|
Qoraha Maqaalkan Cali Cabdi Rude – E-mail: cabdirude@hotmail.com - Karachi-Pakistan |
June
12,
2009 - (QOL)
Waxay
cirka isku shareertey dhibaatada
hadda Soomaaliya ka aloosan, ka dib
markii uu soo shaac-baxay heshiiskii
ku dhex-maray magaalada Jabuuti
bartimihii Bishii Juun 2008dda
Xukuumadda Fedaraalka ku-meel-gaar
ah iyo Ururkii dib-u-xoreynta,
garabkii Jabuuti, kaas oo looga gol
lahaa in looga gudbo mashaakilladii
siyaasadeed, laguna helo xal-waara.
Haddii la filayey in uu heshiiskaan
najaxo, oo lagu soo af-jaro
dhibaatada daba-dheeraatay ee
halakeesey Dalkii iyo dadkiiba, waa
lagu hungoobey, ka dib kolkay madaxa
ka luleen garabkii Casmara, Al-shabaab
iyo Ururro kale in ay ku biiraan
dawladda, iclaamiyeenna dagaal ka
dhan ah, taas oo xaalkii sii
murjisay, kana dhigtey “Jug-jug
meeshaada jog!”.
Sida
dhabta ah, kala-maanka hadda ka
dhex-taagan Ururrada Islaamka
Soomaaliyeed ee isku haya
hoggaaminta waddanka ma ahan mid
Cusub, horey ayey isugu hayeen fakir
ahaan; habka loo marayo soo
af-meeridda dhibaatada Soomaaliya
iyo waddada loo qaadayo iyadoo ay ku
qaybsanaayeen fikirkaasi labada
Urur-Islaameed ee ugu waa-weyn ee ka
la ah: Ururka Akhawaanul-musliim (Islaax
iyo Aala-shiikh) iyo Midka Salafka
oo, hadda ka farcameen ururro kale
oo badan, wuxuuna khilaafkani
bilawdey ka dib dhicitaankii
Dawladdii dhexe ee Soomaaliya
1991-kii.
Ururka
Akhwaanku (Waa Islaax iyo
Aala-shiikhe) iyagu waxay qabeen
ra’yi ahaan in uusan dagaal xal u
keenayn mashaakillada ka aloosan
waddanka ee, ay wanaagsan tahay in
Mujtamaca lagu dadaalo, loo furo
xarumo dib-u-heshiisiin ah, kuwo
wax-barasho oo loo furo
da’yarta, loo gar-gaaro
dadka tabaalaysan, iyadoo geesta
kalana dacwadda iyo wanaag-sheegga
laga wado, si markaas loo gaaro,
loona soo celiyo Maamulkii Islaamka
ee caalamiga ahaa. Laakiin
Salafiyiintu sidaas fakir ahaan way
ka duwanaayeen, waxayna qabeen: In
hubka bidixda lagu qaato, midigtana
Kitaabka Eebbe, mujtamacana loo furo
xarumo khayrka iyo diinta loogu
sheego, in looga furo dadka aaminsan
fikirka Salafiyada iyo
dhallin-yaradaba xarumo lagu
taba-baro goballada Soomaaliya,
iyadoo geesta kalana dacwadda iyo
khayr-sheegga laga wado, lalana
Jihaado gaalada iyo gala-raacaba, si
markaas Soomaaliya looga Unko
“Dawlad Islaami ah,.
Fikirkii
noocaas ahaa ayaa geliyey Salafka
daggaallo sokeeye iyo kuwo caalami
ah oo, ay kala kulmeen
guul-darrooyin
ba’an, waxayna samaysteen
urur ay magaciisa ku hawl-galaan oo
la dhihi jirey “Al-itixaaddul –Islaami”
oo, hadda ururro-diimeedyo kale ka
farcameen. In kasta oo markii ay
dagaallo badan galeen –oo isugu
jirey kuwo maxalli iyo caalami ah-
ku hoobteen ay fakir ahaan qudhoodii
kala jabeen laakiin, in badan oo ka
mid ah madaxdii iyo
hoggaamiye-yaashii Ururku weli kama
harin fikirkoodii iyo manhajkoodii,
wayna ku socdeen waddadii
awood-adeegsiga. Waxay aad ugu lug
lahaayeen samaysankii Maxkamadaha ee
bilowday horraantii 1994kii. In
kasta oo loo aneeyo fikirkii
yegleelidda Maxkamadaha Shiikh
Maxammed Macallin oo ka tirsanaa
Ururka Ikhwaanka, haddana waxay
ahaayeen Maxkamadahaas kuwo ku
salaysan Qabaa’il, qabiil walbana
isaga ayaa u madax-bannaanaa cidda
uu uga dhiganayo Madax maxkamaddiisa.
Sidaas ayeyna ku heleen in ay ku soo
baxaan hoggaaminta maxkamadaha
kuwooda awoodda leh.
Kolkay
la wareegeen Xamar Ururrada Islaamka
Soomaaliyeed, waxay asaaseen
Dallad ay ku mideysan yihii
oo ahayd “Midawga Maxkamadaha
Soomaaliyeed”. In kasta oo
hoggaamiye looga dhigey Shiikh
Shariif Shiikh Axmed oo fakir ahaan
Ikhwaan ah – siiba Aala-shiikh-,
haddana waxaa mideynayey cadaw ay
wada lahaayeen oo ahaa Ururkii la
dagaalanka Argagixiska ee uu
taageerayey Mareykanku. Laakiin
sidaas ooy tahay, fakir ahaan
khilaaf weyn ayaa u dhexeyey,
waxaadna ka dheehan kartaa sida
Shiikh Shariif Awaamiir aan ka soo
bixin loo fuliyey, oo ay ugu weynayd
mamnuucidda Qaadka, Sigaarka,
mamnuuciddii Xarumaha
Shaneemooyinka iyo ciyaaraha iyo
weliba xiridda xarumaha Ganacsiga
kolka la gaaro Salaadda, mana aysan
qabin Shiikh Shariif iyo asxaabtiisu
wax-yaalo badan oo ay ku kacayeen
Ragga ugu waa-weyn Salafka ee ka
tirsanaa Maxaakiimta.
Markii
Itoobiya waddankii ku gal-galatey,
wiiqdeyna awooddii Maxaakiimta,
waxay raggii ugu sarreyey
Maxaakiimtu u carareen dhankaas iyo
Waddankaas Eratariya oo, ay
magan-galyo iyo taageeraba ka
doonteen. Waxay ku samaysteen
waddankaas dhexdiisa urur ay u
bixiyeen “Ururka dib-u-xoreyta
Soomaaliyeed” oo markaas madax
looga dhigey Shiikh Shariif Shiikh
Axmed. Xoogaa yar haddii lawada
shaqeeyey waxaa si tartiib-tartiib
ah u soo shaac-baxay khilaafkii
fakir ahaan u dhexeyn jirey
Akhwaanka iyo Salafka. Shiikh
Shariif iyo xulafadiisu waxay soo
bandhigeen in aysan wanaagsanayn,
xal lagu gaari karin, Itoobiyana
waddanka looga saari karin dagaal ee,
loo baahan yahay, in la raadiyo xal
kale oo siyaasadeed, in wada hadal
la furana ay lagama maarmaan tahay.
Arrintaas Salafkii ay markaas hor
kacayeen Xassan Daahir iyo Dr. Cumar
Iimaan way diideen, waxayna soo
bandhigeen fakir ah, in Itoobiya iyo
acwaanteedu Muruq mooyee maan waxba
looga qaadi karin.
Shiikh
Shariif iyo raggiisiiba waxay
go’aan sadeen in ay fikirkaas ka
dhabeeyaan, wada hadalna la furaan
Dawladdii C/llaahi Yuusuf ee ay
riixeysay Dawladdii Itoobiya.
Wadahadallo hoose ayey dawladdii
Imbagaati la bilaabeen. Haddii ay
go’aansadeen hir-gelinta fikirkaan
fadhi uma yaallo Eratariya oo, iyadu
fikirkaan u aragta mid danaheeda
siyaasadeen wax u dhimaya, waxay
isla markiiba u dhaqaajiyeen halkaas
iyo Jabuuti. Garabkii Salafiyiinta
iyo intii raacsanaydba waxay ku
hareen Asmara, oo ay ugu cad-caddaayeen
Shiikh Xassan Daahir Uweyn, Dr.
Cumar Imaan, iyo Shiikh C/llaahi
Cali Xaashi. Waxay isla markiiba
iclaamiyeen, in uu Shiikh Shariif
iyo raggiisuba waddankii khiyaaneen,
noqdeena daba-dhilifyo aan wax-ba
dhaamin C/llaahi Yuusuf iyo xertiisa.
Laakiin Shiikh Shariif taas dhag
jalaq uma siin, wuxuuna
go’aansadey in uu la dheelo
Dawladda C/llaahi iyo tan Itoobiya
“Ciyaar-siyaasadeed” fogaan-arag
ah, oo danta laga lee yahay tahay,
in Dawladda siyaasadda lala wadaago,
waddankana Itoobiya laga saaro,
isagoo dhan kale beesha caalamkana
taageero weyn ka halay, maaddaama ay
u arkayeen nin Qun-yar socod ah, oo
lala shaqeyn karo, halka ay Shiikh
Xassan iyo raggiisaba u arkayeen
kuwo mayal-adag oo, marnaba la fahmi
karin.
in kasta oo “Ururka dib-u-xoreynta”
qayntii Asmara iyo in badan oo
Soomaali ahba u arkayeen
wadahadallada nabadeed ee Jabuuti ee
u dhexeeya Shiikh Shariif iyo
Dawladdii C/llaahi, in aysan wax xal
ah keeni karin maaddaama siyaasad
ahaan labada garab kala xeel-dheer
yihiin, haddana si lama filaan ah
waxaa u soo baxay ifafaalo muujinaya
Khayr. Waxaa isla markiiba ka baxay
Waddanka, Itoobiya, oo awalba naf
haysay, oo markii beesha caalamku
dalbatay in ay Xamar ka baxdo tiri
“Turaan-turo awalba horaan u-socdey”.
Waxaa kale oo la tuurey C/llaahi
Yuusuf, Baarlamaankiina waxaa loo
soo wareejiyey Jabuuti, iyadoo lagu
tala-galay in la ballaariyo luguna
daro intuu yahay oo kale oo, ka
imaanaya dhanka “Ururka dib-u-xoreynta,
garabka Jabuuti. Baarlmaankii waa
laballaariyey, waxaana Madax-weyne
loo doortey Shiikh Shariif Shiikh
Axmed, wuxuuna ballan-qaadey markii
loo caleemo-saarey
Madax-weyne-nimada, in uu waddanka
Shareecada Islaanka ku xukumayo,
wadahadallo dib-u-heshiineedna la
bilaabayo garabyada kale ee Ururrada
Islaamka ee gudaha iyo dibadda
Waddanka ka jira.
“Ururka
dib-u-xoreynta” garabkii Asmara,
gebi ahaamba waa qaadaceen shirkaas
iyo natiijadii ka soo baxdeyba,
iyaga oo u arkayey in uusan dhib
mooyee dheef soo kor dhinayan. Waxay
aaminsanaayeen, in bixitaanka
Itoobiya uusan keenin shirkaasiye ay
Itoobiya lafaheeda u carartey, sida
uu horey dhawr jeer uga
dhawaajiyeyba Malazanaawi –Ra’isal-wasaaraha
Itoobiya. Waxay u arkayeen oo kale
shirkaas iyo natiijadiisaba mid uu
daadihinayo Mareykanka iyo
Reer-galbeed kale, aysanna is qaban
karin Alle-u-jeed iyo
Reer-galbeed-u-jeed. Waxay
iclaamiyeen dagaal ka dhan ah
Dawladdaas Shiikh Shariif, iyagoo
dhanka kalana sameeyey Urur ay ku
bahoobeen “Ururkii dib-u-xoreynta”,
garabkii Asmara iyo Ururro kale oo
Islaami ah oo gudaha waddanka ka
dagaalamayey – oo dhammaanba awal
isku fikir ahaa (Salaf)-, waxayna
ururkaas u bixiyeen “Ururka
Islaamka”, waxaa kale oo isla
dawladda Qaadacay “Ururka
Mujaahidiinta ee Al-shabaab”, oo
leh awood adag oo ballaaran, fakir
ahaana Safal ah. Arrinkii afka-hadal
kuma ekaana, wuxuu dalkii mar kale
tiimbadey dagaallo sokeeye oo
diimeed, taasoo ummad iyo maal
badamba galaaftey. Waxaa kale oo
hadda iyana samaysmey urur-diimeed
kale oo, isna fakir ahaan weligiba
ka dhan ahaa kuwaan oo dhan, kan oo
keeni kara dhibaato isna hor leh.
Maaddaama
hadda waddanku Urur-diimeedyo
gacanta ugu jiro, caddahayna in
faraq kala-maanimo u dhexeeyo
Ururro-diimeedka hadda dalka ku
har-damaya, waxaa habboon in
faraqaas fikradeed meel la iska
saaro iyada oo la eegayo danta guud
ee Ummadda, lana daryeelayo shacabka.
Haddii kale oo, sidan lagu socdo
waxay hor-seedi kartaa
dagaal-diimeed ka darnaada
dagaalladii sokeeye oo sii
dabadheeraada, oo naf iyo maal kale
oo badan galaafta, siiyana fursad
dahabi ah oo kale Waddamada cadawga
ah ee daneeya arrimaha Soomaaliya.
W/Aruriyey:
Cali Cabdi Rude – Uloleeyaha
Nabadda iyo Xuquuqul-Insaanka.
CIT,
DIT, DBA, DIF and BSc.
E-mail:
cabdirude@hotmail.com
Karachi-Pakistan
Waxaa
dib-u-eegey, fikaro badanna ku Darey,
Qaraa sare; Suldaan Nayruus Xaaji
Aadan.
Ilaha
Qoraalka:
Waxaa qoraalkaan inta badan ka soo
rogey Al-Jaziira, waxaa kale oon la
kaashadey Wakaaladaha wararka ee
Caalami ah, iyo weliba Qaar ka mid
ah Website-yada Soomaalida kuwooda
macluumaadyada keydiya. Waxaa kale
oon xog badan ka helay, Qaamuuska
Xogaha aruuriya ee Wikipedia.




