|
OPINION / FIKRAD
December
26, 2009 (QOL)
Dadka Soomaaliyeed waxa ay lahaayeen tusaalooyin
xikmadi ay kujirto qaasatan marka ay doonayaan in ay wax cabiraan
iyadoo dadka soomaaliyeed waxyaabaha ay hodanka ku yihiin sida
xoolaha nool iyo qeyraadka kale dabiiciga ah ay wax ku cabiraan,
Maandeeq waa magaca hal waxaana loola jeedaa Gobanimada iyo
wanaaga ay leedahay.
Umada
Soomaaliyeed waxay ahaayeen kuwo aad isugu damqada aadna isu jecel
siweyna uga soo horjeeda in la gumeysto , Taana waxa ay suura
gelisay in ay isaga baxaan gudaha soomaaliya dhamaan
gumeystayaashii markii ay arkeen in ay dadka soomaaliyeed ay
yihiin kuwo aad isugu xiran oo aanay jirin duleelo laga soo gali
karo , Tusaale hadii aan usoo qaadano 1diijuly1960kii waxay
gumeystihii talyaaniga ay ka heleen xoriyad buuxda waxayna ahayd
12kii caweysnimo markii calankeena buluuga ah ee xidigta shanta
gees ay dhaxda kaga taalo la taagay isla maalintaasna waxaa wada
midoobay goboladii koofureed iyo kuwii waqooyiga oo iyagu 26kii
june 1960kii xorinimada helay.
Munaasabadaasi
qiimaha badneyd ayaa waxaa laga tiriyey suugaan badan oo ay
kamidtahay iyadoo xorinimada laga hadlayay laguna halqabsanayay
Maandeeq ( WAX DHAMAA MUGDI IYO MADOOW KU JIRNAYE MAANTEE CURATEE AAN
MAALNO HASHII MAANDEEQ)
Soomaalidu waxa
ay ahaayeen kuwo la dagaalama cadowkasta oo isku daya inuu kusoo
gardarooda ciida soomaaliya taana waxa ay suura galisay in umada
soomaaliyeed ay yeelato dowlad aduunku aqoonsanyahay . Laakiin
1990kii markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee allaha u
naxariistee Maxamed Siyaad Barre ayaa waxaa wadanka soomaaliya ku
dhacay nasiib daro aan daahsooneyn waxaana ka mid ahaa calankii
buluuga ah ee xidigta shanta geesood dhaxda kulahaa ayaa waxaa mid
kamid ah geesaha waxay ku dhawaaqday sanadii 1991dii in soomaaliya
inteeda kale ay ka go,day,sidoo kale israacii iyo qaranimadii
dhiiga badani uu ku hoobtay oo meesha ka baxay. Shacabka
soomaaliyeed oo noqday kuwo ay ku yartahay damiirkii iyo
damqashadii wadaninimo.
Sanadba
sanadka ka dambeeya waxaad arkeysaa in uu kasii darayo
dhibaatadana waa ay kasii dareysay maalinba maalinta ka dambeysa,
waxayna gaarsiisay in muddo 20 sano ah dadka soomaaliyeed ay ku
dhameystaan barakac aan dhamaad lahayn iyagoo aan garaneynin
meesha ay ka qaxayaan iyo halka ay u qaxayaan .mana ahan mid ku
cusub dhagaha dadka dhibaatada ilaa iyo hada heysata dadka kunool
gudaha dalka soomaaliya .
Sanadkaan
waxyaaba mucjisada leh oo aysan dadka soomaaliyeed dhaqan iyo
diinba ulaheyn ee ka dhacay gudaha soomaaliya waxaa ka mid ahaa
qof isku qarxinaya meel ay ku badanyihiin dad soomaaliyeed iyadoo
qaraxii ugu horeeyay ee qof isku qarxiya ka dhacay 18 june 2009ka
magaalada baladweyne ee gobolka hiiraan
iyadoo dadbadani ay kugeeriyoodeen waxaana ka mid ahaa cumar
xaashi aadan . kii ugu dambeeyay ee murugada badnaa waxaa uu ka
dhacay hoteelka shaamoow ee magaalada muqdisho 3da Desember ee
sanadkaan iyadoo ay halkaasi ka socotay xaflad arday ka
qalanjabineysay koliyada caafimaadka oo ay muddo 7 sano ah oo
xaalad adag lagu jiray wax ku baranayay iyagoo guryahoodii kaga
soo baxay farxad kuna haminayay in ay wixii ay soo barteen uga faa
idey doonaan umada wixii ay soo barteen laakiin damiir laawe yaal
naxariista ka tagtay ayaa galaaftay dad badani oo isugu jiray
masuuliyiin ka tirsan dowlada kmg dhaqaatiir suxufiyiin arday iyo
qaar kale .
Mana aysan jirin cid sheegatay in ay ka
damneeysay qaraxii mucjisada lahaa ee ka dhacay hoteelka
shaamoow , laakiin dad badani waxa ay isweydiinayaan kooxihii
ku faani jiray qaraxyada qaar in ay iayagu ka dambeeyeen ma
waxa ay ka baqeen maadaama arday iyo dad badani oo bulshada
wax uhayay ku dhinteen , qaraxaasi hadii ay sheegtaan in
shacabku ay ku kacaan oo laga soo horjeesto.
Maalintii
qaraxaas foosha xun uu dhacaya, waxaa dhacay banan baxyo kala
duwan, tusaale ahaan maalinnimadii uu qaraxa murugada badan
dadka ku abuuray ka dhacayay hoteelka shaamoow ayaa waxaa qeyb
ka mid ah caasimada soomaaliya ka dhacay banaanbax looga soo
horjeedo xil ka qaadistii general Cabdi qeybdiid oo ay soo
qaban qaabiyeen qaar kamid ah taageeradiisa. Waxaa xusid mudan
in meelo badan ay ka dhaceen banaanbaxyo oo ay dadka
soomaaliyeed uga soo horjeedaan qaraxii uurkutaalada lahaa ee
ka dhacay hoteelka shaamoow ee magaalada muqdisho.
Inta badan
dadka soomaaliyeed waxay bahdileen qaranimadii ,iyo sharaftii soomaalinimo,
waxay ka jecleysteen qabiil iyo nin jecleysi , waxaa si aad ah
loogu tuntay xuquuqdii uu iyo sharaftii uu lahaa qofka
biniaadamka ah , waxaa xag alle ka galnay danbi aad utiro
badan.
Dadka
soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan aqoonyahanadii, waxgaradkii,
culumaau diinkii, iyo dadkii kale ee rayidka ahaa ayaa noqday
mid dhinta , mid darxuma ay ku heysato qurbaha , mid ku
dhibaateysan gudaha dalka , iyo mid isagoo tahriibaya bada ku
dhinta ama saxaraha bahalo ku cunaan.
Shacabkii
dhulkeygee dhibaatada ku raagtoow wixii dhayma aragtaan,
dhuuxii bulshada in la dilo , dhaqaatiir dhaqan aanan gayinoo
cidii dhimirleh taabtiyo iyo in uu yahay dhag
xumadeen ,iyo dhabarjabkeenii iyo xaajo dhiila leh diina loo
dhaween karin dhab alle marqaatiga maka dhowrsaneysaan.
Dowladeena
dhalatiyo ma dhurwaa ari la raacshoo dhamaan laga sugaayaa,
dhawdhaw iyo wada sheekh mawada dhagar qarsoon iyo dhibaynan
kareynbaa.
Calankaan
dharaartii gumeysigu dhaqaajiyay dhidibada u taagnee dheehiisu
midabkuna samadoo dharqabinoo dhalaaleysa uu yahay ,
dhankastaba ka eegoo maxaa dhaqan xuma iyo dhib diineed u
leeyahay .
Ee
gacalkeey dhab ahoow intaad dhabarka xirataan qoloqolana
dhaaftaan kurtiin dhagaxa tuuroo ka dhiidhiya xumaha jira
dhibka hana daayee, Isku duubma soomaalaay ee dantaada garo.
Guntii iyo
gabagabadii waxaa muhiim ah in qof walba oo soomaali ah uu
iska baaro damiir wadaninimo, isla markaana uuka shaqeeyo
sidii aan usoo ceshan lahayn sumcadii iyo sharaftii qaranka
soomaaliyeed uu lahaa , oo aan meesha ka saarno qabyaalada iyo
nin jecleeysiga si aan uga baxno dhibta aan ku jirno.
Sanadkaan soo socdana aan ilaah ka barino
dalkoo nabad ah iyo dadkoo sharafleh.
|