Tuesday
September 16, 2008 - London-UK:
Waxaa dalka
Biljamka lagu qabtey tartan kubadda cagta ah oo loo qabtey
jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Biljamka,
tartankaas oo lagu qabtey magaalada Gent socdayna labo
maalmood ,ayaa waxaa ka soo qayb galay kooxaha kala ah:
Sobsi
(Gent), Antwerpen, Banadir, Kortrijk, Brussel iyo kooxda Hirda
Holand oo lagu casumay tartanka.
Tartankaan
oo ahaa kii ugu horeeyay oo noociisa ah oo lagu qabta dalka
Biljamka ayaa ahaa mid ay xiisaynayeen dhalinyarada Soomaaliyeed
ee ku nool dalka Biljam.
Lixda
kooxood ee ka qayb gashay tartanka ayaa loo qaybiyay labo qaybood,
ugu dambayntiiina waxaa ciyaartii finalka is kugu soo baxay
Kooxaha Antwerpen (Biljamka) iyo Kooxda Hirda( Holland).

Ciyaartaas
oo ahayd ciyaar aad u xiisa badnayd ayna labada kooxood ku soo
bandhigeen ciyaar wanaag iyo asluub ayaa 90-kii daqiiqo ciyaarta
ay isla dhaafi waayeen kooxda Antwerpen iyo Kooxda Hirda
Holand barbar dhac hal Goal iyo hal Goal.
Dabadadeedna
waxaa la dhigay rigoorayaal si loogu kala baxo ciyaarta, taasoo
ugu dambayntii ay ku dhamaatey 3 Goal ay dhaliyaan kooxda
Hirda halka kooxda Antwerpen ay guusha ku raacdo 4 Goal.
Dadkii
ka soo qayb galay tartanka ayaa dhamaantood farxad kala dareerey
garoonka.
Ururka
SOBSI waa ururka ugu weyn Jaaliyada Soomaalida Biljamka isla
markaana ahaa ururkii soo qaban qaabiyay tartankaan ayaa
habeenimadii ciyaarta kadib u sameeyay casho sharaf dhamaan
kooxihii ka soo qayb galay tartanka, iyadoo halkaasina lagu
gudoonsiiyay abaalmarinadii ay ka heleen kooxihii ka soo qayb
galay.

|
We
Somalis are the last to learn this stuff. Learn all you can
about voip (voice over IP) if you have no clue what IP is,
than you will need to learn that first. below is a link
where you can learn about voip.
http://www.voip-4-non-geeks.com |