|
Maxamed Cabdulle Mahdi Agaasimihii Guud ee Hay`adda daryeelka Haweenka iyo carruurta (Wocca) |
June 11, 2009 - (QOL) SHAQSI KU DHEERAA UMMADA SOOMALIYEED
Bismillaahi Raxmaani Raxiim
Maanta
oo ay taariiqdu ku began tahay 11ka
Juun 2009ka waxa ay ku began tahay
sanad guuradii ka soo wareegtay
maalintii uu geeriyooday Allaha u
naxariistee Agaasimihii Hay`adda
Daryeelka Haweenka iyo carruurta (Wocca)
Maxamed Cabdulle Mahdi oo ahayd
11kii Juun 2009 kii.
Agaasimihii Guud ee Hay`adda
daryeelka Haweenka iyo carruurta (Wocca)
Maxamed Cabdulle Mahdi waxa uu ku
dhashay magaalada Muqdisho 21 July
1964tii, waxaa uuna dugsigiisa hoose
dhexe iyo sareba kaga baxay isla
magaalada Muqdisho. Maxamed waxa uu
macallin ka soo noqday dugsigii sare
ee Shibis ee gobolka Banaadir.
Maxamed cabdulle Mahdi 1984dii waxa uu ku biiray wasaaradda Beeraha mashruuciisa fidinta Beeraha halkaas oo uu ka mid ahaa shaqaalihii mashruuca wuxuuna ka soo qabtay howlo kala duwan.
1985tii waxa uu u soo wareegay Bankigii dhexe ee Soomaaliya qeybtiisa xisaabaadka isagoo isla sanadkaasi loo soo wareejiyay qeybtii sarifka lacagaha Qalaad ee Bankiga Dhexe.
1989kii waxaa loo magacaabay Agaasime ku xigeenkii Laantii Sarifka lacagaha qalaad ee la oran jiray Ma degenayaasha illaa iyo burburkii Dowladii horena halkaasi ayuu ku dhameystay.
1991 waxaa uu contractor u noqday UNITAF/UNICEF/ICRCda isagoo gaarsiiyay ummadii dhibaateysneyd waxyalihii nolosha asaasiga u ahaa ee aanan looga marmin ummadii dhibaatadu heysatay
Waxyaabaha la taaban karo waxaa ka mid ahaa dayactirkii waddada balcad oo aheyd mid dhibaato soo gaartay xiligii dagaalada.
1996dii waxa uu ka mid noqday
ururkii Daryeelka haweenka (WOCA) oo
uu ka gaaray illaa iyo Agaasime ku
xigaha ururka waxaa uuna soo
shaqeeyay howlaha bani`aadanimada ee
gobolka Shabeelaha dhexe taas oo uu
ugu dambeyntii uu Agaasime ka noqday
Ururka Ururka daryeelka Haweenka iyo
Caruurta (WOCCA).
Marxuumku waxaa uu ka soo qabtay howlo farabadan oo dhanka bani1aadanimada ah Gobolka Shabeelada dhexe taasoo waxyaabaha lagu xasuusan karo ay ugu horeeyaan in uu gobolka ka hirgeliyay illaa iyo 10 dugsi ama school oo uu isaga aas`aasay kuwaasi oo ku yaalla guud ahaan gobolka Shabeelaha dhexe kana faa`iideysteen carruur u badan agoon oo halkaasi wax ka barta waxa kaloo uu ka hirgeliyay xerooyinka qaxootiga ee gobolka qaarkood illaa iyo 4 dugsi oo ay qaxootiga wax ku bartaan.
Agaasimihii Hay`adda Daryeelka
Haweenka iyo carruurta (WOCCA) waxa
uu wax ka qabtay fatahaada wabiyada
iyo u kaalmeynta dadka beeralayda ah
ee gobolka taas oo wax weyn ka
tartay daqliga reeraha beeralayda ah
ee ku dhaqan gobolka.
Marxuumku waxa uu gacan ka geystay
howlaha caafimaadka ee gobolka iyo
waliba dhibaatadii Tsunamiga ee
degmooyinka ku teedsan xeebta
badweynta hindiya ee gobolka soo
gaarsiisay dhibaato lixaad leh
taasoo uu ka fuliyay degmooyinka ku
teedsan xeebta barnaamijyo loogu
gargaarayo dadka degaanadaas.
Allaha u naxariistee Maxamed cabdulle Mahdi waxa uu ahaa halyeey waqtigiisa u huray barnaamijyada loogu gargaarayo umadda ku nool gobolka Shabeelada Dhexe taas oo aan marnaba la illoobi doonin.
Munaasabada sanadguuradii 1aad ee ka soo wareegtay geeridii Agaasimihii Hay`adda daryeelka HAweenka iyo Carruurta (WOCCA) waxa ay hay`addani ku soo beegtay in ay hawada soo geliso websiteka www.woccaorg.com kaasi oo lagu soo bandhigi doono wax qabadkii hore ee hay`adda iyo midka manta iyo mustaqbalkaba.
INNAA LILLAHI WA INNAA ILLEYHI
RAAJICUUN
Muuse Maxamuud
Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666





