Qiiradu Way na Qafaalatay
|
|
|
|
by: Siciid Shire
|
|
|
OPINION / FIKRAD
July 03,
2009 - (QOL)
Af Soomaaliga ayaa waxaa la yiraahdaa waa af
aad iyo aad u da' weyn oo hodan ku ah gabayo iyo suugaanno fara badan oo kala
geddisan, sida; Heesaha, dhaantada, baraanburka, maansada, maahmaahda, IWM.
Waxay kulli keyd u ahaayeen afka soo-jireenka ah ee an lahayn qoraal wixii ka
horreeyey 1972dii. Waxay kale oo ay kulligood ka siman yihiin inay xambaarsan
yihiin dareen qiiro leh oo kasoo go'ay ruux bulshada ka mid ah. Haddii afka
Soomaaliyeed qeybta ugu weynni murtida tahay ayna qiiro (emotion) ku salaysan
tahay, dadkana sidoo kale iyo si ka ballaaranba qiiradu wey u saamayneysaa.
Tusaale ahaan; dabeecaddooda, dhaqankooda, hab-fikirkooda, iyo noloshoodaba way
saameeyn. Qiiradu, haddaba, qofka mar waa ka qoslisaa marna waa ka oohisiisaa.
Marar badanna ma muuqataba oo shaqsiga uurkiisa ayey ka holcaysaa iyadoo
dibedda muuqaal sidaa u weynni uu ka bidhaameeyn. Qofkaasi guduhuu ka gubanayaa.
Waxa uu qofkaasi qabaa jirro ka timid cudur-qiireed haysa nafsigiisa. Qofkaasi,
wuu kulul yahay.
Haku
timaaddo dhab ama dhalanteed midka ay doontee, ruuxa wejigiisa ayey dareen
aawadiis marar il-biriqsi ku beddeshaa. Waxay dhalisaa jah wareer iyo cillado
kale oo fara badan, qofka ay haleeshaana miyir uu ku xisaabtamo ma leh inta ay
hayso. Waxay shaqsi ku abuurtaa nacayb, jacayl, iyo wixii la mid ah ee dareenno
ah. Sidaas awgeed, qof qiireysani khatartiisa ayuu leeyahay oo caqligiisa ayey
ka xoog badisey. Wuxuu ku kacayaa falal guracan inta uu qiireeysan yahay. Wixii
uu maal ahaan wakhtigaas hantay ama soo maqooradey ma noqdaan wax waara oo
hanaqaada ee ugu dambeynta badanaa guuldarro ayey ku dhammaadaan. Sidaas iyo
siyaabo kale oo kala duwanba way u saameeysaa ruuxa. Bulshoweynna waa sida oo
kale.
Midda
aynu u dan leenahay waa ta saameeynteedu horyaalka u tahay ficillo ummadeed iyo
dhaqankoodba waaayo qiiradu waa nagaan ee maaha mid si fudud isaga tagta, inta
ay sii nagaanneysaana way sii tarmi un. Qiiradu kali ahaan waa dhib badan tahay
oo waa in la baadigoobaa dad sidoo kale ay u hayso, si ay isaga kaashadaan
cullayskeeda. Ruuxu wuxuu raadsanayaa dad la mabda' ah oo wuxuu sababo u
raadinayaa dareenkaas cirka isku shareeray culleyskiisa cid la mataanta.
Tusmayn; Hadallada qofkaas waxaa ka mid noqonaya; “Aniga kaliya maahee dadka
oodhan ayaa sidan qaba oo wax u fahansan,” IWM.
Dadkeennu
waxay si qiireeysan ugu dheggan yihiin qabiilka sababta oo ah wuxuu u yahay
caymis, aqoonsi, taageero, niyad-dhis, medaddaalo, meherad, magac iyo maammuus
intaba. Waxaa tusaale loo adeegsan karaa in had iyo goor la yiraahdo
aqoonyahanno Soomaaliyeed waa tiro yar yihiin. Dhabcan, waa tiro yar yihiin,
waxaase sii yareynaya waxaa weeye in qaarkood aysan xor ka ahayn qiiradaas
ummadda intaade kale ku fidday. Sidaas daraadeed, waxay fikradda qabiilka kala
mid yihiin geeljiraha iyo midka qabiilka magaciisa wax ku shaxaada ee ku faana.
Aqoontoodiina sidaas ayey ku qiimo iyo qaayo beeshay oo u seegtey dadkii ay wax
tari lahayd.
Qof
an waxbaran/qaban baa qofkale tiisa ku faanaya, qabiil dartiis. Taasi waxay
qofkaas ka hor-istaageysaa inuu wax barto ama shaqaysto oo wuxuu
massuuliyaddiisii dul saaray dad kale - caymis. Marka ay dhabtu timaaddo wuxuu
ku hadli oo kaliya waa magaca qabiilka, illeen caqli/cilmi iyo meherad kale ee
uu leeyahay ma jirtee. Hanan kari waayey nolol kol hore. Bulshada ayuu dhimmaal
ku yahay oo shaxaadayaa meeshii u wax ku soo kordin lahaa.
Dal
iyo dibedba, waxaa jira shirar Soomaaliyeed oo taxane ah oo ku-dhawaad giddi ku
dhammaada guuldarro. Dadku shirarkaas waxay uga qeyb qaataan si wada tashi
looga arrimmiyo duruufaha jira. Waxaa aalaaba dhacda in marka shirku dhammaado
(waaba haddii lagu guullaysto!) inta banaanka la'istaago dabadeena meeshaas
laga bilaabo qabiil iyo qurunkiis oo go'aannadii shirkuna meeshaas ku qiimo
beelaan. Ma caqlixumaa sababtu? Qiiro? ..Labadaba? Bal gudagal yar..
..Waxaannu
leenahay erayo qiiro dhalisay amaba ay ku dheehan tahay, sida;
-
"Dagaalku waa soconayaa illaa inta..." - (qiirado naga ba'ayso?)
-
"Furkuu tuurtay!" - (qiiraa-qalatay?)
-
"Wixii ka yimaada waa la arki!" - (caqli ay qiiro cirriirriyeyso)
-
"Weligood dhibbay wadeen!" - (qiiro fideysa)
Astaamaha
lugu garto qofka qiireeysan waxaa ka mid ah; walwal joogto ah, fudayd iyo
degdeg fara badan, aqoon cilmi oo meeshii uu ka adeegsan lahaa uu gebi ahaanba
ag marayo iyo gacan ka-hadal uu u uur-mariido. Dagaal buu ku ciilbaxaa kadibna
ka shallaayaa.
Soomaaliyi
marka miyaaney ahayn dad-qiireed haddii gacantu kasoo horreyso? Miyeysan
habbooneyn inaannu ka fiirsanno sidey inoo saameeyso bulsho ahaan? Sidee wax ka
yihiin dad walaalo ah oo intaas dagaallamayey? Miyeyse dhici kartaa in dadi
intaas oo sannadood isu ciil qabo? Goorma ayey arrintu ciil ka weynaaneysaa oo
ay noqonaysaa mid muujineysa inuu ruuxu xag kale ka jirraban yahay oo uu ciilku
marmarsiyo un u yahay? Yurub oo gubatayba waa laga heshiiyey! Labo Soomaali ah
haddii inta qol lagu xiro dabadeedna subixii loo soo laabto waxaa loo imaan
iyagii oo laba koox u kala go’ay oo gabood iyo hardan galay.
Bulsho
qiireeysan garasho iyo wanaag ayey ka waabataa inta ay hayso. Waxaa tab ahaan (qiirada)
u adeegsada xukuummadaha miletari ama kelitalisyada oo ku beerlaxawsada kuna
dhiirriggeliya dadka danyarta ah. Waxay marag u tahay sida kelitalisyadu
taageerada ugu ballaaran badanaa uga helaan saboolka, eryaanna indheergaradka.
Ummadaha ay haleeshaana
Wada
shaqeynta/noolaashuhu waa astaan muujisa ilxabnimo, saa dad sidaa yeelay waa
kuwo dantooda gartay'e. Dunida saddexaad waa ku yar yihiin dad dantooda sidaas
ugu midooba. Is cafis iyo is-aamminaad waa caqli iyaba, yase heeshee, qof
qiireeysani dad ma cafiyo mana aammino. Dabcan, qof dad waa hore ka geeryooday
mar walba u barooranaya waa mid la dhintay dadkii waagaas ka geeriyooday oo
ifkan maanta anan jooginba. Waxa uu qaadayaa cudurro ay ka mid yihiin dhiigkar
iyo dhabar xanuun markuu da’ noqdo oo waxayna la haleeshaa hoos-u-dhac weyn
oo xag caafimaad ah, maan iyo addinba. Qofkaasi waa daciif ay qiiro ka tan
badisay.
Gaandhi
ayaa isagoo mar ka hadlayey cafiska, wuxuu yiri; “Daciifku wax ma cafiyo ee
kuwa itaalka leh ayaa wax cafiya, kana gudba dhibkii soo maray waa hore.”
Aqoonyahankii
lagu magacaabi jirey Leopold Sedar Senghor (9kii, Oktoobar, 1906dii - 20kii
Diseembar, 2001dii) waxa uu ka mid ahaa aqoonyahannadii ugu cilmiga sarreeyey
ee Afrika soo mara qarnigii la soo dhaafay, kolna noqday Madaxweynihii ugu
horeeyey ee uu yeesho dalka Sinigaal, ayaa isaga oo ka faalloonayey dadyowga
madoow ee adduunka ku nool, waxa uu yiri: "Emotion is Negro, as reason is
Greek". “Qiiro waa madow, sida sababi (milgeeyntu) Girriig u tahay.”
Inkasta
oo ay tixdaasi dhalisay muran iyo is-afgaranwaa, Mudane. Senghor wuxuu ku
dooday inuu ka wadey oo kaliya in dadka madow ay mararka arrimo adag la soo
gudboonaadaan qiiroodaan ugu horreynta ee aysan sababta eegin ama adeegsanba
sabab oo dhan, kuna dhegaan oo ku adkaystaan dareen ahaan wuxuu camalkoodu
farayo. Marka Yurub loo babacdhigo.
Waxay
Yurub ka tusaale qaadataa dhaqammadii iyo taariikhdii Girriiggu lahaan jireen
ee sababtu halhayska u ahayd. Falanqeyn kadib ayaa tiro sii kordhaysey la
safatay Md. Senghor iyo ra'yigiisa oo markii hore cod dheer ku diiddanaa.
Oraahdiisu way miro dhashay.
Tusaale;
Qof madoow ayaa la aflagaaddeyn, kal iyo laab ayuu ku qaadi erayada
aflagaaddada ah wuxuu xijin gacan-ka-hadal - hadduu awoodo iyo haddii kaleba.
Qof cad wuu xanaaqi sida ka madoow, laakinse fal inuu ku xijiyo uma badna.
Tusmeyn; Innagoo an dadka madow takooreynin ayaa waxaan
Aqoonyahan,
marka, waa
Waddammada
horrumaray waxay hab-dhaqanka bulshadooda ku beeraan halbeeg fikradeed oo
falanqeynta, wada qeybsiga, tanaasulka, iyo garqaadashada ku salaysan.
Iskuullada ayaa lagu dhigaa. Dhallaankooda, kuwa xannaan-maalinlaha illaa iyo
waxbarashada aasaassiga ah oo dhan waxaa loola xaajoodaa sida dad waaweyn. Reer
Galbeedku dhaqan ahaan ciddii wax an sidaa ahayn oo caqliga iyo damiirka lid ku
ah la timaadda ummadda inteeda kale waxay agtooda ka tahay dhogorqabe oo way
sharafbeeshaa.
Carruurta
waxaaa lagu beeraa ineysan qiiroon ee ay caqliyeeyaan beddelkeed. Ugu dambeyn,
waxay ku barbaaraan inay xisaabtamaan had iyo goor. Cirroole camalkiisu
caqligiisa rogay carruurtaas kor ku xusan ayuu ka liitaa. Sidii shirkii
nabadeynta Soomaaliyeed ee 2004tii oo kuraasta la'iskulaadhacayey gudaha
xaruntii shirka ee Neeyroobi, Kiinya oo kale haka filan carruurtaan!
Aqoonyahan
Soomaaliyeed oo mar hadla oo ummadda wada dhageysataa wuu yar yahay. Kuwo
khaladaadka-dhaqanneed falanqeeya oo saxana waa ka sii yar yihiin. La'isma
tixgaliyo, la'isma dhageysto, la'isma cafiyo. Sida ummadaha kale dantooda u
mideeyaan marka ay dhibaatooyin la soo gudboonaadaan oo kale lama yeelo. Waa
nala dhaammaa ee waa inaannu ogaanno waxa nalagu dhaammo. Lagama tusaale qaato
waddada soo maray dhibkaan oo kale sida ay kaga soo gudbeen massiibooyinkii
saynta ku dhagey waa hore ee haddeerna taariikh un u ah iyo calaamad ah in an
mardambe loo noqonin.
Kuwa
qiireeysan wada tashi, wada hadal, midnimo, hadaf toosan, iyo wax allaale iyo
wixii soo afjari karayey mushkilladda ballaaran ee jirta ayuu dareenkaas
kacsani u oggolayn ummadda uu hayo. Dad qiireeysani intaas midna kuma
dhaqaaqaan ee waxay baadigoobaan sidii ay u aargoosan lahaayeen oo u khiyaami/dhantaali/cunsuri
layaaheen kuwa kale, IWM. Waa ibtilo-u-joog; Qaran, qoys, iyo gobol oo
heerkeedu waa soohdin-dhaaf. Ogow, qabiilkaa dugsiiyaa qiiroleeyda.
Inta
ay taasi jirto astaanta adduunku Soomaaliya iyo Soomaali oo dhan ka haysto
waxay waligeed ahaan midda hadda jirta: Dad madmadow oo caqli xumo lagu
inkaaray, sumcad xummo, qaxooti adduunka ku firirsan ah, oo an lahayn midnimo
iyo madax toona, dambiyo dagaal iyo kuwo bani'aadmiba, ummad giddiggeed jah
wareersan, sabool ah, haween iyo carruur Soomaaliyeed oo bad iyo berriba dunida
ku tabaaleeysan, arrimo murugeysan oo raaga iyo kuwo cusubba - sannadba sannad
kadib. Illaa la wada quusto oo la gaaro mar ay kamadambays tahay oo wixii
suurtogal ah un oo kaliya lagu khasban yahay in la aqbalo markaas, taasoo ah;
Waxba.
Bulshadu
inta ay ka kooban tahay giddigeed isu si uma qiireeysna ee waa la kala daran
yahay. Mar haddii kuweenna dibedda ku nool ee indhuhu u furmeen (sida la
rajeeyo) annu awoodi weyney ineyno magaca Soomaaliyeed oo kaliya sharaftiisa
dacda ka illaallino oo an diblommaassiyiin fiican ka noqon weyney gudaha
dalalka na qaabbilay ee an ammaankeenna iyo nolosheenna u tiigsannay,
magaceennana dhooqeeyey oo wax sir ahba aynnu lahayn, kuwa guduhu eedda oo dhan
ma leh. Dibedjir dibjir ah.
Waxaa
hadda bulshoweynta Soomaaliyeed ka buuxa cirrooleyaal aad iyo aad u qiireeysan.
Waxay wali gocanayaan dhibaatooyinkii labaatankii sano ee lasoo dhaafay amaba
labaatankii ka sii horreeyey ee xukuummaddii miletari. Qeybtaani iyagoo waaweyn
ayey mararka qaar sidii dhoocilihii gafuurrada isu tuurayaan (iyagoo waddammo
kale qaxooti ku ah!) qabiillo dirirray awgood. Sidaasna caqli iyo dadnimo
moodaya. Waxaa dheer, dhallin ay koriyeen oo dibedda ku caqliyeysatay oo
qabiil-nacaybkoodu kuwa gudaha Soomaaliya jooga ka daran yahay.
Badanaa
waxay la jaan qaadaan waalidkood iyo waxey kusoo abuureen oo waxay, tusaale
ahaan, mareegaha iyo degellada Soomaaliyeed amaba kuwa kaleba u isticmaalaan si
qashin-qub ah oo kale, kana buuxiyaan aflagaaddo iyo wixii ay waa ahaan jireen,
hadda yihiin, ciil bax, islaweynni, faan iyo qabiil caydiis, iyo waxyaalo kale
oo qof dammiir lehi isu quurin inuu ku tiraabo. Inkasta oo aysan badanaa
garowsho u lahayn tusaalaha xun ee ay u yihiin dhallaankooda, tabtaani waa u
caado iyo dhaqan. Waa moogan-iyo-maahsan iyagu. Dalka oo ammaandarri daraadeed
an marnaba nabad buuxda u saldhiganeynna qaska iyo isdhexyaaca jira ayey dhumuc
weyn ku leedahay. Kala qeybsanaanta iyo is-aamin la'aanta Soomaalida dhexdeeda
ah ee uu shisheeyuhu og yahay si xeeladeysanna uga faa'iideysanahayo iyo
dhibaatooyin kale oo fara badan ee an lasoo koobi karin, gebigood horay ayey
ummado kale u soo mareen, sida Ruwaanda. Kulligoodna inta caqli jirin ee ay
qiiro jirto way jiri doonaan ama kuwo ka daranba waa imaan karaan mustaqbalka.
Kuwa hadda jiraaba qiiro iyo wax lamid ah oo la dhayelsadey ayey ugu horreyntii
ku bilowdeen. Dhimbil hurtay oo intii goori goor ahayd anan la damin ayaa
dhalisey dabka baxaya. Dad qiiraysani go'aan ay saaka gaareen baa duhurkii lagu
kala dhalandhooli.
Ummad
walba marka ay lasoo dersaan dhibaatooyin baaxaddaas leh waxaa saxa
dhallintooda oo dhammaanba khaladaadkii da'dii hore ayey beddelaan. Waxay
dhallintoodu diiwaan geliyaan fikrado ama dhaqammo cusub oo looga tallaabayo
midda guracan ee jirta, ummaddaasina sidaas ayey ku badbaaddaa oo waa wax la
Nasiibdarro,
wareerka dartii, dhallinta Soomaaliyeed ugu horreynba kalsoonidaas ma leh.
Waxaa inteysan hadal baran lagu beeraa nacaybka qoloda uu reerku neceb yahay.
Dhallaan ad dhashay oo ad nacayb bartaa waxay kaa dhigeysaa hoodo-laawe
summeeyey maskax cusub oo adduunka timid kana hor istaagtay wax suubbanaa oo ay
sameyn laheyd inta ay adduunka joogto. Islamar ahaantaasna, waxaad ugu
beddeshay mid xumaan-u-joog ah. Taasina inaadan marka horeba dhalin ayaa
dhaanta. Waxaa la'isweydiiyaa sababta keentay in ilmaha Soomaaliyeed badanaa ka
aadaab xun yihiin kuwa ajnabiga ah, qaarad walba oo ay joogaan. (Waa la isukeen
sheegay dunida oo dhan). Waxaa mar walba muuqata in cilladdu ka timaaddo
waalidka iyo guriga uu ilmahaas shiddeysani ku barbaaray, sida waalidku ula
dhaqmaan ilmaha iyo wixii ama ciddii ay ugu horreynta dhaqan ahaan la jaan
qaadaan – aalaaba waaridka, oo dayaca.
Nin
caddaan ah baa wax soo iibsadey, kadib, wuxuu arkay lagac saa'id ah oo
baaqigiisii soo raacday. Wiil yar oo uu dhalay iyo isaguba, waxay ku lugeeyeen
baraf dhexdii si lacagtii yarayd ee saa'idka ahayd loogu celiyo dukaankii. Mar
uu la sheekaysanayey dadkii dukaanka joogay ee la dhacay aamminaaddiisa, ayaa
waxaa hadalladiisii ka mid ahaa, in arrintu ay "tusaale xun u noqon lahayd
yarkayga haddii an lagacta keydsan lahaa". Nin Soomaaliyeed ayaa isna
isagoo sheeko ku jirey wiilkiisa yari gaariga aabbihii daaqaddiisa furay. Micne
maleh, balse, ta ku xigtey ayaa fiiro mudan. Aabbuhu markii uu arkay falka
wiilkiisa ayuu nimankii uu la sheekaysanayey ku yiri; "WAA GAANGIISTAR!"
Isagoo markaa u muuqday mid ku faraxsanaa tallaabada uu qaaday wiilkiisu.
Kuraydaasi waxay kala hayaan labo waddo. Reer baa tuug koriya, reerna
aqoonyahan.
Ummad
dhaqanka dhallaankeeda ayaa la eegaa marka loo kuurgalayo keeda guud. Waalidku
marar badan oo uu ku dhaqaaqo tusmooyin an maqalkoodu iyo muuqaalkoodu u
habbooneyn carruurtiisa kas iyo maag
Waalid
waalan ilmo waalan ayuu koriyaa meesha ku miyir iyo cilmi-na uu koriyo kuwo
cilmi iyo miyir wax ku fuliya. Dhaxalreebka-dabeecadeed waa dhaqan, maaha mid
isir.
Ummad
qiireeysani waxay itaalkeeda ku lumisaa wax an miro dhal u ahayn ee wakhti
dhammays un ah. Ogow, dad qiireeysan iyo barabixiddooduba waa isdabajoog, waa
hal iyo nirrigteed. Jiritaankeennu waa gabbaldhac. Malaha waxaannu u
baahannahay Md. Senghor oo kale oo ummadda si guud hal-abuur ugu cidda. Qiirada
na qafaalatay ee na dilatayna naga barbaariya, waayo, Soomaaliyi gacal ma leh.
W/Q:
Siciid Shire
SiciidShire@live.com
Xafiiska Wararka ee Toronto, Canada
Qaranimo Online
|
Adaabxumada waa mamnuuc. Sharciyada: 1- Haqorin ra'yi xun. 2- Ra'yigaada ha kucelcelin. 3- Ra'yigaada dadka yuu wax u dhimin. 4- Xushee dadka kale. |
Misconduct
members will be blocked. Rules: 1. Do not post rude comments. 2. Do not repeat. 3. Do not be rude to other members. 4. Respect others. |




