Home Contact us Country Profile

Presidential Profiles

Sports Religious Pages Videos Audio

Sir Culus

Caddow(Cadde Muuse) hadhoow ha isku dhejin kursiga oo yeysan dhicin tii berigii aniga iyo adiga inala gaartey

 

Posted on Qaranimo Online - September 01, 2008

Khadra Suleiban

Email: khadra5989@yahoo.com

 


Monday, September 01, 2008 - Waxaan hayaa sir culus oo aan idiinka hayo laba oday ee muqdisho iyo puntland kala fadhiya, waxaan idiin sheegayaa markii uu C/llahi Yuusuf yimid puntland ayaa waxa uu barlamaanka hortiisa ka yiri Caddow hadhoow ha isku dhejin kursiga oo yeysan dhicin tii berigii aniga iyo adiga inala gaartey, intaa ka dib ayaa waxaa hadlay Cade Muse oo yiri aniga dooni maayo ismana soo sharaxayo , markii intaa ay isdhaaf sadeen ayuu C/llahi Yuusuf wuxuu yiri halkaan kuwada hadli meynee waa inoo hadhow oo aan sigaara uwada hadli doonaa, markii barlamaanka laga tegay waa ay is arkeen labada oday waxayna is dhaafsadeen talooyin iyo codsiyo, dar daaran dheer ka dib ayuu C/llahi soo jeedshay codsi Khayaamo oo larabay in dadka u dhashay puntland lagu sii jeedsho been loo sheego la yiraahdo cade waa tegayaa sii joogi mahayo intaa ayaa nala maqashiiyey.

Waxaase lahelay war aan been ahayn sida dad xog ogaala laga soo xigtey in C/llahi iyo Cade markii ay isku keliyeysteen uu c/llahi codsi u soo jeedshy Cade waxaa la leeyahay cade markii hore waa is adkeeyey waa ka war wareegay inuu haa yiraahdo balse c/llaahi ayaa ka hari waayey ilaa ay gaadhey heer islaamada garka ugu dhow C/llahi la gaarsiiyo arintii markaas ka dib uu Cade ogolaado codsigii C//ahi. Hadaba codsigu muxuu noqdey Codsigu wuxuu noqdey C/llahi oo cade weydiistey inuusan ka tegin Jagada uu ka hayo puntland ilaa ay arinta C/llahi dhinac u dhaceyso taas oo ah hadii lagaga adkaado tartanka doorasha dhici doonta 2009 inuu c/llahi rabo inuu puntland dib ugu soo noqdo, waa hadii uu quus ka soo istaago dhankaas iyo Koonfur, haduu marsan karana hadee sidaa ayuu ku dhamanayaa hamigii uu ka lahaa puntland, balse hadii aad u sii fiirsataan hadalada beryahan danbe cade marka laga wareysto inuusan isi soo sharaxeyn wuxuu yiraahdaa waa laga yabaa inaan isi soo sharaxo, mar wuxuu yiri hadii danta aan leeyahay aan gaaro waa isi soo sharaxayaa taas oo dad badan ay fahmi waayeen dantu waxa ay tahay, mar wuxuu dadka ku yiri ari aniga awalba ayadoo 15 maalmood ka dhiman tahay baan cadeeyey inaan musharax ahay, hada wakhtiga u danbeeya ayaa la ogaanayaa waxa qorshahaygu yahay, marka hada warkaa ayaa soo kordhey in cade c/llahi maskaxdiisa ka saarey inuu kursiga iska dhiibo iyadoon dhibaato dhici balse barlamaanka puntlan la maqiishanyey war aan wax ka jirin, waxaas oo dhan waa kursiga ii hay hadaan wax waayo kana yaan waayine, walee cllahi baan kursi ka gaboobin meel inuu ka taliyo unbuu rabaa.

Waxaa kaloo jirta in la qorsheynayo in Gobolada Sool dagaal laga huriyo, waxaa yimid hub ay keeneen oo ay lacagta iska soo uriyeen beelaha gobolaas u dhashay beel kamida oo Daahir Afqurac la beela oo intey horey lacago iska soo urursheen madaxdu afka iska marisay ayaa hada waxay ay yimaadeen jaaliyadii lacagta soo dirtey puntland hubkiina waa la soo iibsadey oo hadaba dekeda ayaa qaar ka soo degeen qaarna waa la sugayaa, hubkaas oo la doonayo in goboladaas sool lagaga xoreeyo Maamulka soomalilan, waxaasna waxaa wada C/llahi uu yiri intaan puntland ka maqnaa wax weyn baa is badelay oo qaar baa maqan ee waa in sida ugu dhaqsaha badan loo soo cehaa, lacagtii hubka lagu soo iibshay waa lahayaa Jaaliyada gobolada sool ayaa keenay anigu waxaan ka arkay gabar lalahaa Faadumo oo Kanada ka timid waana ii sheegtey iney u yimaadeen in dalkoodii laga soo xoreeyo soomalilan dagaalkaasna waa jiraa abaabulkiisa C/llahi ayaan ka masuula wixii ku dhinta iyo intii kabara kacdaba dagaal googe weeye allaow anagana hanau soo celin inta uu dhibta ku hayana aloow ka kaxee oo meel kale u dhig aamiin.



Xafiiska Wararka ee Toronto, Canada

Qaranimo Online

info@Qaranimo.com


 

Custom Search

who's online