June
22,
2009 - (QOL)
Shareecada Islaamka iyo u wacida
ciidamada shisheeye xaqiiqdii meel
islama galaan,xagee kaga qoran
tahay shareecada in magan loo noqo
Ethiopia iyo waxii la mid ah ???
waxaan jeclahay in xalka uusan ku
jirin u yeerida ciidamada
shisheeye balse xalka uu ku dhex
jiro in somalida ruuxeeda eey
garato difaaca dalka,dadka iyo
diinta in eey tahay mid waxa xaq
ah mudane in aan difaacno,Sheekh
Shariif maxuu dhaamaa Maquuste
maanta Ethiopiayadii Maquuste
xamar keentay iyo mida xoojineeysa
Sheekh Shariif sow towbad laáan
maaha ???? waxaad moodaa in eey
maqan tahay garashada dhaw iyo
mida fog waxa ka imaan kara
Ethiopia oo xamar dib ugu
howlgasho,sow maaha in eey
Ethiopia ku xaarto masjidyada
gumaado shacabka 20 sanno dhibka
ku jirat ma xal kale ayeey keeni
balse haddii eey xiligaan timaado
Ethiopia doqono faro badan ayaa u
arka hiilo aniga iyo in faro badan
waxaan u aragnaa gumeeysi cusub,
waxaa murti somali leedahay doqon
ila dhashaa iiga roon diracyo
Amxaarad,al Shabaab iyo Xisbul
Islaam waa somalia aanan garan
nabada iyo wadanoolaanshaha Ilaah
ha garadsiiyo,Sheekh Shariif
erayadii uu dhahay waa eey
beenobeen ee ahaa shisheeye uma
wacaneeyno anaga ayaa isga
filan,sida oo kale w/arinaha
dibada Oomaar Universal ayuu ka
sheegay sow arinka maaha mid eey
wataan shaqsiyaad uu ka mid yahay
Sheekh Aadan madowbe iwm.
Sharcigee
lagu keeni karaa shisheeyaha ma
shareecada mise sharciga
dhaaquudka `??????
Sheekh Aadan Madowe
xagee buu ka soo xigtay sharciga
uu ku keenayo ciidamada Ethiopia
iwm sow ma oga in la qaatay
shareecada Islaamka,waxaad moodaa
in weli aanan la aqoonsaneeyn
shareecada iyo waxa eey ka qabto u
yeerida ciidamada
shisheeye,xubnaha baarlamaanka 275
ee ku soo biiray dowlada midnimada
qaran waxeey ku tahay ceeb iyo
dhabarjab xoogan haddiiba weli
sharcigii dhaaquudka la
wado,shalay waxaa la lahaa
Maquuste iyo xubnaha baarlamaanka
yaa goáanka Ethiopia wada gaaray
maanta goáanka yaa gaaray ma
shaqsi mise 550 ka xubnaha
baarlamaanka ????
Waxaan shaki ku
jirin in somalia eey tahay qaran
burburay mudane in dib loo unko si
dhibka jiraa loogu baxo,waxaa
mudan in leeys weeydiiyo somalia
yaa leh ??? xaqiiqdii somalia
waxaa leh dhamaan inta ku
abtirsata dhulweeynahii jamhuurida
somalia inta Ilaaheey uu u
hibeeyay degenkaa kuna
dhaqan,doonista qaranimada somalia
waxeey u dhaxeeysaa dhamaan dadka
somalia, burburkii somalia waxaa
uu sabbabay in eey abuuranto
Somaliland, Puntland oo xaqiidii
ka fekeray aayaha shacabka ku
dhaqan dhulalkaa sameeystayne
madaxweeyne,gole wasiir iyo gole
baarlamaan iyo dastuur u gooni
ah,maxaa diiday in reer koonfur
eey sameeystaan dowlado la mid ah
kuwa Somaliland iyo Puntland si
sharta u harto ??? marka aad dib u
fiiriso dhismaha dowlada midnimada
qaran waxaa ku mideeysan dhamaan
shucuubta ku dhaqan somalia,waxaan
soo xusuustaa taada kula lehi
teeyda anaa leh,haddii shucuubta
dhulka Somaliland iyo Puntland eey
sameeysteen dowlado u gooni ah
maxaa shucuubtooda keenay in eey
ugu mid noqdaan dowlada dhexe
iyada oo aaneey shucuubta reer
koonfur aaneey laheeyn dowlado la
mid ah kuwa Somaliland iyo
Puntland ??? xubnaha Puntland ee
baarlamaanka dowlada midnimada
qaran sow ma cayaarayaan waxa loo
yaqaan teeyda anaa leh taadana
kula lehi,sida oo kele xubnaha ka
yimid Somaliland sow sidoo kale
maaha,maxeey ka qabanayaan xamar
dagaalka dowlada lagula jiro
maxeey u keeni waayeen ciidam
difaaca qaranimada somalia
maadaama eey ka mid yihiin dowlada
dhexe,runtii xubnahaa waxeey ka
soo jeedaan dowlado calmaani ah
shareecadana aanan qaadan balse sameeystay
dastuur calmaani ah,madaxweeyne
gole baarlamaan iyo calan,xalka
somali kuma jiro
teeyda lehi
taadana kula lehi
dowlada midnimada qaran ma waxaa
difaacaya oo kaliya reer koonfur
???? caruurteena in eey ku
dhintaan waxa aanan somali u
dhameeyn xaq maaha,kuwa
wabxo
ku dagaalamya waxaan dhihi lahaa
haddii eey cidi qabsato
wabxo
ma somalia ayeey xukumi ???? Maya
ma
dheeman ayaa ku
jira wabxo maya, ma mudan tahay in
boqolaalo shacab iyo ciidan lagu
laayo dhulkaa saxaraha ah ee aanan
geedka laheeyn ???? maya dowlada
midnimada qaran haddii eey tahay
mid dhexe waxaa waajib ah in dib u
soo celinta qaranimada somalia eey ka
wada qaataan dhamaan somali maaha
in reer koonfur lagu
gumaado,colaada socotaa kuma
joogsan doonta koonfur oo kalia sabbabtoo
ah Al-Shabaab fikirkooda kuma eka
koonfur oo kaliya basle inta gooro
goor tahay waxaa qumaneeyd in la
wada difaaco dowlada dhexe ama
qaranimada Somalia,waa in ciidan
qaran oo ka kooban dhamaan somali
in la dhiso maaha in reer koonfur
lagu gumaado dib u soo celinta
qaranimadii somalia.
Sheekh Shariif iyo
reer koonfur waxaa quman in eey
dib ugu celiyaan dhukooda xubnaha
xildhibaanada Somaliland iyo
Puntland marba haddii eeyan ka
qeeyb qaadaneeyn difaacada
qaranimada somalia, looma baahna
in meel dhexe lagu noolaado hadba
cadka macaana la boobo,haddii
Somaliland iyo Puntland u arki
lahaayeen Al-Shabaab iyo Xisbul
Islaam in eey wiiqayaan qaranimada
somalia soona jiidanayaan cadowga
shisheeye xaqiiqdii xal ayaa la
gaari lahaa difaaca qaranimo
Somali.
Waxaa iyana maqan
fikirka ama garashada mucaaradka
Al Shabaab iyo Xisbul Islaam ku
wajahan badbaadinta qaranimada
somalia,Al Shabaab xaqiidii waa
eey bedeleen hadafkoodii ka
xoreeynta Ethiopia dalka somalia
waxeey marar faro badan sheegeen
in eey halgan kooda uu socon doona
ilaa iyo 5 qaarad,sida oo kale
Xisbul Islaam oo hamigooda uu
yahay xukunka oo kaliya,sow ma
qumaneeyn in eey noqdaan sidii
Xisbul Laah ee
dalka Lubnaan waayo Xisbu Laah
waxaa eey awood ku leeyihiin
baarlamaanka iyo golaha wasiirada
dalka ayagaana marwalba ku qasba
dowlada Lubnaan waxa eey rabaan
maxaa diiday in eey ka fekeraan
dadka,dadka iyo diinta inta eey
qori ku doonayaan xalka
somalia,haddii eey sidaasi u
fikiri lahaayeen qaadana lahaayeen
nabada iyo wada noolaanshaha umada
somalia waxaa la dhihi lahaa waa
gar in laga mid noqdo basle maanta
waxeey dhex dabaalanaayaan dhiiga
shacabka xaqdarada loo
dilay,Kaaraan waxa dagaalka uu ugu
socdaa waxaa ugu weeyn in dekeda
xamar eey xiraan Al Shabaab waayo
qofkii qabsadaa D/Kaaraan waxuu
awoodaa in uu xiro dekeda weeyn ee
xamar,xirnaashaha dekeda xamar
waxaa uu dhabar jab ku yahay uu
shacabka iyo dowlada midnimada
qaran,sida oo kale waxeey u
socdaan madaarka xamar Alow Sahal
Umuuraha.Shacabka ayaa gumaad iyo
xasuuq loo dalbay nabadana ciidm
shisheeye ma keeni karo,Kaaraan
waxeey ku jirtay gacanta dowlada
waxaana haystay ciidan dowlad oo
xaqiiqdii ah mooryaan shacabka
Kaaraan maalin walba dhibi
jiray,ciidan biliqo doon ah ayeey
ahaayeen aad ayeeyna ugu fogaayeen
ku dhaqanka shareecada
Islaamka,shacab daalaa dhacayay 20
sanno oo loo diiday in eey ku
noolaadan nolol dhab ah ayaa
degenaa Kaaraan.