Home Contact us Country Profile

Presidential Profiles

Sports Religious Pages Videos Audio

Mar Ma Yeey Yaa, Mar Ma Tigree Yaa, Marna Ma Shabaab Baa Inta Kale Ma Jiraan Miyaa?

 

Posted on Qaranimo Online - September 04, 2008

Maryan Dhuux

midnimo22@hotmail.com


Thursday, September 04, 2008 - Waxaan rabaa inaa sida aan u arko Jihaadka Bisha Barakeysan ee Rabadaa inaa soo bandhigo Waxaan ahay qof ka soo hor jeeda in dalkeena cadow haysto oo waxaaba ii diidaaya damiirkeyga waxaan ahay qof muslin ah, waxaan ahay qof soomali ah weliba soomali nimadu aad ugu wentahay waxaan ahay dibad joog aan dalkeedii macanaa haysan, waxaan aad u dhibsadaa dagaalka dalka ka dhacaaya, waxaa aad ii dhibeysa maatada la xasuuqaayo, weliba waxaan aad uga xumahay dadka gurya hoodii kabara kacay oo banaanka jiifa roobka iyo qoraxda ay si siman uwada dhibaayaan, waxaa aad ii dhibaaya dhaawaca maalin illahay keeno isbitaalka lagu sii wado, waxa taas ka sii daran dadka ay dhibtu ku dhacayso waxaa ubadan Dumar iyo Caruur iyo Waayeel waa intaa ka roori karin Waxaan aad uga gubtaa markaan arko nin soomali ila sheeganaaya oo hada Tigree difacaaya oo leh anagaa u yeeranay waa saaxiibadeen, dadka waa iska xignaa inuu ku abtirsado ay gaartey oo waxan arkay dad dhahaaya Tigree Saleebaan anagana waxaan nahay Maxmuud Saleebaan oo waa ila adeer teen, magarn karo meesha adigoo soomaliya ay kaa soo geli karaan Xabashi aan hilib bisil cunin oo Hilba cayriin cunaaya, iyo adoo Ari, Geel, L'o iyo Bada inta kheyraad ku jirto aad haystid oo cuna sida aad kaas Cayriinka cuna oo afkiisu dixriga ka dhashay aad tolku noqoteen, mase laga yabaa in ina adeerkaas la helowga ah intaad iga raacdid oo beri adiga uu gacantiisa kugu dilaa amaba kugu xiraa maanta anaad xireysaa berise aduu ku xiraa horeyna waa kuu soo xireen oo alanbakha ayaadba soo aragtee seed ku aamintey waa wax ayaan daro lagu tilmaami karo waa wax aan la qaadan karin caqliga fiican uusan qaadan karin soomaliga dhabta ah uu ka soo hor jeesto.
 
Waxaa maalin dhoweyd meel ay iskugu imaadeen dad dumar u badnaa weliba beesha taagera ugu weyn u haaya C/llahi Yuusuf  Vaginia shir kula qaateen Axmed C/salaan oo anigu aan u arko inuu yahay nin d'yar balse siyaasada uu ku shaqeeyo ay tahay sidii nin weligii siyaasada ku soo dhexjirey ayaa hadal aan jecleysan ka soo yeerey isagoo leh Itobiyana hadaan la weerarin ayaga cid ma weeraraan ayagaa la weeraraa, oo meesha xataa ka bixiyey dadkii Baska saarnaa oo la xasuuqay dhoewr jeerna lagu ceshaya s'shaas balse ay u muuqatey tiisa oo ahayd Tigreega waa la weeraraa ee wax ma weeraraan, waxaan ka filaayey si kastaba ha u taageersanaado saxiibo haba la hadee inuu xaqiiqda ka sheego sida ay tahayna uga hadlo mase noqon oo waxay noqotey dad iyo duurba waxaadan fileyn ayaa kaaga soo baxa, waxaa goobtaas joogtey oo ka hadshay naagtii habeynkii Xaflada loo samaynaayey Xaaska C/llahi Yuusuf  ka lahayd war ninkii kanixi lahaa iyo kii ku farxi lahaaba caawa waxaa nooheeyseysa Fanaanada walaasheen ah oo walaasheen ah oo Itobiyaan ah waa ognahay in nalagu xanto mase kala jeclin ayaa waxay goobtaa axmed C/salaan fadhiyo waxay ka tiri dhaqankii maa laga tegay mise soomalinimadii maa si kale noqotey maxaa markii la is diriro itobia loo aadaa waaba ilowdey wixii afkeeda ka soo baxaayey habaynkii xaflada meelkasta laga fiirsadey halkaa waxaa kaaga soo baxaysa in wadaniyadii luntey in dadkoo dhan been isuu sheegayaan in Ruwaayad la wada dhigayo, Axmed C/salaan waxaan leeyahay waad khaldan tey ee bal xaga danbe iska sax wax badan oo wanaagsan waad samaysay waan ognahay balse khaladkaan sax iskana ilaali inaadan mar kale ku dhici shabqaan oo kale waa cafineye.
 
Abuu Maansuur waxaan dhihi lahaa Bidha Soon Xurmee Naftana Xakamee dagaalka naga daa inta dadka ay ka dhameysanayaan Soonka Faralka ah ee Illahay Farey waa bil cibado waa in dadku nabad ku afuraan nabadna ku suxuurtaan, nabadna Taraaqwiixda ay ku tukadaan waa hadii ay Takbiitu ay kaa run tahay Allahu Akbar ayaad leedihiin bishasna xurmeyn meysaan dagaalka gadaal u dhigo dadku ha soomaan nabad ha ku iidaan, in badan ayey dhib ku jireen ee dhib kale ha ugu darina, waa ognahay in hadaad wax weerartaan aysan madfac dhaafeyn markaasna maatadey ku dhacee maahine idinka wax idinku dhacaaya malahan dad utura oo Illahay ka baqa u noqda silica dadka ka daaya, waa jirtaa inaad is leedihiin asxaabtii waxay samayn jireen sameeya balse asxaabtii wakhtigoodii dumarka iyo xaasaska waa kala fogaan jireen ee dhexdooda kuma dagaalami jirin, marka khalad  ha fahmina banaankii weynaa ay ku dagaalami jireena mahaysaan ee magaalo dhisan oo dad iyo duunyaba ay ku nool yihiin ayaad ku dagaleysaan, marka dadku ma bad badayaan maahan intaad waxaad rabtaan intaad suubisaan hadhowna dhahdaa labaa naga jihiiday ama laba naga dhaawacan tay inta kale idiinma xisaabsana oo dhimaneysa allaha u naxariisto miyaa maya taas wax aan yeeli karno maahan ee dadka u tura waxaad isku haysaana soon ka bacdi u dhigta dadka haku dhex gabanina hadey runtiin tahay cadowga inaad la dagaaleysaab waa isku ayideynaa laakiin joojiya wakhti cibaabada lagu jiro ilaa 6 shuwaalka waa wadeynaa markaad leedahay ogow dad badan oo muslin ah oo soomali ah oo sooman ayey dhaawac ku tahay oo ka naxay marka waa codsi waa hadii aad codsi taqanaan ka daaya dadka dhibta ha iska istareexaan bishaas barkeysan xornimo haku qataan daaya, waana ogtihiin Tigreega iyo kan la jiraba iney dadka u naxeen hadaad wax ku tuurtidna waxay wax ku tuurayaan suuqii bakaraha oo dadku ka adeeganyeen marka adoo taas og maxaad wax ugu tuuree taas oo kale waa dagaal mooryaan ismalaha sida aad u dhaqmeysaan iyo sida aad sheegneysaan oo ah Islaam islaam saas maaha dhaqankiisa ee diinta yaan laga been sheegan asxaabtiina si khaldan ha ukoobiyeen ee sey ahayd u raax waxay samayn jireen samee oo dagalka banaanka ka gee shacanka xaafadaha ka soo dhuumanina anaga aad bey noo dhibeysaa.

 

Wabillahi Toowfiiq


 

 


Xafiiska Wararka ee Toronto, Canada

Qaranimo Online

info@Qaranimo.com


 

Custom Search

Sponsored links

manta computers

CALL MAANTA COMPUTERS TODAY!

FOR BACK TO SCHOOL DEALS!

 

416.243.3313

7 days a week

who's online