyeed waxay saarantahay bas uu
darawal ka yahay nin uu Ilaahay xaalkiisa ogyahay, waa nin uu
gumaystuhu soo tababaray oo ummada kusoo dhex daayay, ninkaas oo
ah Cabdullahi Yuusuf Axmed, oo waxa kaliyah oo uu yaqaano ama
cilmi u leeyahay ay tahay askarinimo, dib u jeeso, hob jac, laba
kaclayn, dhabar jabin, daba gal, qalajin, qaniinyo, kala ilaalin,
isku dir, amar qaado, isku dhufo, iyo in ala inta ibtilo ah
ee Ilaahay dunida dhigay.
Cidina ma saadaalin karayso sida ay noqonayso
iyo wadad loo maraya Mustaqbalka Soomaliya , waxaanse shaki ku
jirin in uusan ka dhalanaynin dalka maamul Hantiwadaag ah oo laga
xukumo meel kaliyah sida maamulkii Maxamed Siyaad Barre ( Af-weyne).
Ilaahayaw dabka naga dhex oogan anaga iyo
Itoobiya, adaa naga damin karaaye, Alow, Alow nabad
nagu daryeel! Alow dabka ka dhex oogan shicibka iyo
Dawlada Soomaaliyeed, adaa naga damin karaaye, Alow, Alow nabad
nagu daryeel!
Anigu Abdikarim ahaan waxaan leeyahay Eebe talada ha waafajiyo
kuwa dadaal iyo dulqaad badan oo daacad u ah danta guud ee dalka
iyo dadka Soomaliyeed markasta ula hor taagan.
Abdikarim Ahmed Huseen
skyword268@hotmail.com
skyword268@yahoo.com
Xafiiska Wararka ee Toronto, Canada
Qaranimo Online
info@Qaranimo.com