| Kulan dag dag ah oo ay yeesheen golaha waziirada oo lagu gorfeeyay arimaha amaan ee Magaalada Muqdisho |
|
|
||
|
|
|
|
May8, 2009 MUqdsho QOL) Kulan dag dag ah oo ay yeesheen golaha waziirada oo lagu gorfeeyay arimaha amaan ee Magaalada Muqdisho.
Golaha wasiirada ee DKMG ee Soomaaliya ayaa
kulan deg deg ah ka yeeshay xaalada amaan
ee magaalada Muqdisho, xilli uu dagaal shaley
galab ku dhexmarey xoogaga Maxkamadaha iyo
Al Shabab qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Kulanka oo ay albaaabadu u xirnaayeen waxaa
shir gudoominayey raisul wasaare Cumar C/rashiid
Cali Sharma’arke, iyadoo ay ka soo qeybgaleen
dhamaan xubnaha goaha xukuumada.
Kulanka inkastoo aan wax go’aan ah laga soo
saarin hadana waxaa si aad ah ay golaha wasiiradu
u falanqeeyeen xaalada amaan ee magaalada
iyo talaabooyinka ugu haboon ee lagu sugi
karo amaanka Muqdisho oo hadda dowlada dhuun
galyo ku noqdey. Xubno wasiiro ah oo kulanka
ka hadlay ayaa soo bandhigey aragtiyo ay u
arkaan in amaanka magaalada Muqdisho lagu
sugi karo kuwaasi oo raisul wasaaraha loo
gudbiyey.
Ilo ku dhow kulanka ayaa Saxaafada u sheegay
in kulanka lagu soo hadalqaadey dagaalkii
shaley dhexmarey xoogaga Maxkamadaha iyo Al
Shabab ee ka dhacay wadada Warshadaha, waxana
ay xubnaha wasiiradu tilmaameen dhamaan sida
ay u bilaabi karaan talaabooyin amaan oo wax
ku ool ah oo Muqdisho laga hirgaliyo.
Ma jirin wax war ah oo saxaafada kulanka laga
siiyey, hase yeeshee waxaa lagu wadaa in kulamo
kale ay yeeshaan golaha wasiirada iyadoo lala
kaashanayo odayaasha iyo culimada si dowladu
ay taageero ugu hesho ka adkaanta caqabadaha
amaan eek u hor gudban.
Kulanka ayaa qeyb ka ah kulamo xiriir ah oo ay dowlada Sheekh Shariif ku dooneyso inay ku hanato nabadgelyada Xamar oo fariisin hadda xukuumada iyo barlamankuba u ah.
Xafiiska Wararka ee Toronto, Canada
Qaranimo Online
|
Adaabxumada waa mamnuuc. Sharciyada: 1- Haqorin ra'yi xun. 2- Ra'yigaada ha kucelcelin. 3- Ra'yigaada dadka yuu wax u dhimin. 4- Xushee dadka kale. |
Misconduct
members will be blocked. Rules: 1. Do not post rude comments. 2. Do not repeat. 3. Do not be rude to other members. 4. Respect others. |






