Home Contact us Videos Audio Country Profile Presidential Profiles Sports Religious Pages



Xasan Daahir Aweys New Maquuste!

 


By Dr. Ali. A. Hirabe - Email:  Hirabe_a@hotmail.com   


OPINION / FIKRAD 


June 15, 2009 (QOL)  

 وَإِذَا أَذَقْنَا النَّاسَ رَحْمَةً فَرِحُوا بِهَا وَإِن تُصِبْهُمْ سَيِّئَةٌ بِمَا قَدَّمَتْ أَيْدِيهِمْ إِذَا هُمْ يَقْنَطُونَ

Haddii aan dhadhansiino dadka Raxmada Rabi weey farxaan, hadii dhib uu ku dhaco oo eey gacnahooda ku keensadeen weey quustaan,waxii la filayay ama rajadii shacbka waxeey noqotay mid luntay markii Ethiopia eey dalka ka baxday,waxaa qaxay shacab aanan qaxin 2006 ilaa 2008 waxaa la xasuuqay shacabkii dalka ka difaacay Ethiopia suáasha jirtaa waxaa eey tahay maxeey is dhaamaan Al-shabaab iyo xisbul Islaam cadowgii shalay shacabka gumaadaayay ee Ethiopia balse waa eey ka xun yihiin Amxaaro sabbabtoo ah waxeey dib ugu noqdeen shacbkii u hiiliyay wadaniga ahaa diidanaa cadowga soo jireenka ah,shacabkii u hiiliyay markii MMI soo ifbaxeen,shacbkii biyaha iyo caanaha ka daba waday mujaahidiinta isku bedelay mooryaan aanan aqoon aduun iyo aaqiro, markii raxmada Ilaah eey timid ee Ethiopia eey meesha ka baxday shacbka waxaa uu is lahaa waxaa la gaaray xiligii la abuuri lahaa nabada iyo wadanoolaansho dhab ah bale taasi waxaa ku towbad gafay X.Daahir iyo kooxda al shabaab labadaba waxaa   Ilaah ka fogeeyay wax walba oo nabada iyo wadanoolaanshaha shacabka xamar ku imaan karto ama rajo gelin kart nabada balse waxaa dhawaan X.Daahir shacbka u sheegay in eey ku sabraan dagaalka aanan la aqoon xiliga uu soo afjarmi doono iyo hadafka uu leyahay, Somalida waxeey dhahdaa  dagaal wiil kuma dhashee, wiilbaa ku dhinta waxaa la xasuuqay dhalin yaro somali ah,waxa la dilaya ama dhimanaya waa Somalia waxaa  mudan in la weeydiiyo X.Daahir iyo kooxaha al shabaab naf aanan mudan in la dilo yaa idiin xalaaleeyay in aad dishaan

Raxmada Ilaah haddii eey timid oo Ilaah nooga hiiliyay Ethiopia nagana saaray maxaa keenay in aan garan weeyno raxmadaa rabi mudane in lagu shukriyo,waxaad moodaa in lagu kufriyay nimcada iyo raxmada Ilaah,kuwa hada wadahadalka iyo nabada ka

doortay dagaalka iyo xasuuqa shacabka dhibka ku raagay xaqiiqdii ayaga ayaa Ilaah u caroonayaa waayo waxeey garan waayeen waxa Ilaaheey ka dulqaaday iyo raxmada u soo hoyatay, raxmada Ilaah waa in aanan laga quusan balse marwalba lagu xirnaado Ilaaha dhibka iyo dheefta keeno ILaah waxaa uu dhahay:

رَّبُّكُمْ أَعْلَمُ بِكُمْ إِن يَشَأْ يَرْحَمْكُمْ أَوْ إِن يَشَأْ يُعَذِّبْكُمْ وَمَا أَرْسَلْنَاكَ عَلَيْهِمْ وَكِيلاً

Rabigiin waa idin ogyahay ,haddii uu doono waa idiin naxariisan haddii uu doonane waa idiin cadaabi ee nabiyo (SCw) ma tihid mid ka wakiil ah Iiimaankakooda cidii Ilaah ku kufriso cadaab ayuu u danbeeysa cidii Ilaah adeecdana raxmada Ilaah ayuu galayaa,marar faro badan ayaa Ilaaheey sheegay in cidna eeyan cid kale wakiil ka aheeyn balse qofwalba uu mudan yahay in uu ilaaliyo waxa la faray,X.Daahir iyo al shabaab waxaa afkooda ka soo baxayo waa wax aanan loo dulqaadan karin erayada waxaa ka mid ah in dad muslim ah eey ku sheegaan cadowga Ilaah suáasha mudan in aan is weeydiino waxaa eey tahay ma Ilaah ayeey ka awood badan yihiin ,waxaan leeyahay Ilaah hiilo idiinkaagama baahna asagaana garan cida wax dulmisay iyo cida wax hagaajisay,dib u fiiri akhristow qomamkii Ilaah ku haligay aduunkaan kuna qabtay danbiyadii eey galeen sida qomul Fircoon,Thamuud ,Caad iwm  Nabigeena Maxed ( SCW ) waxuu ahaa raxmatan lil caalamiin ,Ilaah waxaa uu sheegay ashidaa calal ku faari ruxamaa beeynahum weli X.Daahir iyo al shabaab ma eeyan garan Ruxamaa beeynahum waayo waxa eey dhegta dhiiga u darayaan waa caruur,hooyooyin duqeeyn ashahadaata,muslim ah dukada sooma salaada war xageey u socdaan diinta eey wadaanse waa tee,socon meeyso in la xalaalshado caruurta ,hooyooyinka duqeeyda muslimka ah waxaa waajib ka saaran yahay cid walba oo garaneeysa diinta Islaamka in eey ka hortagaan waxa eey ku kacayaan X.Daahir iyo al shabaab ee ah dagaal ayaa xalka ku jiraa, ILaah ayaan ka baryaayaa in uu garadsiiyo waxa loo abuuray in eeyan wakiil ka aheeyn aduunka balse Ilaah wakiil ka yahay aduunka asagana abuuray loona noqon doono.magacyada Ilaah waxaa ka mid ah Al-wakiil cid kale oo awood sheegata ka siisan meeyno in eey tiraa anagaa wakiil ah.

 

 

Dr.Ali.A.Hirabe                             Hirabe_a@hotmail.com   

.


Xafiiska Wararka ee Toronto, Canada

Qaranimo Online

info@Qaranimo.com


Adaabxumada waa mamnuuc.

Sharciyada:

1- Haqorin ra'yi xun.

2- Ra'yigaada ha kucelcelin.

3- Ra'yigaada dadka yuu wax u dhimin.

4- Xushee dadka kale.

Misconduct members will be blocked.
Rules:
1. Do not post rude comments.
2. Do not repeat. 
3. Do not be rude to other members.
4. Respect others.

 

Custom Search

 

osCommerce

CALL MANTA COMPUTERS

TODAY

416.243.3313

 

 MP3 PLAYER WITH FM TRANSMITTER

CAR MP3 PLAYER WITHOUT CD PLAYER IN YOUR CAR

1.    Read MP3 file.

2.    Support U disks, SD/MMC, MP3.

3.    206 FM Channels

4.    With LCD display

5.    Volume Control

6.    Frequency and music memory

7.    With Remote Controller

LOADED with:

  • 114-ka Quraanka
  • Xadiis
  • Subaca 30ka Jus
  • Tafsiirka Quraanka
  • HEESO - In kabadan 100 Hees oo Soomaali ah

GET YOURS TODAY and ENJOY WHILE DRIVING

 

who's online