Thursday
September 25, 2008 - Muqdisho:
Diyaaradii siday Raiisalwasaare Nuur
Xasan Xuseen iyo wafdi uu hogaminayey ka dib markii ay magaalada
Jabuuti ee dalka Jabuuti kaga soo qeyb galeen shirkii dib u
heshiisiinta ee DF iyo isbaheysiga dib u xoreynta wejigiisa
saddexaad oo dhowaan halkaasi lagu soo gebagebeeyey iyadoo aysan
jirin wax natiijo ah oo ka soo baxay ka dib markii la isku mari
waayey qodobada qaar.

Warbaahinta
Muqdisho oo sugeyso Ra'isul wasaare Nuur Cadde
Raiisal wasaare Nur Cadde ayaa
si lama filaan ah saaka usoo caga dhigataydiyaaradii siday
garoon uu muran badani ka taagnaa maalmihii ina soo dhaafay
taasoo sababatay in ay ku geriyoodaan dad badan kuwana uu
dhaawacyo kala duwan ka soo garay halka qaarkoodna ay u dhinteen
madaafic lala maaganaa diyaaradaha ka soo dagayey iyo kuwo lagu
difaacayey kuwaasoo ay isweydaarsanayeen ciidamada dowlada iyo
kuwa shisheeye oo isku dhinac ah iyo qaar ka mid ah koxaha
dowlada ka soo horjeedo oo ay ugu horeyso koxda alshabaab oo
iyadu sheegatay mus.uuliyada lagu xiray garoonka diyaradaha
Muqdisho .

Ra'isul
Wasaare Nuur Cadde oo Shirkii Jaraa'id Bilaabay
markii la arkay in ay diyaradi timid saaka ayaa dad badani shaki
galay waxaana la sugayey in uu bilowdo dagaal kale oo uu dhiig
ku daato sidii caadada noqotay beryihii ina soo dhaafay balse
taa ma aysan dhicin waxaana shacabka Muqdisho ay isku
marxabeeyeen in diyaradii timid isla markaana uusan dhicin wax
iska hor imaad ahi.
shirkaan jaraid ayuu kaga hadlay raiisal wasaaruhu arimo badan
oo quseeyo dalka gudihisa iyo dibadiisa iyo shirkii jabuuti
qadobadii lagu garay iyo sidoo kale wixii ka soo baxay
safarkiisa ugu danbeeyey wuxuuna salaan u so gudbiyey umada
somaliyeed isaga oo sheegay raiisal wasaaruhu in uu daalan yahay
hadal badana diyar u eheyn in uu goobta ka sheego .

raiisal wasaare Nuur cade ayaa ilaah u baryey umada somaliyeed
in uu dhibaatada ka saaro sanadkaan kiisa kale na uu ku garsiiyo
nabad iyo barwaaqo.
wafdiga raiisal wasaaraha ayaa ka qeyb galay shirkii Jabuti ay
ku lahaayeen dowlada fadaraalka iyo qaar ka mid ah kooxaha ka
soo horjeedo iyo sidii uu u dhaqan gali lahaa heshiiskaas iyo
qodobadii lagu garay 17kii ilaa 21 kii bishaan oo ay ka soo
baxeen qodobo badan wuxuuna sheegay in la dhisay laba gudi oo
kala ah gudiga amniga iyo gudiga heer ka sare kaas oo ka kooban
min laba xubnood dhianacyada ka kala socdo.

raisal wasaare ayaa sheegay in shirkii jabuuti uu dhamaaday
balse ay jiraan qodobo la isku afgartay iyo kuwo weli ay wax ka
dhiman yihiin wuxuuna sheegay in loo saaray gudi qiimeeya
qodobada la isku mari waayey mudo 15 maalmood ah gudahod wuxuuna
hoosta ka xariiqay in bil ka dib uu shirku dib u furmi dono .
raiisal wasaare Nuur Cade ayaa
sheegay in la isku afgartay qaabkii lo dhaqan galin lahaa
qodobadii shirka dib u heshiisiinta ee lagu qabtay dalka jabuuti
isaga oo dowlada iyo shacabka jabuuti u diray mahad celin
balaaran .
Nuur Cade wuxuu cadeeyey in arimo badan isku aragti laga noqday
shirkii juun 11dii iyo kii agoust 19 dii iyada oo la dhaqan
galiyey xabad jojin mana dhow ciidamo kala qaadidi iyo wax la
mid ah ,
dhanka kale nuur cade ayaa sheegay in shirkaan mid ka horeeyey
ay iskuugu yimadeen xubno kakala socdo beesha contact gruop
shirkaan ayaa qaatay hal maalin waxaana lagu tageeray shirkii
jabuuti go.aanadi ka so baxay
|
We
Somalis are the last to learn this stuff. Learn all you
can about voip (voice over IP) if you have no clue what IP
is, than you will need to learn that first. below is a
link where you can learn about voip.
http://www.voip-4-non-geeks.com
|