Home Contact us Country Profile

Presidential Profiles

Sports Religious Pages Videos Audio

Xafladda Aasaaska Compuska Jaamacadda Gedo

 

Posted on Qaranimo Online - September 05, 2008

Sources: 

Maxamed Gaarane Aadan

Baardheere, GEDO


Friday, September 05, 2008 - Baardheere: Munaasabada xafladda Aasaaska Jaamacadda Gedo oo ay ka soo qeybgaleen masuuliyiin kala duwan iyo Martisharaf ka kala socotay Ururada bulshada rayidka ayaa waxaa ay ka dhacday xarunta hayadda HIRDA ee degmadan Baardheere

Musaasabadda Xafladda Aasaaska Jaamacada GEDO oo ay soo dhiraandhiriyeen islamar ahaantaasna ay gacan ka gaysteen Ururka Somali Development Foundation Iyo Markabley Relief and Development Trust ayaa waxaa goob joog ahaa Guddoomiyaha G/ Gedo Xuseen Sh Cabdi Ismaaciil ( Xuseen Faray) , Guddoomiyayaasha Golaha Degaanka Iyo Kan Maamulka Degmada Baardheere  Max;ed Xirsi Dhudi, Wakiilka Ugaas Cumar Ugaas Xirsi  Maxamed Ugaas Cumar iyo wakiilo ka socday Somalidda Qurbaha iyo waliba masuuliyiinta iyo qeybaha Ururada Bulshada rayidka ah.

 

Mas'uuliyiintii ka qaybgalay furitaanka qaarkood


Furitaanka Xafladdan sida weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Gedo Xuseen Sh cabdi Ismaaciil oo ku nuuxnuuxsaday rajada ay dadka degan  gobolada K/Galbeed Soomaaliya u qabeen Jaamacad in ay haatan rumowday, taasoo uu tilmaamay in ay wax weyn ka badeli doonto hanaanka waxbarasho.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale u mahadceliyay howlwadeenada iyo ururada ka qeybqaatay Aas aaska Jaamacadda Gedo .waxaana uu tilmaamay in ay kaalin muhiim ah ka geli doonaan bogga taariiqda.

 

 

Aqoonyahannadii xafladda joogey qaarkood

Maxamuud Xasan Cilmi ka socday Ururka SDF iyo Cabdiqeyr Sh Soofe oo ka tirsan guddiga Jaamacadda oo ka soo baqoolay carrida Maraykanka ayaa ku dheeraaday baahidda loo qabo in laga hirgeliyo waxbarasho tayo leh gobolka Gedo taasoo ay sheegeen inay saameyn lixaad leh ku yeelan doonto dadka ku dhaqan guud ahaan K/Soomaaliyo oo dhan.

Duqowda dhaqanka ee gobolka Gedo qaarkood oo xafladda ka qaybgalay

Sidoo kale Cabdirahmaan Maxamud Sh Yuusuf oo ah wakiil Ururka  Markabley Relief and Development Trust oo kamid ah masuuliyiintii meesha ka hadashay ayaa diirada saaray islamar ahaantaasina ku booriyay qeybaha bulshadda in ay ka faaiidaystaan fursadan qaaliga ah maadaama aysan horay fursad u helin.

Aasaaska jaamacadda Gedo waxay  ahayd  iftiin mustqablka ah waxayna ku timid qorsheyn xeel dheer , safaro tiro badan iyo dadaalo daqli uruurin oo aqoonyahano bulsho daneeyayaal ah ugu kala goosheen saddex qaaradood, dhawr darsin oo dal iyo magaalooyin tiro badan oo ku yaal dalalja caalamka.

Aaas aaska jaamacadda Gedo oo ay ku dadku ku soo dhaweeyeen bandhig faneedyo kala duwan oo isugu jira ciyaaro kubadda cagta ah kuwaasoo dhalintu ay ku muujiyeen firfircooni. Intabadan dad weynaha G/Gedo ayaa si weyn oo hididiilo ku jirto u soo dhaweeyay Aasaaska Jaamacadda GEDO.

Ka qaybgalayaasha xafladdii furitaanka qaarkood

 

Maxamed Gaarane Aadan

Baardheere GEDO


 

 


Xafiiska Wararka ee Toronto, Canada

Qaranimo Online

info@Qaranimo.com


 

Custom Search

Sponsored links

manta computers

CALL MAANTA COMPUTERS TODAY!

FOR BACK TO SCHOOL DEALS!

 

416.243.3313

7 days a week

who's online